SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cismaan Cabdi Bayid
London, UK
Obayid@hotmail.com



Cismaan Cabdi Bayid

    
Dawlad

Curiye:-Cismaan Cabdi Bayid

Maansadan deellayda ah waxay soo baxaday 23/07/2004, waxaana curiyay Cismaan Cabdi Bayid oo deggan magaalada London ee carriga Ingiriiska. Maansadani waxay ka mid tahay silsilad-maanseeddii Doodwanaag ee uu bilaabay Abwaan Maxamed Cali Cibaar oo ku nool waddanka Holland, uuna uga dambeeyey abwaanka lagu magacaabo Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon) kadibna ay dhallinyaro Soomaaliyeed halkaas kasii anba qaadeen, illaa iyo haddana kusocota qaabkii ama ujeeddadii loo aas-aasay oo ahayd wanaagga iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Maansada Dawlad oo ah maansadii 12aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxay aad uga hadleysaa halista ay ku sugantahay ummaddii Soomaaliyeed iyo waddankii ay ku nooleyd, oo haddii aan dadaal iyo dadnimo lala immaan ay ku soo muuqato khatar aan la saadaalin karin cawaaqib-xumideeda, haddii aan Rabbi weyne u gargaarin.

Dawlad, waxa kale oo ay aad u iftiimisay dhaqanka dadka fidnawadayaasha ah ee loo yaqaanno Dagaal-oogeyaasha. Waxayna guud ahaan ummadda ugu baaqaysaa in ay ka horyimaadaan oo ay iska qabtaan sharwadayaashaas, kuna dadaalaan sidii ay dawlad xalaala u dhisan lahaayeen, haybaddii qarannimana ay dib ugu soo cehsan lahaayeen, iyagoo badbaadada ka raadinaya dhinaca uu Alle noogu tilmaamay oo ah hab-nololeedka Islaamka. Waxayna maansadu gabagabadii Alle ka baryeeysaa in uu naxariistiisa noo fidiyo, Nagana badbaadiyo shirqoollada ay cadowgeennu maleegayaan. Ummadda Soomaaliyed iyo guud ahaan ummadaha islaamkana uu Alle ka dhigo dantood garad diintooda fahma.


Dawankaan dhawaaqiyo
Dabaylaha lalaayee
Soo dabaashay hawadee
Dareenkayga kiciyee
Doodwanaag la baxayoo
Daartaan ku noolaa
Dalaq iigu soo yiri
Dadaalkii cibaar iyo
Cumar doojintiisii
Rag kaloo darbadayoo
Darka dhinac ka shubayoo
Dhididkoodu da'ay iyo
Intii duubatoo idil
Howsha yeey ku daaline
Ha la wada daddaanshee
Alle deeqdi weeyee
Aniguna docdeeydii
Daacadnimo dhankeygii
Duullaankan nabadeed
U diyaar garoobee
Deelleeydan hiilka ah
Dawlad magacu uu yahay
Yaan soo diyaarshee
Diiwaan ha lagu qoro:

Diredire nin wada iyo
Deelqaaf mataataca
Daandaansi reeraad
Ruux darajo moodoow
Waa dan iyo xeeshaa
Dambi iyo ciqaabtii
Aakhiriyo dab naareed
Anna waan digtoonahay.

Arartaa bal ii dabar
Arrin kale ku soo durug
Anigoon dibnaha xiran
Sida webi dillaaciyo
Balli dayrtii buuxsamay
Durdur biyo macaanoo
Loo wada dureerooy
U aroorto duunyadu
Qalbiyada wax doojiya
Oon doolar lacagiyo
Hanti lagu dalbeeynoo
Dar ilaahay loo rabo
Aan idiinku deeqoo
Dareenkiinna kiciyee
Dabuubtaydu waxay tahay:

Danta inaan ka hadallaa
Dalkii hooyo waa magan
Dibad buuna yaallaa
Dagaal - ooge iyo belo
Dugaaggii cunaayiyo
Duul aan naxayn iyo
Horor kala dafaayiyo
Dibjir baana deris la ah
Dayac buu u halis yahay
Wali waxaan danninayaa
Haddaan Daa'inkeen furan
Qoom kale inuu dego!!

Doqon waa halkiisee
Digniin weeye halisoo
Nin damqada u taalloo
Waa iga dardaarane
Bal middaana ii dabar
Dacwad kalena waxay tahay:

Haddaannaan ma- diiriyo
Dammaniyo warmoogiyo
Wada noqon daciifoo
Nin damiir leh harayoon
Digigixasho leenahay
Dani seeto weeyee
Degellada dhulkeenniyo
Waa inaan dib aadnaa
Dalka aan xoraynaa
Cadowgana difaacnoon
Diinteenna barannoon
Dastuurkeenna raacnaa.

Danta guud midkaan garan
Oo maalin-daaq iyo
Tiisu ay u darantahay
Duuflaal inuu yahay
Laga daahay garashada
Isku diidi meeynoo
Kama taagna doodiye
Bal maxaa Dallaciddiyo
In la duubo keenoon
Uga daba ordeeynaa
Darajana u mudanyahay?

Dowgii ilaah iyo
Daliilkii quraankiyo
Nin ka leexday diinkii
Jaahilnimadu daranaa !
Daqar iyo dhib culusaa !
Daganaa nin keeda ah
Muxuu dabin ku dhacayaa!
Waxaa taa daliil u ah
Kuwaan daba dideeynoo
Aan diyaafadeeynoon
Waa doorar leenahay
Damdamlaha dalqama iyo
Dagaal ooge waa kee?!

Kii inkaartu dabartoo
Waalidkii u deyrshoo
Habaar lagu digsiiyoon
Abidkii ducaba arag
Nacaskii dagaaggiyo
Dalandool ku koray iyo
Ma dardaranihiibaa?

Ma midkii dubbaha iyo
La ordaayay daabkee
Dugsiyadii caruurtiyo
Arladiiba diirtoo
Daalacasho neceboo
Jaahilnimada daaciyo
Dammiinkaan wax baran baa?

Sidii duul cadaawe ah
Madaafiicda duushiyo
Ma midkii dabbaabaad
Nagu wada duqeeyoo
Dambaskaan ka yeeloo
Ummaddii dam siiyoo
Deegaankii burburiyaa?

Ma kii danabyadeennii
Duhur gowrac mariyoo
Da'yartiyo waxgaradkiyo
Culumaa'u diinkiyo
Dooxay umulaheennee
Dhiigeenna daadshee
Duulkii ka soo haray
Dibadaha u yaacshaa?

Ma dowdarkii wareeree
Goortii la dayrshee
Shacabkii ay diideen
Oodda soo dardarayee
Ha lay doorto maantiyo
Bilaash nagu dilaayoo
Xoog nagu duljoogoo
Dhallaankii dab saaroo
Dubtay hooyadood baa?

Ma duf-kubaxaha jaanoo
Dulmigiyo dhibkiisiyo
Xaaraan dalamsigeediyo
Dullaal iyo mallaalnimo
Wax is daba-maryeeyn iyo
Darxumada ku nooloon
Abid doorsameyn baa?

Ma duufaankii baasoo
Wax deeqaba la aragoo
Wax kastaba daldalayoo
Dalagyada rugtoodii
Daroogada ku beeroo
Ubadkii duraayiyo
Dadqalkaan xishoon baa?

Ma dabbaalki nacabkiyo
U dirnaa gumeeystoo
Xitaa durriyadiisii
Haddeey dabarjaraayaan
Aan daa lahaynoo
Calooshiisa duluqdiyo
Ay dalqadu u heestiyo
Dayuuskaan dhargeynoo
Iibsaday dalkiisaa?

Waxaan taa ku darayaa
Dadkaygoow dadkeeygoow
Sidatani dan maahee
Mar uun dib u xisaabtama
Waxa laysku duugiyo
Waxa dabin horteennaa
Bal dareen ku fiiriya
Dulli iyo afmiishaar
Illaa uu inala dego
Naarta noo dareeriyo
Miyaan daba ordeynaa
Dib ha loo shallaayee
Mise wayska diidnaa
Dibindaabyadiisiyo
Shirqoolkaan dareennaa?!

Doqon waa halkiisee
Digniin weeye halisoo
Nin damqada u taalloo
Waa iga dardaarane
Bal middaana ii dabar
Dooddeeydi maantana
Duco aan ku soo xiro:

Daa,inoow Allaahoow
Carrab dalableh naga dhawr
Daa inoow Allahayoow
Adaa deeqda bixiyee
Doodwanaag sideedaan
Dabayl caafimaadliyo
Doog iyo xareed iyo
Dambar laga durduurtaan
Degdeg kaa baryeeynaa


Daa'inoow Allaahoow
Waxa nalagu durayaa
Ama nalagu dilayaa
Diintaa islaamkiyo
Deeqdaad na siisiyo
Waa adi daraaddaa
Waanan kuu dansheegtee
Dullaanka cadowga ah
Sahal nooga kala didi
Daaf iyo ka daaftana
Dayoow bey ku sugantee
Inta duul islaamiyo
Soomaali daawee
Daafacooda u adkee
Danahooda garadsii
Ka dhig ul iyo diirkeed.

Daa,inoow Allaahoow
Dawarsiga shisheeyiyo
Dibad dhaawaceediyo
Dhaqan doorsankeediyo
Darxumooyin aragnaye
Dalkii hooyo nagu celi
Oo dawlad noo dhali
Dabadeed adkeeyoo
Dad ilaasha naga yeel.

AAMIIN AAMIIN
-------------------------
Cismaan Cabdi Bayid
London, UK
Obayid@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD