SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG


W.T: C/khayr  Sh. Xasan Sh. Soofe
Ohio, USA
soofe@hotmail.com



C/khayr  Sh. Xasan Sh. Soofe

Damiiryeesha 

Maansadaan la magacbaxday  Damiiryeesha, waxaa curiyay Cabdikhayr Sh. Xasan  Sh. Soofe oo deggan magaalada Columbus ee waddanka Maraykanka,ahna arday barta Qaanuunka, kana  mid ah Bulsho-daneeyeyaasha  Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio.  Maansadu waa tii 44aad ee Silsilladda Doodwanaag, waxayna taxanaha ku soo biirtay 28/12/2005.

Maansadu waxay tusaaleyneysaa in ummadaha dunida ay colaado la soo gudboonaadaan, laakiin lagu maareeyo wadahadal iyo is-afgarad si looga hortago colaad daba dheeraata oo aan cidna dani ugu jirin.  Aqoondarrida ayay maansadu ku tilmaantay musiibada ugu wayn ee hurisa colaadaha, taasoo ay lagama maarmaan tahay in xal loo helo oo dadka wax la baro. Waxaa kale oo ay maansadu ka digaysaa kooxaha  danta mooday in ay ka ganacsadaan dhiigga shacbiga walaalaha ah. Waxay maansadu dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigelinaysaa in ay u istaagaan danta ummaddooda iyadoo sidoo kale dadka ku baraarujinaysa lagama maarmaarnnimada in loo noqdo dhulkii hooyo. 

  • In colaaddu darantahay
  • Shay dilaaya ay tahay
  • Darxumiyo halaag tahay
  • Dullinnimiyo hoog tahay
  • Duufaan wax qaadiyo
  • Abaar lagu dayoobiyo
  • Dab wax gubaya ay tahay
  • Abwaannadi daneeyee
  • Deelleey ku sheegow
  • Dooddaad biloowdeen
  • Dareenkay i qaaddoo
  • Qalbigaa ku diirsaday
  •   
  • Inay nabaddu deeq tahay
  • Qaran daaficiis iyo
  • Darisnimo wanaag tahay
  • Danbaaburo bakhtiis tahay
  • In la kala danbeeyiyo
  • Dawladnimadu nolol tahay
  • Damaashaadku farax yahay
  • Dalku lama huraanyahay
  • Abwaannadii daneeyee
  • Deelleey ku sheegow
  • Dooddaaad biloowdeen
  • Dareenkay i qaaddoo
  • Qalbigaa ku diirsaday.
  •   
  • Inkastoo an deel gabay
  • Maanso dood ah oo furan
  • Weli daah ka soo rogin
  • Danna aanay iga galin
  • Oo aan iskuba dayin
  • Daacadnimo u hadal iyo
  • Doodwanaag markay tahay
  • Xumahoo la diidiyo
  • Samahoo la dooniyo
  • Isku duubni wada jira
  • Kii ay u darantiyo
  • Nin dan lihi halkiisee
  • Dibnahayga inan xiro
  • Dareenkey i siin waa
  • Dabcigaasna maba lihi
  • Waxa aanan doorbiday
  • Diiwaannadaan furan
  • Suugaantan daabacan
  • Inaan maanso dahaboo
  • Sida roob da’eysoo
  • Same uu ku dihinyahay
  • Magaceed Damiir yahay
  • Aniguna ku soo daro
  • Oon caawa soo diro.
  •  
  • Dacaayado raqiisiyo
  • Damdam iyo xishood li’ i
  • Uma jeedo deelqaaf
  • Nin qabyaalad daafaca
  • Durbaan reer garaacoo
  • Danta guud an eegayn
  • Waa wax laga ducaystee
  • Dib u socodka liitiyo
  • Midkuu dirhamku howliyo
  • Kan wahsigu diloodee
  • Aan waxqabad daneyneyn
  • Ka da’ weyni saan qabo.
  •   
  • Rabbi ha idin daayoo
  • Deeq ha idin siiyee
  • Inkastoo aad dooddii
  • iyo samo dedaalkii
  • Inta badan daboosheen  
  • intay weli dallacantahay
  • Xaajadu dibbood tahay
  • Ummadduna dabjoogtahay
  • Ooy diifi nagu taal
  • Diin-laaweyaal iyo
  • Dibutaati beeniyo
  • Dagaal-oge baas iyo
  • Inta dowdar taliyee
  • Danbiiluhu hormuud yahay.
  •  
  • Duurjoog sideedii
  • Dadku intey is  cunayaan
  • Inta kii danyar ahiyo
  • Ducufada la iibsado
  • Dariiqyada isbaraada
  • Inta lays dabaayoo
  • Duq sagaashan jira iyo
  • Lagu baaran diracyada.
  •  
  • Dulmi sii cayilayiyo
  • Intuu kibirku doobbiyi
  • Xaqii duudsi uu yahay
  • Rajadii dahsoontahay
  • Daandaansi nacasnimo
  • Duullaanki kow yahay
  • Dooddeennu waa weli !
  •   
  • Dunidaan dhamaanteed
  • Dal kastoo ad eegtaba 
  • Danbi lagama waayoo
  • Dadku wey islaayaan
  • Daqar weyska jeexaan
  • Marna way is dooxaan
  • Ha yeeshee dabbaalnimo
  • La iskuma durduriyoo
  • Dulli lama ahaadee
  • Dowladaa wax maamula
  • Dishilbiliin la raaciyo
  • Dastuur baa u qoranoo
  • Ciidama diyaariyo
  • Denbi baarayaal baa
  • Dulmi kii sameeyiyo
  • Inta dooxatoo idil
  • Dullaan ku qaadoo
  • Deyr adag ku meershoo
  • Darbigiisu dheeryahay
  • Ciddii ay dileen iyo
  • Danbigay galeen baa
  • Dacwad lagu horkeenaa
  • Cadli looga doontaa.
  •  
  • Kuwaan diin lahaynoo
  • Aan innagu ku diinnoo
  • Dabka caabbudaayoo
  • U sujuuda dibidaa
  • Xeer kala dabbaaliyo
  • Sharciyada daneeyoo
  • Dariiq nabada doortoo
  • Deggenaan ku nooloo
  • Dhaqan door leh baa badan.
  •  
  •  Ummaddeenan dammanoo
  • Qabiil lagu durduuroo
  • Jahli lagu dabiiboo
  • Gabigeed la duufsaday
  • Xaqoodii la duudsiyey
  • Jinku uu dardarayee
  • Danaheedi seegtoo
  • Caqligii ka dedanyahay
  • Dawgaaga garo iyo
  • Hadal kuma damqaysoo
  • Marna may dabcaysoo
  • Wixii dhaaxa loo digay
  • Ama waano loo diray
  • Daalacanba maysee
  • Halkii laga duqeeyiyo
  • Miyirkeedan doorsamay
  • Side loo daweeyaa?!
  •   
  • Bulshadaan danteedmoog
  • Jahli baa la dagayoo
  • Garashadii dabooloo
  • Dabray oo hoggaanshee
  • Mar haddii waxow dana
  • Marna aney damoonayn
  • Mar haddii waxow daran
  • U dabbaaldagaysaba
  • Dayac bey ku sugantee
  • Dugsi waa in loo furo
  • Qalinkiyo dawaaddiyo
  • Waa in buug la doonaa
  • Cilmi loogu deeqaa
  • Wali lagu dirqiyo oo
  • Dulqaad lala yimaadaa.
  •   
  • Dawladdu sideedaba
  • Dibad kama timaaddee
  • Dadka oo is doontoo
  • Daacad isu ahaadoo
  • Damiir Eebbe siiyoo
  • Diintii u laabtoo
  • Beerahooda dooxdoo
  • Duunyadooda raacdoo
  • Gaal doora weyne ah
  • Baryadiisa daayoo
  • Aan kala dacwoonine
  • Iyagu is duggaashada
  • Talo kama danbaysee
  • Degdeg ma u abbaarraa?
  •   
  • Dibad ruux wareegaa
  • Doollar iyo daraahiim
  • Daar kastoo u leeyahay
  • Isirkoo la duro iyo
  • Dool baad tahaye guur
  • Diif kama baxaayee
  • Damashii harkoodiyo
  • Durdurrradii xareeddiyo
  • Halkii laga dagaagey
  • Si kastoo duruuf tahay
  • Dani noo tilmaantaye
  • Ragow doorka maanta ah
  • Dalkii aan u noqonnoo
  • Abaalkii dorraad iyo
  • Dayntii an celinnee
  • Immisaa diyaar u ah?
  •  
  • Dibindaabyadaan iyo
  • Wixii qarankii dumiyiyo
  • Qabiilkaan na daashaday
  • Dilaa weeye halisoo
  • Daacuunka faafiyo
  • Sida duumadoo kale
  • Aan ku dabargo’eynee
  • Mayska dayrinnaayoo
  • Waxa mayska diidnaa?
  •  
  • Dullaalladan dhargeynee
  • U daneeyee nacabkeen
  • Dan ka galin dhashoodee
  • Danyartii dhacaayee
  • Deriskii gumaadee
  • Ehelkii dam siiyee
  • Doqonnimo ku faanka ah
  • Waa kooxo diranoo
  • Qayrkood sida dameeraha
  • Duudka uu ka rarayoo
  • Ma wadaan danteennee
  • Digniin culus ma siinnaa
  • Daga ma ku niraahnaa?
  • Mise waxa dagaal iyo
  • Dirir baan ku kicinnaa?
  •   
  • Waxa  iga dardaarana
  • Gobonnimadu waa dahab
  • Waa wax dhiig u datoo
  • Kumaan geesi loo dilo
  • Duulkii xushmeeyoo
  • Calankooda daafaca
  • Waa duni hormuudkeed
  • Darajadana waa kow
  • Waa lagu daydaayoo
  • Waa laga dambeeyaa
  • Dayaceedna waa halis
  • Waa dil aan diyo lahayn
  • Dullinnimo la qaayibo
  • Dawarsiyo rafaad iyo
  • Dihaal ku noolaan
  • Ninkii taa ka dudayoo
  • Cisigii dalaaqoo
  • Cadow soo durkinayiyo
  • Sharta kii dugsanayow
  • Kaa danaystay saaxiib
  • Adigiyo dadnimadaa
  • Anigana dadaalkey.
  •  
  • Waxan dood ku soo xiray
  • Soomaalaay dareenlaay
  • Ubadkeeda dubataay
  • Dumarkeed ma dhowrtoo
  • Ma daryeesho waayeel
  • Haddaad dhego dalooloo
  • Run daneeya leedahay
  • Diirka aan ka qaadee
  • Waxa ay dantaa tahay
  • Wixii dayr la soo maray
  • Wixii daadsanaa meyd
  • Wixii guri la dumiyiyo
  • Wixii duunyo baaba’ay
  • Dambas meel ku soo haray
  • Dib inaad u eegtood
  • Daa’ inkaa u noqotood
  • Degdeg  towbad keentee
  • Aakhiraa dambeysoo
  • Dayuusnimo ma fiicnee
  • Damiiryeesha waa talo!

C/khayr  Sh. xasan Sh. Soofe
Ohio, USA
soofe@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 22, 2006

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD