SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (scw)
  • C/qaasim Salaad Xasan oo Dadweynaha Muqdisho kala qaybgalay Banaanbax looga soo horjeedo gefkii .
  • "Inaad tiraahdo Muslimiineey raali ahaada diidaye adigaa ku baryootami doona!"
 

Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Waxaa diyaarisay, Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

Daaciga reer Makka, Saleh bin Humaid, oo khudbadii Jimcada ka jeediyey Masjika Barakaysan ee Makka Al Mukarama ayaa sheegay in adduunku uusan iska indha tiri doonin Qaranka Muslimka iyo dareenkoodiisa. Waxaa uu intaas ku daray "in Qarankani (ummada Muslimka) uu maalmihii la soo dhaafay u dagaalamay Nebi Muxamed, waxana uu yiri waa in qof kasta oo Muslim ah uu ku faraxsanaadaa difaacida Nebi Muxamed, Nabad Gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee (NNKH).

"Ummada Muslimku waxaa waajib ku ah in ay ka caroodaan cayda lala beegsaday Nebi Muxamed (NNKH) waana in aan arrintaas marna la aqbalin" sidaas waxaa yiri Sheikh Yuusuf Al-Qardaawi oo salaadii Jimcada khudbad ka jeediyey magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Kumanaal Muslimiin ah ayaa markii ay salaadii Jimcada ku tukadeen masjidka Al-Aqsa waxa ay dhigeen mudaharaad ay caro ka muujinayaan sawir gacmeedyadii joornaalada Yurub ay ku aflagaadeeyeen Nebi Muxamed (scw). Sidoo kale waxaa mudaharaad kaas la mid ah laga dhigay Masjidka Al-Azhar ee dalka Masar iyo dhammaan daafaha dunida..

Ibrahim Hooper ah afhayeenka CAIR oo ah Urur Muslminiinta Maraykanka ee xaruntiisu tahay magaalada Washington ayaa yiri "Wargeysyada Yurub daabacadaada ay ku degdegeen sawir gacmeedyada aflagadada ah waa arrin ciyaalnimo ah."

VIDEO: Daawo Mudaharaadyada ay dhigeen Muslimiintu... (CBC)

RADIO: Dhegeyso VOA... GUJI...


Allaahu Akbar Allaahu Akbar!! waxey kamid ahaayeen ereyadii ay Jimcadii Muslimiin badan oo caalamka kamid ah ku dhawaaqeyeen kadib markii ay kasoo baxeen salaadii Jimcaha oo ah maalin si weyn loogu qiimeyey "Rasuulka sharafta leh ee Muxamed (NNKH), oo lugu aflagaadeeyey wargeysyo badan oo reer galbeed ah kadib markey sawiro kartoon ah ku sheegeen. 

 
Jakarta-Indonisiya.
 
Saaka (Feb 3) arroortii ayaa muslimiin careysani waxey u dhaceen dhismaha safaarada Denmark ay ku laheyd Jakarta, waxaana ay ukumo iyo dhagxaan ku tuureen dhismaha safaaradas halkaasina ku gubeen calanka dalkaasi sida ay soo werisay wakaalada wararka ee AP.
 
Islamabad- Pakistaan
 
Baarlamaanka wadankaasi ayaa maanta go'aan soo saareen ku cambaaraayey wargeysyada reer galbeedka sida ay arrintan u soo faafiyeen, waxaana qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka wadankaasi wadaan qaban qaabo banaanbax oo loogaga soo horjeedo wargeysyada reer galbedka. Sidoo kale cambaareyntaas ayaa lugu sheegay iney tahay waxa wargeysyada dalalkasi ku dhaqaaqeen kuwo "dhawacay dareenka muslimiinta"
 
Ankara-Turkiga
 
Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo maalintii shaley aheyd dhiniciisa carada muslimiinta gees ka muujinaya ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibada Faransiiska Philippe- Douste- Blazy iney haboon tahay in saxaafada ay xakameyso xorriyada ay sheegtay iney adeegsato, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray iney dhacdooyinkaasi foosha xun ay yihiin kuwo meel kaga dhacay qiimaha ummada Islaamka.
 
Bakhdaad- Ciraaq
 
Hogaamiyaha shiicada uga sareysa dalkaasi Ciraaq Aayatulaah Sistani ayaa boggiisa rasmiga ah ee internet-ka ku sheegay in kuwa falkaasi sameeyey ay faafiyeen sunta cadaawada ah ee soo jireenka aheyd ee Islaamka loo qabay isagoo dhinaca kalena dhaleeceyn ba'an dusha ka saaray kooxaha hubeysan ee Islaamiyiinta ah kuwaasoo uu ku sheegay iney laftooda masuul ka yihiin sumcada Islaamka ee halowday.
 
Qaza- Falastiin
 
Wakaalada wararka ee Ap ayaa dhinaceeda waxey werisay in maanta oo jimcaha ay kooxaha falastiiniyiinta ah ay waxyaabaha qarxa ku tuureen xarunta dhaqanka Faransiiska oo halkaasi ku tiilay mana jiraan ilaa iyo hada cid falkaasi ku dhaawacantay. Magaalooyin badan oo kamid ah dhulalka falastiiniyiinta ayaa banaanbaxyo badan ka dhaceen iyadoo halkaasi lugu gubay calanka Denshish-ka, waxaana ay codsadeen banaanbaxayaashaasi in talaabo laga qaado dadyowga kasoo jeeda dhamaan intii qeybta ga geysatay faafinta sawiradaasi.
 
Dhaka- Bangaladesh
 Magaalo madaxda Bangaladesh ee Dhaka ayaa maanta waxaa banaan bax iskugu soo baxay muslimiin tiradooda gaarayey 500 oo qof waxaana salaada jimcaha kadib muujiyeen carada ay u qabaan wargeysyada galbeedka ee sida aan geed ku gabashada laheyn u aflagaadeeyey Rasuulka Muxamed NNKH.
 
Kualampur- Maleysiya
 
Dalka Maleysiya 60-neeyo oo muslimiinta dalkaasi kamid ah islamarkaasina careysan ayaa maanta waxey rabshado ugu dhaqaaqeen iyagoo adeegsanaya dhagxaan waxaa ay dadkaasi dowlada Denmark ka codsadeen in talaabo ka qaado wargeyska dalkaasi si loo saxo qaladkii dhacay.
 
London- Uk
 
"Fariinta aan u direyno Denmark iyo reer galbeedku waa ineysan kasii bad badin waxa hada dhacay, si aysan wada u furin in fikir qaladan laga qaato muslimiinta" Hadaladaasi waxey kamid ahaayeen qudbadihii tooska ah ee uu jeediyey Sheekh Khaliifa oo hadana ku cel celiyey iney u tahay maalin weyn oo ay qiimeeyaan waajibna ay tahay iney difaacan Rasuulka NNKH, Diintana aysan baneyn in qof la caayo xitaa xayawaanka.
Telefeyshinka BBC-da oo la runsan yahay in xirriir weyn uu la leeyahay dunida Islaamka ayaa laftiisa u soo bandhigay daawadayaashiisa sawirada dhaliyey muranka  waxeyna taasi sii kicisay xiisadii awalba cakirneyd.
Wargeysyo kale oo dhowr ah ayaa maanta iyagana soo bandhigay sawiradaasi foosha xun, waxaana muuqata in ihaano weyn oo aan geed ku gabasho laheyn lugu hayo dadka muslimiinta ah oo mar hore sharafta laga dhigay.
Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa Mufti kamid ah wadankaasi sheegay inuu siin doono nabadgalyo dadka masiixiyiinta ah iyo kaniisadahaba oo uu waardiyey doono haddii ay soo wajahaaan cabsi uga imaneysa dhanka muslimiinta.
Salaadii jimcaha ee magaalada Paris ayaa maanta degenaan kamuuqatay culimada dalkaasi ayaa ku baaqay ineysan banaanbax waxba soo kordhineyn iyo calan lagubo ee lo baahan yahay in la kaashado degenaanta. Si weyn ayey dadkuu tukanayey salaada Jimcaha u cambaareeyey falalkii dab isku gudbinta ahaa ee wargeysyada reer Yurub ku kaceen.
 
Stockholm- Sweden
 
"Kuwa soo bandhigay sawiro ay ku sheegeen Nabi Muxamed, waa kuwo aan aqoon iyo ixitraam durugsan laheyn, mana ahan in si qaladan loo adeegsado xorriyada" ayuu qudubadiisi ku bilaabay Abuu Maxamuud oo ah imaamka masjidka magaalada Stockholm ee caasimada Sweden.
Maanta magaalada Stockholm iyo magaalooyinka kale ee Muslimiintu ku badan yihiin waxaa si xoog leh uga socday qudbadii salaadaha Jimcaha oo maanta si weyn caalamka Islaamka u aheyd astaan ay ku difaacayeen Nabi Muxamed NNKH.  Imaamka masjidka wuxuu ka hadlay ahmiyada ay u leedahay Muslmiinta in arrintan wax laga qabto, wuxuuna xad gudub weyn ku tilmaamay in diimaha jira mida ugu weyn si bareer ah loo caayo Rasuulkii looo dhiibay.
 
Waxyaabahan ayaa u sabab ahaa carada Muslimiinta caalamka 
 
Ciilka iyo carada haatan ka jirta dunida Islaamka waa mid bilowgeedii ku yimid ka fiirsasho la'aan, waxaa markii ugu horeysay bishii september ee sanadkii hore wargeyska lugu magacaabo Jylland- Posten uu soo bandhigo sawiro kartuun ah oo ka kooban labo iyo toban sawir oo uu ku sheegay iney ahaayeen Nabi Muxamed NNKH. Ujeedaduna ay aheyd baaritaan ay misna ku sheegeen iney eegayaan in la sawiro karro Rasuul iyo inkale.
 
Arrintan waxey gun u noqotay xiisada haatan abuurantay ee dabkeedii meelo badan oo qaaradan yurub kamid ah ka bilowday. Muslimiinta dalkaasi Denmark ayaa bilaabay iney cambaareeyaan sawiradaasi waxey dacwad ku soo oogeen dadka maamulayey.

Dowlada dalkaasi oo iyadana diiday iney la kulanto danjireyaasha dalalka Islaamka qaar katrisan oo doonayey in arrintan ka hadlaan, hadey dhici laheyna uu iman lahaa xal ugu yaraan lugu xakameyn lahaa muranka sida weyn uga dhextaagan Denmark iyo dalalka Islaamka oo misna  noqotay qodob kale oo xasaasi ah.
 
Muranka waxey qatartiisa timid markii Sacuudi Careebiya u yeertay danjiraheeda  Denmarka u fadhiyey dhamaadkii bishii janaayo. Sidoo kale telefeshinada caalamka ayaa laga arkayey dhulalka falastiiniyiinta oo lugu gubayey calamada Denmark iyo Norway islamarkaasina shaqaalaha dalalkaasi ee howlaha diblomaasiyadeed ka wada gobolka loogu hanjabay in la waxyeeleyn doono.
Urrurada Islaamka ee dunida muslinka ayaa igu cambaareyn weyn oo is daba joog ah u diray dalkaasi Denmark iyo wargeyskaba, waxaana ay arrintan gaartay muran siyaasadeed heerkii ugu sareeyey oo aakhirkii keentay in wadamada ku yaal gobolka bariga dhaxe gaar ahaan gacanka carabta oo Sacuudiga ugu horeeyo bilaabay inuu joojiyo cadooyinka ka yimaada dalkaasi gaar ahaan shirkada la yiraahdo Arla foods oo iyadu u dhoofin jirtay dalalkaasi aalabaha ay kamid yihiin subuga burcadka ah, caanaha iyo farmaajada.
 
Dalkan Sweden inkastoo ay ka gaabsansadeen saxaafada gudaha daabacada sawiradaas ayaa hadana labo wargeys oo lakala yiraahdo Exprssen, GT soo bandhigeen qaar kamid ah sawiradaasi islamarkaasina faallo ku saabsan saameynta sawiradaasi iyo waxyaabaha ay ku andacoonayaan wargeysyada Denmark iyo Norway boggooda tafatiraha ku eegayey.
Tanina waxey keentay bey leeyihiin xeel dheerayaasha  saxaafada Sweden indho indheeya iney labadaasi wargeys ay si indho la'aan ah u soo bandhigeen sawiro iyagoo doonayey in dowlada Sweden lugaha loo galsho muranka haatan loo caal waayey ee arrintani keentay. Tafaftirayaasha wargeysyada kale ee Sweden ayaa si weyn u cambaarayey wargeysyada Denmark iyo Norway kuwaasoo ku sheegay in ku raaxeysteen wax dhibaato u geystay muslimiin badan oo caalamka ah islamarkaasina meel ugu dhacay shuruucdii loo dejiyey saxaafada caalamka.
Gabadha la yiraahdo Lena Mellin oo dhinaca faalooyinka siyaasada gudaha iyo dibada u qaabilsan wargeyska Aftonbladet  ee wadankan Swden ayaa maqaal aymaanta qortay cinwaan uga dhigtay " Qaladku wuxuu u baas bixi doonaa shaqada" oo ay ula jeedo Ra'iisal wasaaraha dalkaasi oo muddo dheer ka meer meerayey inuu raali gareeyo waxeyna hoosta ka xariiqday in talaabo kasta uu maanta qaada aysan aheyn mid wax saxeysa hadduusan la imaan talaabada rasmiga ah ee laga doonayo.
  • 30 bishii september ayaa markii ugu horeysay wargeyska Jyllands- Posten soo sawiray sawiro kartuun ah oo ku sheegay Nabi Muxamed )NNKH).
  • 29 isla bishaasi september urrurka Jaamacada Carabta ayaa si weyn u dhaleeceeyey wargeyskaasi Jyllands Posten.
  • Bishii oktoobar waxaa dacwad lugu soo oogay wargeyskaasi, markaasi kadib waxaa hoos loo dhigay baaritiinkii la xirriiray sababaha dhaliyey in sawiradaasi kartuunka ah lugu sheego Nabi Muxamed.
  • 10 janaayo wargeys ku hadla afka masixiyiinta dalka Norway ayaa qaar kamid sawiradii wargeyska Jyllands Posten adeegsaday.
  • 18 bishii janaayo hey'ada caalamiga ah ee Islaamka ayaa si weyn u dhaleeceysay daabacada sawiradaasi, sidoo kale 57-da wadan ee xubnaha ka ah ayaa hey'adahoodu sidoo kale cambaareeyeen falalkii ay wargeysyadaasi dabka iskula qaadeen.
  • Isla bishii janaayo 20-keedii ayaa qaar ka tirsan danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Denmark si weyn u cambaareeyen siyaasada ku wajahan saxaafada dalkaasi ee ay dowladu ku sheegtay ineysan shaqo ku laheyn.
  • 26 janaayo ayaa dowlada Sacuudiga u yeertay danjiraheedii Denmark, waxaana sidoo kale daba socday Fadwo uu soo saaray Muftiga Sacuudiga Cabdul casis Al Sheekh oo ka codsaday in la mamnuuco gadashada alabaaha ka yimaada dalkaasi, taasoo ay dowladu Sacuudiga 24 saac gudahood ku fulisay amarkii Muftiga.
  • 29 bishii janaayo ayaa sidoo kale dowlada Liibaya u yeertay danjiraheedii dalkaasi u fadhiyay, isla maalintaasina waxaa calamada Denmark iyo Norway lugu gubay Marinka Qaza ee Falastiin kadib markii dadweyne careysani ay isku soo baxeen iyagoo codsanayey raaligareyn ay dowlada Denmark bixiso.
  • 30 bishii janaayo ayaa kooxo hubeysan oo falastiiniyiin ah galeen dhismihii Midowga Yurub ku laheyd aagaaasi waxaana ay ku hanjabeen iney wax yeeleyn doonaan shaqaalaha dalalkaasi.
  • Dhamaadkii bisha janaayo madaxa wargeyska Jylland- Posten uu bixiyey cudur daar bixiyey, iyadoo sidaas u yeelay hakinta xiisadaasi, laakin maaheyn mid sidaas muslimiintu ku qanceen.
  • 1 febraayo wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa xaajadii cirka ku shareeray kadib markii ay sawiro kale oo ka duwan kii hore soo ban dhigau, iyagoo cinwaan uga dhigay "Haa xaq waan u leenahay inaan xitaa aan Illaah sawirno" Milkiilihii wargeyskaas ayaa shaqadii ka eryey tafatirihii wargeyska wuxuuna cudur daar ka bixiyey sawiradii qaladka ku soo baxay wargeyskiisa. Sidoo kale dalalka ay ka mid yihiin Talyaaniga, Jarmalka, Isbeyn, Holland iyo Iswitzerland ayaa garadaradii aan geed ku gabashada laheyn ee lugu aflagaadayey Nabi Muxamed NNKH isku garbeeyey waxaana ay si cad u taageereen wargeysyadii kale ee horey u soo bandhigay sawirada muranka weyn dhaliyey.
  • 2 feberaayo waxaa sii socday muranka sawiradan la xirrriira kooxo hubeysan oo ka tirsan Islaamik Jihaad iyo Al Aqsaa ayaa isku gadamaaday xafiisyada Midowga Yurub ee Qaza, waxaana ay wacad ku mareen iney dili doonaan dadka kasoo jeeda Iskaandaneefiyanka gaar ahaan Norway, Demark iyo Faransiiska oo sheekadan bartanka kaga soo dhacay.
  • Iiraan waxey uga digtay midowga Yurub cawaaqib xumo ka dhalata oo dhex marta Midowga Yurub iyo dunida Islaamka.

            Xiisadihii la xirriirtay Diinta ee horey u dhacay

  • Sanadku markuu ahaa 1989-kii ninkii la oran jiray Salaam Rushdi oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya heystana dhalasho Ingiriis ah ayaa ku tilmaamay Quraanka kariimka ah "Aayidihii Sheydaanka" Ayaatulaahigii Iiraan ayaa ku soo rogay ninkaasi Fadwo in la dilo.
  • Sanadkii 994-tii haweeney u dhalatay Bangaladesh ayaa buug ay qortay kaga hadashay Islaamka waxaana ay keentay naagtaasi iney nabadgalyo siyaasadeed weydiisato Sweden oo ay haatan ku dhuumaneyso kadib markii dil loogu hanjabay.
  • Sanadkii 2002 waxaa haweeney lugu sheegay weriye ayaa qortay qoraal ay ku sheegtay "Rasuulku haduu noolan lahaa uu guursan lahaa naago qaa qaawan oo xilligaas ka qeybgaliyey tartan lugu sheegay tartanka quruxda adduunka" Arrintan ayaa keentay isku dhac muslimiinta dalkaasi iyo kuwo kale oo masiixiyiin ah halkaasina rabshadihii ka dhacay ay sababtay iney geeriyoodaan dad lugu qiyaasay 200 oo ruux.
  • Sanadkii 2004-tii waxaa la dilay xag jirkii Theo van Gogh oo isagu sameeyey filin si weyn uga careysiiyey muslimiin badan oo dalkaasi Holland ah iyo caalamka ah, filinkan ayaa waxaa fikiradeeda laheyd gabadhii ridowday ee soomaaliyada aheyd Ayaan Xirsi Magan oo iyadu ah lafteedii ruuxii ugu horeeyey ee Islaamimo lugu barbaariyo si toos ah uga soo horjeesata diinta Islaamka iyadoo adeegsaneysa saxaafad ku sheega dalkaasi Holland.
     
    Ikraam Cali-kaar
    Gothenburg- Sweden

C/qaasim Salaad Xasan oo Dadweynaha Muqdisho kala qaybgalay Banaanbax looga soo horjeedo gefkii .

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Markii la tukaday Salaadii Jimcaha ayaa dadweyne kumanaan kun gaaraya oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulsha ay isugu tageen Fagaaraha Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho waxayna dadweynahaasi ay ka banaanbaxayeen gefkii loo gaystay Nabiga Muxamad (NNKH) ayna ku gaysteen Wargeysyo ka soo baxay Wadamada Norway iyo Denmark, waxayna dadweynahaani ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Nabigeena cid wax u dhimi karta sharaftiisa ma jirto”, “waana difaaceynaa Nabigeena” “Af-lagaadana uma geysan karaan Gaaladu”.

Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta Dr. C/qaasim Salaad Xasan, Guddoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Nuur Baaruud iyo mas’uuliyiin kale, mar uu halkaasi ka hadlay C/qaasim Salaad Xasan waxa uu yiri “Eeyo xun xun af lagaado uma gaysan karaan Nabigeena (NNKH)”, wuxuuna intaas sii raaciyay “Af-lagadaas loo gaystay Nabiga waxaa ugu wacan Dowladaha Islaamka oo ka gaabiyay in ay Islaamka u adeegaan”. C/qaasim waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay u is taagaan sidii ay u difaaci lahaayeen diintooda iyo Nabigooda, sidoo kale C/qaasim waxa uu u soo jeediyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa sidii ay u badbaadin lahaayeen walaalahooda kale ee waxyeeladuka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Shiikh Nuur Baaruud oo u soo jeediyay Dowladaha Islaamka in ay xiriirka Siyaasadeed iyo midka Ganacsiba Dowladaha Denmark iyo Norway. Sidoo kale waxaa ka hadlay Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abishir Bacadle) oo isna u soo jeediyay shacabka in aysan iibsan waxa laga keenayo wadamada Denmarka iyo Norway. Sidoo kale banaanbaxyo looga soo hor jeedo Af-lagaada Nabiga loo gaystay ayaa waxay ka dhaceen Magaalooyinka Marka, Baladweyne iyo Garoowe, waxayna dadweynihii ka qaybgalay banaanbaxaasi ku dhawaaqayeen “marnaba ogolaan meyno in af-lagaado loo gaysto Nabigeena waana ka dagaalamaneynaa”, waxaana banaanbaxyadaasi lagu gubay calamada Dowladaha Denmark iyo Norway.


"Inaad tiraahdo Muslimiineey raali ahaada diidaye adigaa ku baryootami doona!"
 
Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
Outrage
Falastiiniyiin maalintii Isniintii Calanka Denmark ku hor gubayey xarunta Midowga Yurub ee Gaza... Latimes
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara..
Washintonpost
 
Markey dhibaato siyaasadeed timaado waxaa lama huraan ah in la isticmaalo waxa loogu yeero "afka siyaasadeed". Dunidan maanta mushkilada horleh lugaha la gashay waxey siyaasiinta joogta qaarkood adeegsadaan xeelado ay kaga baxsan karaan daruufaha lasoo gudboonaado, halka qaar kaloo iyaga kamid ah qaladkey galeen ku saxa qalad kale sida maanta heysata ninka u baahan talo siyaasadeed ee ra'iisal wasaare ku sheega dalka Denmark Anders Fogh Rassmusen.
 
Waxaa muuqata xiisada Diimeed ee maanta abuurantay ineysan sahal ku dameynin waatan durba keentay iney meelo badan oo Yurub kamid ah lugaha la gasho. Islaamka dadkiisa maahan markii ugu horeysay ee lugu xadgubo iyagoo siyaalo kale duwan loogu gardarooday.

Hadaba waxba waxbaa ka darrane, maanta dhibaatada uu abuuray wargeys xag jir ah oo aan fiiro dhiireyn waxey xasiloonidii dunida oo aan awalba sal mugeed ku fadhin u keentay jahawareer hor leh oo naceyb siyaasadeed iyo mid diimeed oo awalba loo hayey guud ahaan Islaamka ay soo labo kacleyso.
Maanta waxaa lama huraan ah mushkilada uu abuuray wargeyskasi qalad ka fahmay xorriyad ku sheega saxaafada in ra'iisal wasaaraha dalkaasi uu bixiyo raali gareyn buuxda oo rasmi ah taasoo bilow u noqon karta daawo lo raadiyo xiisada aburantay ee salka ku heysa dhinaca diinta.

Balse maanta oo ah jimce guud ahaan caalamka Islaamka oo hadeerba waqtigaan maqaalkan qorayo looga hadlayo dhibaatada ay amuurtan keentay, ayaa waxaa muuqata carrada xooga leh ee guud ahaan Islaamka oo qabaan ee la xirriirta sawiradii meel ka dhaca ahaa ee loo geystay Rasuulka Karaamada badan ee Muxamed (NNKH).

Sheekh Maxamed Tantaawi oo ka qudbadeynaya mid kamid ah masaajidada ku yaala magaalada Dooxa ee dalka Qadar, ayaa sheegay iney waajib ku tahay muslimiinta iney difaacan Nabigooda NNKH, wuxuu tusaale u soo qaatay waqtigii asxaabaha oo uu sheegay iney u kala tartami jireen difaacida Rasuulka sidaas aawadeed ay waajib ku tahay iney maanta ka dhii dhiyeen fidnada ay abuureen kooxo xag jir ah. Dhinaca kale isagoo weli ka hadlaya fidnada ay sii abuureen wargeysyo kale oo xag jir ah kuwaasoo difaacaya mab da'ada ay isku taageeren ayuu sheegay in Muslimiintana sidaas looga baahan yahay. Wuxuu Sheekhu aad u amaanay dowladihii danjirayaashooda kasoo baxsaday dalka Denmark.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan, ayaa yiri waa in aan xorriyatul qowlka marmarsiinyo looga dhigan in diimaha lagu aflagaadeeyo. Waxana uu walaac kamuujiyey arrimaha ka dhashay joornaalka Denmark ee daabacay sawirada aflagaadada ku ah Rasuulka (scw).. CLICK
Hadaba sheekadu maahan  mid sidan ku dhamaaneysa hadaan xal diblomaasiyadeed la adeegsan,su'aashuse waxey tahay haddii ninka xaqiiqda ka meer meeraya ee lugu sheegay Ra'iisal wasaaraha uu diiday inuu bixiyo raaligareyn caalami ah isagoo deminaya xiisadan abuurantay goormuu bixinaya raaligareynta maanta laga baryayo, ma marka ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan?? Midse ha ogaado inuu ka qoomameyn doono maanta maalin aan aheyn sida wargeyskii fidnadan abuuray ay haatan ka shalaayeen daabacada sawiradaas.

Ugu dambeyntii waxaan muslimiinta guud ahaan kula talinayaa iney u istaagan difaacida diinta Muqadas-ka ah iyo wanaajinta Rasuulkeena NNKH ee lugu xadgubay. Rasuulkeena waa ka sharaf iyo karaamo badan yahay wax ay ku sheegeen wargeysyada kufaarta. Ilaaheyna waa kan ku lamaanay magaciisa sidaas aawadeed ummadda ayaa looga baahan yahay iney karaamadeeda iyo diinteeda difaacado sida uu Sheekh Tantaawi uu u sheegayo ummadda Islaamka ah, annagoo weliba raaceyna ooraahdiisa ah "Haddii Yurub ay joojiso taageerada kuwa fidna abuurayaasha ah in Muslimiintana ay soo dhaweynayaan wanaag iyo wadahal haddiise ay ku adkeystaan oo si wadaan sharta ay iskugu garbeynayaan in annagana markaas waajib nugu tahay inaan u jarno xirriir kasta"

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar

ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2006

BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)


HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3

KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)
»Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo...
»TV-ga Al-Carabiya oo Waraystay Ra'iisulwasaaraha Denmark
iyo Warar dheeraad ah ka akhri halkan... Guji Feb 3

Dalada Culumada W/bari oo ugu Baaqday dowlada Kenya  in ay Denmarka laga soo laabato safiirkeeda
Warbixintii Mumtaz...
 Akhri.. Feb 3

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...

 


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD