Qoraalkii loogu taalo galay Soomaalida waakan:
Wefti ka socda shirkadda Afrika Oil Corp oo soo Gaaray Puntland.
Thursday, 22-Nov 2007
Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland weftiga
ka socda
Africa Oil Corp Weftigan oo uu horkacayo Madaxa Africa Oil Corp Mr Rick
ayaa waxa ay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso,ka
dibna waxa ay Garowe ku yimaadeen safar dhulka ah.
Weftigan ayaa waxa Tuulada Sunijiif kaga hortagey xubno ka tirsan
Maamulka dowladda Puntland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Weftigan ayaa waxa ay isu qaybiyeen labo qaybood,labo xubnood oo
ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Africa Oil Corp Mr Rick Schmitt iyo
Mr Ken Watson ayaa waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada Puntland
halka ay qaar kalena u ambabaxeen ceelka konoko ee la rabo in
mustaqbalka dhow laga soo saaro shidaalka.
Hadaba mas’uuliyiinta shirkada ee loo soo gelbiyey dhinaca
madaxtooyada ayaa waxa ay kulan kula qaateen saddex geesood ah madaxda
sare sare ee Puntland,Isimada Gobolka nugaal iyo weftiga shirkada.
Mas’uuliyiinta dhinaca Puntland ka qayb gashay ayaa waxa ka mid ah
Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse xirsi,Madaxweyne ku xigeenka
Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud,Guddoomiyaha golaha Wakiilada
Mudane Axmed Cali Xaashi,wasiirka Maaliyada Maxamed Cali
Yuusuf(Gaagaab),wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta,dhaqanka iyo dalxiiska
C/raxmaan Maxamed Saalax(Bangax),wasiirka waxbarashada Axmed Siciid Aw
Nuur,wasiir ku xigeenka Ammniga Ibraahim Cartan (x.Bikiin).
Dhinaca isimada waxay ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed,,Suldaan
Siciid Maxamed Garraase.
Dhinaca shirkaddana waxa ahaayeen,Mr Rick Schmitt- President
&CEO,Mr,Paul Colyer-Drilling Manager,Mr John West-Geophysicist.
Hadaba ugu horrayntii waxa hadalka furay Madaxweynaha DGPl Mudane
Maxamuud Muuse Xirsi wuxuuna yidhi waxaanu aad ugu faraxsanahay
booqashada wadata waxqabadka ee aad noogu timaadeen waxaan idin leenahay
marka hore ku soo dhowaada Puntland,intaasi ka dibna ayaa madaxweynuhu
waxa uu sheegay ujeedada ay weftigan u yimaadeen iyo waxa ay wadaan oo
ah in ay soo eegaan Ceelka shidaalka ee Konoko sidii ay uga soo saari
lahaayeen shidaalka ku jira mustaqbalka dhow.
Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay Madaxa Afrika Oil Corp, Mr
Rick wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey sababta ay rabaan in Puntland
shidaalka uga soo saaraan,khibrada uu u leeyahay shidaalka gaar ahaan
Afrika oo uu muddo 30sanno ah ka soo shaqeeyey shidaalka,waxana mahan
wax fudud oo markiiba si dhakhso ah loo soo saaro,sahaminta iyo baaridda
muddo ayey qaataan,haddase innagu waxaan gaarnay waqtigii wax soo saarka
hadana waxaan u nimid sidii aan qalabka u keeni lahayn.
Intaasi ka dib ayaa waxa kulankaasi saddex geesoodka ah hadalo ka soo
jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garraase
oo labadooduba sheegeen in ay shidaal baa la soo saarayaa ay maqli
jireen iyo shirkado ayaa imanaya in ay ilaahay mahadii tahay haddaad
leedihiin wixii aad dhegta inta badan ka maqli jirteen ayaad maanta
arkaysaan taas oo uu in badan Madaxweynah DGPL uu noo sheegi jiray uuna
jecel yahay in dadkiisu ay helaan dhaqaale ay kaga baxaan dhaqaale
xumida haysa dadka,waana idin soo dhowaynaynaa, waxaan kaloo idiin
sheegaynaa in aanu annagu nahay madaxdii dhaqanka iyaguna yihiin
madaxdii Dowladda, iyagu waa ay isbedelaan laakiin annagu isbedelno,
geerimooyaane,waxaana idiin balanqaadaynaa haddaan nahay isimada Gobolka
Nugaal in aydaan wax dhib ah kala kulmi doonin,siiba dhinaca
ammaanka,annagga iyo dowladuna waa isku xiranahay waana isla soconaa.
Kulankii ka dib ayaa weftigan shirkadda Afrika Oil Corp waxa ay
isla galabta ka dhoofeen garoonka Konoko ee Caasimada Puntland ee
Garowe.
Hoos ka akhri qoraalkii loogu talo galay shirkadaha iyo suuqa
ganacsiga... (English)
A Delegation from Africa Oil Corporation Visits Puntland
Thursday, 22-Nov 2007
Bossaso, Puntland: Mr. Rick Schmitt President and CEO Africa Oil
Corporation (formerly of CanMex Minerals Corporation) and his
staff arrived at the Bossaso Airport. Accompanying Mr. Schmitt were Mr.
Paul Coyer Drilling Manager and Mr. John West Geophysicist.
The Puntland Government signed a contract (Production Sharing
Agreement) with the CanMex Minerals Corporation (now Africa Oil
Corporation) in January 2007.
The purpose of the visit was to brief the President and Government
on the drilling program and the target areas that the company is
planning to drill.
During their stay in Bossaso, the delegation visited the Bossaso
Port; they also assessed area roads and infrastructure.
The delegation after a day of visiting sites in Bossaso proceeded
by land to the Capital of the State Garowe. Along the route to Garowe,
an evaluation of the main road and all bridges was also conducted. This
assessment was performed in order to determine the possible route of the
drill rig to the drill area targets.
In Garowe Mr. Schmitt and Mr. Ken Watson General Manager (Africa Oil
Corp) met with the President H.E. Mohamud Musse Hersi at Garowe
Presidential offices. While Mr. Coyer and Mr. West continued with their
assessment of roads, access to the drill site and they also visited
previous drill sites in the Nugaal Region.
Puntland Government Officials attending this meeting included: the
Vice President Hon. Hassan Dahir Mohamud, the speaker of the Puntland
Parliament Hon. Ahmed Ali Hashi, the Minister of Finance Hon. Mohamed
Ali Yusuf, Minister of Education Hon. Ahmed Said Nur, Minister of
Information, Telecommunication, Culture and Tourism Hon. Abdirahman
Mohamed Salah (Bangax), Acting Minister of Security Hon. Xaaji Bakiin,
Islaan Ciise Islaan Mohamed (Traditional Community Elder and Sultan
Mohamed Garrase (Traditional Community Elder).
The President stated, “I want to welcome you to Puntland, today you
have in front of you the Government of Puntland and the Traditional
Community Elders of the Nugaal Region, we are very happy that you have
come to us ”. Both Traditional Elders stated that they will fully
support the Government in their policy of developing the State’s natural
resources. Sultan Mohamed Garrase stated, “We have heard with our ears
for years that there is oil here, some of us are getting old we want to
see with our own eyes that it is not just a dream but it is reality that
there is oil here, this will help all our people”.
Mr. Schmitt thanked the President and Community leaders for their
warm welcome. Mr. Schmitt stated that African Oil Corporation has been
involved in the Puntland Project for approximately nine months and in
his 30 years of experience in the petroleum sector in the Middle East
region he has never seen a project proceed so rapidly. Mr. Schmitt added
that the company has analyzed all the data and is anticipating in
drilling the target areas in the early part of 2008.

Africa Oil Corporation will continue with their field work and
other logistical work in Puntland.
- ISHA:
http://hotcopper.com.au/ (website-ka ay fikirka isku dhaafsadaan
dadka saamiyada ku leh suuqa ganacsiga Australia)....
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2007


|