SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com



Maxamed Dhagaafe Cilmi

 Dawan

Maansadaan la magacbaxday Dawan, waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ku nool magaalada Mbale ee waddanka Uganda. Maansadu waa  tii 33aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxayna taxanaha maansooyinka ku soo biirtay 10-02-2005-ta

 

  • Abwaan waliba dulucdiis
  • Dabrid iyo tilmaantiis
  • Dadnimiyo wax qabadkiis
  • Suugaanta doorkaa
  • Dadka hoow iftiinshoo
  • Murti howgu deexdee
  • Inta khayr ka dooddaay
  • Dardargaliya howlaha.
  •  
  • Hadal diradiraa iyo
  • Dulmi maaha keeyguye
  • Waa dalkoo israaciyo
  • Danta guud ka talinteed
  • Waa dawanka dhacayoo
  • Dadka loogu digayoo
  • Doodwanaag la magacbaxay
  • Waa dareen abwaannadu
  • Ku doondoonayaan nabad
  • Dar illaahay maantana
  • Dawan weeye maansadu.
  •  
  • Murti doora baa tiri
  • Hadeey caano daataan
  • Dabadooda qabashiyo
  • Dan weeyaan badbaadadu
  • Anna doodda aan qabo
  • Dulucdeedu waxeey tahay
  • Digo hoos ka nooloo
  • Danbas loo maleeyaa
  • Dooxooyin hurisee
  • Daman waxaa abaar dhigey
  • Dabka iyo rasaastiyo
  • Dakano aan dhamaan iyo
  • Ku jirabey dar xumadaan
  • Aayadbaa daliil u ah!
  • Daa' in uu ku leeyahay
  • Dad Illaah ma dooriyo
  • Illaa eey dan moodaan
  • Dulmigiyo xumaantoo
  • Eey ayagu doontaan!
  •  
  • Ineey daacad tahay taas
  • Daaha aan ka qaadoo
  • Aan idiin daliilshee
  • Dad Islaam ah baan nahay
  • Diinbaanna leennahay
  • Inaan gaal ku dayannana
  • Horaa looga digayoo
  • Danbi beey inagu tahay
  • Waase qodob an diidoon
  • Iga daadageeynine
  • Dumuquraadi waa maxay?
  • Ma danbaa madoowbaa?
  • Ma wax loo dulqaataa?
  • Ma dastuur laraacaa?
  • Ma diintaa qoreeysoo
  • Doc kaluu ku yaallaa?
  • Su` aallaadkan wali dihin
  • Inta aanan dacal marin
  • Dad kaleeto uga tagin
  • Jawaab aan udooree
  • Dimuquraadi wuxuu yahay
  • Wa dafir islaamnimo
  • Wa taada diidoo
  • Dinteeyda igu raac
  • Wa daba gal sheeydaan
  • Waa raggoo is-dooniyo
  • Dumarkoo is-guursada
  • Wa xaqoo la deeyroo
  • Dusha laga dabooliyo
  • Xumaan loo durbaan tumo
  • Damac gaalo wadatiyo
  • Waa dabar go`lala rabo
  • Muslimiinta dunidaan!
  •  
  • Ineey daacad tahay taas
  • Daaha aan ka qaadoo
  • Aan idiin daliilshee
  • Hadda daawo Daarfuur
  • Waxeey dood ka curiyeen
  • Iyo diradiraaleyn
  • Dib u eeg bal Falastiin
  • Waagii dillaacaba
  • Maatada la dooxoon
  • Cidna daaya oran karin!
  •  
  • Aaway dowladeennii?
  • Maxaa dumiyey qarankii?
  • Waxaa dari bannaan iyo
  • Nagu furay daleel maran?
  •  
  • Waxaan nahay dad caasiya
  • Hiddaha iyo dhaqankiyo
  • Diintoodi lumiyoo
  • Gaalada u daacada
  • Daba gala shisheeyaha.
  •  
  •  
  • Diiwaanka noo qoran
  • Haddaan dacal kasoo rogo
  • Xiligii daneeystuhu
  • Daldaloolka naga helay
  • Waxeey diirad saareen
  • Dargigii ba` naayee
  • Dalka soo xukumi jiray
  • Doogtaan hareyn iyo
  • Danbigaan waxaa dhigay
  • Culimadii la dilayee
  • Dumar iyo ragbaa siman
  • Markeey dood ka keeneen
  • Aayado kusoo dagay
  • Misna eey daliilsheen
  • Duhurkii la toogtoo
  • Dulmigaa intaa la eg
  • Duulal maya yiraahdiyo
  • Dar u kaca la waayoon
  • Deero deero u hardiyin
  • Dabadeed maxaa dhacay?
  • Dalki oo dhanbaa dumay
  • Dukun daakun laga dhigey
  • Dadkeeniina waa dhumay
  • Imisaa dagaalladi
  • Dibadaha u yaacoo
  • Gaaloobey dabadeed?
  • Da`di soo koreeysana
  • Imisaa dan seegtoo
  • Suuqa daafihiisiyo
  • Dariiqyada ku jaadoo
  • Daroogeeysi doorbiday?
  • Imisaase dooxada
  • Geela daadaheysoon
  • Alif diinta ka aqoon?
  •  
  • Bulsho daallan baan nahay
  • Dalkoodii burburayoon
  • Ayaguna dadaal wadin
  • Sida awr damaanaa
  • Nala kala didsadayoo
  • Diilin nala dhexdhigayoo
  • Dalkeennii qoqoban yahay!!
  •  
  • Ka dag oo ku sii durug
  • Kurta daadageedoo
  • Dooyada banaankaa
  • Su' aallaa ku deyrane
  • Ha ka daalin deymada
  • Dimuquraadi sheegnee
  • Damac gaalo wadatiyo
  • Muslim diid hadduu yahay
  • Danahooda gaarkaa
  • Dadka see u galiyaan?
  • Yaa darawalkoodaa?
  • Damiinkooda noqon kara?
  • Yaa u sida danbiilaha?
  •  
  • Su'aallaadkan wali dihin
  • Inta aanan dacal marin
  • Dad kaleeto uga tagin
  • Ayagana an dooxee
  • Waxaa darwalkoodaa
  • Damiinkooda noqon kara
  • Qabqablaha dagaalkiyo
  • Kaan diinta barannoo
  • Sharcigii dafirayoo
  • Diktatoorinimo iyo
  • Doonaaya kali-talis.
  •  
  • Waxoow sida danbiilaha
  • Kuwo dibad kayimid oo
  • Diktooraanu nahayoo
  • Dumarkiyo caruurtaan
  • Xaqoodii laduudsiyey
  • U doondooneynaayoon
  • Dibadda u dhigeeynaa
  • Ayaguna ku doodoo
  • Diiwaan Ibliis qorey
  • Dastuur saxa ku sheegoo
  • Bidconimo dilootoo
  • Ayaguna dan gaara leh!!
  • Dir kuwaan wadaagnoo
  • Diintana ka gaaloo
  • Nala diira baa jira!!
  •  
  • Damanoow dadkeeygoow
  • Danta guud ma eegoow
  • Sida ari dugaag galay
  • Firxad keeni kala didey
  • Daafaha aduunyada
  • Doc kastaba hadduu galay
  • Kolley maanta daalnoo
  • Dagaal soo ogaannaye
  • Isku duubni iyo nabad
  • Daacad moow ahaannaa?
  • Duudsiga sharciga iyo
  • Diintaannu eednee
  • Dib in loogu laabtoo
  • Dastuurkii Ilaaheey
  • Dalka lagu hoggaamiyo
  • Mow diyaar garoownaa?
  • inta diida samahana
  • Jihaad moowgu duulnaa?
  • Dabin moow maleegnaa?
  •  
  • Duulka llmaha daaquud
  • Daa' in heeyna dhaafshee
  • Ma dilnaa dhamaan tood?
  • Markaas beeynu darajiyo
  • Gaarin dabaqyo sare oo
  • Dalku nabad ahaannoo
  • Dhulkeennii dihnaan jiray
  • Dalaggiyo abuurkii
  • Dib u beereynaayoon
  • Shidaalkaan daboolliyo
  • Danbarkeeda laaleeys
  • Ku dur duuran doonaa
  • Mise weeys dadnaayoo
  • Dacdarrada na heeysaan
  • Dugsi moodaynaayoo
  • Dawarsiga shisheeyaan
  • Doobiga u cullanaa ?
  • Warka daah masaarnee
  • Laba daran mid dooroo
  • Ku dadaal midkii dana
  • Jawaabtana dadkeeygoow
  • Doodwanaag usoo dira
  • Dawanna waan kabaxayaa

-------------------------------- 

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
Mbale Uganda,

m_dhagaafe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 28,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD