SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - KENYA


Dalada Culumada W/bari oo ugu Baaqday dowlada Kenya  in ay Denmarka laga soo laabato safiirkeeda.
Ururka Kenya council of Imams and Ulamaa.oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka Nomad
ee magaalada gaarissa ayaa ka hadlay markii ugu horeysay aflagaadii uu Wargeyska JyllandsPosten ee ka soo baxa wadan Denmark   u geystay Nabiga (NNKH). 
 
  
Culumadaan ayaa aad u cabmaareeyay Falkaas, foosha xun kana dalbaday Muslimiinta Kenya iyo kuwa caalankaba in aysan iibsanin waxyaabaha laga soo saaro Denmark, si gaar ah waxaay ugu baaqeen Dowlada Kenya in aysan ka soo dejinin Groomada Delka iyo Dekadahaba Alaabta ka timaado wadankaas.
  
Gudoomiyaha ururka Sheekh Cabdinasir oo iigu waramayay manta Hotelkaas ayaa sheegay in maalinta barita ah 60 Masaajd oo ka mid ah masaajidada Garisa in qudbada salaada Jimcaha looga hadlo arrinkaas.
  
Culumada Gobolka W/bari kenya ku soo biiiray culuma kala duwan iyo wadamo islaam ah oo si weyn uga horyimid talaabooyinka ka dhanka ah saxaafada oo ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid wadamada reer galbeedka warbaahintooda.
  
Culumada waxa ay sidoo kale ka dalbadeen caalamka islaamka iyo hay'adahaba in ay gargaar la soo gaaraan boqolaalka kun oo reer w/bari ee muslimiinta ah dhibaatada abaartana ay ku habsatay,dowladda kenya ayay culumadani ku eedeeyeen in aysan waxba ka qabanin dhowr balan qaad oo ahaa in ay wax ka qabanayso abaaraha gobolkaas oo sii baahaya.
  
Ugu dambayntii waxaa kale oo ay culumadda iyo waxgaradki ka soo qaybgalay kulankan ugu baaqeen dadweynahaha ku nool magaalada gaarissa
iyo in qudbada bari ee looga hadlayo ku xadgudubka rasuulka Kariimka Ah Muxamad (NNHK) ka soo qaybgalaan si bulshada caalamka ee islaamka ah ay ula qaybsadaan sida ay uga xun yihiin Qaladkaas lagula kacay islaamka iyo muslimiintaba.

Canab Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2006

WARARKA KALE EE WARGEYSKA AFLAGAADEEYEY RASUULKA KA AKHRI HALKAN


XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...

 


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD