SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK




Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara..
Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah
      Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
  •  Dadka reer Denmark oo hurdadii kasoo baraarugaya

Ikraam Cali Kaar
ikraam_k@hotmail.com

 
 
Afar bilood ka hor haddii ninkan wareersan ee tafatiraha uga ah qeybta dhaqanka wargeyska xagjirka ah ee Jyllands- Posten uu ogaan lahaa in xaaladu gaareyso meeleysan kasoo laaban karrin ma bixiyeen amarka iyo fikirka lugu daabcay sawiro kartuun ah oo ay ku sheegeen iney yihiin Nabi Muxamed (NNKH).
 
Ugu horeyn maan jecleyn inaan magaciisa iyo muuqaalkaasi aan soo bandhigo nin ihaano u geystay Rasuulkeena sharafta badan ee Nabi Muxamed (NNKH). Balse waxaa lama huraan ah in la ogaado ugu yaraan waxa ninkan xagjirka ah ku kalifay in malaayiin muslin ah oo dunida ku nool ka careysiiyo. Ma naceyb uu Islaamka iyo dadkiisa u qabo baa, mise waa ciyaar iyo jees jees u ku doonayey inuu ogaado damiirka iyo dadnimada dadka Islaamka ah ee awal ka diiri waayey magaca argagaxiso ee lugu shaabadeeyey looguna yeero.??? Jawaabta waxaad u badisaa tan hore oo ah in ujeedada uu ninkan cadowga ah Alle ah u soo daabcay sawiradaasi foosha xun ee ay tahay naceyb uu qabo Diinta Illaahey iyo Rasuulkiisa sharafta badan ee u soo diray ummadda Islaamka.
 
Magaciisa foosha xun waa Flemming Rose waa ninka tafaftiraha qeybta dhaqanka uga ah wargeyskii fidnada abuuray ee Jyllands- Posten. Waa nin xagjir ah oo sida  buug uu soo saaray ku sheegay yariintiisa iney ku adkeyd in Muxamed waa Rasuulka Alle (NNKH) uu arko Nabi ahaan. Ma jirin dadka sawirada kartuunka ah ee ogolaaday iney sawiraan Nabi Muxamed markii uu ula yimid afartan qof oo iyaga kamid ah, balse labo iyo toban qof oo kaliya ay ogolaaday iney sawiraan waxa uu ku sheegay "Sida Rasuulku u ekaan karro muuqaal ahaan".

Labo iyo tobankaasi qof ee sawiraddii foosha xun sameeyey haatan waa tuko cambaar leh waxey qarka u saaran yihiin fursad kasta oo loo helo in la dilo, waxey ku nool yihiin nolol cadaab leh oo boolisku ku hayo meelo aan la shaacin oo qarsoodi ah. Wareysi lala yeeshay xagjirkan ayaa wax laga weydiiyey saameynta ay ku yeelatay dalkiisa fikradiisa guran ee ugu bareeray in ummad jirta Rasuulkeeda caayo.

 
Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xiisadan abuurtay wuxuu ku sheegay iney yihiin kuwo aan la aqbali karrin, balse wuxuu diiday inuu dhiniciisa ka bixiyo raaligareyn buuxda. "Inaan raaligareyn bixino waxey ka dhigan tahay gabar la kufsaday oo la yiri raali ahow sababta loo kufsadeyna aheyd iney soo xiratay goono gaaban" ayuu yiri isagoo ka jawaabayey su'aal aheyd raali gareyn ma bixineysaan ka wargeys iyo ka shaqsi ahaanba. Sida muuqatana waa nin aan qiimo u heyn dumarka isagoo gabadha la kufsaday ee uu sheegay iney goono gaaban soo xirtay aaney istaahilin raaligareyn la xirriirta dhaawaca loo geystay.
 
    Dadka reer Denmark oo hurdadii kasoo baraarugaya
 
Maanta markaad eegto banaanbaxihii nabadeed ee ka dhacay bartamaha magaalada Kopanhagen caasimada dalkaasi  Denmark wuxuu ahaa mid muujinaya in dadka dalkaasi haatan qarow ay ku jireen kasoo baraarugeen.

Dadkan banaanbaxaya waxaa indhahoodii iyo maqalkoodiiba hareerayey naceyb loo hayo iyo weeraro loo geystay danahoodii siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ee ay ka lahaayeen dalalka Islaamka ee carada weyn maanta ka soo burqaneyso. Idaacadaha iyo qeybaha kala duwan ee warfaafinta dalkasi ayaa waxey daqiiqadba daqiiqad soo gudbiyaan wararka ugu dambeeya ee xiisadan abuurtan.

Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaasi Per Stig Møller oo isku dayey inuu damiyo xiisada cusub ee abuurantay ayuu caawa shir jaraa'id uu qabtay isagoo ku hadlayey afkafka Faransiiska iyo Denish-ka sheegay qaabka ay u shaqeyso Dimiqoraadiyad ku sheega dalkiisa ka jira, wuxuu isagoo ilowsan dimoqraadiyada uu doonayo inuu sheego caalamka Islaamka ay tahay mida haatan abuurtay rabshadan soo cusboonaday ee cabsideeda wadata. Wuxuu codsaday in wadahal lugu dhamaayo muranka jira.
"Doonimayo inaan ku noolado dal isku maleeyo inuu ka sareeyo dunida inteeda kale" ayuu yiri Carsten Jensen oo isagu ah suxufi Denish ah kana qeybgalayey banaanbaxii nabadeed ee maanta ka dhacay caasimada dalkaasi."Mana doonayo inaan ku nagaado dal raali gareynaya oo keliya kuwa awooda leh yasanaya codka dadka liita" ayuu sii daba dhigay hadalkiisa. Mid kamid ah jilayaasha xaga fanka oo muslin ah ayaa riwaayad qosol leh oo u dhigayey dadkii iskugu soo baxay banaabaxii maanta ee Kopenhagen ayaa sheegay inuu dhib weyn ku qabo cuno qabateyntii lugu soo rogay badoocooyinka dalkaasi.

"Waxaan isweydiiyey maxaan nafteyda ku cuno qabateeya, waxaa isoo baxday xaaskeyga oo Denish ah, iyadaan afar iyo toban bari oo cuno qabanteyn ku soo rogay" ayuu yiri isagoo ka qoslisiinayey dadkii ka qeybgalay banaanbaxii nabadeed ee ay dadka denish-ka ah qaarkood ku soo baxeen bartamaha magaaladaasi.


Ugu dambeyntii waxaa amaan mudan hadalkii dhiiragelinta ahaa ee caawa uu yiri Sheekha weyn ee Al Qardaawi isagoo ka hadlayey telefeyshinka Aljazeera,ayaa waxaa indho indheyn ku sameeyey dadka siyaasada kala rog roga  ee wadankan Sweden waxeyna sheegeen in hadalka Qardaawi yahay mid ahmiyadiisa u leh dadka muslinka ah.  Al- Sheekh Qardaawi wuxuu yiri "Waxaan u sheegaya reer Yurub, anaga la'aantiin waan noolaan karnaaye, adiinku la'aanteen ma noolaan kartaan? Waxaan awoodnaa inaan wax walba kasoo iibsano Shiinaha, Japaan, Taylaand iyo Maleeysiya, mana noqon doono kuwo kala daadsanaada" Hadaba hadalkani waa mid xigmad leh oo qofkastaa fahmi karro loogana baahan yahay Muslimiinta caalamka iney dhiiga u daa diyaan difaacida Rasuulkeena karaamada badan ee wargeysyada reer galbeedka lugu aflagaadeeyey taasoo haddey sameeyaan sida hada bilaabatay uu Illaahey u soo dejinayo faraj ay kaga baxaan mixnadan iyo sumcad xumadan maanta ku heeereysan.

Ikraam Cali Kaar
ikraam_k@hotmail.com

Ciraaq oo Joojisey Qandaraasyadii dalalka Denmark iyo Norway


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)


Safaaradaha Norway & Denmark ku leeyihiin Suuriya oo Dab La Qabadsiiyey
Muslimiin caraysan ayaa dab qabadsiiyey.. Guji...

Khilaaf soo kala dhex galay Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare Geeddi
Cali Max’ed Geedi iyo Max’ed Dheere oo si kadis ah uga degey Jowhar iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Ciidamadiisa ay ku filan yihii amaanka.. Guji... Feb 5

Muslimiinta Denmark oo ka Digey Gubitaanka Kitaabka Quraanka
Kuwa Xag-jira ee Denmark haddii ay gubaan Kitaabka Quraanka waxaa... Guji... Feb 4

Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (NNKH)
K
umanaan Muslimiin ah ayaa daafaha dunida ku dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii wargeyka Denmark u geystey Rasuulka...  Warbixin iyo Faallo.. Akhri  Feb 4

HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3

KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)
»Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo...
»TV-ga Al-Carabiya oo Waraystay Ra'iisulwasaaraha Denmark
iyo Warar dheeraad ah ka akhri halkan... Guji Feb 3

Dalada Culumada W/bari oo ugu Baaqday dowlada Kenya  in ay Denmarka laga soo laabato safiirkeeda
Warbixintii Mumtaz...
 Akhri.. Feb 3

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

Sawirada: IslamOnline| Google News.

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD