Dacaayad ka dhan ah DIINTA islaamka ee
sharafta badan ayaa maalmahaan bilaabtay Waxaana Ugu Danbeeyay Shalay
Wargays ka soo baxay France Le Figaro Newspaper Nairobi iyo Nawkshud oo
laga radiyay
Wargays ka soo baxa dalka France ayaa waxaa
uu soo daabay faalo lagu aflagaadeeyay diinta islaamka iyo waliba Nabbi
Mohamed SCW waxaana wargayskaan oo la yiraahdo Le Figaro ayaa waxaa uu
sheegay in Rasuulku oo ahaa nin isbaaro ay dunida u taalay sidoo kale diinta
islaamka ayaa waxaa uu ku tilmaamay wargaysku in ay dunidda ku soo kordhisay
dib iyo isku dhacyo..
Dalka Tunis oo ka mid ah dalalka islaamka
ah ayaa waxaa uu qaaday tilaabo ka dhan ah waragyska Le Figaro iyadoo
dawladu ay joojisay cadadkii ugu danbeeyay ee wargayskaas ka dib markii oo
daabacay faaladda dacaayada islaamka ka dhanka ah .
Arintaan ayaa timid maalmo yar ka dib
markii Pope Benedict baadariga diinta masiixiyada madhabteeda Catholic-kada
isagoo sidaan oo kale si la mid ah diinta islaamka oo u weeraray Rasuulka
iyo sharafta diinta islaamka
halkaan ka fiiri wararkii SomaliTalk oo ka qoray .
Hadaba iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa
magaalada Nairobi ee caasimada kenya masjidka abuubakar ama 6 street waxaa
imaan ku xigaynka ahna khadiibka labaad ee masaajidkaasi Shiekh C/xamiid
waxaa oo maxaadaro salaadii subax ee maata oo khamiis ah ka jeediyay lagu
difaacayo diinta islaamka sharafteeda isagoo shiekhu ku baaqay in la jaro
badeecada wadanka fracne inta ay tilaabo sharciga waafaqsan .
Sheikh ayaa waxaa uu yiri '' arimahaan waa
mid istaba joogto waxaana ugu danbaysay wargays ka soo baxa dalka france Le
Figaro waxaaana ay arintaani qayb ka dahay dagaal ka dhacan ah diinta
islaamka ee sharafta mudan'' hadalkiisa isagoo sii wata ayaa waxaa uu yiri
'' sanadkii 2001/bishii September ayaa ay ahayd markii la weeraray
Maraykanka taas marka ay dhacday ayaa sanadkii 2005ta bisha Sebtember marka
la gaaro ayaa diinta islaamka la dacaayadeeya waan xasasuunaa wargayskii
Denmark ee sawiray sawiro oo ku tilmamayay Nabbi Mohammed SCW sawiraddaasi
oo ahaa kuwa si xun loo dhigay oo wax aan jirin lagu tilmaamay Rasuulka''
Qiso dhacday xiligii Nabiga ayaa Shiekhu
soo qaatay isagoo ka sheekeeyay nin saxaabi ah oo indha la'aa ayaa qabay
haweenay aad ugu roonayd isaga dhashayna laba wiil oo aad u kala qurux balse
laba jeer ayaa waxay af lagaadaysay Rasuulka habeenkii danbe ayaa waxaa oo
soo qaatay faasax ka dibna waxaa uu ku dhuftay halkaasi ayaana ay ku
nafwayday subixii markii oo waagii baryay ayaa Rasuulku waydiiyay haweenayda
cidii dishay ka dib saxaabigii ayaa soo kacay isagoo naxsan oo isleh ma lagu
canaanan doonaa balse marka oo rasuulku waydiyay xaalka xaaskiisa uu ku
dilay saxaabigaas ayaa waxaa uu yiri Rasuulkii Allow waxay ahayd haweenay
aniga ii fiican waxayna ii dhashay laba wiil oo sidii jawharadii oo kale ah
yacnii qurux badan balse waxaa lagu ibtileeyay adiga ana waan dilay ,
Rasuulka ayaa yiri waa kuu banaantahay dilkaasi''.
Isku soo doob doob diinta islaamka
culumadeeda ayaa waxay isku raaceen in qofkii Nabbiga ku gafa af
lagaadeeyana mar oon la dili doono iyadoo ay xusid dhaw mudan tahay Mohamed
Daha Mohamed tafatirihii wargayska Wifaaq ee u dhashay dalka Sudan ee bishii
hore surka looga jiray ka dib markii oo daabcay sanado ka hor af lagaado ka
dhan ah Soobanaha balse isaga faalada aflagaada ma qorin waa faafiyay waana
isku xad isaga iyo kan qoray .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTlk Nairobi kenya .
botaan1@hotmail.com
halkaan ka akhri wararka wakaaladaha caalamka CNEWS MEDIA
.English
halkaan ka akhir warka ay ka qoray TV--GA ALJAZEERA WARKAASI
Arabic