SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cumar Maxamuud Maxamed ( Baarqab)
Qaahira, Masar

Doodwanaag@hotmail.com



Cumar Maxamuud Maxamed (Baarqab)

    
 
Dahab

Curiye: Cumar Maxamuud Maxamed ( Baarqab)

Maansadaan la magac baxday Dahab waxaa curiyay Cumar Maxamuud Maxamed ( Baarqab), oo ku nool magaalada Qaahira ee waddanka Masar. Waana maansadii 13aad ee Silsilad-suugaaneedka Doodwanaag oo ay ujeeddadeedu tahay in lagu wacyi galiyo ummadda soomaaliyeed ee ay musiibadu ku habsatay.

Dahab, waxa ay dareen-wadaag iyo la ujeeddo tahay maansooyinkii ka horeeyay ee Doodwanaag. Waxayna xambaarsantahay, digniin, waano iyo dhiiri-gelin ku socota guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba.

Maansadu, waxay aad ugu dheeraatay lagama maarmaannimada in dagaal cad lagala hor yimaaddo dadka colaad-huriyeyaasha ah ee loo yaqaanno dagaal-oogeyaasha. Qolooyinkaas oo uu abwaanku xusay, haddii aan la iska qaban in ay ummadda u horseedi doonaan cawaaqib xumo adduun iyo cadaab aakhiro.

Ugu dambeeyntiina waxay Dahab, Alle ka baryeeysaa inuu ummadda ka qabto shaydaanka iyo shar-wadayaashiisa, uuna ummadda Soomaaliyeed ku soo dabbaalo nabad iyo caddaalad.

Dafta horaba sheekada
Dalaq intaanan soo dhihin
Bismilaahi waa doow
Daahaan ku furayaa
Dahab weeye maansadu
Doog iyo cagaar iyo
Daruur hoortay oo kale
Ma duugoowdo waligeed
Abwaan waliba doorkii
Ninba meeshi uu dego
Diiwaan buu galayaa
Aan daxali karinoo
Berri durriyaddeenniyo
Da'da soo koreeysaa
Ay daalacdaanoo
Duruus ay ka qaataan.

Dantii gabuhu waligii
Dulli kama fogaadee
Somalaay ha dacaroon
Halka lagugu dagayiyo
Ka wareego dabinnada
Ha ka dudin walaalkaa
Ha ku digan dhib tiisa ah
Si kastooy duruuf tahay
Saan dugaaggu kuu cunin
Dooro wadajirkaadoo
Waligaa ha kala didin.

Docda kalana sheekada
Dantii aan lahaa iyo
Bal aan hoos usoo dago:

Durbaankii dhawaaqiyo
Nin doorkii i kiciyee
Doodwanaag bilaaboow
Salaan diiran iga hano
Dulmi kuguma raacine
Dariiqii xaqa ahaa
Adaa diirad saaroo
Doondoonay samihii
Aniguna nin daacada
Waa la'ii dardaarmoo
Dagaalkiisa kama haro
Dadaalkaaga labanlaab
Igu daa dhankeeygana.

Dabraye taa waxaa dheer
Kala daadsanaantiyo
Diiftiyo colaaduhu
Ragoow daawo maahee
Duulkaan miskiinkaa
Dadoow yaa u maqanoo
Yaa u diir naxaayoo
Maanta aan u deeynaa?

Dooransiis ma joogtee
Inta xumaha doontiyo
Dulligaan is garabsaday
Oon wax deeqayaa jirrin
Dadqalladan is biirsaday
Dabcigooda aragnaye
Ma sii daawaneeynaa?!
Heeryada wax diidoo
Dulmigaan ka dhiidhiya
Uu damiir ku haray iyo
Miyaan diirrimaad jirin?

Ma ogtahay dugaaguba
Halka manta lagu dilo
Wuu dabeyshadaayoo
Dib danbeeto uma tago
Annaguna dad baan nahay
Caqli lagu dirsoocoo
Rabbi darajo siiyee
Dagaal -oogeyaashiyo
Mooryaan dideeysiyo
Daydayga iyo tuugada
Jirrigaan dagaagga ah
Qabiilkaan na daashaday
Ma dalkaan u deynaa?
Mise intaanan dumminoo
Daacuunku sii fidin
Oonan dunida silic mudan
Aakhirana dab naareed
Dayuusnimo ma fiicnee
Waxa waan la dirirnaa?

Dantii gabuhu waligii
Dulli kama fogaadee
Somalaay ha dacaroon
Halka lagugu dagayiyo
Ka wareego dabinnada
Ha ka dudin walaalkaa
Ha ku digan dhib tiisa ah
Si kastooy duruuf tahay
Saan dugaaggu kuu cunin
Dooro wadajirkaadoo
Waligaa ha kala didin.

Dig dig beena lama rabo
Xaalkeenu wuu dagay
Digrii eber ka hoosmaray
Duni kuwa u liitiyo
Ducufaanu wada nahay
Diihaal ku nooloo
Diif aan ka bixinoo
Dawarsanaya meelaha
Oon loo damqeeynoo
Mid ku diirsan mooyee
Ruux daneeynayaa jirin
Daqarkiyo dhibkeeda ah.

Waxaan taa ku darayaa
Deeq ilaahay weeyee
Dad Islaam ah baan nahay
Diirkiyo afkaba mida
Hadana waan is dooxnoo
Dalkeenii qurxoonaa
Dhulka waatan kagu daray
Dibadahaan u yaacnoo
Dulsaar weeye maatidi
Deeq kaniisad keentaa
Dadku maanta biishaa
Daa'in baan ku dhaartaye
Haddeynaan is dabaqaban
Dacal baan ka lulanaa
Ninkii ila dareemiyo
Ninkii wali ka diimoon
Dariiqii halaaggiyo
Jidkii dabar go'eenniyo
Halis baanu daaqanaa!.


Dantii gabuhu waligii
Dulli kama fogaadee
Somalaay ha dacaroon
Halka lagugu dagayiyo
Ka wareego dabinnada
Ha ka dudin walaalkaa
Ha ku digan dhib tiisa ah
Si kastooy duruuf tahay
Saan dugaaggu kuu cunin
Dooro wadajirkaadoo
Waligaa ha kala didin.

Abwaannadii dalkeeygoow
Su'aal baan idiin diri
Jawaab baan dalbanayaa;
Dadkan yaa dabroo baas
Yaa is diida yiri iyo
Ha la kala dareeroo
Xigto ha isku duushoo
Daris hays ugaarsado?

Damiirkiyo xishoodkii
Darajiyo qabkeennii
Kartidiyo dadaalkii
Duulkan yaa ka qaadoo
Iska daba-wareegoo
Dulsaar iska ahaadoo
Waligaa ha dagin yiri?

Walaal wuu si dili jiray
Dibse wuu heshiin jiray
Yaa nabadi diidoo
Khayrkii ka deyrshoo
Naxariis dabooloo
Daandaansi iyo kibir
Colaad aan dameyn iyo
Dabka Huriya nagu yiri?

Deeqsiyiinta hadalkiyo
Hal -abuurka duubtoow
Deeleydan noo Furan
Daadihiya oo wada
Dabac yuu marnaba gelin
Danta aanu leenahay
Illaa loo dabbaaldego
Damaashaadna loo dhigo
Ooy dumar mashxaradaan
Yaan la dhigin direeyskee
Dhufeeysyada dul joogoo
Diyaaradaha miiggiyo
Dabbaabaadka waaweyn
Iyadaa ka daranoo
Dagaal waa hubkeedee
Murtideenna daalacan
Darandoorri labo-lisa.

Waxaan taa ku darayaa
Ragga iga dambeeyee
Damqashada bestoodee
Ruugaaya dibintoow
Anigoon ku daaheyn
Idinkaan Idiin Deyn
Darku Wuu Banaan Yahay
Duubitaanka hadalkana
Dooda aan kusoo xirro
Oon noo duceeyee
Aammiin ha lagu daro:

Ilaahoow na darajee
Naga yeel dad daacada
Islaam nimo ku daahira
Raboow dowlad caadila
Adaan kaa dalbeeynaa
Inataan Samaha Dooneyn
Dockastoo ay joogaan
Adaa daalacanayee
Dulmigooda naga qabo
Shaydaanka naga dabar
Daacadnimo shaqeeysiyo
Diracyaan baqeeynoo
Daafaca adkeeyiyo
Dar caddaalad jeceloo
Dulmi naga horjoogsada
Dabeyl caafimaad iyo
Cirka roob ka soo da'a
nimcadaada dalabnaye
Nabad aan ku daaqnee
Dul ahaan heshiis iyo
Xal degdegana noo keen.
************
Aamiin Aamiin Aamiin YAA RABI

Curiye: Cumar Maxamuud Maxamed ( Baarqab)
 

Faafin: SomaliTalk.com | August 1, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD