SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
omarabdinur@hotmail.com 
London, UK



Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.

 DIMOQRAADDI WAA KUMA?

Maansadaan la magac baxday Dastuur waxaa curiyey Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon 10/08/2004. Waxayna Silsiladda Doodwanaag ku soo biirtay 15/02/2005, waana maansadii 34aad ee Silsiladda Doodwanaag. Cumar Nabaddoon wuxuu suugaantaan ku weydiinayaa abwaanka Soomaaliyeed, indheergaradka iyo aqoonyahankaba bal inay ka doodaan mabda’aan ama dastuurkaan loo yaqaan Dimoqraaddiga (Democracy). In la soo bandhigo aqoonta dadka Soomaaliyeed u leeyahay nidaamkaas Dimoqraadiga ah, iyo in faa’iido ugu jirto in lagu dhaqo dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisa. Wuxuu kaloo Cumar jawaab u raadinayaa bal inay jiraan waxyaalo fiican ama habdhaqan wanaagsan oo laga heli karo nidaamkaan dimoqraadiga, waxyaalahaas oo aan laga heli karin ama ku jirin nidaamka Islaamka ee dadka Soomaaliyeed noloshooda inta badan ku maamushaan kuna dhaqmaan sida maansada dhexdeeda laga arki doono. Ugu danbeyntii wuxuu Nabaddoon soo bandhigayaa aragtidiisa ku saabsan nidaamkaan Dimoqraadiga iyo dhaliilo dhinacyo badan leh oo Dimoqraadigu salka ku wato.

Dadka waxaa Ilaahay
Duunyada la maaliyo
Dugaagiyo shimbirihiyo
Duurjoogta oo idil
Uga duway dhammaantood
Waa inuu dantiisiyo
Dariiq saxa abbaaree
Su’aal daalisaayoo
Dawakh igu abuurtaan
Doonayaa jawaab iyo
Waxaan uga dawoobee
Dimoqraaddi waa maxay?
Diintaan ku dhalanniyo
Dimoqraaddigaan baas
Dusha laga hagoogilay
Dadku kee yaqaannaan?
Dalka kee u roonoo
Danta guud u wacanoo
Danaheenna fulin kara?
 
Ninba dacal ha jiidoo
Ha ka dhiibto dooddaan
Daraasaad aqoon iyo
Daliil iyo axkaam iyo
Wuxuu dawga u arkee
Balaan dego lammaanaha.
 
Kolka inan la doonee
Loo dadab fariistoo
Dalab guur la joogiyo
Kolkii ay dalaaq tahay
Diintaan ku dhaqannaa.
 
Da’da ugu horeysaba
Kolkay dihato hooyadu
Door raga hadduu yahay
Waxaa loogu magac darin
Darajaale Nabigoo (SCW)
Dadku Maxamed bay oran
Dastuurkeenna weeyoo
Deg deg baan u gudannaa
Wanqal baa dig laga siin
Ducaan raacinnaayoo
Diintaan ku dhaqnnaa.
 
Kolkii daqar yimaadoo
Dacwo iyo mashaqo taal
Ama layska dilo ruux
Duqeey baa dhexgala oo
Xeer loo dajiyey baa
Lagu kala dabaalaa
Diyaa laga simaa taas,
Hadduu diido weligii
Laga dilay marxuumkaas
Qisaas baa dambeysoo
Xadkaa lagu dul oogaa
Diintaan ku dhaqannaa.
 
Naftu daahi maysee
Kolkii mowdku daahiro
Isku duuba lugahiyo
U daboola araggiyo
Shaahada ku duwa iyo
Kafan doona oo dhaqa
Ku dukada salaaddiyo
Deg deg loo xabaaliyo
Diintaan ku dhaqannaa.
 
Bisha Soon ducada iyo
Taraawiix ma daynoo
Waagoo dillaaciyo
Qoraxdoon dam oran weli
Daqiiqado koley tahay
Dibnaheennu ma ogola
Dacaamkiyo sharaabkoo
Diintaan ku dhaqannaa.
 
Dadka kii wax haystaa
Xajka waa u duulaa
Diyaarado u raacaa
Haddii uusan deris iyo
Deegaan wadaag noqon
Carafiyo Mus-dalifiyo
Mina waa degaayoo
Xaramkuu dawaafaa
Dambigii horeetiyo
Daalaadhiciisii
In Ilaah u daayuu
Weli sii danninayaa
 
Kan dilaaya maatada
Ku dabaasha dhiiggiyo
Dambiilaha u weynoo
Dadku wada yaqaannaba
Doofaarka ma ogola
Inuu daanka saaroo
Inkastoo dareenkiyo
Damiirkiisu maqan yahay
Diinta wuu ku faanaa
Dad Islaama baa dhalay.
 
Isku duub oraahdiyo
Dulmarkiyo ujeedada
Isku diidimaynoo
Dastuurkeennu waa kaas,
 
Dawladnimo kolkay tahay
Maxaa looga didayaa?
Duul kale waxood iyo
Darbiyada Jaxiimiyo
Darka Jahannamee kulul
Maxaa loo darsanayaa?
 
Diqmoqraaddi waa kuma?
Ma kan daayey tuugiyo
Qaaddicu dariiqiyo
Kan sineysta duhurkee
Dadku wada arkaayee
Dumarkiyo rag aan qabin
Loo furay dukaamada?
 
Khamro daasad iyo dhalo
Duul wada cabbaayoo
Dariiqyada istaagoo
Dadku wada arkaanoo
Markhaatiba an dooneyn
Dabadeed hudheelada
Diskoo lagu cayaariyo
Dambigiyo dhibkaasiyo
Dhaqan duugisteennaas
Dalxiis weeye taasuye
Waxba yaan dan loo gelin
Dimoqraaddi baannahay!!
 
Waxaa taa ka sii daran
Dullinimo ku idishahay
Wiil duray dhagaha iyo
Oday dabada loo rogay
Dumar dumar asooliyo
Dabci aanan garanayn
Diintii Rasuulkana
Docna aanan kaga ool
Dadkeennuna istaahilin
Dimoqraaddi baa wada!
 
Deyn waan naqaannaa
Dib waxay ka noqotiyo
Waqti doora iga sugo
Dulucdeedu weeyaan,
Dulsaar lagu daraayiyo
Danyartoo la dhiba iyo
Dadka kii u liitoo
Weli lagu duljoogsado
Dimoqraaddi baa wada!
 
Intaas waa daleeyoo
Dadka kii u gaabshiyo
Doqontaa fahmeysee
Dockalana tusaalaha
Bal aan diiraddow rogo
 
Dadkoo laga codqaadiyo
Doorashiyo markay tahay
Digtaatoor la tuuriyo
Xornimadoo la daayaa
Dimoqraaddi ma lahane
Diinteenney ku taallaa.
 
Duqeydiyo caruurtiyo
Danyartiyo masaakiin
Daryeelkiyo xannaanada
Dawladuhu u fidiyaan
Dimoqraaddi ma lahane
Diinteenney ku taallaa.
 
Eexdoo la diidiyo
Dadkoo loo garsooriyo
Dulmigoo la aasaa
Dastuurkeenna weeyoo
Dimoqraaddi ma lahane
Diinteenney ku taallaa.
 
Dumarkiyo raggeennuba
Kuwo door ciyaaroo
Danta guud qabanayoo
Isla daadaheeyoo
Midba dacal hinjinayoo
La dulleysan hooyiyo
Gabdhaheenna dahabkaa
Dimoqraaddi ma lahane
Diinteenney ku taallaa.
 
Intaas waa daleeyoo
Dadka kii u gaabshiyo
Doqontaa fahmeysee
Dockalana tusaalaha
Bal aan diiraddow rogo
 
Kolkii doorashada guud
Dadku ay codeeyaan
Haddii ay dantoodiyo
Diintooda raacaan
Nin islaama doortaan
Dimoqraaddi ma ogola
Daliilkuna wuxuu yahay
Aljeeriya dagaalkiyo
Dabkii lagu afuufee
Loo diiday samihii
Dadku uu guddoonsaday.
 
Nuyuukleer damsiiyiyo
Diyaaraad wax guba iyo
Kuruus duula samadiyo
Waxkastoo naftoow daran
Inay kula dagaalaan
Danahooda kaan wadin
Ciraaq baa daliil u ah.
 
Dad la dhacay dhulkoodii
Dukumdaakum laga dhigay
Dumar iyo caruur iyo
Duqeey aan la dhaafayn
Dimoqraaddigoo idil
Mar haddaan dan ugu jirin
Iska daawanaayaan
Jeejniyaa daliil u ah.
 
Falastiin warkeed daa
Dalkii loo aqoon jiray
Dibadday ka joogaan
Durkis iyo xasuuq baa
Waxaa loogu sii daray
Guryahoo la dumiyiyo
Darbi lagu wareejiyo,
Qaramada dulleysani
Kolkay doodda qaadaan
Duqii dhalay Yuhuuddaa
Codka Fiito daba dhiga.
 
Dimoqraaddi waa kaas
Daah nagama saarnee
Ma doolkaan u xilannaa?
Ma dadkaan barnaayoo
Dabadeed bal eegnaa
Wuxuu doorto oo rabo?
Ma diintaan u saarnaa
Dad aqoon leh oo dhiga
Dastuur lagu heshiiyiyo
Sida dawlad loo dhaqo?
 
Digtoor iyo wadaaddiyo
Dublamaasigeennoow
Isku dara fikradahoo
Iga daaya murankiyo
Docwareenka baas iyo
Anaa degey kataantee
Dimoqraaddi waa maxay
Halka aan ku doortaa?
Diintana ku diidaa?
 
Inkastoon rag badan diray
Aqoon yahan ka rabo duluc
Dublamaasi maqan yahay
Wadaadada digriya iyo
Kuwa diida labaduba
Dooddani u furan tahay
Bal aan dhaho digniin culus
 
Dastuur waa inuu yahay
Mid ku qoran dafaatiir
Dadka lagu xukumayana
Sahal daalacanayaan
 
Dabcigiyo akhlaaqdiyo
Dadku wuxuu ku faaniyo
Diintooda iyo dhaqan
Waa midkii daryeeloo
Aan ku noqonin dool iyo
Dibadaha wax uga yimid
 
Daarwin aragtidiisiyo
Daanyeer baa nawada dhalay
Damiirkaygu ma ogola
Dadkayguna ma uu rabo
Ninkii dood ka qaba taas
Waa inuu daliil qoran
Deg deg noogu keenaa
 
Dimoqraaddi kii raba
Iska dabagal maahane
Waa inuu daraaseyn
Doc kastaba sameeyaa
Dadka soo hordhiga oo
Dulucdiyo ujeedada
Daaha nooga qaadaa
Wax kastaw ku doodana
Waa inuu daliil qoran
Dabcan noogu keenaa
Dadkeenuna ku waafaqo
 
Dooduna idiin furan!!

 
 
Dhammaad………..Nabaddoon………….10/08/2004

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
omarabdinur@hotmail.com 
London, UK

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 28,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD