SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Daahir Dailaaf
daahirdailaf_3@hotmail.com
 
STOCKHOLM , Sweden



Daahir Dailaaf

  DENBILOOW


Maansadaan la magac baxday Denbilow, waxaa curiyay Abwaan Daahir Cabdulle Deylaaf oo ku nool magaalada Stockholm ee waddanka Sweden. Waa maansadii 36aad ee Silsiladda Doodwanaag, waxayna taxanaha  ku soo biirtay 15-03-2005. 

Maansadu waxay iftiiminaysaa dhaqanka qarriban ee Dagaal-oogeyaasha oo iyagu ummaddoodii iyo nafsaddoodiba u horseeday halaag. Abwaanku wuxuu muujinayaa in ay yihiin dad aanan ka fiirsan cawaaqib-xumida tallaabooyinka ay qaadayaan.  

Maansadu waxa ay ka digaysaa khatarta ka imaan karta in ay ummaddu wanaag ka filato qabqableyaal dagaal oo ku howlan meelmarinta danahooda gaarka ah. Dagaal-oogeyaasha oo ah kuwa aan looga fadhiyin in ay is afgarad la yimaadaan, ayaa ummadda u horseedi kara in ay cadow shisheeye gacanta u geliyaan, haddii aanan lala immaanin dadaal iyo feejignaan dheeri ah.

Nabsi inuu dul kaa jiro
iyo inuu ka soo degey
waxaa lagu dareemaa
xaqii buu dillaacshaa.

Dunidaanna aadmiga
kii in doora joogoo
weli deeynin ruuxdii
ficilkii dorraad galab
duunyaduu ku keenuu
danbarkeeda maalaa.

Ninkii daango dubayee
faraqii ku duubtee
hadba koox dig siiyee
dinixiyo haraagii
ku walaaqay digadee
daasado ka buuxshee
dadweynaha ka iibiyey
laye waa la daaroo
dabcigii horeba male.

laye laba-dibleeyntii
ayay oon daraaddiis
webi daanka joogoo
daad soo fatahi raba
dani tiri biyo u doon.

Markuu soo dul-joogsadey
ee darso isleeyahay
soow dacal ma furannoo
kama daadan badarkii
daadkii ma sii maran.

Alla-doori weeyee
isagoon dafleeyntiyo
dabaaljoogle garaneyn
sow damaci muu oran
gurbiyoo ka daba bood
intaad dalaq tiraa hoos
dibaddaa u soosaar.

Duf-ku-bexe wadkiisii
inuu sii darbeeyoo
ay  taladi  durugtoo
halis ay la deris tahay

doqonnimo ma garannine
wuxuu dagagafleeyoo
derbiyada ku dhega oo
dhooqadii daliiqaba
sow ugu danbeeyntii

dalqa-weyne muu helin!.

Kaasi waa ku daayee
doc kalena bal ila eeg.

Afartii dugaaggee
deerada eryootee
hadba gees u didiyee
daaqii u diideen
dandarrada ka daa garan
mid ka daaman weynoon
abidkiisba diir-nixin
oo duunyo iyo bahal
marna kala duweeynoo
isku wada daraayoo
wax kastaa ka dagayaan
hadduu duur cidla ahaa
dug ka soo yiraahdee
dam ka siiyo gebigood
danbigeeda yeyska leh?

Kuwaasina ku daayee
doc kalena bal ila eeg.

Labadii dameeree
geed dahar leh weeynoo
wada deeqa xoolaha
mid harsimo u doontee
kii kale u diidee
dabcigeey lahaayeen
durbadii billaabee
inteey doollo riixiyo
isduqeyn ku daaheen
iyagoo dammane baas
Cadow iyo ka diimoon
dakanooyinkii hore
kii ku daalay raadkee
weligoodba dagi jirey
daf hadduu yiraahdoo
ka soo boodo deyrkoo
wada dilo dhammaantood
ka durduurto xeyrtoo
dushoodana ku daacsado
danbigeeda yeyska leh?

kuwaasina ku daayee
doc kalena bal ila eeg

Doontii rakaabkee
dadku uu ka buuxee
badda duud mareeysee
la dawaaftay hirarkee
biyo daadaheeyeen
hadduu kii duwaayiyo
naaquude daayaco
ee dilindilloodkii
ku qasbaan dabeyluhu
meelaan deked leheyn iyo
Addis ineey ka degatoo
xeeb eey ku diintaba
Danbigeeda yeyska leh?  

Darxumadu mafiicnee
Balaan dulucda maansada
Docda kale ka eegnee
dadku waayihii hore
doog beey xirnaayeen
marna haragey duubteen
dib danbaa dharkaan iyo
dahab leyska lulayoo
deyrtii timaadaa
tii hore ka duwanoo
dantoo leysla goobaa
ka ciyaartay door wacan.

Waxa taa daliil u ah
waa kuwaa dushaa sare
ragga qaar u duuloo
daruurihiiba dhaafoo
yiri waxaan la deris nahay
dayaxaa iftiinka leh.

Duul horena maahmaah
yiri kii dabbaalee
intuu tiisa daayaco
tu nin kale daryeeloow
hadhow guuldarro iyo ciil
ha qaniinin dibintaa.

Waxaa loo danleeyahay
ninka dahabadiisii
kii dummiyey reerkee
walaalkiis intuu diley
xaaskii dumaalee
diyadiina weli qaba
yiri hoo duceeysane!
asaguna duqooboo
goobbo dalable yeeshoo

dayac tahay naftiisii. 

Waxa loo danleeyahay
ninka daarihiisii
kii shalay duqeeyee
dukundaakun yeelee
daash aan u reebine
derbi jiifnimada baday
yiri hoo duceeysane
asna duur cidla ahoo
duggaal aan leheyn iyo
debadaha weereegoo
dugsi aan heleynoo
dulugleeya meel baas.

Waxa loo dan leeyahay
ninka daabbaddiisii
midey kala durkeenoo
ka dhexeyso daannoo
gaarsiiyey daqarroo
deyntii horuu qabey
in lagalaba doodoo
la daawoobo aan rabin
yiri hoo duceeysane
asna durriyaddiisii
gaajo kala dulleeysoo
inteey wada dallaabeen
midba meel ka dawarsado.

isku duub warkoo idil
waxa leyska doonayo
oo Daa'inkeen faray

dadkeennana wanaag u ah
meel aan leysku deyneyn
leyskunana dirireyn
meel aan leysku diganeyn
leysuna dardaarwerin
meel aan leysku dacareyn
leysuna durbaan tuman
meel aan leysku derajeyn
kaasi waa dagaalyahan
meel aan leysku duuleyn
cid kastana diyaar tahay
meel aysan doobbeyn
deelqaaf dhashiisii.

Meel aan damaacile
dooqiisu soconeyn
meel usan dafiri karin
kii deyn islaam qabey
meel aan duqii belo
qabiil kugu damiineyn
meel aan diirka beyga leh
dirtee tahay la oraneyn
meel aan  dub kii cadi
darka uusan maamulin.

Xaqoon leysi duudsiin
iyo daacadnimadii
midey daa'in abidkiis
hal daqiiqo oo qura
dihnigiisa soo gelin
in loo diro dan guud iyo
midda howsha ugu daran
horaa looga deyrshoo
doqonnimo ma dhaaftee
nin lahow haddeer doon.

Aan daayo hadalkoo
daahiisa laabee
wax kastoo dulnaga xiga
daqar baan ka filannaa
wixii damag yiraahdoo
hoos dheer ku duugmana
mugdaa loogu dowgalay.

Wax dhexoo delleganoon
marna daawo loo helin
anigu waan ku daaloo
ku dayoobey gabaygee
hasheennii durduro badan
hasheennii bilyuun deeq
hashaan abid dibboodine
doo yiri awoowgeen
hasha deelka wadatee
rag jiifaa dareershee
siinku geeyo darantii
dawankeey luleeysiyo
koorteey daryaamiso
duul baahan maqaloo
u soo dude dhankeedii
dararteeda maaloo
doobbigii ka buuxsade
ka durduurte dhaaydoo
xoorteeda daacsade
dabadeedna showroo
doodwanaagsan gale oo
dib u eege golihii
deydaye wixii daran.

Kii silac darreeyee
ceelkeeda dumiyee
doowligeeda jarayee
dariiqeeda qodax dhigay
iyo daallimiin kale
dallaal iyo mullaal iyo
dulliyoo dhan soo hele
shir degdega ciyoon gale
dedejiye waxqabadkii
deldelaad go' aanshoo
u dhawaaqe Denbiloow.

-------------------------------

Daahir Dailaaf
daahirdailaf_3@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Mar 30,2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD