SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK



Mudaharaadyo Cusub oo Looga soo Horjeedo Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed NNKH oo ka Dhacay Daafaha Dunida | Feb 7, 2006

  • Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay falkii loogu Aflagaadeeyey Nabiga NNKH
  • Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso
  • Ganacisigii Kashmiir oo is taagey
  • Wareegto ka soo baxday Baarlamaanka Iiraan
  • Joornaal ka soo baxa Iiraan oo shegay in uu daabacdi doono sawir gacmeedyo xasuuqii Yuhuuda

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay falkii loogu Aflagaadeeyey Nabiga NNKH

Dhawaan ayaa xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho waxay guddi u saareen codkooda ugu biirin lahaayeen cambaareynta la xiriirta gefkii loo gaystay Nabigeenka (NNKH) ayaa maalintii Isniinta Feb 6 waxay shir jaraa’id ku qabteen Magaalada Muqdisho waxaana loo xil-saaray afar xildhibaan oo kala ah Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye, Axmed Diiriye Max’ed, C/fitaax Shiikh Ibraahim iyo Faysal Cumar Guuleed waxayna sheegeen in iyagoo ku hadlaya afka dhamaan xildhibaanada baarlmaanka ee ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Johwar iyo kuwo kale ay cambaareyn u soo jeediyeen gefkii loo gaystay Nabigeenka (NNKH).

“Xoriyaddu ma ahan in loo gefo diimaha iyo dhaqanada” ayay yiraahdeen xildhibaana-daasi oo sheegay in xoriyaddu ay leedahay xad, iyagoo sheegay in Nabigu uu yahay mid Alle dhowray isla markaana uu yahay raxmad loo soo diray caalamka.

Ugu dambeyntii waxay sheegeen in gef loo gaysto Nabigeenka (NNKH), waxayna u soo jeediyeen Ummadaha Islaamka in ay xiriirka u gooyaan kuwii xadgudubka u gaystay Nabiga (NNKH).

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso

Waxaa Isniintii Feb 6 ka dhacay magaalada Boosaaso Banaanbax subaxnimadii hore ku bilowday si nabad ah, kadibna isu badalay Buuq keenay dhimasho iyo Dhaawac.

Banaan baxaan ayaa looga soo hor jeeday Gafkii ay qoreen Wargeesyo ka soo baxa Dalal ay ka mid tahay Denmark oo ay ka qoreen Nabiga SCWS, Banaanbaxaan ayaa waxaa ka soo Qayb galay Kumanaan ah Dadka dagan magaalada Boosaaso iyo Madaxda Maamulka DGPL.



Banaanbaxaa oo markii dambe isku badalay buuq ayaa waxa uu buuqa ka dhashay markii ay Dadweynaha Banaanbaxayay ay weerar Dhagaxa ku qadeen xarunta PIS, xaruntaas oo dadkii bannanbaxayey ay ugu yeereen goob ay ku shaqaystaan Ciidamada sir doonka ee isku magacaabay in a la dagaalamayaan Dad gaara, waxaana dadweynuhu sheegeen waxaa Xaruntaasi tahay meel lagula dagaalamayo Muslimiinta.

Dadweynihii ayaa Goordambe oo ay soo dhowdahay salaadii Duhur ku kala tagay Banaanbixi iyadoo Gudiga Nabadgalyada oo ay ka mid yihii Lataliyaha Xaga Amniga ee Maxweynah DGPL, Gudoomiyah G/Bari iyo Gudoomiyaha Degmada ay amreen in laga hortago wixii dhib wada iyo nabadgalyo xumo.


Bannaanbaxaii Boosaaso, Feb 6, 2006

Ciidamada Amniga oo isugu jira Daraawiish iyo Boolis ayaa Wadooyinka ku sugnaa ayagoo ku maraya gawaari Gaashaaman.

Kismaayo, Soomaaliya:

Dhanka magaalada Kismaayo waxaa Isniintii Feb 6 lagu qabtay bannaanbax roob-doon ah, waxaana isla bannaanbaxaas laga canbaareeyay sawirada anshax xumada ah ee lagu aflagaadeynayo rasuulkeenii suubanaa NNKH ee ay soo daabaceen wargeyesyada ka soo baxa wadamada yurub qaarkoos ayadoo ay wadaadadu carabka ku adkeeyeen in ay muslimiinta caalamka ficil ka muujiyaan falkaas isaga ah.


Roobdoontii Kismaayo, Isniin feb 6

Caalamka kale iyo Isniintii Feb 6

Mudaharaadkii Looga Soo Horjeedey Aflagadadii Wargeysyada reer Yurub qaarkood u Geysteen Nebi Muxamed NNKH ayaa markale Isniintii cirka isku shareeray, kuwaas oo k adhacay daafaha dunida.

Afghanistan:

Booliska Afganistan oo toogtey dad mudaharaadayey

Ciidamada booliska ee Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey maalinadii Isniinta Feb 6, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.

Bannaanbaxa khasaaraha ugu weyn waxa uu ka dhacay meel bannaanka ka ah Bagram oo xarun u ah ciidamada Maraykanka, halkaas oo ciidamada boolisku ay rasaas ku fureen 2,000 oo qof oo mudaharaad dhigayey kaddib markii ay dadkaasi isku dayeen in ay xoog ku galaan xarunta aadka loo ilaaliyo.

Waxaa la diley labo ka mid ah dadkii mudaharaadayey, waxaana dhaawacmay 13 qof oo ay ku jiraan sideed boolis ah, sida uu sheegay Kabir Ahmed oo ah sarkaal ka tirsan dawlada, waxana uu intaas ku daray in aan ciidamada Militariga Maraykanku arrintaas ka qayb qaadan. Sarkaal ka tirsan ciidanka Maraykanka oo lagu magcaabo Lt. Mike Cody waxa uu sheegay in ciidanka maraykanku aysan wax rasaas ah ku ridin dadkii mudahaaradayey, arrinta Ammaanka la xiriirtana ay u dhaafeen Booliska Afganistan.

Sidoo kale waxa ay ciidanka booliska ee Afganistaan ay rasaas ku fureen dad mudaharaad ku dhigayey magaalada Mihtarlam oo ku taal bartamaha dalkaasi, kaddib markii sida la sheegay uu nin dadka mudaharaadayey uu xabad ku ridey iyaga (Booliska), dadka kalena ay ku tuurayeen dhagxaan iyo mindiyo, sida uu sheegay afhayeen u hadlayey wasaarada arrimaha gudaha ee Afganistan oo magaciisa la yiraahdo Dad Mohammed Rasa. Halkaas waxaa ku dhintan labo kamid ah dadkii mudaharaadayey, waxaana dhaawacmay saddex qof oo ay ku jiraan labo boolis ah, sida ay sheegeen saraakiil. Dadkaas mudaharaadayey waxa ay gubeen taayiro, waxana dhagxaan ku tuurayeen xafiisyada dawlada.

Tehran, Iiraan:

Dad caraysan oo isku deyey in ay xoog ku galaan safaarada dalka Austria ku leeyahay Iiraan

Ciidanka Booliska ee Iiraan ayaa adeegsadey gaaska dadka kaga ilmaysiiya si ay u kala kaxeeyaan boqolaal mudaharadaadayey oo dhagax iyo dab ku tuurayey safaaradada Denmark ku leedahay magaalada Tehran, dadkaas oo ka caraysan daabacadii wargeyska Denmark  uu daabacay sawir gacmeedyadii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhaawacmay meel bannaanka ka ah safaarada Denmark ee Iiraan. Waxaana halkaas dab la tuuray uu qabsaday laba geed oo ku dhex yaaley dhismahaas. Waxaa kale oo la gubey albaabka hore ee Safaarada. Dadkaas mudaharaadayey waxa ay ku qaylinayeen "Allahu Akbar", waxana ay gubeen calanka Denmark.

Waxaa kale oo dalka Iiraan ay arday mudaharaaday dhagxaan ku tuureen safaarada dalka Austria.

Wareegto ka soo baxday Baarlamaanka Iiraan

200 (laba boqol) oo ah xubno ka tirsan baarlamaanka Iiraan ayaa isniintii Feb 6 waxa ay soo saareen wareegto ay ugu digayaan kii daabacay sawir gacmeedyadu in uu xusuusto xaalkii Salman Rushdie oo uu hoggaamiyihii geeriyoodey ee Iiraan Ayatollah Ruhollah Khomeini uu ku fadwooday dilka kaddib markii uu qoray buugii "The Satanic Verses = Aayadihii Sheydaanka."

Waxa kale oo dawlada Iiraan ay dib u fiirineysaa heshiisyada dalalkii daabacay sawir gacmeedyada. Waxana hadda ay Iiraan ku dhawaaqday in ay joojisey xiriirkii ganacsiga ee ay la lahayd dalka Denmark. Waxan ay hore ugu yeeratay safiirkeedii Denmark.
Sawir Gacmeedka::
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii.

25 Jan 2006: muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,

26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen safaarada Denmark ee Suuriya iyo Norway ee magaalada Dimishiq.
5 Feb 2006: PDad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.

6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Sawir gacmeedka Aflagaada ku ah Rasuulka waxaa markii hore daabacay wargeys ka soo baxa Denmark, kaddibna wargeys ka soo baxa Norway. Wargeysyada kale ee daabacay iyagoo dhehaya waa 'Xorriyatul Qowl" ee dalalka Yurub waxaa kamid ah: France, Bulgaria, Germany, Italy, Spain, Hungary, Poland,  Switzerland iyo Ukraine. Waxaa kale oo daabacay wargeysyo ka soo baxa New Zealand, Japan, iyo Australia.

Joornaalka ugu ballaaran dalka Iiraan ee lagu magacaabo Hamshahri ayaa ku dhawaaqay in uu qabanayo tartan sawir gacmeed ku saabsan xasuuqii Yuhuuda [Holocaust] kaas oo jawaab u ah sawir gacmeedkii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed ee ay daabaceen wargeysyada reer Yurub, sida ay sheegtay shabakada Aljazeera.

Ciraaq:

Dhawr kun oo ciraaqiyiin ah ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Kut oo ku taal Koonfurta Ciraaq, waxana ay gubeen calamada Denmark, Jarmalka, iyo Israeli, waxa kale oo ay gubeen sawir laga sameeyey ra'iisul wasaaraha dalka Denmark Anders Fogh Rasmussen, waxayna dalbadeen in xiriirka ganacsi iyo dublumaasiyadeed loo jaro dalalkii daabacay sawir gacmeedyada Aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.

Indonesia:

Dad mudaharaadayey ayaa weeraray qunsuliyadaha dalalka Denmark iyo Maraykanka ee magaalada Surabaya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Indonesia. Sidoo kale waxaa mudaharaadyo ka dhaceen caasimada dalkaas ee Jakarta.

Hidiya:

Booliska ayaa gaaska dadka kaga ilmaysiiya ku furay boqolaal Arday ah mudaharaad ku dhigay caasimada  New Delhi.

Gobolka Kashmir ee Hindiya gacanta ku haysto ayaa gebi ahaanba dadweynaha Muslimiinta ah ay shaqadii Joojiyeen maalintii Isniinta, halkaas oo la xiran dhammaan goobaha ganacsiga iyo iskuulada, si loo muujiyo carada wargeysyada yurub ee aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

Thailand:

Dad ku mudahaaradayey meel bannaanka ka ah safaarada Denmark ku leedahay magaalada Bangkok ayaa ku dhawaaqayey "Allahu Akbar".

Falastiin:

Waxaa Mudaharaad kale ka dhacan xarunta Midowga Yurub ee magaalada Qaza.

Qaahira, Masar:

Dhawr kun oo Arday ah ayaa si nabad gelyo ah isugu soo ururay Jaamacada Qaahira qaybta al-Azhar University oo ah jaamacada ugu da'da weyn adduunka ee laga barto Sunni Muslim, ardaydaas oo ka mudaharaadayey sawir gacmedyada lagu aflagaadeeyey Rasuulka NNKH.

Roomaaniya:

Muslimiinta ku dhaqan dalka Roomaaniya ayaa bilaabay nidaam ay kula dagaalamayaan sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark. Nidaamkaas oo ah in ay daabacayaan kumanaan nuqul oo waraaqo ah oo ay ku qoran yihiin hab nololeedkii Nebi Muxamed NNKH, cinwaankuna yahay ‘Muhammad….A Role Model for the Modern World," waxayna waraaqahaas u qaybinayaan dadka reer Roomaaniya, sida ay islamOnline ka soo xigatey Kareem Anjin.

Kofi Annan, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ayaa Isniintii Feb 6 walaac weyn ka muujiyay xaalku meesh auu marayo.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier , waxa uu sheegay in uu xiriir la samaynayo dalalka Carabta si uu arrinta u qaboojiyo. "Ma ogolaan karo in arrintani dhaliso dagaal ka dhex dhaca dhaqamada" ayuu yiri.

Chirac oo telefoon u diray ra'iisul wasaaraha dalka Denmark

Omar Bakri Mohammad oo ah hogaamiyaha ururka Al-Muhajiroon ee laga mamnuucay dalka Ingiriiska ayaa isaga oo jooga Beyruut waxa uu Radio British Broadcasting Corporation u sheegay in ay tahay in qofkii nebi caaya la dilo. Waxana uu yiri "Diinta Islaamka,  sida Allah yiri oo Rasulka Muxamed ah uu yiri, qof kasta oo caaya Nebi waa in la ciqaabo oo la dilo."

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Jacques Chirac, ayaa waxa uu telefoon u diray ra'iisul wasaaraha dalka Denmark, Anders Fogh Rasmussen, Isniintii Feb 6 si uu ugu muujiyo taageeradiisa Denmark, iyo sidii la isula eegi lahaa dejinta xaalada. Safiirada dalaka Yurub ayaa sidoo kale Isniintii shir yeeshay si ay uga wada hadlaan arrintan taagan.

Jacques Chirac waa madaweynaha dalka France ku soo rogey in aan iskuulada lagu xiran karin khimaarka ay xirtaan gabdhaha Muslimiinta ah.

Waxa kale oo Isniintii ay ra'iisul wasaaraha Denmark wada hadleen ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Tony Blair.

Afrikada Bari:

Mudaharaadyadu waxa ku fideen Afrikada bari, halkaas halkaas oo magaalada Boosaaso, Soomaaliya uu ku dhintay wiil, kaddib markii ay ciidamadu rasaas cirka u rideen si ay u kala cayriyaan dad mudaharaadayey oo tuurayey dhagxaan. Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP, dhawr boqol oo Soomaali ah ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Boosaaso, mudaharaadkaas oo markii hore ahaa mid nabad ah ayaa waxaa bilowoday dhagax lagu tuurayey Booliska iyo hay'adaha gargaarka, waxaana halkaas ka dhashay is jiir uu ku dhintay wiil dhawr iyo toban jir ah, sida uu AP u sheegay Mohamed Ahmed oo ah ganacsade arkay sida wax u dhaceen.

Sawirada Mudaharaadka Boosaaso:




Ciraaq oo Joojisey Qandaraasyadii dalalka Denmark iyo Norway
Wasiirka gaadiidka Ciraaq, Salam al-Malaki, ayaa Axadii Feb 5 ku dhawaaqay in dalka Ciraaq uu joojiyey qandaraasyadii iyo heshiisyadii ganacsiga ee uu la lahaa dalalalka Denmark iyo Norway taas oo dalka Ciraaq ku muujinayo cabashadooda aflagaadadii ay joornaalada dalalkaasi u geysteen Nebi Muxamed (NNKH). Guji....

»Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!


Maamulka Jowhar  oo digniin ka soo saaray in aan laga dhigi karin Banaanbax
iyo Dowladda Federaalka oo aan weli ka hadlin gefkii loo gaystay Nabiga NNKH... iyo Warar GooGoos ah... Guji.. Feb 6, 2006


Xigasho:

Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa… 


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)

 



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD