SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


W.t: C/Nuur Maxamuud ( qurux )
London, Uk
amohmoud@hotmail.com


Boqollaal Dambiile 

Maansadaan la magacbaxaday Boqollaal Dambiile waxaa curiyay

C/Nuur Maxamuud ( Qurux) oo ku nool magaalada London ee waddanka Ingiriiska. Maansadu waa  tii 43aad ee Silsiladda  Doodwanaag, waxayna taxanaha ku soo biirtay  28/12/2005. 

Maansadu waxay ka warramaysaa qiimaha afka Soomaaliga  iyo  hodantinnimada suugaanta soomaalida iyo sida ay  dadka Soomaaliyeed ugu adeegsanjireen marba xaaladaha la soo dersa. Waxa kale oo ay maansadu ka warramaysaa lagama maarmaannimada in danta guud meel looga  soo wada jeesto lagana digtoonaado  dambiileyaasha wajiyada badan ee maanta ummadda u horseeday halaagga ay ku sugantahay.

Diktoorrada adduunyadu
waxay soo daliilsheen
ku qoreen diwaannada
Dunidoo dhan geeyeen
Dalkastiyo afkiisoo
Luqadayda dahabkay
Dusha sare marsheenoo
Darajana guddoonsheen
Deeq ilaahay weeyaan
Anna doorkii koowaad
Waxaan siiyey Deelleey

Haddii aad da’weyntahay
Dabuubtayda waad garan
Haddii dunida aad timid
Haku daayo mawluhu
Dersi baanay kuu noqon
Ee daalac uga bogo

Dadbaa naga horreeyoo
Rabbi deeq hasiiyee
Markay noo digaayeen
Markii ay is-dilayeen
Markii ay is-dagayeen
Markay daajin xooliyo
Markay dawliga u shubi
Markii doog u soo baxo
Markay dooni gabariyo
Markay diinta baran iyo
Dankastoo ay leeyiin
Deelley ku dari jirey
Waxaan ahay dirkoodoo
Deelley ma waayoo
Kolkaan anigu doonaan
Dibnuhuun ka soo qaban
Waxse iga dardaarana
Deelqaafku waa halis
Anna daaci ma’an noqon
Waase iga dadaaliyo
Dooddaan wacnaydee
Da’yartaan isle’ekayn
Isu soo direenoo
Dareenkayga kicisee
Dulqaad ii lahaadoo
Ducaqabe Suldaan iyo
Bahda doodwanaagoow
Door weyn cayaartee
Taydana ku dara oo
kolna haygu diimina.


idin daalin maayee
Inyar aan kusii daro
Anigiyo dareenkay
Illeyn waa danguud iyo
Dood wanaagga maansee

Deelleydan hodankaa
Waa daawo nabadeed
Waa dawlad soo celin
Waa dib uheshiisiin
Waa maato daadihis
Waa dib u dhis qarameed
Waa u digniin intii weyn
Waa u duruus kuwaan dhalan
Way ku dayan kuwii dhumay
Way dagaali tuugada
Way daryeeli maatada
Way danayn misikiinkii
weysu dumi dadweynaha
Way daadihin curyaankii
Way xiri dembiilaha
Way dabooli baahida

idin daalin maayee
Inyar aan kusii daro
Anigiyo dareenkay
Illeyn waa danguud iyo
Dood wanaagga maansee

Intaas oo dariiq iyo
Boqol anan ku sii darin
Halkii ay ka doontay
Door kastaba cayaartaa

Waa duug haraayoo
Boqollaal gu’ dabadeed
Ruuxi Daa’im daayaa
Dadaalkii barbaartaan
Dahab uu guddoonsiin

Waa duug haraayoo
Xaqa daahir yeeshoo
Gebigiin dadweynoow
Digniin weeye maqal tiri

Waxay tiri dadweynaha
Haddii aad diyaar tahay
Duulkaan ma’aragtaan:

Afar daallimiiniyo
Afar duubab weyniyo
Afar diradiraaliyo
Afar jecel dantoodiyo
Afar samaha diidiyo

Afar dollar jeceliyo
Afar daba ordaysiyo
Afar dila walaalkiyo
Afar ubadka dooxiyo
Afar doodo badaniyo

Afar diiddan nabaddiyo
Afar cooshash dooniyo
Afar doon ku soo rara
Afar sii dullaashiyo
Afar daabaca u xira

Afar degelka guba’a iyo
Afar been difaacdiyo
Afar dumarka xoogtiyo
Afar darooga beertiyo
Afar dibad u dhoofshiyo

Afar diiddan qarannimo
Afar dawlad aan rabin
Afar been daraysiyo
Afar nabadda daahdiyo
Afar aan dadka u nixin

Boqolkaa Dambiilaa
Arligeennii degayoo
Mid haddaan dawaynana
Uu doobbin kii kale

Bal haddaba dadweynoow
Dawgeennu waa maxay ?

Kolley diintii Eebbiyo
Doorroonoow Rasuulkii ( s.c.w)
Wax ku doorsan maynee
Mid aan diinta mooyee
Dan kaleeto aan wadan
Iyo Allow daacad noo keen.

aaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiin

Abdinur mahamud ( qurux ) : TALOKEEN
LONDON, Uk

amohmoud@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 22, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD