Maanta iyo wararka Caalamka
Feb 22, 2006
- Ra'iisalwasaaraha Danmark
oo diiday in baaritaan lugu sameeyo qaabkii loo wajahay xiisadda ka
dhalatay aflagaadii Nabi Muxamed NNKH
- Sacuudiga oo xiray wargeys
daabacay sawiradii Nabiga ihaaneynayey
Ra'iisalwasaaraha Danmark
oo diiday in baaritaan lugu sameeyo qaabkii loo wajahay xiisadda ka
dhalatay aflagaadii Nabi Muxamed NNKH
Ra'iisalwasaaraha dalkaasi Anders Fogh
Rasmussen Denmark ayaa gaashaanka maanta u darruuray in baaritaan
guud lugu sameeyo waxyaabihii ka dhashay aflagadaadii Nabi Muxamed
NNKH ee wargeys dalkaasi kasoo ku kacay iyo qaabkii ay dowladiisa u
maareysay. "Xiisadu maaheyn mid su'aal laga keeno qaabkii loowajahay
ama warbixin dadka loo soo gudbinayo" ayaa lugu yiri war laga helay
wasaarada arrimaha dibada dalkaasi.
"Diblomaasiyiin ayaa habeen iyo maalin
ku howlan siddii xal loogu helil ahaa mana ahan iney kalsooni darro
abuuranto. Haddi mucaaradku doonayaan iney mas'uliyada dusha dowlada
u saaran waxba kama qabno" ayuu yiri Anders Fogh Rasmussen oo misna
hoosta ka xariiqay in baaritaanka ay ku baaqeen mucaaridka dalkaasi
aysan aheyn mid wax ka badaleysa dhinacyadii ay xiisadan quseysa ama
xalkooda keeni karta.
Sacuudiga oo xiray wargeys
daabacay sawiradii Nabiga ihaaneynayey
Dalka boqortooyada Sacudiga Careebiya
ayaa xiray wargeys kasoo baxa dalkaasi oo maalinle ahaa kadib markii
wargeyskaas la sheegay inuu sawiray sawiradii kartoonada ahaa ee
lugu ihaaneyey Nabi Muxamed NNKH. Wargeyskan oo ah mid uu lahaa nin
kasoo jeeda qoyska reer boqor ee dalkaasi oo markii dambe u weecday
dhinaca ka sheekeynta arrimaha dhalinyarada ayaa muddo haatan laga
joogo saddex toddobaad daabacay sawiradaasi.
Dhinaca kale wargeyskan ayaa abuuray
muran la xirriira markii uu bilaabay inuu ka hadlo arrimaha dumarka
dalkaasi iyo dowrka ay ka qaadan karaan adeegyada bulshada, British
Broadcasting Corporation -na waxey sheegtay in amuurtan keentay in
dowladu ay ka guuxdo.
Tafaftirka guud ee wargeyskan lugu
magacaabo Sham ayaa sheegay markii wax laga weydiyey sabata ay ku
daabaceen sawiradasi muranka dhaliyey iney u jeedadoodu aheyd sidey
indhaha dhalinta Sacuudiga ugu soo jeedin lahayeen dalkaasi
Denmark. Wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka dalkaasi ayaa haatan
waxey si kumeel gaar ahaan u xirtay wargeyskaasi maalinlaha ah tan
iyo inta ay dowladu baaritaanka kaga soo saareyso sababihii dhaliyey
in la daabaco sawirada si weyn u dhaawacay dareenka muslimiinta
caalamka.
Wargeyska Al- Shams wuxuu kamid
yahay shan wadan oo dunida carabta ka tirsan oo ay wargeysyadooda
soo bandhigeen sawiradii ihaanada ah ee loo geystay Suubanaheeni
Muxamed NNKH.
- Ra' isul Wasaaraha Finland oo ka
cudur daartay Dacaayadii Rasuulka.
- Wargeyska "Jyllands-
Posten maanu bixin raaligareyn!!"
- Wargeys Ruush ah oo la xiray
kadib markii uu daabacay sawiradii Aflagaada ahaa ee lugu ihaaneynayey
Nabi Muxamed
Ra' isul Wasaaraha Finland oo ka cudur
daartay Dacaayadii Rasuulka.
21.2.2006
Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Helsink, Finland.

Matti Vanhanen |
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Finland Matti
Vanhanen ayaa Raali galain xoogan ka bixiyay Daabacaadda qaar kamid ah
Shabakadaha dalkan Finland ay daabaceen ee ku aadan Sawiradii
aflagaadada ahaa ee lagula dhaqaaqay Rasulkeena Muxamed Calayhi Salaatu
wasalaam, Waxaana uu tilmaamay in aan loo dul qaadan karin arimahaasi oo
kale marnaba.
Warar ku dhow Dawladda dalkan oo qaar
kamid ah Saxaafadda Dalkan ay daabaceen ayaa sheegaya in Raali
galintaasi uu bixiyay Ra'iisul Wasaare Vanhanen ay muran ka dhex
dhalisay Xubnaha sar sare ee Dawladda oo qaarkood u arka in aanay qasab
ahayn in Cudur daar sidaasi u adag ay bixiso Finland.
Raaligalinta Finlad waxaa ay ka danbaysay
socdaal uu dhowaan ku tagay Dalkaasi Kuwait oo si weyn uga xumaa
Qoraalada ay daabaceen qaar kamid ah Websiteyada Xagjirka ah ee Dalka
Finland oo ay uga hadlayeen Sawir Gacmeedkii lagu aflagadaynayey Nabi
Muxamed Calayhi Salaatu Wasalaam.
Dadwaynaha Finland waxaa lagu sheegaa in
ay yihiin dad aad u tixgaliya nabadda oo neceb in dhibaatooyin loo
gaysto dhinac walba, taas ayaana keenaysa in rai'isul wasaaraha dalkan
Finland uu durbaba muujiyo sida uu uga xunyahay arinka ay ku dhaqaaqeen
shabakadaha dalkan ee xigashada Sawir gacmeedkaas.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Helsinki,
Finland.
ridwanhaji@yahoo.com
Wargeyska "Jyllands-
Posten maanu bixin raaligareyn!!"
War kasoo baxay wasaarada
arrimaha dibada dalka Denmark iyo tafatiraha wargeyskii dhawaan ihaanada
u geystay Nabi Muxamed NNKH ayaa laga soo xigtay iney sheegeen warkii
cudurdaarka ahaa ee shalay lugu soo daabacay jariirada afka carabiga ee
Sharqul-Awsat inuusan aheyn mid wargeyska Jyllands Posten soo gudbiyey
ee ay tahay mid si shaqsi ahaan ay u soo gudbiyeen shaqsiyaad is
xilqaamay. "Haatan waxaa lugu jiraa baaritan la xirriirta ciddii dirtay
farriintaas cinwanka looga dhigay Raali gareyn" ayaa lugu yiri warbixin
laga soo xigtay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark.
Shalay ayuu wargeyska
Sharqul Awsat daabcay qoraal lugu sheegay inuu ku wajahan yahay dunida
Muslinka taasoo shaqsi ku hadlayey magaca wargeyska codsaday in laga
raali ahaado wixii ihaano ah ee ay u geysteen Rasuulka oo ay dhalisay
waxa loogu yeeray isfahan darro.
Wargeys Ruush ah oo
la xiray kadib markii uu daabacay sawiradii Aflagaada ahaa ee lugu
ihaaneynayey Nabi Muxamed
Wargeys maxali ah oo
kasoo baxa dalka Ruusha ayaa gebi ahaanba shaqada ka eryey tafatirihii
iyo shaqaalihi kale ee wargeyskaas ka howl gali jiray kadib markii ay
daabaceen sawiradii kartoonada ahaa ee lugu ahaaneyey Nabi Muxamed NNKH.
Bishan 15-keedii ayaa
wargeyskani wuxuu daabacay sawirada muranka ka taagan yahay ee muslimiin
badan oo dunida ka careysiiyey. Ninka leh wargeyskan ayaa sheegay
inuusan damaano qaadi karrin amaanka weriyeyaashaasi sidaas daraadeedna
uu gartay inuu shaqada ka fariisiyo gebi ahaana alabaabada u laabo
wargeyskaas maxaliga ah.
Duqa magaalada Vologda
ee wargeyskani kasoo baxo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalkaasi
ee Inter Fax in raali gareyn loo diro doono dhamaan 15- milyan ee
muslimiinta dalkaasi Ruusha si loogu sheego in wargeysku aan qasdigiisu
aheyn inuu wax u dhimo dareenkoda.
Neyjeeriya
oo muslimiin careysan oo kaniisado dab qabadsiiyey
Maalinba maalin, dalba dal
ayuu u sii gudbay una sii kordhay xiisada ka dhalatay sawiradii foosha
xumaa ee kartoonada ahaa luguna sheegay iney ahaayeen Nabi Muxamed NNKH
ee uu sawiray wargeys Denish ah. Beesha caalamkuna weli xal amuurtaas ku
saabsan oo ay ka gaartay ma jirto marka laga reebo baaqyo caalami ah oo
laga soo saaray.
Dalka Neyjeeriya ayaa
magaalo ku taal waqooyigiisa waxaa ku dhintay dad gaaraya toboneeyo qof kadib
markii halkaasi maanta banaanbaxyo ka dhaceen. Muslimiin careysan ayaa
lugu soo waramaya iney dab qabadsiyeen kaniisado ku yaala magaalada la
yiraahdo Bauchi.
Weriyaha wakaalada wararka Rueters ayaa sheegay inuu arkay dhalinyaro
dab qabadsiineysa ugu yaraan labo kaniisad waxey jidka ku gooyeen
shaagaga baaburta, dukaaman ku yaala nawaaxiga ay rabshaduhu ka
dhacayaan ayaa sidoo kalena dab la qabadsiyey. Ilaa iyo haatan lama hayo
tiro rasmi ah oo ku dhintay rabshadaha halkaasi ka dhacay balse weriyaha
wakaalada wararka Rueters ee halkaasi ku sugan wuxuu soo sheegay inuu
arkay 10 qof oo meyd ah halka boqolaal qof oo dhaawac ahina loola
cararay cisbitaalada.
Shalay oo axad ah ayaa rabshado kale oo la xirriira sawirada lugu
ihaaneynayo Nabi Muxamed NNKH oo muslimiinta dalkaasi oo aad gu
careysani ka dhaceen dalkaasi waxaana halkaasi ku dhintay 28 qof, balse
hey'ad ay leeyihiin masiixiyiinta dalkaasi oo la yiraahdo (Christian
Asscociation of Nigeria) ayaa sheegtay dadkii ku dhintay qalalaasihii
shalay iney gaarayaan cadadooda 50 qof.
Maxamuud
Cabbaas oo Xamaas ka codsaday iney dowlad soo dhisto
Sida ay ku waramayaan mas'uuliyiin sare
oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Falastiiniyiinta
Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin uu ka codsaday Ismaaciil Haniyah in dowlad
soo dhiso. Ninka la yiraahdo Maxamuud Zarhar ayaa maanta oo talaado ah u
sheegay warfdiyeenada in Abuu Maazin oo kulan la yeeshay Ismaaciil
Haniyah uu ka codsaday inuu sida ugu dhaqsaha badan dowlad ay Xamaas ku
soo dhisto.
Wasiirka arrimaha dibada
Ingiriiska oo Bakhdaad tagay
Wasiirka arrimaha dibada
dalka Ingiriiska Jack Strow ayaa maanta oo isniin ah booqasho ku tagay
dalkaasi Ciraaq si uu kala hadlo mas'uuliyiinta dalkaasi si dowlad loo
dhan yahay ay u soo dhisi lahayeen kadib markii muddo labo bilood ay
qaadatay dooroshooyinkii dalkaasi ka dhacay.
Mas'uul u hadlay wasaarada arrimaha ayaa Rueters u sheegay in tani tahay
fursadii ugu dambeysay ee lugu doonayey in taabo gasho dowlada
Ciraaqiyiinta islamarkaasina ka qeyb qaadan lahaayeen dhamaan
dhinacyada siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.
Booqasha Jack Strow ayaa
ku soo aaday xilli ay dadka reer Ciraaq ay ka xun yihiin falka
waxashnimada leh ay ciidama Ingiriiska dalkaasi joogay ay jir dil ugu
geysteen dhalinyaro ciraaqiyiin ah oo banaanbaxayey kuwaasoo ay dibada
kasoo qabsadeen.Sidoo kale ciidama Ingiriiska ayaa kala qeyb qaatay
duulaanka uu Mareykanka dalkaasi ku qabsaday sanadkii 2003-da ee ay
xukunka kaga tuureen madaxweyne Saddaam Xuseen.
Waxaa
diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com