SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


DENMARK IYO JP OO WAX RAALLI-GELIN U EG BIXIYAY

  • Su’aalihii la weydiiyay Ra’iisal wasaaraha

  • JP oo raalli gelin wax u eg siisay muslimiinta

  • Muslimiinta ha difaacaan Rasuulkooda

  • Masjid Muslimiinta ha loo dhiso

  • Wargays kale oo aflagaaddeeyay Rasuulka (scw)


iibsanmayno alaabaha lagalaga keeno Denmark... GUJI...


Shaqaalaha wersheda caanaha Denmark

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Feb 2, 2006

DENMARK IYO JP OO WAX RAALLI-GELIN U EG BIXIYAY

Boqollaal shaqaale u shaqaynayay warshadda Arla iyo shirkado kaleba ayaa shaqo la’aan la soo gudboonaatay, Safaaradaha Kuweit, Sacuudiga iyo Libya ayaa shaqadoodii diblomaasi joojiyay, Boqolaal Malaayiin doollar oo lacago ah iyo heshiisyo ganacsi oo heer dowli ahaa oo ay Denmark la gashay dalalka Khaliijka ayaa hakad weyn galay, caro siyaado ah iyo gooddiyo ayay muslimiin la beegsadeen xukuumadda Denmark iyo shacabka dalxiiska ku yimaada dalalka islaamka ayaa ku xigay. Dagaalyahaniinta ka dagaallama Ciraaq ayaa wacad ku maray in qaraxyo iyo ciqaab adag ay la beegsan doonaan ciidamada deenishka ee ku sugan Ciraaq. 

Waxaasoo dhibaato iyo qalalaaso ah, waa waxa ay maalmahan si joogto ah u hadal hayaan saxaafadda Denmark. Shaleey iyo dorraad wararka soo gala saacadda 18-30-ka galabnimo ee sida caadiga ah socda ilaa nus saac ah, ayaa muddo saacado ah ka hadlayay keliya dareenka iyo jawaabaha muslimiinta  ay ka qaateen aflagaaddadii wargayska Jyllands Posten u gaystay Suubbanaha Rasuulka (scw). 

Su’aalihii la weydiiyay Ra’iisal wasaaraha

Labada taleefishin ee ugu waaweyn ee dalka Denmark DR1 iyo TV2 ayuu soo fariistay Ra’iisal wasaaraha Denmark, iyadoo wax laga weydiinayay waxa dhaliyay nacaybkan intaan le’eg ee ay muslimiinta u qaadeen shacabka iyo xukuumadda Denmark, sidoo kale keentay inay qaar ka mid ah muslimiinta deggan Daanta Galbeed ee Falastiin ay gubaan calanka Denmark iyo sawirka Ra’iisal wasaarahaba. Waxaa kaloo la weydiiyay, sababta dhalisay inuusan wax jawaab ah ka qaadan xadgudubyadii wargayska JP ay ugu dhiiratay aflagaaddada muqaddasaatka muslimiinta, Iyo sidoo kale waxa u diiday inuu la kulmo safiiradii muslimiinta ee codsaday la kulankiisa.


Kulankii Saxafi ee Imaamyada, kadib cudurdaarashada

Jawaabo aanan kalsooni sidaasi u weyni ka muuqanin ayaa ka soo baxayay Ra’iisal wasaaraha Anders Fogh Rasmussen, wuxuuna ugu danbeyntii hoosta ka xariiqay inuusan raalli ka ahayn shakhsi ahaan sawiro-gacmeedyadii lagu sheegay Nebi Muxammad (scw). “annigu shaqsiyan, waxaan si weyn uga soo horjeedaa sawiro-gacmeedyadii ay daabacday wargayska Jyllands Posten” ayuu yiri Anders Fogh Rasmussen isagoo hadalladan danbe yiri wax ka badan 4 billood ka soo wareegatay markii ay xiisaddan qalalaasaha dhalisay ay billaabatay. 

JP oo raalli gelin wax u eg siisay muslimiinta


Carsten Juster, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Jawaabtaas mid u dhow, waxaa talaadadii lasoo dhaafay yiri Madaxa Tifafiraha wargayska Jyllands Posten Carsten Juster, isagoo qoraalkiisa oo ay wargayska boggeeda internetka ku qornaa luqadaha deenishka, carabiga iyo english-ka ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dhaawaca weyn ee wargayskiisa u gaystay malaayiin muslimiinta ka mid ah. 


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta

“Waxaa lagama maarmaan ah, in la wada ogaado in daabacaaddii wargayska ee sawiro-gacmeeyadii uu daabacay inayan ka danbeynin marnaba in meel looga dhaco Nebiga (scw), ama la qiimo dilo, hase ahaatee waxay un ku saabsanayd qayb ka mid ah doodaha xorriyatul-qowlka, taasoo aanu ku faanno dalalkeena, waqtiyadaas iyada ah isma aanan lahayn xiisad ayay ka dhex abuuri kartay malaayiinta muslimiinta, iyo muslimiinta ku dhaqan Denmark oo iyagu ka mid ah muwaadiniinta dalkeena” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Carsten Juste, wuxuuna cudurdaarashadiisa u dhigay sidan “waa cudurdaar aan u soo jeedinayno malaayiinta muslimiinta ee arrinta sawir-gacmeedyada ay dhaawacday, ma aanan ogeyn inay soo jiidanayso dareenkan intan le’eg oo sababay caro iyo nacayb ay noo qaadaan dunida islaamka. Sidaas darteed, ayaan idinkaga raalli gelinayaa”. 

Hase ahaatee, cudurdaarkan lagu xiray is-faham-waaga muslimiinta ay ka qaateen xoriyadda hadalka ee Dk ka jirta ayaanan ku qancin ururrada iyo imaamyada muslimiinta, waxayna si toos ah uga codsadeen Madaxa Wargayska JP inuu cudurdaar cad u soo jeediyo muslimiinta. 

“waxa aan sugno waa cudurdaarasho cad oo uu wargaysku ka bixiyo aflagaaddadiisa. Weli lama aynan iman cudurdaarasho cad, go’aankoodii hore ayay haystaan” ayuu yiri Ahmed Akkari oo ah afhayeenka 27 ka mid ah xarumaha Jaaliyadaha muslimiinta ku dhaqan Denmark. 


Sh. Abu Laban

Muslimiinta ha difaacaan Rasuulkooda

Sheekha sida weyn looga yaqaano Denmark, ahna imaamka masjidka Waqafka ee Copenhagen ayaa ugu baaqay maamullada dunida dalalka islaamka inay difaacaan Rasuulka (scw), wuxuuna xusay isagoo xaleey ka hadlayay Kanaalka carbeed ee Al-Jazeera yiri inay guud ahaan xukuumadaha dalalka muslimiinta iyo shucuubtooda inay is garab taagaan difaaca Nebigooda Muxammad (scw). 

Hadalladii uu xaleey ka yiri Kanaalka Al-Jazeera oo in ka badan ay daawanayeen 50 malyuun oo qof ayaa tarjumay luqadda deenishka, iyadoo lagu soo bandhigayna maanta guud ahaan saxaafadda ka jira dalka, waxayna suxufiyiinta hadalkiisa u fasireen inuu sii kicinayo xiisadda colaad ee loo qabo xukuumadda iyo shacabka Denmark. 

Masjid Muslimiinta ha loo dhiso

Waxyaabaha lagu kasban karo muslimiinta ku dhaqan Denmark iyo kuwa kaleba ayaa waxaa ka mid ah in muslimiinta looga dhiso caasimadda dalka Copenhagen masjid weyn oo minaaraddiisa leh. Taladan iyo fikraddan waxaa saaka shaaciyay madaxa tifaftirihii hore ee Wargayska Politiken Herpert Pundik.


Herpert Pundik, Tifaftirihii hore ee wargayska Politiken

“xiisadda ay sawir-gacmeedyada ay keenaan waxaa yarayn kara, iyadoo masjid qubaddiisa iyo minaaraddiisaba leh looga dhiso Denmark, si ay arrintan dowr fiican uga cayaarto xiriirka muslimiinta Denmark iyo guud ahaan kuwa dunida islaamka-ba” ayuu yiri Herpert Pundik oo isagu qaba in shirkado iyo hay’ado ku tabarucaan qarashka lagu iibinayo masjidka, qarashkan oo uu ku qiyaasay ilaa 50 malyuun oo lacagta dk. 

Maamullayaasha wargayska Jyllands Posten ayaa walaac ka muujiyay xiisadda nacayb iyo cadaawad ee ay sabab ugu noqdeen in loogu qaado dalka iyo dadka deenishkaba, iyadoo maantana uu Carsten Juste u sheegay wargayska Berlingske Tidende inay muslimiinta kaga adkaadeen xiisaddaan soo jiitamaysay ilaa 4 billood.

“haa, way guulaysteen. Waa wax aad looga xumaado. Waxaan qiyaasayaa, inay dhici doonin Denmark in la sawiro Nebi Muhammad (scw) jiilasha nagu soo aaddan, sidaas darteed aad annigoo uga xun waxaan qirayaa inay iyaga guulaysteen” ayuu lahaa Carsten Juste. 

Wargays kale oo aflagaaddeeyay Rasuulka (scw)

Inkastoo uu sidaas yiri madaxii wargayska Jyllands Posten, haddana waxaa maanta na soo kediyay in wargays laga leeyahay dalka Faransiiska misna dib u daabacay sawiro-gacmeedyadii JP ay daabaceen dhammaadkii bishii sibteembar, iyadoo aan la ogeyn danta ay ka leeyihiin falkoodaas abuuri kara xiisad hor leh oo sabab u noqon kara nacayb kale oo dhibaato gaysta.

Dalil Boubackeur

Muslimiinta Dalka France ayaa si degdeg ah oo wadajir ah uga jawaabey wargeyska dalka France (French daily - France Soir) ee daacay sawir gacmeedyadii wargeyska reer Denmark ee aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed (scw). Waxana ay Muslimiinta Franasiisku sheegeen in ay wargeyskaas maxkamad la tiigsan doonaan.

Dalil Boubackeur oo ah Madaxa ururka Muslimiinta ee dalka France ayaa ku baaqay in Muslimiinta France ay si nabadgelyo ah uga mudaharadaan aflagaadada loo geystey Rasuulka Muxamed (scw).

EU Press Reprints Explosive Cartoons
IslamOnline.org

[Waxaa kale soo baxay in wargeyso dhawr ah oo reer Yurub ay daabaceen sawir gacmeedka aflagaadada ku ah Nebi Muxamed ee wargeyska JP. Wargeysyada kale ee reer Yurub oo sawir gacmeedkaas hadda soo daacay waxaa kamid ah Die Welt (Jarmalka), La Stampa (Italy oo daabacay Arbacadii), Corriere della Sera (Italy, oo daabacay Isniintii),  Volkskrank (Holland, oo daabacay Arbacadii), Blick (Switzerland, oo Arbacadii), Tribune de Geneve (Switzerland, oo shaagey in uu Khamiista Feb 2 daabaci doono sawiradaas)... Eeg Halkan...]

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Feb 2, 2006

WARARKA KALE EE WARGEYSKA AFLAGAADEEYEY RASUULKA KA AKHRI HALKAN


XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...

 


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN


GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 


DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD