Qore: Maxamed
Xasan
omarm@execulink.com
May 22, 2001
Waxa ayaamahan dambe soo baxay dad doonaya inay taariikhda Soomaaliya
siday ahaan jirtay aan u sheegayn si ay u gaadhaan danahooda gaarka ah una
adeegaya cadaw shisheeye.
Su'aasha is waydiinta mudani waxa weeyaan ka hor intaanu iman gumaystihii
reer yurub dalka Soomaaliya maxaynu ahayn?
Dad fara badan ayaa moodaya inay tahay imaatinka reer yurub mudo aad u
fog oo shan boqol oo sanadood ka dambaysay,hadaynu taariikhda dib ugu noqo
waxay ahayd markii reer yurub africa qaybsadeen waana 1884 waa mudo laga
joogo 117 sanadood (boqol iyo todobo iyo toban sanadood) waana 76 sanadood (todobaatan
lix sanadood) ka hor intaynaan gonimada ka qaadan cadawyadii dulkeena
qabsaday,halkaas waxa kaaga cadaanaysa inaynu ilownay waxaynu ahaan jirnay
ka hor gumaystayaashii reer yurub.
Meelaha soomaliya muranku ka taagan yahay waxa ka mid ah dawlada la magac
baxday Soomaali- land ama waqooyiga soomaaliya qofba waa siduu u
yaqaane,dhulkaas wuxu ahaa dhul Soomaaliyeed waxaana saami u helay
gumaystihii Ingiriiska taariikhdaas umadii dhulkaas ku noolayd 95% waxay
ahaayeen xoolo dhaqato noloshooduna waxay ku xidhnayd xoolaha ay dhaqdaan
siyaasad ama gumaysi waxba kalama ay socon Ingiriiskuna wuxuu ku ekaa
magaalooyinka xeebaha ah wuxuuna heshiisyo la saxiixday odayaashii
magaalyoonka qabqablayaasha ka ahaa.
Ingiriisku markuu heshiisyadaas la galay duqaydii magaalada Berbera waxa
dhulka yimi waddaado fidinaya diinta masiixiga kadib markay arintaasi
dhacday waxa arintaas qaadan waayey Sayid Maxamed cabdulle Xasan waxay
arintaasi ula muuqatay in wadankii la qaatay diintiina xididda loo saarayo.
Sayid Maxmed wuxu ku tashaday inuu arintaa ka dagaalamo wixii karaankiisa
ahna talaabo ka qaado,wuxu bilaabay inuu waaniyo dadka waxna u sheego si uu
u gaadhsiiyo dhibaatada gumaysiga iyo wuxuu damacsanyahay. dadkii
magaalooyinku ku dhaqnaa kama helin wax is garabtaaga oo ka dhiidhiya waxay
gaaladu dhulka ka wado ka dib wuxuu u kacay miyiga oo bulsha da Soomaaliyed
95% ku dhaqnayd oo ku lahaayeen xoog iyo xoolaba.
1897 isagoo koox wadaado ah wata ayuu ka soo baxay magaalada Berbera
dabadeedna wuxuu salka dhigtay ceelka la yidhaahdo "qoryawayne" oo magaalada
Burco u jira 60 mayl kana xiga geesta koonfur bari,wuxu hakaas ku abuuray
ciidamadii la magac baxay 'Daraawiish' mudo ka yar laba gu' iyo dayr markuu
Berbera ka soo baxay wuxuu isku duba riday dadkii dhulkaas ku noolaa
warkiisiina bari iyo galbeedba waa ka dhacay.
Gumaystihii Ingiriiska arintaas waa qaadan waayey waxayna ku noqotay
argagax iyo la yaab ,waxa kale oo la sii yaabeen mudada yar ee uu maqnaa iyo
guulaha uu gaadhay iyo waxyaabuhuu damacsan yahay.
Ciidamadii ka soo horjeeday ama la dagaalamayey Daraawiishta waxay
ahaayeen lix ciidan oo kala ahaa.
- Ciidamada Ingiriiska oo cududiisu ku tiirsanayd qabiilka Isaaqa.
- Ciidamada talyaaniga oo cududiisu ku tiiranayd Hawiye iyo
Majeerteen.
- Ciidamada Xabashida.
- Garaad Maxamuud Cali Shire oo qabiilka Warsangeli madax u ahaa
Ingiriiskana ay gacan saar lahaayeen.
- Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo Hobyo u talin jirey ahaana qabiilka
Majeerteen, Talyaanigana ay gacan saar lahaayeen
- Boqor Cusmaan oo gobaolka Bari u talin jiray ahaana qabiilka
Majeereen, talyaanigana gacan saar lahaayeen.
Intaas oo ciidamo ah oo Soomaali iyo gumaystayaashii reer yurub oo
caawinayey Daraawiishi gaashaanka ayay u daruurtay qof walboo Soomaliyeed
waa ogyahay taariikhdaas loogana sheekayn maayo,hadaan taariikhda dib ugu
laabto arin ka dhacday dekada magaalada Berbera oo markaa muslim iyo gaalaba
degenayd sanaduna waxay ahayd abaaraha 1895 Sayid Maxamed oo ka soo laabtay
Sucuudiga markuu ka soo degay dooniduu saarnaa ayaa lagu yidhi cashuur keen
wuxu ugu jawaabay gaalkii waydiiyey cashuurta adiga yaa cashuurtii kaa
qaaday markaad halkan timi? turjumaankii ka turjumayey ayaa ku jidhi gaalkii
waa wadaad waalena inaga daa Sayid Maxamed oo gaaldu u tiqiinay inuu ahaa
wadaad waalan oo aan ka baqin gaalada.
Dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara ciidamada Daraawiishta iyo kuwa
Ingiriisku wuxuu bilaabmay 1900 markaas oo ciidanka ingiriisku weerar aad u
balaadhan ku soo qaaday Daraawiishta dagaalka maalintaas bilaabmay wuxu sii
socday 20 sanadood iyo inta u dhaxaysa.
Dagaalada la ogyahay ama qoran ee dhex maray daraawiish iyo ingiriiska
iyo xulifadiisii waxay gaadhayaan 41 goobood waxana dagaaladaas ugu
waawaynaa ama dagaalada lagu hoobtay ka mid ahaa.
- Afbakayle oo dhacay 3-05-1901
- Fardhidin oo dhacay 16-07-1901
- Beerdhiga oo dhacay 10-08-1902
- Cagaarwayne oo dhacay 17-04-1903
- Daratoole oo dhacay 18-04-1903
- Jidbaale oo dhacay 10-01-1904
- Ruuga oo dhacay 9-10-1913
- Dayuuradii oo dhacday 1919
Gumaysiga Ingiriisku dagaaladaa wuxuu u qaybiyey dhawr qaybood oo midba
socday dhawr sanadood mid waliba wuxuu lahaa tabo u gaar ah iyo xoolo loogu
tala galay arimahaasi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay wax guul ahna kana
gaadhin. dadkii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen laba dad gaalka raacay oo
garab iyo gaashaanba u nowday iyo in raacday Daraawiish.
Sideed iyo toban Sanaadood markii dagaalkaasi socday,hadh iyo habeenba
lays garaacayey labada geesooba lagu hoobtay,dad iyo duunyo badanina ku
luntay Daraawiishina ay gaadhay ilaa buuraha Ceerigaabo iyo xeebaha eegaya
Cadan ayaa waxa u cadaatay Ingiriiska iyo xulifadiisii inaanay iska celin
karayn xooga Daraawiishta,kadib waxay talo ku gaadheen in ay adeegsadaan
diyaarado hadii kale ku guul daraysanayaan dagaalka ay isku wajahaan iyaga
iyo Daraawiishi.
Sanadkii 1919 bishii kowaad ayaa Ingiriiska iyo xulifadiisii Kaga soo
duuleen daraawiishta cirka,bada iyo dhulkaba waxa dagaalkaas ka qayb qaatay
siddeed diyaaradood oo ugu horayntii duqeeyey Midhishi, Jiidali, Badhan
meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd, Ceeldheer meesha la yidhaahdo
ayaa mid ka mid ah diyaaradihii lagu soo riday,
|
maalintii dambena waxay weerar aad u culus ku qaadeen magaalada Taleex oo
ahayd xarunta daraawiishta khasaare aad u fara badan waxay ugu gaysteen
ciidamadii fadhiyey xarunta daraawiishta.
Daraawiish oo guulo waawayn ka soo hoysay dagaalka lugta waxay la ahaatay
mid la yaab leh markii cirka laga weerar waxayna goosteen inay Nugaal ka
guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfureed si ciidankoodu meel uga soo wada
jeesto maxaa yeelay waxa ciidamo u joogeen agagaarka webi Shabeele,markii
go'aankaas la qaatay nin hadhay ama socon waayey mooyee waxay isugu
yimaadeen Qorra,Shiinaale,iyo Horushagax oo xarun u noqotay,ragii meesha
isugu tegay waxay ku tashadeen inay weerar rogaal celis ah qaadaan ciidamo
aad u fara badan way isu keeneen iyaga oo ambaxax ah oo aargoosta is leh
waxa ciidamadii ku dhacay cudur aan la hubin inuu ahaa daacuun, duumo, fanto,
furuq, ragii dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in dhimatay iyo in tabardaro
la jiifta.
Ingiriisku markuu arintaas maqlay wuxu ku soo qaaday dagaal aad u
balaadhan halkaas oo ay ku xasuuqeen ciidamadii Daraawiisheed ee cudurka la
jiiftay gacantana ku dhigeen waxay xoola lahaayeen,ciidamadaasi waxay
ahaayeen Soomaali uu hor kacayey Sir Archer Soomaliduna Caarshe-dheere u
tiqiin.
Daraawiishtii Nugaal ku hadhay Ingiriisku wuxuu ku saaray ciidamo aad u
fara badan haystana hub aad u fara badan amarna lagu soo siiyey inay cagta
mariyaan waxay u gartaan inay Daraawiish ahaan jireen dadkii halkaas ku
dhaqnaana waxay ula dhaqmeen si muslimada ka baxsan,ciidamadaas waxa madax u
ahaa nin Soomaliyeed oo la odhan jitay Carab dheere oo soomalida inteeda
badani sheekadiisa maqashay Ismaaciil Mirena ka tiriyey Gabayga la magac
baxay "ragow kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado", sheeko kale oo laga
weriyey Carab -dheere ayaa ahayd sidatan waxa la yidhi nin doob ah ayaa
waydiistay Carab-dheere walaashiis intii wax kale laga filayey wuxu ku
jawaabay ha la dilo markii la dilay ayaa la waydiiyey waxa ku kalifay inuu
arintaas ku kaco wuxu ku jawaabay anigoo Carab ah oo sabanka jooga ninka
walaashay i waydiistay berina anuu i soo doonayaa waa sida la wariyey waxa
halkaa ka muuqata sida ninkaasi u kibray gabayga kor ku xusana waa loo
tiriyey.
Taariikhda soomaliyeed intii gumaysigu soo galay wadankeena wejigaas ayay
lahayd gaar ahaan gobolada waqooyi ee Ingiriisku xukumayey,hadaba magaca
Soomaliland ma aha mid jiray ka hor Ingiriiska anigu waxan aaminsanahay in
umada Soomaaliyeed isku mid tahay ayna tahay midaan kala maarmin magacyada
laynoola baxay sidii aynu nahay caruur gumaystuhu dhalay waxay kala
fogaynayaan dadka inku soomaalida ah,isku diinta ah isku afka ah isku
dhaqanka ah waxan walaalahayga Soomaaliyeed ugu baqayaa inay wada jirka door
bidaan baaqaygu kuma koobna oo keliya waqooyi iyo koonfur ee waa mid ku
socda Jabuuti,N.F.D iyo Soomaaligalbeed,shanta Soomaaliyeed oo midowda oo ku
wada noolaata nabadgelyo iyo is ixtiraam aynu raadino,Qabyaalada waxa dawo u
ah ingoo qofba ka kale u arko inuu walaalkii yahay,ciilka iyo colaada idinku
abuurana ha la ilaawo Soomalidu maahmaho aad u wanaagsan ayay leedahay oo ku
saabsan ciilka taasoo odhanaysa "ragna calooshi la ciyaar iyo ciil kama
baxaa u daran" ha noqonina kuwa maahmaahdaasi sheegtay,bani-aadaigu waa is
dilaa waana heshiiyaa waxa la yidhi carab iyo laba daan baa isugu dhaw oo
iyaguba waa is qaniinaan wixii dhibaato ina soo martay waa mid inagu filan
ee nabada iyo walaaltinimada qiimeeya.
Waxan hadalkayga ku soo gunaanadayaa ha laga faano Somali-italian,
Somali-land, NFD, Somali-galbeed iyo Jabuuti, sharaftu waxay ku jirtaa
shanta soomaliyeed oo is raacda oo xidigta shanta geeska ahina calan u
tahay,waxa laga yaabaa in dadka qaarkiis yidhaahdaan ninkani wuu
riyoonayaa,waxanse ugu jawaabayaa hadaad wax jeceshay oo aad ilaahay
waydiisanaysid waxa la waydiistaa wax wayn aniguna Soomaali wayn ayaan
ilaahay waydiistay.
Qore: Maxamed Xasan
omarm@execulink.com
May 22, 2001
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan