Axmed Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com

Axmed Cabdi Geelle
|
DALIIL
Maansadan la yiraahdo
DALIIL waxaa tiriyey Abwaan Axmed Cabdi Geele oo deggan magaalada Nairobi ee
waddanka Kenya. Daliil waa maansadii 42aad ee ee silsiladda Doodwanaag
waxayna taxanaha ku soo biirtay 19kii Nofeembar 2005.
Axmed
waa curiyihii maansadii Darwiish oo ahayd maansadii 32aad.
DALIIL
Axmed
Cabdi Geelle
Nairobi, Kenya
- ma dhamaanin dooddii
- wanaag loogu
magacdaray
- Anna daabaddaan koray
- Weli faraskii kama
degin
- Jeer aan daliishado
- Daruuraha cirkoo da’ay
- Dhulkana doog ka soo
baxay
- Xooluhu ku darareen
- Dumarka iyo caruurtii
- Diihaalku soo maray
- Ku soo daalay gaajadu
- Farxad iyo damaashaad
- Dugsiyada la joogaan
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Dadkan kala shakiyayee
- Shaydaan kala dilayoo
- Deris iyo walaalo
ah
- Dirirtii sokeeyiyo
- Dulmigay sameeyeen
- Deeqsiga Ilaahay
- Dembi dhaaf si wada
jira
- Uga doona keligii
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Dawlad caadiloo
wacan
- Diinta iyo
shareecada
- Dastuur nooga
yeeshoo
- Xaqa dibadda
yaallaa
- Dadka uu u siman
yahay
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Calankii la duugaye
- lagu daray xabaaluhu
- Xamar dacalladeediyo
- Gobollada dalkoo
idil
- Isagoo dul sudhanoo
- Sida dayaxa oo kale
- Shacabkeennu
daawado
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Xooggii dalkee tegey
- Diyaaraadka samadiyo
- Dabaabaadka guuxee
- Goobaha dagaalkiyo
- Efenteri dirays
xidhanoo
- U midaysan daafaca
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Heeryada dusheenniyo
- Duudkeenna saarani
- Iyadoo na daysoo
- Sharaftaynu duugniyo
- Derejadaan lahaynoo
- Rabbi noogu deeqoo
- Dadku inagu kuunyaan
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Dahabkiyo shidaalkiyo
- Khayraadka dihinoo
- Debeddaa la soo dhigay
- Deegaanku yahay qani
- Dawladaha
shisheeyee
- Ina duudsiyaayaa
- Ina soo dalbaanoo
- Shaqo inaga doonaan
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Wankeennii la diidiyo
- Dibigii la nacayoo
- Dekedaha ka dhoofoo
- Doonyuhu xambaaraan
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Damalka iyo galoolkii
- Duunyadu ku noolayd
- Ee dabarka loo jarayoo
- Laga daayey goyntii oo
- Dib u soo cawaal baxay
- furi maayo duubkoo
- faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Qaxootiga daluumaye
- Debedaha u kala kacay
- Iyadaan dalkuu tegey
- Ka dalbaynin geeddiga
- Dib u soo noqdeenoo
- Ay soo dalxiiseen
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama
dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Dalkii gaalku iibshaye
- Shanta gees u kala
diray
- Qaar deriska laga
gaday
- Deyr qudha ku wada
jira
- Calan keliya daafaca
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
-
- Jeer aan daliishado
- Cusbataalladii dumay
- Ee Digfeer u weynaa
- Oo dib loo hagaajoo
- La daweeyo maatada
- Digtoorradi ka
dhoofaye
- Debedaha
miciinsaday
- Diyaaraadka guuxiyo
- Ay doonyo keeneen
- Dekedaha ka soo
degey
- Oo dantay lahaayeen
- Hawsha qaran ka
doorbiday
- Oo daacadnimo iyo
- Dadaal yahay
iskaashigu
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Dulmigan baahay ee
jira
- Ee daalin xoog weyn
- Daciifka iyo
miskiinkii
- Kaga diirto xoolaha
- inta xaqu dilaaciye
- Sida dayaxa soo
bixi
- Furi maayo duubkoo
- faraskayga kama
dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Daaraha Hargeysiyo
- Dekeddaa Berbera iyo
- Boorame dushiisiyo
- Daafaha kismaayoo
- Aan la isu diidayn
- Dadkuna uu is jecel
yahay
- Dacartii qabiilkiyo
- Danaystuhu ku kala
xidhay
- Oo laga dawooboo
- Dadku yahay
walaaliyo
- Deris oodda wada
yaal
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama dego.
-
- Jeer aan daliishado
- Darwiishkii taleex iyo
- Daafaha Nugaaleed
- Qalcadaha difaaciyo
- Ka sameeyey daaraha
- Ee yidhi dadkaygow
- Dabkan aan shidaayaa
- Dawadiinna weeyee
- Daafaca dalkiinnoo
- Dakharka iyo
dubaaqada
- Dacar how malaynina
- Qoobihii dagaalkee
- Lagu dilay
gumaysiga
- Ee haadka duuliyo
- Ka dibiray
waraabuhu
- Daribtii cadaawaha
- Taariikhda dunidani
- Dadka nagaga
soocdee
- Diiwaanka noo galay
- Waa ka u da’weynoo
- Darwiish lagu
xusuustaa
- Dariiqii
xornimadiyo
- Dawladnimada keenoo
- Ina diirshay weeyee
- Ilaa dogobyaduu
shiday
- Iyo duubcaddiisii
- Daljirkii dahsoonaa
- Dadaalkay sameeyeen
- Taariikhda lagu
daro
- Furi maayo duubkoo
- Faraskayga kama
dego.
-
- Inta weli damiirkii
- Uu ku sii danbeeyow
- Digtoor iyo
wadaadow
- Danaystaha
qabiilkiyo
- Ku shaqaysta
doqonkow
- Doodi waa dariiqeed
- Dadna waa is raacii
- Dawladi midnimadeed
- Diini waa ku
dhaqankeed
- Dulmi waa ka
cararkii
- Xaqna waa difaacii
- Dagaal waa
balaayiyo
- Kii dumiyey
qarankii
- Waa daruuro da’ayoo
- Soo saara dooggoo
- Iina deeqa nabadiye
- Ma doonnaa wanaagoo
- Balaayada ma
diidnaa?
- Ma dhisnaa
dalkeennoo
- Dadka ma u
horseednaa
- Dawo lagu bogsoodoo
- Daacuunku kaga
boxo?
-
- Inta weli damiirkii
- Uu ku sii danbeeyow
- Digtoor iyo
wadaadow
- Inta daacada ahay
- Inta qaranki dumay
iyo
- Ka diiraysa
xumahaay
- inta dibadda
joogtee
- Dawlado shisheeyoo
- Ku dhufteen
dabayluhu
- Ugu deeqa lacageey
- Ilaah daayim weeyoo
- Ma dulmiyo
dadkiisee
- Innagaa dulownoo
- Daayeerro noqonaye
- Inta aan Ilaahay
- Dabaylaha
dhacaayiyo
- Badda inagu sii
deyn
- Dukumdaakum naga
dhigin
- Danbigaan samaynaa
- Buuraha
dushoodiyo
- Buux
dhaafshay dunidee
- Xaqa
duudsigiisiyo
- Dulmi
ma iska daynaa?
- Mise
wayska daalaye
- Doqoni
waa halkeedii?
--------------------------
Dhamaad
-------------------------------
Axmed
Cabdi Geelle
Nairobi, Kinya
axmedlibaax@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27,2005
MAANSADA
HORE |
MAANSADA XIGTA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|