SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Curiye: Cali cabdi xasan ( Baarreey)
B/Weyne, Soomaaliya
Baarreey114@hotmail.com



Cali cabdi xasan ( Baarreey)

 Daljir

Curiye: Cali cabdi xasan (Baarreey)
B/Weyne, Somalia

Maansadaan la magac-baxday Daljir waxaa curiyay Cali Cabdi Xasan (Baarreey), oo ku nool magaalada Balad-weyne ee waddanka Soomaaliya. Daljir, oo ah maansadii ugu horraysay ee ka timaadda waddankii gudihiisu, waxay ku soo biirtay taxanaha Doodwanaag 27kii Sebteembar 2004-tii, waana maansadii 23aad ee silsillad-suugaanedda Doodwanaag.

Maansadu waxay aad ugu fogaatay dhaqanka Dagaal-oogeyaasha iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada. Waxa kale oo ay maansadu xustay halgankii qaraaraa ee loo soo galay hanashada gobonnimda iyo sida ay u dayacantahay markuu Rabbi naga dulqaaday heeryadii gumaysiga. Waxayna maansadu ummadda Soomaaliyeed ku waaninaysaa in la is dabaqabto oo xal loo doono dhibaatooyinkan jiitamaya ee dad, duunyo iyo Diinba naafeeyay.


Bismilaahi deelleey
Doodwanaagta furaneey
Daacad iyo garsoornimo
Dadka uga adeegtaay
Danbi iyo xumaatiyo
Waxey diintu nacebtahay
Daahir tii ka noqotaay
Dariiqii islaannimo
Damqashada waddannimo
Daruufihii la soo maray
Runta daacadnimadiyo
Midnimada u dooddaay.

Shacabkaan daleenka ah
Cudurrada dilaaga ah
Daacuun caloolaha
Duraygiyo jadeecada
Malaariyada dacartiyo
Duumadeeda halista ah
Dhaqtarkii dabiibiyo
Dawo wacan u noqotaay.

Ummad kala dullowdoo
Ninba dacal u guuroo
Dakaniyo dhibaatiyo
Dilku uu ku badan yahay
Qaarne uu dagaagoo
Dalalkaa shisheeyaha
Dawarsiga ku nool yahay
Darajiyo wanaag iyo
Nabad lagu dabaashiyo
Saadaal ku doontaay.

Daris iyo walaal iyo
Soddoh iyo dumaashiyo
Xigto laysku dirayoo
Kala doolalaaboo
Afar daafood kala dagay
Daacad iyo walaalnimo
Same ugu dabqaadaay.

Maatadan dayacanee
Inta cudur dilaayoo
Gaajada u daran tahay
Ayadooy dul fuulaan
Madfac loogu darayoo
Lagu dummiyay hooygoo
Dhaawacyada kala daran
Xubnahoodii dahabkaa
Ay noqdeen daqiiqdoo
Faashad laysku duubiyo
Aan daawo helinoo
Dhiigguna dis leeyahay
Daanqaad cuntood iyo
Dheef soo duxaysiyo
Daryeelkii islaannimo
Deeq wacan u fidisaay.

Dulmaniyo miskiinkaba
Wixii duudsi uga lumay
Xaqoodii u doodaay
Nabad ugu dadaashaay
Nimco ay darduurtaan
Dalagyada u beeraay
Dandarrada dhibaatiyo
Diihaalka bi'isaay.

Dhaqan naga da' weyniyo
Duca waalid keenaay
Xaaladaha dahsooniyo
Kuwa doqon ma garataa
Daliilkiyo tusaalaha
Diiwaan ku qorataay.

Abwaannada damiirka leh
Dunidana ku kala nool
Daaf kastoo ay joogaan
Fikraddooda dahabkaa
Dulucdiyo ujeeddada
Danta guud waxeey tahay
Iyagoo ka doodaa
Tii isku duweysee
Tafaraaruq diiddiyo
Dalladdii aqoontaay.
Dugsiyadii carruurtiyo
Diraalkii tacliintiyo
Qalinkiyo dawaaddiyo
Casharrada la daabaco
Dersi macallin dhigay iyo
Dawankii waxbarashada
Cilmi diiraddiisaay.

Dhaxalkii darwiishkaay
Bulsha daadaheysaay
Doog iyo barwaaqiyo
Durdur iyo xareediyo
Dabeeyl caafimaadeey.

Sabannada daruufaha
Dabeeylaha isdaba mara
Jiil waliba da' diisiyo
Iyadoonan duug noqon
Dihankeedu gaagixin
Danbarkeeda siisoo
Diiwaan u gelisaay.

Hiddaheenna doorka ah
Marka duluca loo jaro
Dhaqankeennu doorsamo
Shisheeyaha la daba galo
Diintana la dhalan rogo
Daaficii adkaa iyo
Marna taan dabceynee
Dulduleel lahaynee
Xumoo idil la dirirtaay
Dajisada colaaddaay
Dugsi nabad-galyaadeey

Daa'im lagama quustee
Dadkoo hoos u foorara
Oo badi dabbaalnimo
Daawashada xumaha iyo
Dayrada ku nooloo
Diiddan ficil dhammaantii
Ooy koox Dajaallo ah
Sidii duunyadoo kale
Dusha ay ka rarayaan
Damiir tuu ku harayee
Hebednimada diiddee
Gobonnimo u dirirtaay
Sidaan kuugu diirsaday
Inta ila dareeniyo
Kolley daa’ imkaa garan
Aanan kula dardaarmee
DALJIREEY warkaan maqal:


Deeqdii Ilaah iyo
Daawad hohe! hasheenii
Wuxu cadow ku duuloo
Dowlado shisheeya ah
Ay soo degaanoo
Inay naga dafaan iyo
Muruq nagu dayaanoon
Difaac culus ka haynoon
Heeryada ka diidnaba.

Iyagoo inoo daran
Duul saaxibbaan nahay
Waxay doolar iyo maal
Daacadnimo ka beeniyo
Dabin noo dhigaanoo
Daa’im noo gargaaroo
Rabbi naga dul bootiyo.

Waxaan soo dadaalnoo
Aan ducada badinnoo
Daabanno hubkeennoon
Qori deegta saarnoo
Jihaad loo dareeroon
Geesiyaasha kala daran
Aan halyeeyo duugnaba.

Markii aanu didinneen
Kala daalnay dhagaxyee
Daqarraynay cadowgee
Gumaysigii darbaynee
uu degalladeennii
Calankii ka duubtoo
Kaba baxay dalkeennii
Dumarkina mashxaradeen
Lama doorin shaynoo
Dastuurkoodi baa dhigan
Dabadhilif haraa jira
Isagaa dadka u mudan
Duxna malaha gobonimo
Waa shaygan iga degin!!

Daawad oo diyaaroo
Danbarkeeda caanahu
Sida ay u da' ayeen
Dhulka dufan u yeeleen
Dibjirkiyo agoonkuna
Ay deeq ka sugayaan
Ayaa dabarki laga furay
Lagu eriyay duurkoo
Libaax dool ku yimid iyo
Dabagaab waraabiyo
Inta habar dugaagga ah
Dawacadi koleey tahay
Damac uu ka galayoo
Dubaaxdeeda sugayoo
Dayac bay ku sugan tahay
Cid dammaanad qaaddoo
Uba diirnaxaysoo
U daneeysa lama arag
Waa shaygan iga degin !

Waxaa taas ka sii daran
Diraciyo halyeeygii
Dakigiyo wax-garadkii
Cuqaashii dalkeennee
Bulsho daadahayn jiray
Goortii la duugaa
Waxa dibad u soo baxay
Duulal badi habaar qaba
Dooqoodna uu yahay
Waxay dalqada mariyaan
Iyo shacab derderanoo
Dowgii ka lumayoon
Ruuxii u daran iyo
Daacadka an kala garan!.

Dulmi sheegi maayee
Waxaa taa daliil u ah
Degmooyinka kuweenna ah
Waxaa door la moodaa
kaligii daneystaha
Maatada duqeeyaha
Madfac daran ku laayaha
Dugsiyada waxbarashada
Daaraha duddumiyaha
Shacbi kala dagaagshaha
Dumarkiyo caruuraha
Macluul ku deeqaha!.

Degmooyinka kuweenna ah
Waxa door la moodaa
Mooryaan dariiqyada
Duhurkii ku gooyaha
Isbaarada dul saartaha
Diiratiyo col keenaha
Dubaaq aadmi leeyahay
Damiirkii islaannimo
Daqal dheer ka tuuraha
Dullinimo ku faanaha !.


Degmooyinka kuweenna ah
Waxa door la moodaa
Culimada ducaysiyo
Digtoorrada cilmiga iyo
Nin kastoo dubnixi laa
Himilada danayn laa
Dadka samatabixin laa
Deg deg loo ugaarsado
Dabin iyo shirqool iyo
Ciidan iyo dableey iyo
Afduub kula dadaalaha!.

Degmooyinka kuweenna ah
Waxa door la moodaa
Dumarkii xishoodkiyo
Darajada mudnaan jiray
Asoon hooyo dihatiyo
U naxaynin Deeqaba
Dahabkeey siteen iyo
Diracyada ka siibtaha !.

Dooddiyo ujeeddada
Haddaan hoos u sii dago
Dulucdaydu waxay tahay:

Maxaa loo dagaallamay?
Maxaa dulmiga loo falay?
Miyaan diinta loo dhalan?
Danqashiyo xasuustiyo
Dubka aadmi leeyahay
Miyeeynaan dir wada galin?

Dilka iyo dhibaatatiyo
Dirirtiyo qabyaaladdu
Dullinimo un mooyee
Dambi dhaaf ma noqotaa ?

Duufaankan baasee
Dam ka siiyay uunkii
Gabbaad laga dugsado iyo
Deyraan lamari karin
Darbi adag ma noqotaa?

Damaaciga haboowga ah
Duraniyo afmiishaar
Duulka lagu adeegtiyo
Inta maanta noo daran
Cadaawaha ma didisaa
Mise wow danaysaa?

Dalka horumarkiisiyo
Cilmi loo dareeriyo
Mashaariic is dabataal
Dalagyada ma beertaa?
Diihaalkiyo dhibaatada
Dandarrada ma bi’ isaa?

Dakadiyo maraakiib
Duulaa-dageenkiyo
halka lagu dalxiisiyo
Diyaarado ma keentaa?

Shacabkiyo dalkaygaan
Sumcadiisu dilantana
Dowlad iyo Qarannimo
Maku daadahaysaa?

Aan nabarka dooxee
Dammanaan haddeey jirin
Halkuu xaal u daadegay
Dafiraad ka weynoo
Nala yaabtay duniduye
War ammaanba durannahay?

Dugsi maleh qabyaaladi
Waxaa noogu sii digay
C/laahi Diirshee
Haddii uu damiir jiro
Daabaddan Iblayskiyo
Daallimiin ku guuraan
Horta mays ka deysaan
Dhulka maad ku dugtaan
Intaad dooni saartaan
Duuflaal tiraahdaan
Dal-shisheeye geysaan!.

Arrin kale haddaan dayo
Dariiqii habeen dhuma
Duhur iyo dharaar bey
Dayashadi macaan tahay
Ninba duunyo tiisa ah
Inuu deyr u ootaa
Isageey dantiis tahay
Dani ruuxay hayseey
Digashadu ku ceeb tahay
Derintaan la dayac-tirin
Horeey duug u noqotaa
Shacabkaan daryeel helin
Dawarsiga shisheeyuu
Xarragiyo dan moodaa
Neefkii dibboodee
Marka gabbalku uu dumo
Kali howdka daaqana
Reeraha dushooduu
Waraabuhu ku dooxaa !

Waxaan ugu dan leeyahay;
Gabadheena deeqa ah
Hadaan dayaca laga celin
Dirac iyo nin dhaqi kara
Haddaan dayrtan lagu xirin
Aroos loo durbaan tumo
Haddaan deginka reeraha
Faraskiyo darmaantii
Dirkii dhoodimeer dhalay
Farxad iyo damaashaad
Dhammaan loo dabbaaldegin.

Ummaddeena daalkiyo
Diiftu ay ku raagtee
Idilkeed dagaagga ah
Durdur iyo xareediyo
Balliyada dif wada yiri
Hadeynaan dabaalsiin.

Dirirtiyo colaadaha
Dabka shidan ninkii hurin
Dulmigiyo dhibkuu wado
Iyo diradiraalaha
Haddaan diidnay lagu oran.

Hadday caano daataan
Horaa weelka dabadiyo
Loo qabtaa darduurtee
Haddaynaan is daboqaban
Waa dabar go'eenne
Dalka yaa inoo dagi ?!
Yaa duunyo noo dhaqi ?!
Haweenkaan dayoobeed
Diracyadi ka leyseen
Horta yaa dummaal ku leh?!

Agoomahan dayacanee
Dariiqyada ku hooydee
Wax daneeya waayeey
Qaar barteen daroogada
Ubadkaan la daadshiyo
Durriyadaad dhalaysaan
daryeel yeey ku sagayaan?!

Duudduub wixii tagay
Daya maanta waxa jira
Dantu waxey mareeysaa
Nala doon badbaadiyo
Dalka horumarkiisee
Yaan diinka laga tegin
Nin walboow dadaal wacan
Yaan laguu dardaar warin
Docdaad adigu joogtana
Yuusan daad ka soo gelin.

Arrin kale haddaan dayo
Inkastoo dagaal dhacay
Dirir iyo colaad badan
Dhalyaan kala durkaynoo
Duco-qabe Rasuulkii (scw)
Dariiqiisii raacdoo
Ka midaysan diintoo
Aan dabuubta hadalkiyo
Dhaqan kala duwnaynoo
Deris iyo xigaaliyo
Ehel wada dagaan nahay.

Waxa iga dardaarana
Dabkuu Daallim shiday iyo
Dabinnadu maleegee
Badi aanu dalaq niri
Diif iyo rafaad iyo
Dawakh baan ka qaadnee
Daqarrada na gaaroo
Dhiiggu uu ka da'ayiyo
Nabarradan darsanayee
Damqashada u halista ah
Waa in daawo loo helo
Degdeg howsha loo galo.

Waxaan uga danleeyahay
Hadday labo is daaraan
Shaydaanna duufsado
Marba kooda taag daran
Waa inaan la duudsiyin
Daacad loo garsooraa
Dulmanahu xaqiis helo
Digdigta iyo beentiyo
Midka kibirku daashaday
La dabraa damaaciga.

Qayrkeen halkuu dagay
Haddii uu dadaal jiro
Naloo diidi maayee
Aan diyaargaroownee
Waa in kala danbeyntiyo
Dagganaanta nabadeed
Dalkayaga dhamaantiis
Lagu soo dabbaalaa.

Waxan ugu danbeyntii
Dooddeyda ugu baxay
Dareen-laaweyaashiyo
Arrin doqonku moogyahay
Waana iga digniin culus:

Nugliyeerka duugga ah
Sunta dacalka xeebaha
Lagu daadinaayeey
Doomaha shiraaca leh
Maraakiibtu daabbuli
Waa dabargo’eennoo
Woow daliil marqaatiya
Danta nalaga leeyee
Nin damiir lahoow arag
Dabbaalkoowna yeelkaa!

---------------------------------
Cali Baarreey
B/Weyne, Soomaaliya
Baarreey114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD