SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA AXAD FEB 5, 2006

  • Khilaaf soo kala dhex galay Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare…

  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo maanta la filayo in ay gaaraan Magaalada …

  • Dagaalo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay.Magaalada Hargeysa .

  • Cali Max’ed Geedi, Jurile iyo Max’ed Dheere oo si ka dis ah uga degey Jowhar mar laga sugayey..

  • Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Ciidamadiisa ay ku filan yihii amaanka..


Khilaaf soo kala dhex galay Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare…

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayay oo ay ka mid ahaayeen C/risaaq  Jurile iyo Max’ed Dheere ay u dhaqaaqeen dhinaca dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa ayaa waxaa la sheegay in ay intii ay ku sugnayeen Magaaladaasi ay kulan la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya oo ay isla soo qaadeen in si wadajir ah looga qaybgalo kulanka la filayo in uu ka dhaco Magaalada Baydhabo oo ay isugu imaanayaan Golaha Baarlamaanka, sidoo kale waxay Dowlada Itoobiya ay ka dalbatay mas’uuliyiintaasi in ay gacan ka gaystaan sidii ay u ambabixin lahaayeen ciidanka ku xareysan xerada Kongo ee Magaalada Jowhar loona geyn lahaa Magaalada Waajid. Sidoo kale waxaa loo sheegay in ay kulan deg deg ah Magaalada Gaalkacyo kula yeeshaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee qodobadaasi ayaa qaar ka mida h xubnahani ka biyo diideen, waxaana la sheegay in intii ay ku sugnaayeen Dalka Itoobiya ay aqbaleen qodobaadaasi ayna mari doonaan Magaalada Gaalkacyo, balse waxay wafdigaasi ka soo degeen Magaalada Jowhar. Max’ed Dheere ayaa la sheegay in uu weli ku adkeysanayo in Baydhabo aysan martigeli karin kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka oo ay tahay magaalo aan la isku haleyn karin loona baahan yahay in meel kale loo weeciyo kulankaasi. Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeyay xubnaha Dowladda wixii ka dambeeyay ku dhawaaqistii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in Baydhabo ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlaamnka. 

Saraakiil Itoobiyaan ah oo maanta la filayo in ay gaaraan Magaalada …

Iyadoo maalintii shalay ahayd Magaalada Gaalkacyo laga filayay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa safarkaasi uu ka baaqsaday waxa uuna si kedis ah uga degay magaalada Jowhar oo fariisin u ah qayb ka mid ah Dowladda.

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan Magaalada Gaalkacyo si ay kulamo ula yeeshaan Madaxweyne C/llaaahi Yuusuf iyadoo loo gudbi doono qoraalo ku saabsan waxyaabihii ay ka wada hadleen Ra’isul Wasaare Geedi iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Milless Sanawi.

Saraakiishaan markay dhameystaan safarkooda waxay dib ugu laaban doonaan Magaalada Adis-Ababa, iyadoo la sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf la soo gaarsiiyay casuumaad kaga timid Ra’isul Wasaaraha Wadanka Itoobiy Milless Sanawi.

Safarada faraha badan ee Mas’uuliyiinta Dowladda iyo siyaasiinta kale ay ku tagayaan Dalka Itoobiya waxay ku tusineysaa in ay tahay halka xudunta u ah Dowladda Federaalka oo aysan jirin haatan go’aan keliya oo ay qaadan karaan xubnaha Dowladda, waxaana bishii la soo dhaafay Magaalada Adis-Abaab isaga daba laabtay Mas’uuliyiin fara badan oo ka mid ah Dowladda Federaalka.

Sidoo kale ah maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ah halka ay ka shidaal qaataan Dalka Itoobiya, oo go’aan aysan ogeyn Dowladda Itoobiya aysan qaadan karin.

Dagaalo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay.Magaalada Hargeysa .

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay halkaasi ku dhaceen dagaalo u dhexeeyay labo kooxood oo isku haystay dhul dhismihiisu uu ka socday halka lagu magacaabo Tunbuluq, waxaana iska hor imaadkaan ku dhuntay saddex ruux oo uu ku jiro cunug yar, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo dhowr taban qofood.

Qolo waxay difaaceysay dhismaha Guriga qolana way ka soo hor jeeday waxaana la isku adeegsaday qoryaha fudud, waxaana isla markiiba soo dhex galay ciidanka Booliiska oo ku guuelystay in ay kala eryaan kooxihii dagaalamayay.

Dowladda Hoose waxay ku dhawaaqday in aan dib loo dhisi karin dhulkaasi ilaa iyo amar dambe waxaana haatan socda baaritaan la xiriira sababata keentay in iska hor imaadkaasi bilowdo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Magaalada Hargeysa iska hor imaad noocaan oo kale ah oo lagu isku haysto dhul, kal hore ayay ahayd markii labo qofood ay ku dhinteen dhowr kalana ay ku dhaawacmeen iska hor imaad ka dhacay dhul la isku haystay, waxaana haatan arrintaani ka hadlaya Maamulka Somaliland oo doonaya in uu soo saaro sharci keenaya dhismaha dhulalalka.  

Cali Max’ed Geedi, Jurile iyo Max’ed Dheere oo si ka dis ah uga degey Jowhar mar laga sugayey..

Maalintii shalay ahayd ayaa dad aad u fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwo ka socday maamul gobaleedka Puntland ayaa isugu tagay garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo si ay u soo dhaweeyeen Prof. Cali Max’ed Geedi iyo wafdi ay hogaaminayeen oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka qorsheynta C/risaaq Cismaan Jurile iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb, waxayna dadweynahaasi garoonka taagnaayeen mudo saacado ah iyagoo halkaasi kala kulmay qorax aad u daran iyo dabylo dhacayay.

Mar dambe ayaa loo sheegay in mas’uuliyiintaasi ay ka degeen Magaalada Jowhar, waxaana dhacday in dadweynihii ku sugnaa Garoonka ay halkaasi ka soo dareeraan iyagoo uu ka muuqday daal aad u fara badan.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababihii keenay in Ra’isul Wasaarah iyo wafdigiisa ay ka baaqsadaan safarkii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

Kal hore ayay ahayd markii Dadweyne aad u fara badan ay isugu tageen Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar iyagoo sugayay in ay soo dhaweeyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed balse wafdigii Madaxweynaha ayaa mar dambe ka degay Magaalada  Jabuuti, wuxuuse Madaxweynuhu uu ka bixiyay cudur-daar, isagoo sheegay in duuliyihii uu ka diiday in uu ka dego Garoonka Jowhar kaddib markii uu ku cudur-daartay Duuliyuhu in Garoonku yahay garoon mugdi ah oo aan la degi karin xiligaan. 

Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Ciidamadiisa ay ku filan yihii amaanka..

Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa markiiba  bilaabay in uu kulamo la yeehso saraakiisha ciidamada, Odoyaasha Dhaqanka, Nabadoonada iyo Malaaqyada, waxa uuna kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen soo dhaweynta xubnaha Baarlamaanka oo la filayo in 26-ka bishan kulankooda ugu horeeya uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.

Max’ed Ibraahim Xaabsade mar uu si gaar ah ula hadlayay saraakiisha waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo ku filan in ay sugaan ammaanka Magaalada Baydhabo.

“Ciidamo laga keeno goobo kale, wax ay soo kordhi karaan ma jiraan ee anaga ayaa ku filan ammaanka Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Wasiirada hubeysan aysan wax ciidan ah la imaan karin Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu u soo jeediyay siyaasiyiinta kale ee Beelaha Digil iyo Mirifel in ay iyana ciidamadooda ay ku sugnaadaan goobaha ay haatan ku sugan yihiin oo aysan soo gali karin Magaalada Baydhabo.

Dadka u Kuurgala siyaasadda waxay leeyihiin qabsoomida kulanka Baydhabo waxay ku xiran tahay hadba sida ay u heshiiyaan siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaas oo aan weli yeelan kulan ka fool ka fool ah oo ay ku dhameynayaan khaafaadkii hore u dhex maray.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email:amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2006

Safaaradaha Norway & Denmark ku leeyihiin Suuriya oo Dab La Qabadsiiyey
Muslimiin caraysan ayaa dab qabadsiiyey.. Guji...

Muslimiinta Denmark oo ka Digey Gubitaanka Kitaabka Quraanka
Kuwa Xag-jira ee Denmark haddii ay gubaan Kitaabka Quraanka waxaa... Guji... Feb 4

Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (NNKH)
Kumanaan Muslimiin ah ayaa daafaha dunida ku dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii wargeyka Denmark u geystey Rasuulka...
 Warbixin iyo Faallo.. Akhri  Feb 4


HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3