SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan


C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kala saxiixanaya heshiis (Jan 5, 2006)

Khamiis Janaayo 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.

Heshiiskaasi waxa ku xusan in 30 beri gudohood uu baarlamaanka FKMG ah markii ugu horeysey ku shiro meel ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya.

Laakiin heshiisku ma xusin meesha ay dawladu degi doonto.

Sida laga soo xigtey warbaahinta Yemen, waxaa heshiiska ku cad in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee heshiiskani dhex maray in ay qadariyaan xeerarka u deggan dawladda Federaalka ah ee kumeel gaarka ah iyo axdiga qaranka.

Waxa kale oo heshiiskani xubnaha dawlada Soomaaliya ugu yeeray in ay dhinac iska dhigaan muranka iyo is qabqabsiga u dhexeeya oo ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen wada jirka iyo in ay danta qaranka muhiimada oo dhan siiyaan.

Waxaa heshiiska ku cad in beesha caalamka la weydiisanayo in ay heshiiska Cadan taageeraan.

Saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka Yemen.

Madaxweynaha Dalya Yemen, Cali Cabdallah Saalax waxa uu dawlada Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu baaqay in ay dawlada u raraan magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu kooxaha hubaysan ugu baaqay in ay hubkooda ku jeediyaan dhismaha dalka. Dadka Soomaaliyeedna ay wixii hore ka dhigaan wax tegey.

Warbixin dheeraad ah ee Heshiiska Cadan iyo qodobada heshiiska oo Af-Igiriisi ah hoos ka  akhri

Isha: Yemen Observer | Sawirada: Yemen Observer iyo Reuters |

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Jan 5, 2006

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Cadan 


C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo si wada jir ah Sanca ugu qabtay warsaxaafadeed

Jan 5, 2006: Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa madaxtooyada dalka Yemen ee Cadan ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro hal sano iyo lix bilood khilaaf u dhaxeeyey xubnaha dowladda kaas oo soo bilowda 17-kii Maarso 2005-ta kaddib markii ay xubnaha labada gole isku khilaafeen in dalka la keeno ciidamo shisheeye iyo qodobo kale ayaa heshiiska ay shalay kala saxiixdeen labada mas’uul ka soo shaqeeyey madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo isagu shalay goob joog ka ahaa heshiiskaasi.


AKHRI: Heshiiska Caden oo dhamaystiran oo ku qoran PDF ka eeg halkan... GUJI... [English] - PDF...

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah in xubnaha labada gole ee dowladda ay ku shaqeeyaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho , iyadoo maadaxweynaha uu Muqdisho imaanayo marka ay noqoto Muqdisho goob nabdoon sidoo kale waxaa qodobada ka mid ah in muddo 30-maalmood gudahood ah ay xubnaha baarlamanka kulan ku yeeshaan dalka gudahiisa ama meeshii nabdoon balse farta laguma fiiqin goobta uu ka dhacayo.

Qodobada kale ee ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in loo hawl galo sidii la isaga iloobi lahaa waxyaabihii hore u dhacay ee dhex maray xubnaha labada gole ee dowladda waxaa loogu baaqay xubnaha labada gole in ay ka shaqeeyaan sidii ay dowladda ugu talaabsan laheyd nabad iyo xasilooni ka dhacday guud ahaan dalka.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka halday kulankaasi waxaa uu ballan qaaday in heshiiskaani uu ka dhaadhicin doono xubnaha labda gole ee ku fikirka ah sidoo kale guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu sheegay in uu heshiiskani ka dhaadhicin doono xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho, sidoo kale waxaa kulankaani ka hadlay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo u soo jeediyey xubanah dowladda in ay yeeshaan kala dambeyn waayo ayuu yiri “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa nin dalka isku hayey lagana wada dambeeyey waxaana la idinka rabaa in aad kala yeelataan kala dambeyn iyo is tixgelin taas ayey  ku imaan kartaa dowladnimo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Xuseen Max’ud Sheekh Xuseen oo iyagaana ka qeyb galay heshiiskaasi una waramayey saxaafadda ayaa waxaa ay sheegeen in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay daacad ka tahay fulinta hawshaasi.

Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa si aad ah u soo dhaweeyey heshiiskaasi kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo isku keenaya xubnaha dowladda waxaa kaloo heshiiskaani ka hadlay afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan, waxaana uu sheegay in dhinacooda muddo ay sugayeen in la soo afjaro khilaafka xukuumadda dhinaca kale dowladda Talyaaniga ayaa iyana si aad ah u soo dhaweysay heshiika ay wada gaareen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaana ku dhawaaqay wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo shalay soo gaaray magaalada Jawhar wuxuuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid Soomaaliya u horseedaaya dib u heshiisiin dhab ah. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

 

Heshiiskii Cadan oo ka kooban shan qodob ee ay ku kala saxiixdeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku qoran Af-Igiriisi hoos ka akhri...[Xusuus: Weli DFKMG ahi ma soo bandhigin heshiiskan oo ku qoran AfSoomaali, qaybtan heshiiska ee Af-Igiriisiga ah oo ah heshiiska waxaan ka soo xiganey warbaahinta Yemen...]

Heshiiska Caden oo dhamaystiran oo ku qoran PDF ka eeg halkan... GUJI...

ADEN DECLARATION


 president of Somalia (L), President of Yemen (C) and the Speaker of the Transitional Federal Parliament of Somalia (R)..

Under the blessing invitation of H.E President Ali Abdullah Saleh of Yemen, a dialogue took place between H.E Abdullahi Yusuf Ahmed, president of Somalia and H.E Sharif Hasan Sheikh, the Speaker of the Transitional Federal Parliament of Somalia. They held direct talks and dialogue which took place in Aden during January 2-4, 2006.

The president of Federal Republic of Somalia and the speaker of the parliament:
- Conscious of the primary importance of the national interest of the Somali people over any other issue. 
- Deeply behaving in the pursuance of the dialogue started under the auspices of H.E Saleh with the view of reconciling the differences of opinion among the members of the institutions of the state;
- Guided by the provisions of the Transitional Federal Charter of Somalia;
- Believing that all sacrifices and unlimited efforts should further be made to restore security and stability in Somalia;
- Considering and showing full response to the relentless efforts of H.E Saleh to ensure that Yemen
- Of all divergences which have existed among the Transitional Federal Institutions of the State;
- Have agreed to issue this declaration, with the following provisions:

1.      That both leaders have reached to start a new page and end their differences, which have brought serious damage to the discharge of the duties and responsibilities of the institutions, in an spirit of cooperation on which the Somali people were spinning their highest hopes.

2.      That both leaders have agreed the necessity that interactive coordination among the organs of the state should be based fully on the total respect of the principles and norms of the Transitional Federal charter, in a manner characterized by constant consultations and respect to the constitutional separation of powers.

3.      That the Transitional Federal Parliament should be called upon for an official session that shall be held within 30 days from today, inside the country in a venue to be agreed upon.
 
4.      That both leaders jointly call upon the members of the Parliament and Government to put aside their fruitless squabbles and differences, urging them to unite, placing the supreme interest of the nation above other interests, while appealing to them, for their full cooperation in fulfilling the provisions of this declaration.

5.      That the International Community fully supports the efforts to convene the first ordinary session of the Parliament to be held inside the country.
 
The President of the Somali Republic and the Speaker of the Parliament of the TFP, address jointly a vibrant appeal to the Somali people to contribute towards the implementation of self-disarmament, putting to an end to their conflicts and differences using all peaceful means of mutual respect and dialogue.

They also appeal to the International Community to extend an emergency aid to areas and regions of Somalis which are now suffering from severe drought.

The president of Somalia and the speaker of the TFP (Transitional Federal Parliament ), jointly address , on behalf of the Somali people ,deep thanks and gratitude to H.E. Ali Abdulla Saleh for the brotherly role he has displayed in a sincerely effort to solve the protracting crises that the Somali people had been confronted with.

Heshiiska Caden oo dhamaystiran oo ku qoran PDF ka eeg halkan... GUJI...
 

 

WARARKA  MAANTA: JAN 5, 2006

  • Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida Ra'isul wasaarihii Imaaraadka,
  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi lahaayeen oo dib u dhac ku yimid.
  • Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..
  • C/risaaq Max’ed Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku fashilmey…”
  • Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.
  • Nin u dhashay Wadanka Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..
  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo  baaq u direy Hayadaha samafalka..
  • Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar oo  sheegay in uusan waxba soo kordhineyn heshiiska....
Wasiirkii hore Maaliyada Puntland oo Geeriyodey 

Magaalada Boosaaso waxaa ku geeriyoodey marxuum Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur), waxaana marxuumka lagu aasay magaalada Boosaaso. Warbixin ku saabsan tariikh nololeedkii marxuumka ka akhri halkan......


C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Khamiista (Jan 5, 2006) Heshiis ku kala saxiixan doona Yemen

Tarjumadii SomaliTalk.com Yemen |

Wararka ka imanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanaka FKMG ay Arbaca (Jan 4, 2006) heshiis kama dambays ah ku gaareen dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada garab ee dawlada (Jowhar & Muqdisho), isla mar ahaantaasna dawlada Kumeelgaarka ah loo raro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden waxa ay maalmahan wada hadal ku lahaayeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Waxaa wararaku intaas ku dareen in Madaxweyne C/Laahi iyo Shariif Xasan ay isla gaareen heshiis rasmi ah, heshiiskaasna la saxiixi doono maalinta Khamiista, waxaana saxiixaas goob joog ka noqon doona madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo in dhoweydba ku jirey dhexdhexaadinta labada garab ee dawlada FKMG.

Warar dheeraad ah oo ka imanaya dalka Yemen ayaa tibaaxay in heshiiska ka dib kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalo aan weli la cayimin, waxaana loo malaynayaa in ay noqon doonto Baydhabo ama Kismaayo.

Dhanka kale waxaa saraakiil reer Yemen ah laga soo xigtey in marka hore ay wasiirada iyo xildhibaanada DFKMG ah ay tegi doonaan magaalada Muqdisho ka hor inta aan madaxweyne Cabdullaahi uusan tegein Muqdisho. Waxaana wararku intaas ku dareen in uu madaxweynuhu sii joogi doono magaalada Jawhar ilaa uu ka xaqiiqsanayo amaankiisa Muqdisho.

Dalka Yemen dhawr jeer ayuu isku deyey in uu dhexdhexaadiyo labada garab ee dawlada ee kala joogey Jowhar iyo Muqdisho. Waxaana wararku hadda muujinayaan in ay Yemen uu muuqato in ay ku guulaysatey markaan in ugu yaraan ay isa salaamaan labada hoggaamiye (Jowhar & Muqdisho), kuwaas oo shacabka Soomaaliyed ay ka sugayeen in ay u horseedaan nabad gelyo, colaadana soo afjaraan.


Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida Ra'isul wasaarihii Imaaraadka, ahaana madaxweyne ku-xigeenkii.

 
Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Tacsi u diray Dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba, isaga oo uga tacsiyeeyay Geerida Ra'isul wasaaraha UAE, islamarkaana ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Marxuum Shiikh Maktuum Bin Rashiid Almaktuum, oo ku geeriyooday wadanka Australia.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi ayaa muujiyay sida ay uga tiiraan yeeysan tahay Dowladda Soomaaliya geerida ku timid Ra'isul wasaaraha UAE, waxana uu xusay in uu uga tacsiyeeynayo shacabka iyo dowladaba.  

Waxana uu sheegay Prof Geedi in uu ahaa shaqsi ku weyn dalalka Islaamka oo dhan, wax badana ka shaqeeyay sidii loo caawin lahaa u madda soomaaliya, oo ay walaalo yihiin shacabi weynaha Imaaraadka Carabta.  

Ra'isul wasaare Geedi ayaa haatan ka hor sidoo kale ka qayb galay tacsidii loo sameeyay hogaamiyihii Imaaraadka carabta oo horaantii sanadkii tagay isna geeriyooday.  

Xigasho: Xafiiska Ra'isul wasaaraha, waaxda warbaahinta.
 

Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..

Warar hoose oo aanu helnay waxay sheegayaan in Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee dhawaan la magacaabay ay istaqaaladoo-dii u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamuud Cumar Tootoow.

Inkastoo aanan helin magacyada rasmiga ah ee shantaa xubnood ayaa waxa ay istaqaaladoodii sabab uga dhigeen kaddib markii kala qaybsanaan xoog leh soo kala dhex gashay xubnaha Golaha Deegaanka gaar ahaan doorashadii Guddoomiyaha, sidoo kale waxa ay sheegeen in doorashadaasi ay sababtay in dib loo soo celiyo isbaarooyinkii yaalay Magaalada Muqdisho qaarkood, kuwaas oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba.

Shantaan xubnood ayaa iyagu horey uga qaybgelin doorashadii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee khilaafku ka dhashay, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Deegaanka uu haatan ka fiirsanayo in uu istaqaalada ka aqbalo Golaha Deegaanka. Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa cidda ay yihiin shantaa xubnood ee istiqaalada u gudbiyay Guddoo-miyaha Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.

C/risaaq Max’ed Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku fashilmey…”

C/risaaq Max’ed Xalane oo ah Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir waxa uu si aad ah uga hadlay Isbaarooyinka ku soo siyaaday Magaalada Muqdisho oo dhibaatada ku haya Bulshada Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir in ay ka hor yimaadaan kuwa Siyaasadda ku fashilmay, ee diiday 16-sano in maamul loo sameeyo Gobalka Banaadir, iyaguna ay sameystaan hogaan mideysa” C/risaaq oo hadalka sii wata waxa uu intaa sii raaciyay “way dhamaatay xiligii dadka lagu beerlaxowsan jiray hebel iyo hebel baa idinka hor joognaa, dantiina ayaan ka shaqeynayaa iyo ereyo kale oo la mid ah”.

C/risaaq waxaa kalloo uu sheegay in dadka ay leeyihiin waan idinka hor joognaa, waxay sameysteen maamulo dadkoodana waxay ku jiraan nabad iyo barwaaqo, waxaana xaqiiqo ah in ay haboon tahay in la taageero kuwa ay nagu cabsi gelinayaa, sababtoo ah waxay dhiseen maamulo si kastaba ha u shaqeeyeene.

“Weligeed ma aysan dhicin Isbaaro ku saleysan dhib lagana dhigtay siyaasad lagu korkortamo” ayuu yiri C/risaaq oo intaa raaciyay waxay markii hore ka dhiidhiyeen in C/llaaahi Yuusuf iyo xubnihiisa kale ay jabiyeen dastuurkii, waxaa la yaab leh, dastuurkii Gobalka Banaadir ay u degsadeen oo ka koobnaa 31-ka qodob ay maalin cad jabiyeen, taasoo ay macnaheedu yahay in ay yihiin dad aan rabin wax nadaam ah in uu yimaado, ugu dameyntii waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Banaadir in ay sameeyaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan kuwii 16-ka sano ay u afduubnaayeen, oo dhega xumada iyo ceebta ku raray. 

Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.

Max’ed Cumar (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa deg deg ugu soo laabtay Magaalada Jowhar kaddib markii uu labo maalmood ku maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Saraakiil ka socotay safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Dalka Kenya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii xiriir Iskaashi uu u dhex mari lahaa iyaga iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere oo la xiriira dhinaca waxa loogu yeeray Argagixisada.

Max’ed Dheere waxaa kalloo uu Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga oo ay isla soo qaadeen sidii Dowladda Talyaaniga ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka isla markaana ay mashaariic uga hirgelin lahayd Magaalada Jowhar.

Wasiir ku xigeenka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Jowhar, waxaana haatan Magaalada Jowhar ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta Wasiir ku xigeenka.   

Nin u dhashay Wadanka Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayan in xabsigaa Magaalada Jowhar uu ku xiran yahay Nin u dhashay wadanka Ciraaq laguna magacaabo Cali Miqdaar Al-Taksiisi.

Ninkaasi oo mudo taban maalmood ah ku jira xabsiga Magaalada Jowhar, ayaa waxaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad laga deyrinayo, lamana garanayo sababaha ninkaasi loo xiray, waxaana wel wel ka muujinaya eheladiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayan ka codsadeen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo Shacabka Soomaaliyeedba siideynta niknaasi ciyaarqiga ah.

Ciraaqiyiin fara badan ayaa ku sugan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaas xoogoodu soo qaxeen markii uu Mareykanku duulaanka ku qaaday dalka Ciraaq saddex sano ka hor, waxayna isugu jiraan Takhaatiir, Injineero, iyo iyagoo qaarkood Muqdisho ka furtay Maqaayado, waxaana dhowr jeer lagula kacay afduub, iyagoo qaarkood loo gacan geliyay Dowladdu shisheeye kaddib markii la sheegay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada balse markii dambe la sii daayay markii lagu waayay wixii lagu tuhunsanaa.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo  baaq u direy Hayadaha samafalka..

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka ee Magaalada Jowhar ayaa waxa loogu baaqay beelaha ku dagaalamaya Gobalka Bakool gaar ahaan deegaanka Tiyeeglow in dagaalkaasi ay joojiyaan wixii khilaaf ahna ay ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Ra’isul Wasaaraha waxa uu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn dagaal iyo iska hor imaad maadaama qaar ka mid ah Gobalada Dalka ay ka jiraa abaaro iyo Biyo la’aan, wuxuu Ra’isul Wasaaruhu u soo jeediyay Hay’adda Samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan Gobalada ay saameysay abaaraha iyo Biyo la’aanta.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi  waxa kalloo uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay waan waan dhex dhigto beelaha ku dagaalamaya Gobalada Bay iyo Bakool, gaar ahaan deegaanka Tiyeeglow, balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore in Odoyaasha ay kala dhex galaan labada Beelood ee dagaalku dhexeeyo,

Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar oo  sheegay in uusan waxba soo kordhineyn heshiiska....

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac... Akhri...

Iyadoo Magaalada Cadan ee dalka Yemen ay heshiis u fadhiyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa soo baxaysa kala aragti duwanaasho ku saabsan xubnaha ku sugan Muqdisho iyo kuwa ku  sugan Magaalada Jowhar.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si hordhac ah loo sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay sal u yihiin in dhamaan xubnaha Dowladda ay isugu yimaadaan casimada dalka ee Muqdisho, in Madaxweynuhu uu ka tanaasulo ciidamada shisheeye ee dalka la keenayo, in xal loo heliyo xubnihii la magacaabay iyo kuwii xilka laga qaaday intii uu jiray khilaafka Dowladda iyo in talaabo kastoo oo ay Dowladu qaadeyso laga ansixiyo Baarlamaanka, iyadoo taas bedelkeedana uu codsaday Madaxweynuhu in inta laga xasilinayo Magaalada Muqdisho uu isagu sii joogi karo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho taas oo Guddoomiyaha Baarlamaanka sida wararku sheegayaan uu soo dhaweeyay.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar waxay siyaabo kala duwan uga hadleen heshiiskaas, gaar ahaan tanaasulka uu Madaxweynuhu ka sameeyay tegintaanka Magaala-da Muqdisho, iyadoo Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka KMG ah Cabdalla Deerow Isaaq oo la wareystay uu sheegay in uunsan ka warqabin wax heshiis oo ay gaareen labada Mas’uul, waxa uuna sheegay in aysan iyagu diyaar u ahayn in Magaalada Muqdisho ay xiligaan tagaan, waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka haddii uu tanaasulayo looga baahan yahay in uu shirka Baarlamaanka uu ku guddoomiyo Magaalada Jowhar.

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi lahaayeen oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalinti doraad ahayd heshiis ku gaaray Magaalada Caddan ee dalka Yemen, ayaa xafladdii heshiiskaasi ay ku saxiixi lahaayeen maalintii shalay ahayd uu dib u dhac ku yimid, kaddib markii ay siyaasadaasi codsatay Dowladda Yemen oo iyadu dooneysay in heshiiskaasi ay goob joog ka noqdaa dalalka Deeqda Bixiya, Mareykanka, kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaana heshiiskaan ay xafladdiisu dhaceysaa maanta oo Khamiis ah saacaddu markay tahay 1-da Duhurnimo ee Waqtiga Yemen, iyadoo maalintii shalay ahayd Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay ka qaybgaleen xaflad qado ahayd oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Yemen. Heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gudaha dalka, waxaana lagu tilmaamay mid soo afjaraya khilaafkii Dowladda Ragaadiyay kaasoo keenay in ay Dowladdu ay kala degto Magaalooyinka Muqdisho iyo Johwar, waxaana heshiiskaan soo qabanqabiyay Dowladda Yemen waana markii labaad oo ay labada Mas’uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka ay isugu keento, iyadoo bishii Juun ee sanadkii hore ay ahayd markii ay is arkeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2005


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Khamiista Heshiis ku kala Saxiixanaya Yemen
Madaxweynaha DFKMG iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isla gaarey heshiis rasmi ah, waxaana heshiiskaas... Guji...

Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar oo soo dhaweeyey heshiiska DFKMG ku dhexmarey Yemen
»Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ku tilmaamey heshiiska Cabdulaahi  iyo shariif Xasan... Iyo Warar GooGoos ah.. Guji Jan 4

SomaliTalk.com oo Waraysi La yeelatay Col. Cabdi Cigaal
Col. Cabdi Cigaal oo ah sarkaal ka tirsanaa  maamulka dooxada jubba haatana ka soo horjestay.. Guji.. Jan 3, 2006

Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..
»Isbaaradii Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..
»Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.... Guji... Jan 2, 2006

Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD