SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com



Abwaan Xasan Bulxan Cali

Maansada kale ee abwaanka: DIGRI... GUJI


            DANYAR  

Maansadan la magacbaxday Danyar, waxaa curiyay Abwaan Xasan  Bulxan Cali  oo ku nool  magaalada Caabud-waaq, Soomaaliya. Maansadu waxay ku soo biirtay taxanaha Suugaanta Doodwanaag  10/03/2005, waana maansadii 35aad ee Silsiladda Doodwanaag. 

Maansadu waxay tilmaamaysaa dhibaatooyinka la soo darsay Danyartii Soomaaliyeed, xaaladdan qallafsan ee lagu jiro. Wuxuu abwaanku muujinayaa in danyartu ay tahay kuwa ay dhibaatooyinka ugu darani ka soo gaareen xasilloonidii darridii ay beryahan dambe Soomaalidu ku sugnayd. Waxa kele oo ay maansadu iftiiminaysaa sida  ay kaalintoodii u gabeen intii laga sugayay in ay gargaaraan oo ay u dhaqdhaqaan  sidii ay inta tabaalaysan wixii karaankooda ah u gacansiin lahaayeen.

  •  Abwaannadii dadaalee

  • Suugaanta dahabkaa

  • dacallada adduunyada

  • daafaha ka soo diray

  • nin kastaba dadaalkii

  • danta guud ka hadalkeed

  • arrintii u doorbiday

  • daabacaad ku sheegyoo

  • mid baa yiri dillaaliin

  • wax isdabamarshaa jira

  • midna yiri dadkaygow

  • maad dantiina garataan

  • dib haloo heshiiyiyo

  • wanaag doonistiisii

  • rag ku dooday baa jira

  • isku duub dhammaantood

  • dantoodii hal weeyoo

  • dulucdoodu waa nabad

  • sharci kala dambayn liyo

  • maamulkoo dib loo helo.

  •  

  • Maah-maahdi deben hore

  • duuggeedu wuxuu yiri

  • duud la fuuli karo iyo

  • dahri lagu dakeeyaba

  • miskiin duuqay baa lehe

  • an dulmaro ujeeddada

  • deelleyda maansada

  • igu celisay doorkaan

  • faalladu dib weeyee

  • kadur-duurta waatane.

  •  

  • Haddii uu dagaal dhaco

  • oo danabka holaciyo

  • madaafiicda danantiyo

  • uu diryaamo kaaruhu

  • dadka jooga meeshaas

  • saddex darajo weeyaan.

  •  

  • Kuwo dirir dhex-taalliyo

  • duul caawinaayoo

  • daad gureeya dhaawaca

  • marna dalab rasaas iyo

  • dhaqaalaha ka dabawada

  • iyo qaar danyarahoo

  • dulman oo la laayoo

  • wax difaacayaa jirin

  • badanaa dubaakhadu

  • dadka ay haleeshee

  • la daaduunsho kow dhaha

  • mid-mid aan u daayee.

  •  

  • Agoon diifi haysiyo

  • rajo daa'iraayoo

  • wax daneeya aan helin

  • oo uu laba dibleeyoo

  • waqtiguna darbado culus

  • ku dillaacshe waayuhu

  • oo wax dibin la saariyo

  • luqmad dagata loo hayn

  • oo yaalla dawgoo

  • iska daadsan baa jira.

  •  

  • Curyaan dacas ku nooloo

  • shalay iyo darraad iyo

  • maantaba dibjirayoo

  • dirgan waayay socodkoo

  • lixaad uu ku doontana

  • Daa'in aanu siinoo

  • doc u yaal ayaa jira.

  •  

  • Waayeel duqooboo

  • cudur iyo darxumo iyo

  • diifi ay ku taalloo

  • aan daawo helinoo

  • daas looga cararoon

  • dibna loogu noqonnoo

  • la dayacay ayaa jira.

  •  

  • Umul dihatay cunugoo

  • dhiiggii uu dareeroo

  • dhaqtar iyo dabiib iyo

  • irbad lagu duraayiyo

  • nafaqiyo dacaam iyo

  • waxay daanka gelisiyo

  • loo waayay daangoo

  • darayaysan gaajoon

  • diniq haysan baa badan

  •  

  • Dawlis ceel warkii daa

  • duul u maqanna muu jiro

  • maatadaas dareertee

  • dalambaabi socodkii

  • iska daaluqsadayee

  • docda loo hayaamiyo

  • aan aqoonnin dawgii

  • oo milicdu duhurkii

  • kulaylkeeda danafkaa

  • la dultimid fallaaraha

  • oon ceel dihnaa iyo

  • dur-dur laga cabbaayiyo

  • aan helin daruur roob

  • oo dhanqalan daraaddii

  • harraad duuqay baa jira

  •  

  • Diintii Ilaah iyo

  • dariiqii Rasuulkiyo (scw)

  • aayaadka doorkaa

  • kuwo dabamaraayoo

  • jaahilnimo daraaddeed

  • wuxuu doono falayoo

  • wax daliil u sheegiyo

  • duruustiyo kitaabkii

  • aan khayrba lagu dayin

  • oo ka daahan baa jira.

  •  

  • Deyrkeeda gurigiyo

  • dacaamsiinta ubadkeed

  • hooyadii ku daahnayd

  • dhib kalaa dul-fuuloo

  • inay biilka doontiyo

  • dabka inay u saartaba

  • iyadaa u duubane

  • markii diiqu uu ciyo

  • oy dubis canjeelada

  • daawaha u saartoo

  • qofba duubto labadii

  • inta ay durdurisay

  • yaanyo ay dammiin iyo

  • deyn ay ku keentay

  • darbi aan har lagu arag

  • darafkiis la joogtaa!

  •  

  • duul-duulka boorkiyo

  • dabayshiyo kulaylkay

  • u dulqaadataayoo

  • danta kama xishootee

  • markay durriyadeediyo

  • duruuftooda eegtaba

  • daal kuma yimaadoo

  • Alle darajo-siidaas

  • daqarrada ku dhacayaba

  • ma damqaan jirkeedee

  • dadaal bay ka qaaddaa!

  •  

  • Daraahiimta lacagtii

  • dulligaasi ugu dhacay

  • markay damacdo gurigiyo

  • ilmihii dib ugu noqo

  • mid mar hore la dayrshiyo

  • tuug daalin waynoo

  • dariiq-goyn ku nool baa

  • hadda deeqda keen dhaha

  • ama waa dilaayoo

  • tartiib uga dulqaataa!

  •  

  • Marna taliye darajale

  • Daallim aan naxaynoo

  • Kooxo dufan u barayoo

  • Shaabaha dugaaggoo

  • daacad  u ah dantiisaa

  • canshuur ugaga diirtoo

  • aan dayin islaannimo

  • cidna aan u diirnixin ! 

  •  

  • Intaas aan is dabadhigay

  • tusaalaan u doortaye

  • qaar kaloo ka daranoo

  • darxumadu la daristoo

  • samir iska dugsada oo

  • ay ilamadu dis leedoo

  • ciil la duuban baa badan.

  •  

  • Shacab qabar ku dumayoo

  • doc kastaba dhibaatadu

  • ka haraysay darafyada

  • oo cudurro duumiyo

  • shubandoox ku dhacayoo

  • daacuunku uu simay

  • oo colaad ku daahdiyo

  • dirirtii sokeeyaha

  • la daaduumay idilkood

  • oo doog caleenliyo

  • xareed daadsan waayoo

  • xoolihii ka duuqeen

  • oo dalaggi beeraha

  • abaar diiratow timid

  • oon duul u maqan iyo

  • aqoonyahan daneeyiyo

  • halyeey daafacaayiyo

  • danjiriyo wakiil iyo

  • caaqil kala dabbarayiyo

  • dibitaati uu jirin

  • dayac weeye ee garo

  • dugaag inay u halis tahay!!

  •  

  • Fursad lama darbeeyee

  • Dabinkii naloo dhigay

  • Markii aanu dalaq niri

  • Dandarradiyo ceebtii

  • durbadiiba gaalaa

  • markay aragtay dihaal

  • iyo darayo gaajada

  • iyagoo dunjiga iyo

  • dahrigaba ka jeceloo

  • kuna sii diganayay

  • jees-jees daraaddii

  • sawirkooda ugu daran

  • daabacaan rafaadkoo

  • dabadeed yaboohsiga

  • dawarsigay yiraahdaan

  • dad baan quudinaynaa!

  •  

  • Dannaaniir malyuunno ah

  • markii loogu deeqoo

  • doollarkii yimaadana

  • qoomankii duleeddada

  • daadsanaa ma siiyaane

  • iyagaa dalxiis iyo

  • damaashaad ku aadoo

  • ku dakeeya meelaha.

  •  

  • Muslimiin darxumadood

  • gaalo inay daryeeshaa

  • kuma taallo deelkee

  • ninkii taa danniyayow

  • laf cad diirad saartaye

  • haddaad diirilaydoo

  • danyar caawin layd iyo

  • haddaad daawanaysaba

  • labaduba damiirkaa

  • adigiyo dadnimadaa

  • garashiyo dadaalkaa

  • daacad iyo ku dhaqankaa

  • dooddiina ii xiran. 

--------------------------
Xasan Bulxan Cali
C/waaq, Soomaaliya
Bulxan105@hotmail.com

AKHRI MAANSADII DIGRI... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com |  Mar 28, 2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD