SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


Cali-Mataan Xasan Barre
 Oslo, Norway

alimatan2000@yahoo.com



Curiye: Cali-Mataan Xasan Barre

                                      Dayacdiid    

Maansadaan la magacbacaday dayacdiid waxaa curiyay Cali-Mataan Xasan Barre oo daggan magaalada Oslo, waddanka Norwey. Maansadu waxay taxanaha Doodwaanaag ku soo biirtay 2dii Sebteembar 2005ta, waana maansadii 41aad ee silsiladda maansooyinka Doodwanaag.

Maansadu waxay daba socotaa maansooyinkii ka horreeyay ee ka warramayay duruufaha ay maanra Soomaaliyi ku sugantahay gudaha iyo dibaddaba. Waxay shacbiga Soomaaliyeed ku dhiirrigelijnaysaa in ay maslaxaddooda u istaagaan oo ay ka harraan dagaal-huriyeyaasha.

  • Doodwanaag ayaa furay ?

  • Yaa u dooray magcaan

  • Lagu diirsadoo wacan ?

  • dadkoo dhami riyaaqeen

  • fikradaha ku daaysteen

  • isku soo dunmaayeen

  • dadaallada ka muujeen

  • deyrkii ku oodnaa

  • degtaa kale u tuureen.

  •  

  • Aniguna dorraad baan

  • dersayoo u fiirsaday

  • saa waaba dood furan

  • danahaa dadkeenniyo

  • ka hadlaysa doowrkii

  • dadkayagu illaaween

  • dabadeed ku soo dagay

  • dibnihii intaan furay

  • deellayda maansada

  • daboolkii ka qaadoo

  • dareenkaygu suu yahay

  • deeq tix ah ku muujiyay.

  •   

  • Dalka oo nabdoonoo

  • dowlad  maamulaysoo

  • dugsiyadu ay furanyiin

  • daraasada tacliimtiyo

  • dacwadaha la qaadoo

  • dhulka kala danbeyntii

  • lagu soo dabaaloo

  • dadku duul walaaloo

  • isku duuban yiinoo

  • damiirkoodu joogoo

  • laysu diirnaxaayoo

  • diir qura la yahay baan

  • Daa’ imow Ilaahaw

  • kaa doonayaaye

  • dacwadayda maanta ah

  • dagdag iiga yeeloo

  • Dadkayagi rafaadyaye

  • Dow lagu badbaadiyo

  • Dariiqa san haleeshii.

  •  

  • Dadkii iyo dalkeennnii

  • duufaanna kulul iyo

  • danab baa asiiboo

  • dagaalladii sokeeyaha

  • dooxataa ku badatoo

  • dadkii kala hayaamoo

  • qaar way dubteenoo

  • daarihii qiyaamaay

  • dacwad gaynayaanoo

  • dalabkood ka dhiibteen.

  •  

  • qaar kalana dayac iyo

  • danderrey ku joogaan

  • deegaannadoodii

  • waa laga  dareershoo

  • doqosh bey ka jiifaan

  • dawarsey magaalada

  • ku dulmeerayaanoo

  • diif baa ku raagtoo

  • cidi uma danqaysoo

  • duqsigay  la quutaan

  • dacda iyo xashiishyada.

  •  

  • qaar kalana  doonyey

  • isku daad gureeyeen

  • dibadehey tahriib iyo

  • nolol kale u  doonteen

  • doomaa la dagayoo

  • naftey dakhala dheer iyo

  • deeraan ka tuureen

  • waxaa daadsan meytkii

  • baddu dibadda keentoo

  • waxa laga daldalayaa

  • dalalkaa carbeed iyo 

  • dakadaha talyaaniga 

  • nolol doorsigoodii

  • wax badalay dilkaa kale

  • iyo dacatigaaso

  • biyahaa dul marayoo

  • kulli way ku daayeen.

  •  

  • taa waxaa kasii daran

  • niman doobo waynoo

  • dekediyo garoomada

  • deyr wayn ku ootoo

  • doollar iyo canshuuraha

  • wada dalamsanaayoo

  • aan  wax deeqa jirinoo

  • dalka iibsanaayoo

  • ninkii yara damqaayoo

  • daaya sidan yiraahdana

  • waaba loogu dow-gali

  • dagdag baana loo dili

  • dhagtaa  dhiigga loo dari.

  •  

  • badhna doonya raran bey

  • dibadaha ka keenaan

  • duul ganacsanaayey

  • dusha sare u muuqdaan

  • hayeeshaa dab iyo naar

  • iyo dogob  holcaayey

  • dadka ugu adeegaan

  • diyaaraadka duuliyo

  • dibadaha shisheeyeey

  • daroogada ka beecshaan

  • daabacaadda  lacagtey

  • doollar iyo darahiim

  •  uga dorsanaayaan

  • sidey dooni yeelaan.

  •  

  • daawooyin dhacay baa

  • dadkii lagu dabiibaa

  • duumo iyo Kaduudiye

  • iyo cudurro daran baa

  • dadkii wada diloodoo

  • daryeel looma haayee

  • dadkan yaa u maqanoo

  • dabbaraaya maatida?

  • diiwaanno yaa qori?

  • danbiilaha sidaan baday

  • dacwadiisa yaa gali ?

  •  

  • Dadka samaha doonoo

  • daacad iyo waanaag iyo

  • diinta amarradeediyo

  • doonaaya kheyrkiyo 

  • Daalim  maato laaye  ah

  • Danaystaan naxaynoo

  • Danyar eheladiisa ah

  • dakhallada ka daadiya

  • dadku key jeclaystaan ?!!

  • key daba gucleeyaan ?!

  • doollar oogu deeqaan ?!

  • Daahirow yiraahdaan ?!

  •  

  • Taa waxaan ku darayaa

  • Haddey diintu  ina  fari

  • Damiirkeennu rabo oo

  • ku dhantahay danteennii

  • inaan  daalim diidnaa

  • daacad wade adeecnaa

  •  maxaa innaga duwayoo

  • aan udaba dideynaa

  • dalkayaga  kuwii gubay

  • kuwii daadshay dhiigoo

  • dalawyada inaga shubay ?!

  •  

  • Waa duul habaar qaba

  • Dastuurkii Ilaah iyo

  • Dabuubtii Rasuulkiyo (scw)

  • waa wax diiddan samahoo

  • danta guud ma eegaan

  • ma ay kala  danbeeyaan

  •  damaq iyo  calool dabac

  • diir naxa ma ay laha !

  •  

  • Dadka waxaan dareensiin

  • inay diirrimaad iyo

  • dareen adag ay yeeshaan

  • ducufnimada diidaan

  • dowladnimada doonaan

  • dagaallada sokeeyaha

  • dhaqso nooga damiyaan

  • dadnimiyo walaalnimo

  • ku dagaan dalkoodoo

  • ay nabadda doortaan.

  •  

  • Waa degel barwaaqoo

  • waa dux iyo iidaan 

  • dadka wuu ku filan yahay

  • haddii daacad laga  yahay

  • durdur iyo xareeddaa

  • dooxa  dulululceysoo

  • dalagga iyo beeraha

  • duuunyadiyo xoolaha

  • dooma lagu jillaabtiyo

  • badda waxa ku duugani

  • dadka way ka  soo hari

  • doodse waxay ka joogtaa

  • yaa  ku diirsanaayoo

  • dahabkiyo batroolkii

  •  ka dillaacinaayoo

  • dalka horumar gaarsiin?

  •  

  • Duruufahan ku sugannahay

  • ruux doorin kara oo

  • baal dahab ah geli kara

  • dalka miyuu ku noolyahay?

  • mise dalal carbeed iyo

  • daaftaa Galbeedkiyo

  • yurub baa degaan u ah?

  • mise wayska daaliye

  • waa ruux an soo deign

  • oo dahaar calool iyo

  • ku dengiiga uurkoon

  • dunidaba imaan weli? 

  •  

  • So duubay hadalkii

  • dabrey maansadeydii

  • dulucdiyo ujeeddada

  • daliillada dul saaree 

  • anigoo an daalayn

  • dib baan godolladeydiyo 

  • darar kale ka soo celin

  • doodduna inoo furan.

------------------------------------ 

Cali-Mataan Xasan Barre
 Oslo, Norway

alimatan2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2005

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD