SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Cabdullahi Bootaan Xasan (kurweyne)
London, UK
Botannet@hotmail.com



Cabdullahi Bootaan Xasan

Darajo


Curiye: Cabdullahi Bootaan Xasan (kurweyne)
London, UK

Maansadaan la magac baxday Darajo, waxaa curiyay Cabdullaahi Bootaan xasan ( Kurweyne), oo ku nool magaalada London ee waddanka Ingiriiska. Maansadan oo ah maansadii 22aad ee Silsillad-suugaaneedda Doodwanaag, waxay taxanaha ku soo biirtay 25kii Sebteembar sanadkii 2004-ta.

Maansada Darajo, waxay ka digtay dhibaatooyinka ay ummadda ku hayaan Dagaal-oogeyaasha iyo duulalka ay adeegsadaan. Waxayna xustay in haddii aysan dulmi-ku-noolayaashu garab iyo taageero ka helin qaybo bulshada ka mid ah, ama dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh, ay adkaan lahayd in ay ummadda u gaystaan dhibaatooyimkan laga soo kaban la' yahay.

Dadow Bisinku waa door
Dibnihii jecladaana
Dantoodaa hagaagtoo
Duug wanaagsan reebtoo
Shaydaan ma daakhilo
Dariiqyada xumaantana
Waa laga duwaayoo
Samaa lagu dabaalaa
Dabcan anigu maantana
Wax ku doorsan maayoo
Docna kama maraayee
Doodda aan ku daah furo.

Daayim eebaheenbaa
Kalinnimo uu doortiyo
Darajiyo wanaagba leh
Danbayn nabiguu soo diray
Oon dadkiisi noqonnaa
Duco iyo salaama leh.

Dan iyo howl u daayoo
Da’iyo labo ku dihashadi
Inkastoon digniin helay
Oon ka daahay maansada
Aaban ugu danbeeyee
Dood-wadaag ragii furay
Dadnimmiyo isqaamba leh

Daabacaagan qorayee
Misna duubay codadkee
Dar illaahay mooyee
Isagoon dan kale wadan
Daafaha adduunyada
Meel walbaba u dirayee
Laga daalacanayee
Duruus nooga dhigaybaa
ajar doonistiisa leh.

Duubab iyo Suldaanniyo
Duqoow iyo waxgarad iyo
Diinle iyo nin-doorkii
Dadka dhiiri galiyee
Dooddan soo dhoweeyee
Wax ka daadaheeyaa
Caano daadintoodiyo
Cisi laga dambeeyo leh.

Dumarkiyo caruurtiyo
Dadweynaha dhammaantii
Dalbadoo akhriyayoo
U dabaaldegaayoo
Farxad iyo damaashaad
Ku qaabilay dareenkaa
Damiir caafimaadba leh.

Rag dareen wadaagoo
Diidaya xumaantoo
Dadna aan iska aqoon
Dacallada aduunkiyo
Daafahaa ku kala nool
Haddii Doodwanaag iyo
Dar kulmiyeyba loo helay
Mahad Daa'imkays ka leh

Aan daayo arartoo
Danta curinta keentiyo
Aan u dego ujeedkee
Dadaal reeban maayoo
Da’yarina ma filayee
Wax aqoonni diiddana
Garashaa dawaysee
Yaanan xagal ka daacine
Haddaan deelka maansada
Dowgeeda ka anbado
Anigaa dalbanayee
Igu duwa dariiqoo
Ii deda halkii duran.

Inkastoonan diin badan
Duruusteeda dhigannoo
Daalib weli an ahayoo
Daaci buuxa aan noqon
Inaan soo deg dego oo
Wacdi aan dareershoon
Maansana ku daabaco
Duruuftay faraysoo
Danbaa keentay maantee
Danbi Eebow iga dhaaf
Haddii aan dacwiyo khalad
Daliil-na waa xadiiskaan
Dadka badanki wada garan
Ku dig aayad diineed
Degmadaad ku nooshiyo
Dadka ehelka kuu xiga.

Dunidaan an joogniyo
Danbaysada xisaabtee
Dadku labo u kala baxo
Deyr islaam dad galaybaa
Kolkey laba darleeyeen
Dariiq kale la qaadshoo
Lagu daray kufaartee
Danbigey galeen iyo
Danbayn toodi ila daya:

Duul Eebe doortoo
Dur-durrada fardowsiyo
Jannadiisa doogga leh
Ku dakeeya raaxoo
Wax naftoodu doontana
Daqiiqado an suginoo
Diyaar looga dhigayoo
Daarti hore sideedii
Da’aad soo duqowdiyo
Cudurrada wax daariyo
Dayn laysku yeeshiyo
Duruuf kugu xummaatiyo
Aanu jirin dagaal oo
Dadku wada walaal yahay
Deris iyo xigaal yahay
Isu khayr dardaarmoo
Daa'imna ay mahadshaan.

Dulmi badanayaashii
Digeyaashii loo diray
U duwaayay dhabaarkee
Ka dabooshay dhegehee
Nabiyadii duraayee
Masaakiinta dilayee
Deldelaayey culimada
Diidoo xaqii nacay
Danbaaburaha holaca leh
Naaraha wax duba iyo
Jahannamey ku dalaq oran.

Danta iyo ujeeddada
Aan idiin dilaacshee
Daanta hoose waxa dega
Daahir kuwo islaamoo
Diinta sheeganaayoo
Qalbigana Nifaaq dilay!
Daxal yahay madow badan
Daacad- laawe yaalkii
Danbigoodu sidii daad
Jidhka dhidid ka soo duxay
Dusha sare ka marayoo
Doogsamay sidii dallow
Dowlis adag ku dubanoo
Dulka ceelka loo riday.

Waxaan uga danleeyahay
Dunjigeenna soomaal
Dul ahaan Markaan dayey
Dad kufriya ma oran karo!
Daakiraad subxi iyo duhur
Aadaam dul loo baxo
Salaaad loo darbado oo
Masjidyada daf laga dhaho
Dugsiyada qur’aankiyo
Dikri iyo ducaa taal.

Markii laga dareerana
Dulmi iyo dhibaatiyo
Duulaan qabiiliyo
Kala doco-docaysiyo
Degmo Iyo dhul qaybsiyo
Goboleysi doon iyo
Dagniin, dabin dhib baa jira!.

Dowlad kale shirkeediyo
Dood markay u kulantana
Dad walaala noqotoo
Diin iyo ka siman dhaqan
Dan wadaagto weeyaan
Aan is diiddaneynoo
Durbaan baysu tumayaan
Ka danbeynin gogoshaas.

Danbi aad u daran iyo
Dulmi laguma rooree
Dadow daacad wax u qabo
Suugaan duubahow weri
Midka daabacow badi
Qofkii daalacdow arag
Diin fidiyahow sheeg
Duqowdiyo nin duubliyo
Xukun doonahow maqal
Dagaal oogayaalkoow
Dadkii demag ka siise e
Daayimkiin ka yaaboo
Duudka haray ha dabar jarin
Halkaas aan dareershana
Dantii aan lahaa iyo
Dulucdiisa fahantee
Duddo dhexe la waayaye
Labba dacal mid uun raac.

Afartaan digniin dhehe
Deel-qaafka Muunsana
Iska doonis maahoo
Danbaa kugu xanbaartoo
Dubaakhaaga hoosiyo
Wax damiirka kiciyoo
Sidii danab ku taabtoo
Aad iska dananto weeyee
Dood kale haddaan dayey.

Dib u eegisteennii
Dalkii naga burburaybaa
Qofba diirad saaraye
Dadku magacyo kale iyo
Dagaal ehel dhex maray iyo
Dirir bay ku sheegeen
Anse igala duwanoo
Doc kalaan ka eegaye
Dab uu kaafir shidayoo
Dano dheer ka leeyoo
Qorshe nacab u degayoo
Dammanaan wax garan iyo
Dagaal -ooge huriyiyo
Duul habaaran fuliyaa
Doorkaan u daayaye
Aan u doorto magac daran
Dabarjara colaadeey
Dabadheer abaareey
Duunyada adoon dilin
Dadka doorbideysaay
Duumada kaneeciyo
Daacuunka halistaa
Dadku waa u siman yahay
Adse doorka laayaay!!

Intii soo dagaagtiyo
Dal shisheeye aadkii
Iyadoon la diran sahan
Dibadaha u dhoofkii
Duruuf iyo dhib owgeed
Iska soo dillaankii
Dayac maxaa ka dhacayoo
Dadku badanki wada qiray.

Abwaan aad u door culus
Danbigiis la dhaafkii
Duqqii tima cadaaa yiri:-
"Nin dalkiisi doorsaday
Ma helaayo darajee"
Danta lagama boodee
Dib inaan u noqonnoo
Aan diyaar garownana
Damiirka yaan mar laga bixin.

Afartaas dal iyo dibad
Dib u’eegistood dhehe
Dood kale haddaan dayey.

Dubnad lagu shaxaayaa
Nin saliim dabooloo
Dooheyn u labo yiri
Asoo dacal u xiran yahay
Asaan daaficihi hayn
Digeygii maqnaabaa
Cadow sii darbeeyoo
Daantan midig ka boodoo
Saaxiib kiisna lagu diray
Uu ku dilay cadaantii
Dadow idin su’aalaye
Iska dege dib aan dhugan
Docdee buu la jaal yahay?

Waxse igala daran kaa
Midka daawanaayee
Ku duqoobay geedoo
Duunyo kale an abid dhaqan
Dar illaahna uga tegin.
Iska dacal fariistee
U difoose doodee
Waa dadaashay oranoo
Dadna waad u badisaa
Kuna daba istaagnaye
Duljoogtada dareen geli
U dalab doolshe iyo shaah.

Waxaan uga danleeyahay
Dable aan dugsiba gelin
Dun kastaba hayeeshee
Dagaal -ooge kaligiis
Dab uu shiday ma huri karo
Daar iyo labo un mooyee
Deegaan idil ma gubi karo
Haddii aanu dad kale helin
Cadowgoo dan weyn liyo
Dalku kuwuu sugaayiyo
Diktoorraa u hiilliya
Laga duubay garashoo
Daba taagan baddow aan
Dummis iyo dilliin iyo
Dib usocosho mooyee
Dow hagaagsan aan garan.

Waxba dalabka maansadu
Yaanay ila dawaafine
Dabar aan iskaga xiro
Oon dardaaran guud dhaho.

Isagoow danbeeyoo
Rasuulkeenna (scw) dabadii
Lama dirayo Nabi kale
Ilaa daba-gaddoonkiyo
Dunidani dhamaatana
Dadkiisaa mas'uul ka ah
Dulmi caabbintiisiyo
Xaqa daaficiisoo
Waajib laysu dirayoo
Dushayada ah baa jira.

Duni wixii la soo maray
Dadyowgii ku noolaa
Waxaan uga duwnaannoo
Doorka kheyrka loo helay
Waa daacad fariddiyo
Wanaag lays dardaarmiyo
Dulmigiyo xummaantoo
Dadka laga nahyinayoo
Dar illaahey loo kaco
Weeye dulucda hadalkuye
Aan wada dareernoo
Dadaalnoo dhamaanteen
Danaheenna garanoon
Darxumadan inoo taal
Si un uga dul-boodnee
Dadow maqal ha daayicin.

----------------------------------
Mahadsanidiin .
Cabdullahi Bootaan Xasan (kurweyne)
London, UK
Botannet@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD