SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)

  • Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo

  • TALEEFISHINKA AL-CARABIYA OO WARAYSTAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK

  • RA'IISAL WASAARAHA DENMARK OO HADDA DOONAYA LA KULANKA DANJIRAYAASHA MUSLIMIINTA

Outrage
Falastiiniyiin maalintii Isniintii Calanka Denmark ku hor gubayey xarunta Midowga Yurub ee Gaza... Latimes
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara..
Washintonpost

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Feb 3, 2006

KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)

Maalinta jumcada kuna beegan 3-da febraayo ayaa lagu wadaa culumada masaajiddada waaweyn ee dunida islaamka, inay si weyn uga hadlaan carada weyn ee ka dhalatay aflagaaddadii wargayska Jyllands Posten iyo wargaysyo ka soo baxa EU-da ka mid ah ay u gaysateen Rasuulka (scw).

Imaamyada Xaramka, Masjidka Nabawiga, Masjidka Al-Aqsa, Masjidka uu imaamka ka yahay Sh. Yusuf Al-Qaradaawi ee Qatar iyo guud ahaan imaamyada reer Denmark iyo kuwa kale ee dunida islaamka ayaa loo badinayaa inay si weyn u soo hadal qaadi doonaan jariimooyinka iyo cawaaqib-xumida ka dhalan kara in la aflagaaddeeyo Rasuulka Muxammad (scw) oo ay rumeysan yihiin dadyow ka badan Bilyan iyo 300 malyuun oo qof.

Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo

Qoraal uu Dr. Yusuf Al-Qaradaawi u soo diray shabakadda warbaahinta ee Islam Online ayuu sheekha wuxuu culumada iyo imaamyada iyo maamullada xarumaha islaamiga ugu yeeray, inay khubadahooda maalinta jumcada si weyn uga hadlaan carada iyo dareenka xanuunka badan ee ay muslimiinta ku abuurtay aflagaaddadii Rasuulka (scw) loogu gaystay, kadib markii wargaysyo badan usbuucaan ku soo sawireen sawiro-gacmeedyo lagu sheegay Nebi Muxammad (scw).


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, ayaa yiri waa in aan xorriyatul qowlka marmarsiinyo looga dhigan in diimaha lagu aflagaadeeyo. Waxana uu walaac kamuujiyey arrimaha ka dhashay joornaalka Denmark ee daabacay sawirada aflagaadada ku ah Rasuulka (scw).. CLICK

“Jumcada ha noqoto maalin caalami ah oo Alle dartii loogu caroodo, loogu hiiliyo Allaah, Rasuulkiisa iyo dhammaan Nebiyadoo idil iyo guud ahaan muqaddasaatka islaamka iyo diimaha kaleba, qodobkan ha noqdo kan looga hadlo khudbadaha dhammaan masaajidyada muslimiinta” ayuu yiri Dr. Yusuf Al-Qaradaawi oo ah madaxa xiriirka caalamiga Culumada muslimiinta.

Sheekh Yusuf Al-Qaradaawi ayaa ka mid aha culumadii ugu horeeyay, ee ugu yeera shirkadaha carbeed iyo ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirka dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha Denmark, taasoo sababtay inay shirkadaha Dk ay walaac iyo khasaare weyn la soo gudboonaadeen maalmihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, muslimiinta ku nool Faransiiska ayaa iyagu dhinacooda sheegay inay khudbadahooda ku saabsanaan doonaan Maxabbadii iyo jacaylkii Rasuulka (scw), iyadoo sidaas ugu doortay inay jawaab uga dhigaan kuwa ku dadaalaya inay sawir xun ka bixiyaan Rasuulka (scw).

Mulkiilaha wargeyska France Soir, oo magaciisa la yiraahdo Raymond Lakah, una dhashay dalka Masar, ayaa sheegay in uu ka qoomamaynayo in wargeyskiisu daabacay sawiradii aflagadada ku ahaa Nebi Muxamed (scw).. CLICK

Shekh Daw Miskiin oo afhayeen u ah 400 masjid ayaa shaaca ka qaaday inaan loo dulqaadan doonin kuwa isku dayaya inay dhaawacaan dareenka muslimiinta, oo uu sheegay inay ka mid yihiin muwaadiniinta muslimiinta ee reer France.

“iyadoo meel looga dhaco dareenka muqaddasaatka waa iyadoo meel looga dhaco waddanka” ayuu yiri sheekha, isagoo ka waday aflagaaddada muqaddasaatka inay ka mid tahay iyadoo la aflagaaddeeyay qaar ka mid ah dareenka muwaadiniinta.

Inkastoo tifaftirihii wargayskii France Soir kana soo baxa dalka Faransiiska ee aflagaaddeeyay Rasuulka (scw) laga eryay shaqada, haddana ururka Golaha muslimiinta iyo xarumaha muslimiinta ayaa iyagu ka laaban doonin go’aankooda ah inay dacwad ku soo oogaan wargayska.

Madaxda iyo Saxaafadda Denmark ayaa si weyn u danaynaya inay ogaadaan jawaabaha iyo qodobbada ay imaamyada muslimiinta kaga hadli doonaan khudbadahooda. Hadday culumadaasi ugu yeeraan xukuumadaha iyo shucuubta muslimiinta inay xiriirka u jaraan sida dalka Denmark, waxaa hubaal ah inay shirkado deenish ah oo badan la soo gudboonaan doonto musiibo dhaqaale aad u weyn.

  • Dalka Marooko ayaa gebi ahaanba mamnuucay in dalkaasi lagu iibiyo wargeyska Af-Fransiiska  ku soo baxa [France Soir] ee Arbacadii dib u daabacay aflagaagadii Nebi Muxamed (scw), sidaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka isgaarsiinta ee dalka Marocco. Waxa kale oo iibsiga joornaalkaas mamnuucay dalka Tuuniisiya.
     
  • Tifatiriha (Carsten Juste,) Wargeyska Aflagaadeeyey Nebi Muxamed oo ayaa sheegay in uu ka qoomameeyey daabacadii aflagaagada , laakiin sida ay wersiey IslamOnline, caraddii Islaamku sidaas kuma qaboobin. "Haddii aan ogaan lahaa in ay halis geleyso nolosha ciidanka iy shacabk aDanishku, haddii aan ogaan lahaa, ma diri lahaan qoraalkaas in la daabaco: ayuu yiri Tifatirihii daabacay wargeyska Denmark ee aflagaadeeyey Nebi Muxamed (Nabad Gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee).

TALEEFISHINKA AL-CARABIYA OO WARAYSTAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK

Kanaalka carbeed ee Al-Carabiya ayaa maalinimadii khamiista waraystay Ra’iisal wasaaraha Denmark Anders Fogh Rasmussen, iyadoo ay waraysigaasna daawanayeen malaayiin carab iyo muslimiin ah, kuwaasoo xiiso weyn ugu qabay inay maqlaan jawaabta ay xukuumadda Denmark ka bixin doonto sawiro-gacmeedyadii ay daabacday Jyllands Posten ee ka soo baxa Denmark.


Kanaalka Al-Carabiya oo waraysanaya Anders Fogh Rasmussen

Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay, xallinta xiisadda ay abuurtay sawiro gacmeedyadii lagu fidiyay JP in si wadajir ah wax looga qabto.

”Denmark waxay xiriir wanaagsan la leedahay dalalka muslimiinta, xiriirkan oo ah mid ku dhisan saaxiibtinimo iyo is qaddirin wayn” ayuu yiri Anders Fogh Rasmussen, wuxuuna tilmaamay in wargayska Jyllands Posten uu ka cudurdaartay sawiradii uu wargayskiisa ku soo bandhigay kuna dhaawacay dareenka muslimiinta muddo hadda laga joogo 4 billood.

”Bulshada Denmark waxay difaacaan xoriyadda hadalka. Innagu waynu qaddarinaa guud ahaan diimaha, xattaa diinta islaamka, waana lama huraan inaan idiin sheego inaynan jirin liidid iyo cadaawad gooni loogu hayo muslimiinta” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Denmark oo ulajeeddada waraysigiisa ahaa si uu u yareeyo nacaybka ku sii badanayay muddadii u danbeysay bulshada Denmark iyo xukuumaddoodaba.


iibsanmayno alaabaha lagalaga keeno Denmark... GUJI...


Shaqaalaha wersheda caanaha Denmark

Anders Fogh Rasmussen ayaan waraysigiisa ku soo hadal qaadin wax u eg ama laga fahmi karo cudurdaarasho uu u jeedinayo muslimiinta, ama mowqifka xukuumaddiisa ay ka qaadatay sawiro-gacmeedyada JP ay daabacday, waxaana dareenkaas qabay professor cilmiga bulshada ka dhiga jaamacadda Mareekanka Beirut ee Lubnaan.

”waxay ahayd inuu Anders Fogh Rasmussen isticmaalo ereyga "raalla ahaada". Wax cudurdaarasho ah ma bixin” ayuu yiri Nabil Dajani oo macallin ka ah Jaamacadda mareenkanka ee Beirut.

Waxaa sidaas si la mid ah qaba Sheekh Salmaan Al-Cawdah oo si weyn looga qaddariyo dalka Sacuudiga iyo dalalka muslimiinta.

”kama aanan maqlin intuu hadlayay wax cudurdaar ah, sidoo kale wargayska Jyllands Posten si rasmi ah ugama aynan cudurdaaran webside-kooda, waxaan xiriir la sameeyay muslimiinta ku dhaqan Denmark, waxayna ii sheegeen inayan wargayska Jyllands Posten bixin wax cudurdaar ah” ayuu yiri Sh. Salmaan Al-Cowdah oo ah madaxa shabakadda islaamiga ee Islamtoday.net.

RA'IISAL WASAARAHA DENMARK OO HADDA DOONAYA LA KULANKA DANJIRAYAASHA MUSLIMIINTA

Ra'iisal wasaaraha dalka Denmark Anders Fogh Rasmussen ayaa ugu danbeyntii maanta daboolka ka qaaday inuu doonayo la kulanka safiirada muslimiinta, kadib markii uu bishii oktoobar ee sannadkii tagay uu ku gacan sayray la kulankii ay codsadeen safiirada dalalka muslimiinta ee ku sugan Denmark.

Kulankan oo la filayo inuu dhaco maalinta berito oo jumco ah saacadda 10.30 subaxnimo, kana dhici doona xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Ra'iisal wasaaraha Anders Fogh Rasmussen iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Per Stig Møller la filayaa inay diblumaasiyiintan u sharxaan mowqifka dowladda ee ku aaddan sawiro-gacmeedyadii dhaliyay xiisado nacayb oo aad u ballaaran.

Safiiradda Masar oo ka qaybgalaysa

Mona Omar Attia ayaa u sheegtay maanta wargayska Politiken inay aqbashay casumaadda kulankan, waxayna muujisay rajada ay ka qabto inay dowladda Denmark si cad mowqif uga bixiso arrinta sawiro-gacmeeyada meel looga dhacay muqaddasaatka muslimiinta. "waxaan rajeynayaa inuu Ra'iisal wasaaraha wax-uun ka yiraahdo arrintan, dabcan waan ognahay hadda mowqifkoodii hore, balse waxa ay danjirayaasha muslimiinta doonayaan waa inay dowladda diidmo cad ka bixiso arrinta ku saabsan sawiro-gacmeedyada" ayay tiri Mona oo ahayd safiiraddii ugu horeesay ee dhowrka jeer dhaliillo daran u soo jeedisay wargayska Jyllands Posten, kadib markii uu soo daabacay 12-kii kaartoon dhammaadkii bishii sibteembar ee sannadkii 2005-ta. 


Arday reer Pakistan ah oo gubaya Calanka Fransiiska.. CLICK

Bishii oktoobar ee sannadkii hore ayay ahayd markii 11 safiir oo ka soo jeeda dalalka muslimiinta ay casumaad u direen Ra'iisal wasaaraha Denmark, wuxuuna Ra'iisal wasaaraha dhinaciisa jawaab ahaan ugu diray DIIDMO QAYAXAN iyo inuusan doonaynin kulankooda.

Sidaas si la mid ah, waxaa xilligaas iyada ah dhaliilo arrintan ugu soo jeediyay Ra'iisal wasaaraha 12 safiiro hore una dhashay Denmark, iyo madaxii hore ee xisbiga Venstre ee talada dalka haya Uffe Elleman-Jensen, waxayna dhammaantood muujiyeen welwelka iyo dhibaatada ay abuuri kartay daabacaadda iyo soo bandhigista sawiro-gacmeedyada dhaawacay dareenka malaayiinta muslimiinta iyo sida aynan xukuumadda uga qaadan mowqif adag.

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Feb 3, 2006


XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...

 


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN


GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 


DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD