SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Cadde Muuse oo Sheegay in uu ku "daaley"  Madaxweynanimada...

  • Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007
cadde muuse xirsi puntland
Janaraal Cadde Muuse: maanta waxaan jiraa 70, waa waqtigii aan nasan lahaa, anigu waan daaley.. Sept 9, 2007

Madaxweynaha DGPL, Gen cadde Muuse, oo waraysi Axadii (Sept 9, 2007) siiyey idaacadda Codka Maraykanka isagoo joogey Dubai, ayaa la weydiiyey in uu madaxweynanimada ku daalay, waxana uu ku jawaabey: "haddaan runta kuu sheego wax lagu ordo ma aha, waana dhib aad iyo aad u badan oo farabadan, maanta waxaan jiraa 70, waa waqtigii aan nasan lahaa,  laakiin waxbaan qabtay, waxaas waxaan rabaa teeramkayga marka aan gaaro in aan wadan kayga wax u qabto, markaasna waan ka tashan doonaa, laakiin anigu waan daaley, runtaa weeye.."

Waxa kale oo uu cadde Muuse ka hadlay:

  • Sharciga Batroolka ee horyaal Baarlamaanka DFKMG, oo uu ka yiri: sharci gardarro ah qaadan meyno... waxaan u jeednaa danta Puntland in ay ku jirto in sharcigaasi (batroolka) uusan marin (hirgelin).
  • Arrinta Gobolka la baxay Maakhir (DGM) waxa uu Cadde ka yiri: Waxaa arrintaas wata hal nin oo shaqo doon ah... "Maamul ma jiro, waa iska hadal, hal qof ayaa samaystay, waxaas waxba kama jiraan, Sanaag waxa uu ka tisan yahay Puntland.... Hadda ayaan tegeyaa oo ku soo wareegayaa...

Dheyeso: Waraysigii Cadde Muuse ay la yeelatay Idaacada Codka Maraykanka (Sept 9, 2007)

Gen. Cadde Muuse waxa uu waraysigaas uu siiyey idaacada Codka Maraykanka - VOA barnaamijkeeda Fiidnimo, hal maalin kaddib markii uu waraysi siiyey idaacada wararka u faafisa dawladda Ingriiska ee British Broadcasting Corporation - BBC, waxana uu markale ku cadeeyey sida uu uga soo horjeedo sharciga batroolka Soomaaliya ee la horgeeyey Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo.

Cadde Muuse oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Sharcigaasi (Batroolka) waa sharci baabi'inaya heshiisyadii hore ay Puntland ula gashay shariikado iyo hay'ado, waa sharci baabi'inaya Puntland sagaal sano wixii ay ka soo shaqaysay, sharcigaasi waxa uu leeyahay wax jiraaya ma jiro, heshiisyadii horena waa la baabi'iyey, shariikadahuna ha ka baxaan, marka dad ayaa malaayiin dhulka gelin lahaa, hadday arkaan sharcigaas waa ka joogsanayaan."

Mar ay idaacada Codka Maraykanku weydiisey Cadde Muuse in uu isagu hore u sheegay in ay heshiiyeen Puntland iyo DFKMG ee maxaa hadda isbedeley, waxa uu ku jawaabey: "waa Cajaa'ib weeye".. Madaxweynuhu (DFKMG) waa noo saxiixay, ra'iisul wasaaruhu waa noo saxiixay, wasiiro waa noo saxiixeen, waxaana ku heshiiney Puntland in ay sharciyadeeda wadaneyso, heshiisyadii hore ee ay gashayana ay wadaneyso, wixii cusubna ay geli karto, markii wax soo saar la gaarona Puntland in ay la qaybsato Dawladda Federaalka ah oo Soomaaliya oo dhan la qaybsato, taas aad ayaan ugu heshiiney, haddana sharcigan ayaa la soo saaray, sharcigana haddii aad akhrisaan waad arkeysaan wax la qaadan karo ma aha." [Sharciga Muranka dhaliyey akhri: Af-Soomaali (PDF) | English (PDF)]


Khariidada ay samaysatay DGPL..
 Isha warbaahinta DGPL

(Haddii arrintu sidaas tahay) Marka maxaa talo idiin taal oo aad ka yeeleysaan, markii la weydiiyey, Madaxweynaha DGPL waxa uu ku jawaabey: "Talada noo taal waxaa weeye, Puntland iyo shicibkeeda u buxburin meyno ama inta deriska ah oo nala nool dantooda marna u baabi'n meyno, sharci gardarro ahna qaadan meyno."

Mar la weydiiyey in Puntland sii wadeyso shirkadihii heshiiska shidaal qodista la galay, waxa uu Cadde Muuse ku jawaabey: "waa wadeynaa,  khasab weeye, inta doorashadaydu jirto ama dawladaydu jirto, ama baarlamankayaagu waa isku xiranahay, waxaana u jeednaa danta Puntland in ay ku jirto in sharcigaasi (batroolka) uusan marin (hirgelin).

Meelaha shidaalka ay ku tuhun san yihiin ee ay rabaan in ay shidaal ka baaraan mar la weydiiyey waxa uu madaxweynaha DGPL ku jawaabey: Puntland ilaa toddob region (gobol) weeye, waxaan u malaynayaa ilaa lix region (gobol) ayey ku jiraan bansiinku.

Markii la weydiiyey in ay jiraan meelo ay rabeen in ay shidaal ka baaraan oo dadka degaanku aaney raali ka ahayn oo aad hore isugu dheceen, sida Majayahan, waxa uu Cadde Muuse ku jawaabey: "Waxba kama jiraan", hadda dadka oo dhami waa ogyihiin, Sanaag gobolkaasi waa gobol kamid ah Puntland, waxgaradkii iyo isimadiina waa ka wada hadalay, ayaantii horena khalad ayey ku dhacday, hadda dadkii ayaa diyaar u ah. Puntland meel kasta khayraad ayaa ku jira.

Waxaa Cadde Muuse la weydiiyey sida uu u arko gobolka la baxay Maakhir (Dawlad Goboleedka Maakhir "DGM"), waxa uu ku jawaabey: "Maamul ma jiro, waa iska hadal, hal qof ayaa samaystay, guri ayuu tegey.. dadkuu u sheegay.. laakiin waxaasi waa iska hadal...waxaas waxba kama jiraan, Sanaag waxa uu ka tisan yahay Puntland... Qoladiina bannaanka (joogta) ayaa wax buunbuuniya idinkoo aan ogeyn wadciga ka jira dalka, .. Puntland cidna wax ma yeeli karto, waa dawlad dhisan oo dimoqraadi ah waana soconeysaa...

Waxaa su'aasha loogu celiyey Cadde oo la weydiiyey: Ma waxaad ku adkaysaneysaa Sanaag waxa uu taageersan yahay Puntland, waxa uu ku jawaabey: Sanaag waxa uu ka tirsan yahay Puntland, Hadda ayaan tegeyaa (Sanaag) oo ku soo wareegayaa, haddana waa joognaa... hal nin weeyey oo raba shaqo in la siiyo...

Waxa kale oo uu cadde Muuse ka hadlay in ammaanka Puntland uu sheegay in aammanku in uusan u xumayn sida loo malaynayo, Puntland ayaa ugu fiican, beenta laga sheego ayaa badan....


Khariidad lagu muujiyey Maarkhir..
Isha: Laasqoray

Waqtigaagii doorashada muddo aan badnayn ayaa hadda ka harsan, madaxweynanimadu waxay leedahay dhibaatooyin farabadan iyo culays aad u farabadan, ma isleedahay hawshan waad ku daashey ee iskaga naso oo ka bax ayaa waxaa madaxweynaha DGPL weydiiyey Cali Cabdi Xaraare oo ka tirsan idaacada Codka Maraykanka [Voice of America].

Waxa uu Cadde Muuse waxa uu ku jawaabey: "Horta waagii la i dooraney 10 beri ayaan ku ogolaaday, hadda wadankii waxna waa ka qabtay, laakiin haddaan runta kuu sheego wax lagu ordo ma aha, waana dhib aad iyo aad u badan oo farabadan, maanta waxaan jiraa 70, waa waqtigii aan nasan lahaa,  laakiin waxbaan qabtay, waxaas waxaan rabaa teeramkayga marka aan gaaro in aan wadan kayga wax u qabto, markaasna waan ka tashan doonaa, laakiin anigu waan daaley, runtaa weeye.."

Mar la weydiiyey waxyaabaha uu qabtay oo lagu xusuusan doono oo taariikhda u geli kara, waxa uu sheegay in uu wax badan qabtay, oo hay'adaha caalamiga ah iyo joornaaladu in ammaaneen (Puntland) wax qabadkeeda,iyo in Puntland laga sameeyey ilaa 40 mashruuc iyo in uu rajaynayo in Puntland shaqo loo soo doonan doono.

Sabtidii (Sept 8, 2007) ayey ahayd markii la xiray fadhigii baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo kaddib markii uu ka dhashay buuq ku saabsan sharciga batroolka ee laga doodi lahaa, arrintaas waxaa ka hadlay Cawad Axmed cashare oo katirsan baarlamaanka DFKMG oo waraysi siiyey idaacada dawladda Ingriiska ee British Broadcasting Corporation [dhegeyso]..

Arbacadii Arbaca (Sept 5, 2007) ayey ahayd markii Col. Jibriil Cali Salaad, Madaxweynaha Maakhir, oo markaas ku sugnaa magaalada Badhan, oo waraysi uu siiyey idaacada Australia ee SBS uu si cad u sheegay in Maakhir uusan ka mid ahayn Puntland iyo Somaliland. Waxa kale oo uu ka hadlay baaritaanka macdanta/batroolka Majayahan iyo arrimo kale: Dhegeyso: Play Real | Play MP3 ama ka Dhegeyso halkan

Sidoo kale, Xildhibaanada Caasho Axmed C/lle oo ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo waraysi Sept 5, 2007 siisay idaacada Australia ayaa muujisay taageeradeeda Dawlad Goboleedka Maakhir.. Dhegeyso: Play Real | Play MP3 | ama halkan ka dhegeyso...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007

  • Waxay ahayd Sept 8, 2007, markii wareegto uu magaalada Badhan ka soo saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Maakhir (DGM) uu ku magcaabey Xoghayaal dhameystiraya golaha xukuumadiisa iyadoo xoghayaashani ay ku biirayaan kuwii hore loo soo magcaabey. DGM ayaa Xoghayaasheedu dhan yihiin 16 xoghaye... Halkan ka eeg wareegtada...

Cadde Muuse “Waxaan Baarlamaanka uga digayaa in ay meel mariiyaan Sharciga Batroolka..”

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in uu gebi ahaanba ka soo horjeedo Sharciga la xiriira arrimaha shidaalka ee ay Xukumadda Federaalka hor dhigtay Baarlamaanka si uu u ansixiyo, waxa uuna taasi ku tilmaamay in ay tahay mid la isaga hor keenayo ummadda Soomaaliyeed.

Cadde Muuse ayaa tilmaamay in arrintaasi ay burbur mooyee wax horumar ah soo kordhin Karin. Madaxweyne Cadde Muuse ayaa uga digay Baarlamaanka Dowladda Federaalka in ay ansixiyaan sharciga la xiriira Batroolka, “Baarlamaanka waxaan uga digayaa in xiligaan ay sharci Bartoolka ku saabsan ansixiyaan” ayuu yiri Cadde Muuse oo booqasho ku jooga Magaalada Dubai ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, waxa uuna Cadde Muuse sheegay in Puntland arintaani ka hadashay Xukuumadda Federaalka, isla markaana sidoo kale ay iska arkeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, balse uusan isagu garaneyn meesha laga keenay sharcigaan la sheegay in ansixinayo, waxa uuna Cadde Muuse sheegay in arrinta Baarlamaanka la dhex wado in ay u dhigmeyso mid lagu hor istaagayo horumarka dowlad gobaleeda Puntland. “Puntland anaga ayaa madax u ah, waxaan diyaar u nahay in aayaha dadka reer Puntland ka talino, Puntland waa dowlad gobaleed madax banaan sidaa darteed cid is hor istaagi karta ma jirto heshiisyada ay la gashay shirdaha shidaalka Baara’ ayuu yiri Cadde Muuse.

Hadalka Cadde Muuse ayaa ku soo beegmaya xili Baarlamaanka Dowladda Federaalka dhawaan mooshin ku saabsanaa shidaalka isku maan dhaafay oo uu buuq ku dhamaaday, waxayna xildhibaanadu sheegeen in ay arinta Bartoolka ka horeyso arrimo badan oo ku aadan dhanka la xisitaabtanka Xukuumadda.

Amiin Yuusuf |Sept 10, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH