SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Heshiis kale oo ku saabsan Khayraadka Puntland oo Dhexmaray Ex-CANMEX iyo Shirkad reer Singapore ah.....

  • Heshiis cusub oo Febraayo 19, 2008 dhex maray Ex-CANMEX iyo Shirkad ka diiwaan Gashan dalka Singapore oo ku saabsan khayraadka Puntland....
  • Gen. Cadde Muuse isagoo keligiis ah ayuu Febraayo 17, 2008 Addis Ababa uga dhoofay Dubai.. Waxana uu Boosaaso ku soo laabtay Febraayo 22, 2008... Waqtigaas ayaa heshiiska cusub dhaqan galay....
  • Range Resources qoraal ay Febraayo 28, 2008 u dirtay Suuqa ganacsiga Australia ayaa lagu sheegay in July 2008 laga bilaabi doono ceelal shidaal laga qodi doono Puntland. Halka qoraal ay isla shirkadaasi u dirtay Suuqa ganacsiga Australia Janaayo 31, 2008 ay ku sheegtay in ceelashaas qodistooda la bilaabi lahaa Maarso 2008....

    Tarjumadii iyo Faalladii Somalitalk.com | Feb 28, 2008

Shirkadda reer Australia ee Range Resources qoraal ay [Arbaca, Feb 28, 2008) u dirtay suuqa Ganacsiag Australia ayaa muujiyey in dib loo dhigay waqtigii ay hore u sheegeen in ay Puntland ka bilaabi lahaayeen qoditaanka ceelal shidaal, waxaa waqtiga cusub lagu sheegay in uu noqon doono July 2008 [Ilaa Agoosto 1, 2008.]

Qoraalkaas oo (Feb 27, 2008) ka soo baxay shirkadda Ex-CANMEX (oo magaceeda u bedeshey Africa Oil oo ah tan saamiga boqolkiiba 80% xuquuqda baaritaanka Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor hore ula gashay Range) ayaa sheegay in shirkaddaasi (Africa Oil) a heshiis cusub la gashay shirkad kale oo ah "Energi Tata Persada Pte Ltd (ETP)", oo ka diiwan gashan dalka Singapore. Shirkaddaas "Energi Tata Persada" waxaa leh shirkadda kale ee reer Indonesia ee magaceeda la yiraahdo "Catur Khita Persada". Heshiiska cusub ee dhex maray Ex-CANMEX iyo ETP waxa lagu macneeyey in uu ku saabsan yahay in shirkaddaas lagula heshiiyey qandaraas ah in ay laba ceel ka qodo Puntland, taas oo la sheegay in la bilaabi doono July, 2008.

Waqtigaas (July 2008) waxa uu ka duwan yahay xilligii ay Range Resources hore u sheegtay in la bilaabi lahaa qodista ceelasha shidaalka ee Puntland.

Waxay ahayd bilowgii sannadkan (Janaayo 31, 2008) markii ay Range samayneysey xisaab xirkii Afar-bilood-laha ahaa ee ku ekaa December 31, 2007 ayey qoraal ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxay ku sheegeen in March 2008 Puntland laga bilaabi doono qodista ceelal shidaal. Waxaa cad in aan taasi hir gelin.

Mid ka mid ah dadka faallooyinka ku qora goobaha ay qoraallada isku dhaafsadaan saamileyda ASX ayaa muujiyey in qormada cusub aysan waxba ka duwanayn ballan qaadyadii hore ee aan waxba ka soo bixin, isagoo yiri markii hore waxay ahayd in ceelal la qodi lahaa Maarso 2008, haddana waxaa la sheegay waa July 2008, sida waqtigii hore uu dib u dhac ugu yimid oo kale ayaa waqtiga cusub dib u dhac ugu iman karaa ama isu bedeli karaa.


silsiladda shirkadaha heshiiska khayraadka dabiiciga la galay DGPL

Shirkadda Energi Tata Persada Pte Ltd (ETP)

Shirkadda "Energi Tata Persada Pte Ltd (ETP)" oo ah shirkadda heshiiska la gashay Africa Oil (Ex-CANMEX) faahfaahin dheeraad ah lagama bixin aan ka ahayn in shirkaddaas ay ka diiwaan gashan tahay Singapore. Marka la isku dayo in xog dheeraad ah laga raadiyo (Internet-ka) shirkadaas waxaa soo baxaya cinwaan website leh magaca shirkadaas [www.energitatapersada.com] oo uu ku qoran yahay in "dhisme ku socda" (Eeg sawirka hoose.)


http://energitatapersada.com/

Shirkadda leh "Energi Tata Persada Pte Ltd (ETP)" oo ah  "Catur Khita Persada" ee reer Indonisea waxaa la asaasay sannadkii 1991- Waxaa xusid mudan in wararku sheegeen in shirkadda heshiiska lagula galay in ay ceelal ka qodo Puntland in ay tahay shirkadda "Energi Tata Persada" oo ka diiwaan gashan Singapore, taas oo ay leedahay shirkadda kale "Catur Khita Persada"...

Heshiiska Ex-CANMEX iyo ETP oo Dhaqan galay intii Gen. Cadde Muuse ku maqnaa Dubai....

Qoraalka cusub ee la faafiyey Feb 27, 2008 waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiska dhex maray Ex-CANMEX iyo shirkadda ka diiwaan gashan Singapore ("Energi Tata Persada Pte Ltd (ETP)") in uu dhaqan galay February 19, 2008.

Wasiirka Aminga DGPL oo ahaa wasiirka keliya ee Itoobiya u raacay Gen. Cadde Muuse markii ay ka dhoofeen Puntland February 5, 2008 ayaa isagoo (Feb 17, 2008) ku sugnaa Addis Ababa waxa uu qaar kamid ah warbaahinta Puntland u sheegay in Cadde Muuse uu subaxnimadii Feb 17, 2008 u dhoofay Dubai, UAE, halkaas oo uu sheegay in uu ku tegey booqasho ah 3 maalmood oo shaqo ah. [Waa Feb 18, 19, 20,..., 2008]

Halkaas waxaa ka cad in Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, isaga oo aan wax wafti ah oo ka socda maamulkiisa la socon uu keligiis ka dhoofay Addis Ababa isagoo tegey Dubai. Waxa uu Boosaaso ku soo laabtay February 22, 2008. Sidaas daraadeed xilliga ku beegan heshiiskan cusub [Ex-CANMEX iyo ETP] markii uu dhaqan gelayey waxa uu ku sugnaa Dubai. Waxaana xusid mudan in Wasiirka Amniga DGPL uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Cadde Muuse uu heshiisyo la soo gelayo shirkado inta uu joogey Dubai.

Mar Radiyaha Gaalkacyo ee Daljir uu weydiiyey wasiirka Aminga ee DGPL su'aal ahayd: waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha (DGPL) booqashada uu ku tegey Dubai ay la xiriirto in uu heshiisyo la soo saxiixanayo shirkado, waxa uu C/laahi Siciid Samatar ku jawaabey : "Maya maya maya.. waxba kama jiraan" waxana uu intaas ku daray "Madaxweynuhu waxa u utegey (Dubai) booqasho hawlo la xiriira dawlad Goboleedka Puntland oo waxtar u ah, laakiin ma aha wax shirkado ku saabsan, 3 maalmood ayuuna maqnaanayaa." - Xusuusnow shirkadaha laga hadlayaa waa kuwa macdanta/shidaalka baara. [Halkan dhegeyso 'Daljir Feb 17, 2008'] - Hadalka S/Guuto C/laahi Saciid, wasiirka Aminiga DGPL, waxaa uu u muuqdaa in uu muujinayo in heshiisyada lala gelayo shirkadaha (Shidaalka baara) aysan "DGPL dawlad waxtar u ahayn".

Maadaama arrinta la xiriirta hadal haynta shirkadaha sheega in ay batrool ka baari doonaan  Puntland oo ay midba mid kale usoo dhiibeyso heshiiska, sow la isma weydiin karo shirkadda cusub ee Singapore maxay soo kordhin doontaa, mase Khayraadka Puntland ayaa Loo Suuq Geynayo Dalka Singapore?...

Dhanka kale waxaa beryahan soo shaac baxaya qorshe u muuqda in DGPL ay u gogol dhigeyso sidii ay Puntland uga goyn lahayd Soomaaliya inteeda kale. Qoraal arrintaas ku saabsan iyo raadka ay arrintaasi ku yeelaneyso xiriirka DGPL iyo DFKMG ka akhri halkan....

Isha: ASX.com.au, Markedwire.com

Tarjumadii iyo Faalladii Somalitalk.com | Feb 28, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: