SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - JAWAABO


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub


shirkii ururrada muslimiinta ay kuyeesheen jumcihii tagay masjidka Odense ee Danmark

ahmedakkari, sh.raid

Waxay ahayd 30-kii bishii sibteembar ee sannadkii tagay, markii wargayska afka dheer ee lagu magacaabo Jyllands Posten soo bandhigay 12 sawir-gacmeedyo oo lagu sheegay inay ahaayeen Rasuulka (scw), kuwan oo oo aad u foolxumaa, isla markaasna mid welibana u taagnaa macno aan u qalmin Xabiibka sharafta badan ee Muxammad (scw). 

Iyadoo aynu ka taxaddarayno nashrinta sawir-gacmeedyadaas iyo inaan ka fogaanno bandhigista sida fal-denbiyeedkoodaas foosha xun oo kale, ayaan ka gaabsannay inaan sawir-gacmeedyadani ku soo bandhigno shabakaddeena qiimaha badan ee Somalitalk.com. 

Laga soo billaabo waqtigaas iyada ah, waxaa jawaab celinno kul-kulul ka bixinayay sawir-gacmeedyadaas ay ku been abuurteen Rasuulka (scw) guud ahaan Culumada islaamka ee ku dhaqanka gudaha iyo dibadda dalka Denmark, sidoo kale jaaliyadaha islaamka ee ku dhaqan dalka Denmark.  

Codsi ka socda maamullada xarumaha islaamka ee ka jira dalka Denmark ayaa loo gudbiyay Carsten Juste Madaxa tifaftiraha wargayska Jyllands Posten iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaba Anders Fogh Rasumussen, iyagoo qoraalkoodaas ku soo bandhigay sida ay uga xun yihiin ku tumushada iyo meel-ka-dhaca muqaddasaatkooda sida aflagaaddada Rasuulka (scw) oo ay sheegeen inay waajib ku tahay qof kastoo muslim ah inuu difaaco.  

Dhinaca kale, waxaa kaloo jiray xubno ka socda ururrada islaamka ee dalka Denmark ka jira oo booqasho ku tagay dalalka ay ka midka yihiin Masar, Lubnan, Siiriya iyo Sacuudiga, iyagoo la kulmay madaxda xukuumadahaas, Madaxda Jaamacadda Carabta, Madaxa ururrada dalalka islaamka iyo Raabiddada islaamka ee fadhigoodu yahay Sacuudiga, si ay sharaxaad ballaaran uga siiyaan sawir-gacmeedyadii lagu daabacay wargayska JP ee sida weyn sawirka xun uga bixinayay Rasuulka (scw). 

Sidaas si la mid ah, waxaa jiray dhowr iyo toban safiiro oo ka soo jeeda dalalka dunida islaamka ayaa dhinacoodana warqad furan u diray Ra’iisal wasaaraha dowladda, iyagoo dhinbaca kalena ka codsaday inay la kulmaan Ra’iisal wasaaraha, halka uu isagana gaashaanka u daruuray codsiga kulankooda.  


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen

Aflagaaddadaan muqaddasaatka muslimiinta lagu xadgudbay ayaa laga cabsanayaa inay ku dhiiradaan guud ahaan warbaahinnada kale ee galbeedka, iyadoo maalmo yar kahor la sheegay wargays laga leeyahay dalka Norwey inuu misna dhinaciisana soo bandhigay sawiro-gacmeedyo fool-xun ayna ku sheegeen inuu ahaa Nebi Muxammad (scw). 

Sheekha sida weyn looga qaddariyo guud ahaan dunida islaamka, isla markaasna ah madax midnimada caamaliga ee Culumada muslimiinta Dr. Yusuf Al-Qaradaawi ayaa shaleey bayaan uu soo saaray, laguna daabacay wargayska ka soo baxa Denmark uga digay dalalka Denmark iyo Norwey inay si weyn uga fiirsadaan aflagaaddada Rasuulka (scw) oo uu sheegay inay rumeysan yihiin dadyow ka badan bilyan iyo 2 malyuun oo qof. 

“Ururka midowga caalamiga ee culumada muslimiinta waxay madaxda dalalka Denmark iyo Norwey u soo jeedinayaan inay iska taagaan mowqif adag, aflagaaddada soo noqnoqnaysa ee loo geysanayo ummadda islaamka iyo Rasuulka (scw) oo ay rumeysan yihiin Balyan iyo 300 oo malyuun qof, si xiriirka labada dowladood iyo muslimiinta u wanaagsanaado, haddii kale oo ay dhici wayso wuxuu ururka caalamiga ee culumada muslimiinta ku qabsanaanayaa inuu ugu yeero muslimiinta caalamka inay jaraan dhammaan xiriirka dhaqaale ee ay leeyihiin dalalka Denmark iyo Norwey” ayuu sheekh. Yusuf Al-Qaradaawi ku sheegay bayaankiisii loo qaybiyay saxaafadda maalintii shaleey ahayd.  

Sidaas si la mid ah wuxuu bayaanka ugu yeeray dalalka carbeed iyo kuwa islaamka inaynan ka qaybgelin carwada looga hadlayo bandhigga dhaqmaada Barriga dhexe ee lagu qabanayo Copenhagen bisha agoosto ee nagu soo food leh. 

Wargayska Jyllands Posten ayaa iyadu weli ku adkaysanaysa inay ku saxsan tahay soo bandhigidda sawiro-gacmeedyadeeda, iyagoo sidaas ay ku sheegeen inay ku xoojinayaan xorriyatul-qowlka ka jira dalka Denmark. Ra’iisal wasaaruhu ayaa dhinaciisa weli aanan arrintan ka bixin mowqif cad, isagoo marwalba celceliya inay muslimiinta si wacan u fahmaan dhaqanka xorriyadda hadalka ee soo jireenka ah ee ay adeegsadaan warbaahinta Denmark.

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2006

Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN

GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 


DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD