SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Puntland oo Wada Hirgelinta "Dastuur Cusub" oo Xasaasi ah....

  • Faalladii SomaliTalk.com | Sabti, Maarso 1, 2008

    "Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan."

    "Dawladda puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah."

    "Calanka Puntland Waa (tartan furan)"

    "Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano waa muwaaddin puntland..."

    "Iibinta hanti dawladeed oo lagu qiimeeyay Sh.So. shan boqol oo malyan wax ka yar waa inuu oggolaado Madaxweynaha ama wasiirka qaabilsan...."


Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga Muwaadin-nimada, haddii uu dhaqan galo, kaas oo ujeedada ugu weyn ee lagu salaynayo ay tahay sidii Dawlad FKMG aysan Puntland ugala hadlin shirkadaha Shidaalka ee ay heshiiska la gelayaan ama la galaan (madaxda Puntland).

Dastuurka Cusub ee Puntland waxa uu u gogol dhigayaa in jinsiyad ama muwaadinnimo cusub loo sameeyo dadka dega dhulka Soomaaliyeed ee xiga dhanka Woqooyi Bari ee loo bixiyey Puntland, lagana faquuqo 'Soomaalida' inteeda kale. Taas oo ay madaxda Puntland is tusiyeen in ay u sahleyso in khayraadka ku jira dhulkaas ay shirkaddii ay doonaan heshiis kula geli karaan.

Inta aynaan sharraxaad dheeraad ah ka bixin arrimahaas, aan eegno qodobka asaaska u ah arrimaha ay damacsan yihiin madaxda Puntland - waa qodobka 48aad ee Dastuurka Cusub ee Puntland (2008) oo si cad u sheegaya in "Dawladda Puntland heshiis la geli karto shirkado ajnabi ah." Arrintaas oo ahayd tii hore isaga hor keentay Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) iyo Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah (DFKMG).

Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?

QODOBKA 48aad (ee Dastuurka Puntland 2008) oo ku saabsan KHAYRAADKA DABIICIGA AH:

  • 1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka puntland waxaana looga faa,iideysan karaa si sharciga waafaqsan.
  • 2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faai’iidaysiga kayraadka dabiiciga ah.
  • 3. Dawladda puntland waxay heshiis la geli kartaa shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
  • 4. Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney ka badnaan 25 sano.

Arrinta la xiriirta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaalida cidda maamuleysa ayey ahay markii hore tan muranka xoogga weyn ka dhex dhalisay DFKMG iyo DGPL. Hadda qodobkaasi waxa uu hor seedi karaa arrin tii hore ka qoto dheer.

QODOBKA 48aad ee Dastuurka Puntland (2008)

Waxaa muhiim ah in si hoose loo eego qodobka cusub ee Dastuurka Puntland ee ku saabsan khayraadka dabiciiga ah. Waa qodobka 48aad iyo farqadihiisa uu ka kooban yahay oo aan qodob-qodob u kala qaadayno:

Q.48aad. Farqadda 1aad:-  Marka dastuurka lagu qorey "khayraadka Puntland" waxaa leh "dadka Puntland" === taasi waa khaas ahaansho dad gooni ah, oo meel gooni ah deggan la lahaysiinayo wixii eey aheyd in dadka Soomaaliyeed oo dhan uu ka dhaxeeyo. Hagaag taasi waxaa ka ratibmeeysa in "shacabka" Puntland eeysan waxba ku lahayn kheyraadka Gobolada kale ee Soomaaliya, maadaama ay koodii xermo/ceshiimo kusameeyeen.

Q.48aad. Farqadda 2aad:- Dowlada Puntland ayaa ka mas'uul ah ilaalinta iyo ka faa'iideysiga khayradka Dabiiciga ah === Halkani waa laba qodob oo isku hoos jira, kan hore ee ka mas'uul ahaanshaha ilaalinta kheyraadka waa arrin fiican oo loo baahan yahay in cidkasta eey mas'uuliyad iska saarto khayraadka dalka, balse waxaa is weeydiin leh kheyraadka Puntland ma shidaalka kaliyabaa?, aawey khayraadka badda ku jirra ee kalluunka uu ka midka yahay?. Kumaa ilaalintiisa u xilsaaran?. Puntland waxay dhowr jeer oo hore u sheegtay in eeysan awood u lahayn ilaalinta badda oo si xad dhaaf ah oo sharci darro ah looga kalluumeysto si dhac ah, Puntland waxay dowlada KMG ah ka codsatay ama oga fadhidaa ilaalinta kheyraadka badda. Marka qodobkan ilaalinta waxaa muuqata in uu ku kooban yahay shidaalka. Qodobka ka faa'iideysiga ah waa halka eey sartu ka quruntey. U-fiirso waa laga taxadaray marka qodobkaasi la qorayay, weedhani waa mid haddii la sharciyeeyo halis culus galin karta khayraadka, waa qorshe gacanta loogu galinayo dad khaas ah wixii eey aheyd in dadka oo dhan uu ka dhaxeeyo. Dabcan kalmada Puntland ah, iyaduna waa halka eey sartu ka quruntey. U-fiirso Puntland waxa eey ka mid tahay DKMG, marka dowlada meesha laga saarey tani waa astaantii ugu horeysey ee muujineysa in Puntland eey jiraan qorsheyaal u qarsoon, oo xitaa ka xeel dheer kheyraadka, taasoo micnaheedu yahay in xitaa laga fakari karayo qorsheyaal gooni ugoosadnimo, sida Somaliland oo kale - Taasina waqtiga ayaa cadayn doona.

Q.48aad. Farqadda 3aad:- Dowlada Puntland waxay heshiis la gali kartaa shirkado waddani ah iyo ajnabi ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ah ka faa'iideysiga Kheyraadka dabiiciga ah === Jumladdani ayaa qof kasta kaga filan in uu fahmo qorshayaasha mardabaysan ee Puntland eey leedahay. La soco horta ma jirto shirkad ajnabi ah (oo caalami ah) oo heshiis la galaysa gobol, ilaa Wasaarad Arrimo Dibadeed oo adduunku aqoonsan yahay heshiiska lala saxiixdo oo ogolaansho dalka lagu soo galo laga helo. Laakiin marka la eego qaabka qodobkan loo qoray micnaheedu waxay tahay in wasaaradda arrimaha dibada DKMG ah eey marna Puntland si khaas ah u matali karto, marna Soomaaliya, marka eey Puntland matalaysana waxa soo baxa eey Puntland khaas u yihiin, oo Soomaaliya inteeda kale eeysan la wadaagin, taasi waxaa ka ratibmaya in magaca dowladda iyo dhammaan waxa jira oo dhanba ey yihiin marin habaabin cad.

Q.48aad. Farqadda 4aad:- Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khyraadka dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney ka badnaan 25 sano === Waa qodobka muujinaya in si maqaar saar ah loo adeegsado kelmedaha "Golaha Wakiillada" ayaa ansixinaya. Laakiin maxay ansixinayaan - in Rubuc Qarni shirkad dad gaar ah heshiis kula jirta ay sidii ay doonto u daldalan karto khayraadka dalka (Puntland).

Aragtida Shacabka Puntland ee Qodobka 48aad ee Dastuurka Puntland (2008)

Hordhaca Dastuurka Cusub ee la damacsan yahay in laga dhaqan geliyo Puntland (2008) waxaa ku qoran qoraal hordhac ah oo u qoran sidan:

(Dastuurka Cusub 2008 ee Puntland ee Qabyada ah): Qoralkani waa natiijadi wajigi koowaad ee dib u eegista Dastuurka Dawlad Goboleedka Puntland, waana qoraal qabya ah oo aan sina loogu qaadan Karin inuu rasmi yahay. Qoralkan waxaa loogu tala galay in wajiga labaad ee dib u eegista dastuurka lagu biiriyo talada dadweynaha markaas ka dibna la horgeeyo xukuumadda dawlad Goboleedka si ay ayaguna u go’aamiyan nuqulka kama dambaysta ah ee la horgeynayo Golaha wakiillada Puntland inta aan loo banhdigin afti dadweyne.

Haddaba, shacabka Puntland oo qaar ka mid ah aan wax ka weydiiney a Dastuurkaas ayaa hadalladoodii waxaa ka mid ahaa:

"Waxay Ila Tahay Dasuurka Cusub ee Puntland ay haatan waddo inaanu waxba ku soo Kordhinayn Maamulka Puntland, dhammaan shacabka oo dhan ayaa hadal haya Dasduurkaasi, waxa ugu badan oo ay dadku is waydiinayaan ayaa ah Maxuu kaga Duwan Yahay Kii Hore????"

Dad badan oo aan wada Joogno Magaalada Bosaaso ayaan Mikirifoonka la xedh qaadnay oo qof walba su'aalay bal waxay ka qabaan Cida Maamulaysa Khayraadka Dalka Soomaaliya?. Dadku waxay sheegayaan in ay Xaq u leedahay inay Khaydraadkaasi Maamusho Dawlada Dhexe ee DFKMG. Isla markaana Miisaaniyada ka soo Baxday loo qaybsho sidan:

  • 1- DFKMG, Inay Barkeeda qaadato.
  • 2- Muumuladuna ay qaataan Qaybtooda.

Waxa kale oo shacabka deggan Puntland ay aaminsan yihiin inay jiraan arrimo muujinaya Culays badan oo dhanka DFKMG kaga imanaya Puntland, iyada oo Puntland dhawr jeer looga digay inay faraha kala baxdo Khayraadka Dalka isla markaana ay Hawshaasi la wareegto Dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Balse inta aynaan u gudbin arrimahaas waxa uu ka qabo Dastuurka DFKMG (2003) iyo waxa la gudboon Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, waxaan jalleeci doonaa qodobbada kale ee aan kusoo xusnay bilowga Faalladan.

Gogol-Dhigga in Puntland laga Gooyo Soomaaliya....

Ilaa hadda waxaan si gaar ah uga soo hadallay qodobka la xiriira Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland, waxaana qaybtaan kusoo bandhigeynaa qodobada muujinaya gogol dhig ay madaxda DGPL u samaynayaan sidii Puntland looga goyn lahaa Soomaaliya (Taas oo dadka siyaasadda Puntland la socda ay ku tilmaamaan in ay tahay arrin ay madaxda Puntland ku doonayaan in aan khayraadka dabiiciga ah lagala hadlin, haddiise lagala hadlo waxay qorshaynayaan in ay hirgelinayaan dastuurka cusub.)

Qodobbo kamid ah Dastuurka Loo Samayanyo Puntland 2008:

QODOBKA 1aad oo ku saabsan MAGACA IYO HIMILADA.

  • Farqaddiisa 2aad: Himilada Dawlad Goboleedka Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho una horseedi Kara dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinacwalba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaaddiniinta Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

QODOBKA 3aad oo ku saabsan HANNAANKA XUKUNKA.

  • 1. Dawlad Goboleedka Puntland waa qayb ka mid Somaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
  • 2. Awoodaha Dawlad Goboleedka Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland waxa ay ku imaanayaan wada xaajood dhexmara dawladda federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka Puntland.
  • 3. Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan.
  • 6. Hannaanka siyaasadeed ee dawladda waxaa gundhig u ah mabaadi’da:
    (a) Shareecada islaamka.
    (b) Dimuqraaddiyadda.
    (c) Maamul-wanaagga.
    (d) Wada-tashiga.
    (e) Danta guud oo laga horumariyo danta gaarka ah.
    (f) tartanka xisbiyada badan, iyo
    (g) xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.

QODOBKA 4aad oo ku saabsan DADKA:

  • 1. Dadka Dawlad Goboleedka Puntland waa dadka leh jinsiyadda Puntland.
  • 2. Qof kasta oo u dhashay ama ku dhashay Puntland waxaa loo aqoonsanayaa inuu leeyahay jinsiyadda Puntland.
  • 3. Jinsiyadda waafaqsan faqradda labaad ee qodobkan waxaa dammaanad qaadaya sharciga.
  • 4. Sharci gaar ah ayaa qeexaya sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

QODOBKA 10aad oo ku saabsan CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND

  • 1. Calanka Puntland Waa (tartan furan)
  • 2. Astaanta Dawlad Goboleedka Puntland waa (tartan furan)
  • 3. Heesta Calanka waa (tartan furan)

QODOBKA 37aad oo ku saabsan MUWAADINNIMADA

  • 1. Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano waa muwaaddin puntland.
  • 2. Muwaadinka Puntland luminmaayo muwaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale.

QODOBKA 48aad oo ku saabsan KHAYRAADKA DABIICIGA AH:

  • 1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka puntland waxaana looga faa,iideysan karaa si sharciga waafaqsan.
  • 2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faai’iidaysiga kayraadka dabiiciga ah.
  • 3. Dawladda puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
  • 4. Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khyraadka dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney ka badnaan 25 sano.

QODOBKA 51aad oo ku saabsan SHIRKADAHA WADAAGGA AH

  • 1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
  • 2. Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya wasaaradda hawlaheedu la xariiraan iyo saamileyda gaarka ah.

QODOBKA 52aad oo ku saabsan GADIDDA HANTIDA UMMADDA

  • 1. Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la mariyo habraac sharciga waafaqsan.
  • 2. Lama iibin karo hanti ummadeed haddii aanay dawladdu dhinac ka ahayn.
  • 3. Iibinta hanti dawladeed oo lagu qiimeeyay Sh.So. shan boqol oo malyan wax ka yar waa inuu oggolaado Madaxweynaha ama wasiirka qaabilsan. Iibinta hanti kasta oo qiimeheedu gaarayo Sh.So.Hal bilyan ansax ma aha haddii aanu oggolaan Golaha Xukuumaddu. Hanti kasta oo qiimeheedu ka badanyahay Sh.So.Hal bilyan iibinteedu waxay u baahanaysaa oggolaanshaha Golaha wakiillada.

FG: 500,000,000 Somali Shilling = 350,000 US Dollar [Eeg www.somalitalk.com/sarif/]

QODOBKA 58aad oo ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA

  • 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan sano (5) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaanka golaha wakiillada dib ayaa loo dooran kara

QODOBKA 78aad oo ku saabsan MUDDADA XILKA

  • Muddada xil haynta Madaxweynaha iyo Madaxweye Ku-Xigeenku waa shan sano (5) labo jeer oo kaliya ayaana la soo dooran karaa.

Qodobaddaasi waxay muujinayaan sida xeeladaysan ee loo kala faquuqayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ay u  caddahay arrinta loo gogol dhigayo. Waxaanna arrimahaas wax ka weydiiney qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxaana mid ka mid ah uu ku jawaabey sidan:

"Runtii waa la yaab waxa meesha ka socdaa !! Laakiin Soomaalida ayaa horay u tiri " ishiisa laga arke ayaa ushiisa lagu tumaa ", shacabka ayaa laga arkay...."

"Isha ayaan mariyay Dastuurka lagu sheeggay. Arrimaha boobka ee la sharciyeynayo, waxaa igalaba sii daran kan muwaaddinnimada. Bal u fiirso qodobada muwaaddimada. Qofka Puntlandays-ka ah ayaa muwaadin ah, ogow Soomaalinnimo waa ku deysaye. Kaba sii darane, reer Puntland oo dhan ma loo oggolyahay muwaaddinnimo?  Sida Dastuurkaasi sheegayo waa maya !!. Waxaan muwaadin noqonayn qofka da'diisu ka yar tahay 18 sano [Eeg: Qodobka 37aad, Farqadiisa 1aad oo dhigaya: Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano waa muwaaddin puntland.]..." Malaha halkaas waxay ku khaldeen in ay maqleen dalalka adduunka qaarkood waxaan codayn karin carruurta da'doodu ka yar tahay 18-sano. Balse xitaa haddii sidaas loo qaato, waxay ka hor imaneysaa Qodobka 30aad ee "Dastuurka Cusub ee Puntland 2008" oo ku saabsan XAQUUQDA CARRUURTA, oo dhigaya sidan: [1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo toban iyo shan (15) sano ka yar.]"

"La yaab. Su'aashu markaa waxay noqoneysaa: Yaa ah muwaaddin. Jawaabtu ma dhib-badna, sidey madaxda Puntland ee hadda damacsanyihiin... waa inta rabta inay khayraadkeenna boobaan iyo intii ay ku adeegtaan..."

"Waxaan fikraddeydii ku soo koobayaa in dastuurkaas Puntland ee 2008 ay ka muuqato labo arrimood:

  • 1. In la rabo in Puntland laga gooyo Soomaalida koofureed, sidii shalayba Soomaaliland loo gooyay, lana yiraahdo dowlad ayaad tihiin, laakiin waa in ay idiin taliyaan Itoobiya iyo burcadda khayraadka boobta. Ogow hilib weyn ninkii liqaa wuu ku mergedaa, markaa waa in la googooyo si sahal loogu liqo..
  • 2. In shacabka Puntland la rabo in laga xalaaleysto oo laga saxiixdo iney ogolaadeen in khayraadkooda la boobo, madaxdoodana xoogaa dufan doqomeed ah afka loo mariyo. Iyaguna (Shacabku) sidaas miyey ku faraxsanyihiin?."

Qodobka sida cad uga Hadlaya Muwaadinnida....

Akhristayaasha haddii inyar mugdi kaga jiro qodobka ka hadlaya muwaaddinimada, waxaa xusuusin mudan in la is barbar dhigo Dastuurka Putland (2001) iyo Dastuurka Cusub ee Puntland (2008), gaar ahaan qodobka ku saabsan cidda noqoneysa madaxweynaha Puntland.

Dastuurkii 2001 ee Puntland QODOBKA 53aad oo ku saabsan Shuruudaha lagu dooranayo Madaxweynaha Dawladda iyo Ku-xigeenkiisa, waxaa ka mid ah:

  • 1. Waa in uu yahay Somali (Labadiisa waalid), muslin ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, isla markaasna ah muwaaadin Puntland, miyirkiisu taam yahay, dadiisuna aan ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanayo.
  • 2. Waa in uu aqoon maamul, waayo-aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare leeyahay, waana in uusan qabin xaas ajnabi ah, guursana karin inta uu xilka hayo.

Waxaa qodobkaas lagu bedeley sida hoos ka muuqata:

Dastuurka cusub ee Puntland 2008 QODOBKIISA 77aad waxa uu dhigayaa: Qofka Madaxweynaha noqonaya:

  • (a) Waa inuu yahay muwaaddin reer Puntland, muslim ah ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhanyahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, isla wakhtigaasna aanu qabin xaas ajnebi ah inta uu xilka hayana guursan karin.
  • (b) Waa inuu leeyahay tacliin sare, waaya-aragnimo hoggaamineed, iyo aqoon la xariirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Xukun Dheeraysiga Madaxda Puntland...

Arrinta kale ee shacabka Puntland is weydiinayaan waxaa ka mid ah sababta keentay in mar kasta ay madaxda Puntland isugu dayaan in ay waqtiga xukunka dheeraystaan. Arrintaas oo laga dheehan karo marka la is barbardhigo labada dastuur ee Puntland (2001 & 2008)

Dastuurkii hore ee Puntland ee dhaqan galay 1da Luulyo 2001 waxa uu dhigayaa in waqtiga Golaha Wakiiladu uu yahay 4 sano, sida ku cad qodobka QODOBKA 43aad (2001) oo ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA oo u qorna sidan:

  • 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa afar sanno (4) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.

Dastuurka Cusub ee Puntland (2008) QODOBKA 58aad oo ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA waxa uu dhigayaa in muddada golah awakiiladu ay tahay 5 sano:

  • 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan sano (5) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaanka golaha wakiillada dib ayaa loo dooran kara

Arrintii hore muranka uga dhalisay Puntland, ayaa ahayd in markii hore waqtiga xukunka madaxda Puntland oo ahaa 3-da sano ay waqti ku kororsadeen oo kana dhigteen 4 sano. Arrinta muranak weyn dhalisay ayaa ahayd LIFAAQA KOWAAD ee Dastuurka Puntland (2001) kaas oo dhigayey in:

  • 2. Golaha wakiilladu wuxuu bedelay Qodobada 8.4 iyo 12.1 ee axdiga waxaana loo bedelay sidan:-
  • B) Mudada xilka Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, Madaxweynaha iyo K/xigeenkiisa waxaa la dheereeyey xilligoodii shaqo lagana dhigay 3 Sano oo ku meel gaar ah iyada oo markii hore uu xilkoodu ku dhamaanayey 30/06/2001...

Hadda afartii (4) sano ee xukuumadda ee hore loo diidanaa waa la sii kordhinayaa oo waxaa laga dhigayaa shan (5) sano.

Sida aan qaybaha hore ku soo xusnay, arrimaha xukun dheeraynta iyo muwaadinnimada la kala faquuqayo iyo madaxbannani la raadinayo waxaa sal u ah khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyo sidii DFKMG looga dhigi lahaa mid aan wax shaqo ah ku lahayn khayraadkaas, taas oo loo gogol dhigayo in Puntland oo keliya ay geli karto heshiisyada caalamiga ah ee khayraadka iyo sidii cid gaar ah oo maamusha loo siin lahaa khayraadka dabiiciga ah.

Dib u jalleec QODOBKA 3aad oo ku saabsan HANNAANKA XUKUNKA, waxa uu dhigayaa in:

  • 3. Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan.

Halkaas waxaa ku cad in Puntland noqoneyso "dawlad madaxbannaan" ilaa "laga dhammaystirayo dastuur federaal" iyo weliba in ay tahay shardi in dastuurka Federaalka "afti dadweyne lagu meelmariyey". Taas oo aan la ogeyn xilliga DFKMG ay awood u yeelan doonto in ay arrimaha la xiriira dastuur iyo afti dhaqan geliso.

Waxaa halkaas la socda in khayraadka dabiiciga ee Puntland ay gebi ahaanba maamuleyso DGPL.

Dastuurka DFKMG iyo Khayraadka Dabiiciga ah:

Waxaa muhiim ah in la ogaado halka eey DFKMG ka taagantahay arrimahani, maankana ku hay in khilaafkii uu Cali Geedi xilka oga dagay eey arrimahani salka ku hayeen, meeshana haka saarin suurtogalnimada in haddii mustaqbalka dhow eey DKMG ah wax u kala socon waayaan Puntland eey mari karto waddadii Somaliland, waxa hadda socdana waa usii gogol xaaridii arrintaasi. Waligaana ha filin in qorshe kasta oo Puntland ka hergalo uusan ka warheynin C/laahi Yusuf oo ah madaxweynaha DFKMG, waxaana lagu garan doonaa haddii uu arrimahan aamus kaga jawaabo. Waxaan filayaa in arrimihu kala cadyihiin oo aanan la'isku khaldi doonin.

Arrimahaas, gaar ahaan khayraadka Dabiiciga ah waxa uu ka qabo Dastuurka DFKMG (2003 DRAFT) waxay ku cad yihiin qodobadan:

QODOBKA 66aad: SIYAASADDA DHULKA

  1. Dhulka waa kheyraadka Soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhigga nolosha ee dadka waana in lagu hayaa isticmaalaa loona maareeyaa si caddaalad ah, wax soo saar leh oo joogtayn karo.
  2. Dowladda waa inay caddeysaa sameysana siyaasadda qaran ee dhulka, isla markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Loona sameeyaa diiwaangelin, ku dhaqan, lahaanshaha, degidda, maareynta xuquuqda nabadgelyada, dooda iyo milkiyadda dhulka.

QODOBKA 67aad: KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA

  1. Kheyraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo xayawaanka waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya qaabka ugu wanaagsan oo loogu manaafacaadsanayo.
  2. Dowladda waa inay siisaa mudnaan ilaalinta, keydinta, dhowrista deegaanka wax kasta oo waxyeelayn kara
  3. Qof kasta oo ku sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku waajib ah inuu dhowro hagaajiyana deegaanka
  4. Dowladda waa inay dhiirigelisaa sahashaana ka qeyb galka caam ah dhinaca horumarinta, fulinta, maareynta, keydinta iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  5. Dowladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu nadiifinayo haraaga wasakhda lagu soo qubo xeebaha Soomaaliya. Waa in la weysiistaa magdhow kuwa lagu helo inay ka dembeeyaan dembiyadaas.

QODOBKA 69aad: XIRIIRKA CAALAMIGA IYO LABO GEESOODKA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA

  1. Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara...

Qodobbadaasi waxay ahaayeen kuwii iska hor keenay DGPL iyo DFKMG, kaddib markii ay Puntland sheegtay in ay heshiisyo caalami ah la geli karto shirkado shisheeye, laakiin taas ay xukuumadii hore ee DFKMG ay ganafka ku dhufatay...

Nuur Cadde iyo Dastuurka Cusub ee Puntland

Ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, ilaa hadda war sugan kama bixin arrimahan xeeladaysan ee ka soo ifbaxaya Puntland.

Dad badan ayaa aaminsan haddii col. Nuur Cadde uusan meel cad iska taagin arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah iyo qadiyada midnimada Soomaaliya, in noqon doono ra'iisul wasaarihii ugu horreeyey ee ay yeelato Soomaalidu oo sharciyeeya in khayraadka Soomaaliya awgeed dhulka la kala googooyo.

nuur cadde
Col. Nuur Cadde..

Xukuummada col. Nuur Cadde waxaa wasaaradeheeda ka mid ah wasaarad qaabilsan Macdanta & Tamarta oo uu wasiir ka yahay Ing. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje), oo markii jagadaas loo magacaabay sheegay in hawlaha wasaaradiisa iyo waxa ay qabanayaan ay wax badan kaga xiran yihiin ansixinta sharciga batroolka ee horyaal baarlamaanka Baydhabo. Ilaa hadda sharcigaas batroolka lagama ansixin Baarlamaanka Baydhabo.

Muddo kooban markii ay ka soo wareegtey magacaabistii col. Nuur Cadde loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG (oo ku beegnayd Nov 22, 2007), ayaa Gen. Cadde Muuse waxa uu  (Dec 17, 2007) Puntland u sameeyey Wasaarad cusub oo qaabilsan 'Batroolka iyo Macdanta' oo uu u magacaabay wasiir aan wasiir-ku-xigeen lahayn.

"Intaad raadineysaan Baarista Shidaal Sharcidarro dadkiina ha Sumeynina"

Inta badan Dowladaha ay ka jiraan xasaradaha waxaa inta badan ka faa'iideysta shirkado lagu tilmaamey in ay yihiin Maafiyo kuwaas oo doonaya in ay si Qaldan uga faa'iideystaan khayraadka wadankaas leeyahay gaar ahaan Macdanta iyo shidaalka.

Ing Maxamed Cabdi waa aqoonyahan inta badan wax ka yaqaan shirkadahaas muddo ku soo dhex jirey waxaana wax ka weydiiney sida uu u arko shirkadaha sida sharci darada ku soo gala Dal markaas aysan ka jirin wax kala dambeyn ah ama Maamulo gaar ah wuxuuna sheegey Ingineerka:

Location of the Democratic Republic of the Congo
Congo | Isha: Sawirka Afrika: wikipedea

"Marka hore waxaan baaq u dirayaa shacabka ku nool Soomaaliya gaar ahaan kuwa reer Puntland waxaana leeyahay iska jira shirkadaha sida sharcidarada ku soo galaya deegaanadiina waayo waxaan xasuustey dhacdo mar aan joogey wadan Kongada Dimoqaraadiga waxaa mar kaliya ku soo yaacay Shirkado fara badan maadaama dalkaas ay ka dheceen Dagaalo sokeeye, isla markaana waxaa dalkaas lagu tilmaamaa in uu yahay dal aad u ballaran oo aan la Koontarooli karin Xuduudihiisa ayaa waxaa dhacay in Shirkado reer Yurub ay heshiisyo la galeen Hogaamiye kooxeedyo haysta qaybo mid ah wadaankaa kuwaas oo wadanka ku soo galey markii hore in ay Shidaal ka baarayaan waxayna dageen dhul ballaaran iyagoo markaas kharash fara badan siiyey cid kasta oo ay is leeyihiin waa idiin fahmi kartaan waxa ay wadaan, markii ay muddo halkaas ku sugnaayeen ayaa waxaa soo ifbaxday in deegaan uu dagaal ka dhaco taasoo keentey in shirkadihiii la bililiqeysto goobtiina lagala wareego waxaa dhacay in mar dambe la ogaadey in halkii ay dagenaayeen shirkaddahaas lagu aasey SUN IYO QASHINKA NUYUKLEERKA dhibataadaas baaxada leh waxay saameysey wadankaas iyadoo dhul balaaran laga qaxo waana arrin ku timid heshiisyo aysan ka warqabin Dowladda dhexe oo ay lagalaan Maamul Goboleedyo marka waxaan leeyahay reer Puntland inta aad goobeysaan Shidaal sharci daro ah dadkiina ha sumeynina" wax weliba waxay ku wanaagsan yihiin in loo hogaasamo sharuucda wadanka u degsan waayo wixii sharcidarro lagu raadiyaa waxay keenaan dhibaatooyin aan laga soo waaqsan waxaana u soo jeedinayaa mar labaad reer Puntland in aad sugtaan inta Baarlamaanka uu ka ansaxinayo sharciga Shidaalka iyo macdanta oo aan filayo in goor dhow loo fariisto

Soomaalida waxay tiraahdaa Hubsiimo hal baa la siistaa "waxaana arintaan ku keeney in Maamulka Pundland u wado qorshe uu ku doonayayo in uu bixiyo Ruqsada Baarista shidaalka degaanada Pundland iyadoo aysan ka warqabin Dowlada Dhexe waana arin la doonayo in lagu dhaco khayraadkii Deegaanada Pundland waxaana wada shaqsiyaad aan ka naxayn waxa ka imaan kara Bixinta ruqsadaa " ayuu yiri Ismaaciil xaaji Gurxan oo ku nool magaalada Muqdisho kana soo jeeda Deegaanada Pundland, wuxuu u soo jeediyey Masuuliyiinta Pundland in aysan ku deg degin arrintaa waayo waxaa jira shirkaado horey loo siiyey Ruqsada Baarista qodista Shidaalka oo ay bixisey Dowladdii hore kuwaas oo doonaya in Dowlada Federaalka ay u fasaxdo in ay sii wataan baarista Shidaalkooda ee dalka Soomaaliya isagoo uga digey Xubnaha baarlamaanka ee wada qorshahaas in ay ka waantoobaan, wuxuu kaloo sheegey in loo baahan yahay in tartan la geliyo shirkadaha shisheeye si looga helo Shirkada faa'iidadu ugu jirta dadka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu uga digey xubnaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka ee u ololeynayaa sharci si gaar ah faa'iido ugu jirta maamulka Pundland oo doonaya in ay si gaar ah ula soo baxaan Shidaalka isagoo sheegey in arintaas ay cawaaqib xumo keeni karto.

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay Xubnaha baarlamaanka ay si taxadar leh ay uga fiirsan doonaan sharciga Batroolka isagoo sheegey in sharciga batroolka uu noqon doono mid si siman Gobolada Soomaaliya uga faa'iideysan doonaan balse uu noqo doonin mid si gaar ah loogu faa'iideynayo Goboladda Pundland, wuxuu beeniyey in xubnaha baarlamaan ay si fudud ku ansixin doonaan sharcigaas [Batroolka] iyagoo fiirsanaya lacago maalmahan lala dhex wareegayo Xubnaha baarlamaanka kuwaas ay wadaan masuuliyiin ka yimid Maamul Goboleedka Pundland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa wada qorshe lagu baabiinayo heshiisyadii hore ee ay Dowladii hore la gashey shirkado dalka soo galey xiligii ay jirtey dowladaas iyagoo daliil uga dhigaya in heshiisyadaas ay noqdeen kuwo xilligoodii dhamaadey hase yeeshee kuwa kale ayaa qaba in heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan waqtigoodii dhammaan iyagoo sabab uga dhigey dagaallada sokeeye ee dalka ka jira, marka waxay soo jeediyeen in si gaar ah loo tixgeliyo heshiisyadii hore loola galey waayo caaalamka waxaa uu qabaa in uusan buri kari heshiis ay dowlad saxiixdey uuna sidiisii uu u taagan yahay.

Shacabka Soomaaliyeeyd ayaa u dhegtaagay waxa uu baarlamaanka DFKMG ee Soomaliyeed uu ka yeelo sharciga Batroolka iyagoo ku booriyey in ay ogolaadan sharci u faa'iideynayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, iskana jiraan kuwa doonaya sharci iyaga faa'iido gaar ah ugu jirto. Sidoo kale Raiisul wasaaraha DFKMG Nuur Cadde waxaan u soo jeedineynaa in uu ka digtoonaado in uu saxiixo heshiis u daneynayo qolo gaar ah balse uu ogolaado heshiis ay ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ay faa'iido ugu jirto. Waxaa xusid mudan in arrimaha la xiriira shirkadaha iyo heshiisyada u daneynaya qolo gaar ah ay ka mid ahaayeen arrimihii ka qayb qaadatay in ay isku dhacaan Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.

Gabagabo:

Marka la eego qaabka ay wax ku wadaan madaxda Puntland, waxay si xoog leh u doonayaan in ay shirkado shisheeye heshiisyo la galaan iyada oo DFKMG aysan wax shaqo ah ku lahayn. Waxay arrintaas u soo marayaan in ay Dastuurka ku daraan. Haddii DFKMG ay arrintaas ka hadasho meeshii markii hore ay madaxda Puntland ku hanjabi jireen 'xiriirka ayaan u jareeynaa", waxay hadda qorshaynayaan in ay yiraahdaan "Puntland waa Dawlad madax bannaan."

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sidoodaba walaac ka muujiyey inaanay madaxda Soomaalidu ku dhaqmayn dastuurkasta oo la dhigto, ayna suura-gal tahay in lagu gees maro mudo yar, taasna waxay sal uga dhigayaan Maamulada iyo Dowladaha Kumeelgaar ah ee Soomaaliya loo sameeyey iyo waxa kala haysta iyaga iyo Dastuurkay qorteen. Hadaba su'aashu waxay tahay haddii arrinku sidaa yahay maxaa laga rabaa Dastuurkay  doonayaanba ha samaysteen-e maadaama aan la dhaqan galinayn?. Arrinta la diidan yahay ma'ahan Dastuur in la sameeyo ama khayraadka wadanka laga faa'iidaysto ama heshiis lala galo Dowlad ama hay'ad ajnabi ah, ee waxa la diidan yahay loona baahanyahay inaan dhuuxno waa laba arrimood:

  1. Sida lasoo xusay, waddan markuu bur buro waxaa ka faa'idaysta qowlaysato badan una gaysta hagar daamo aan laga soo kaban karin jiilal. Tusaale; hadii loo ogolaado shirkadahaan yar yar ee yaacaya wadanka gaar ahaan Puntland, 25 sanadood inay shidaal baaraan, hay'adee aqoonteedii leh oo dhibaatadeeda fahmi karta, ama qalabkee ayaa wadanka yaal oo la isaga ilaalin karaa cabsiyaha laqabo ee ah in Sun nalagu aaso? Su'aal kale ayaa oranaysa xilligan hadda ah ma waxaan ka fakeraa sidii Dowlad Rasmi ah lagu heli lahaa, kaddibna horumar iyo khayraad ka faa'iidaysi, mise khayraad lasoo bixid aan loo dhamayn iyadoo aan dawladi jirin?
     
  2. Madaxda ka talisa Maamul Goboleedka Puntland oo aan kalsooni lagu qabin, xilligan hadda aan joognana ugaystay Deegaanka Puntland khasaare dhaqaale oo lixaad leh iyo sicirbarar ay adagtahay sida looga soo kabto. Sidoo kale waxaa la dhaliil sanyahay sida ay hadda umaamulayaan hantida dadwaynaha ee gacantooda kujirta. Waxaa kaloo intaa raaca iyagoo tuhun laga qabo inay ku lug leeyihiin khayraadka Puntland ee haddaba boobka lagu hayo amaba doonaya inay saamiyo (sheerar) ku yeeshaan shirkadahaan. Waxaa la is waydiin karaa haddii ay dhacdoba oo Shidaal la helo yaa arkaya wixii kasoo baxa inta ay talada hayaan Madaxda hadda haysa?.

Maxaa kala gudboon Baarlamaanka Puntland Dastuurkaan cusub? Waxaa su'aashaas ka jawaabaya Mid ka mida dadka aadka isha ugu haya shirkadaha doonaya inay Soomaaliya heshiis lagalaan. "Baarlamaanka Puntland waxaa la gudboon inay Dastuurkan kafara buuxsadaan una daneeyaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland. Inay u kala qaadaan laba qaybood 1) wixii kusaabsan Puntland dhexdeeda inay ku dadaalaan sidii ummaddu midnimo ugaari lahaayeen cadaaladna loo heli lahaa Soomaaliyana aan loo kala goyn lahayn. 2) Wixii kusaabsan Khayraadka Puntland iyo Heshiis lala galo Shirkado, waxaa haboon inay marka hore ay sameeyaan guddi aqoon u leh ama xiriir lasamayn kara cid kale oo ka caawisa sidii loo xaqiijin lahaa Jiritaanka shirkadaha iyo inay haystaan sharciga qodidda Shidaalka. Sidoo kale inuu guddigaas xiriir lasameeyo Hayadaha Deegaanka ee adduunka, si looga digtoonaado inay SUN aasaan. Intaa kaddib inay ka fakaraan Sidii loo waafiqi lahaa Dowladda Jamhuuriyda Soomaaliyeed Sharciyada ay khayraadka wadanka u dejiso".

Shacabka reer Puntland maxaa la gudboon; Arrintaana waxaa ka jawaabaya qof reer Puntland ah "Waxaa la gudboon shacabka reer Puntland intaan hurdi karay waan hurudnay, waa inaan kacnaa oo kaalinteena ku lahaanaa masiirka Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa caado noo ahayd hadaan nabad iyo ganacsi haysano, cidii na maamulaysa ha na maamusho wixii ay rabaana ha qaateen. Arrintaas miraheediina waan haynaa maanta oo labadiiba fara nooguma jiraan. Hadda: waa in aan marna la ogolaan in dalka lakala gooyo, waa in aan la ogolaan in Puntland loo sameeyo calan gaar ah, waa in aan la ogolaan in la dhaqan geliyo dastuur aan u cuntamayn Soomaalida oo dhan".

Arrintaas maxaa kala gudboon col. Nuur Cadde? Waxaan su'aashaas weydiiney qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo ku jawaabey: "Nuur Cadde waa in uu arrinta midnimada Soomaaliya iyo khayraadka Soomaalida iska taago mowqif cad, xitaa haddii uu ku waayayo xilkiisa."

Qormadan waxaa ka qayb qaatay: C/nasir saxansoxo (K/Africa),  Amiin Yuusuf (Muqdisho), Jaamac Ayaanle (Bosaso), Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo kala jooga Afrika, Australia, Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan intii ka qayb qaadatay qormadan | Faafin: Maarso 1, 2008


March 2, 2008: Gen. Cadde Muuse oo soo saaray Xeerar: Madaxweynaah DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa soo saaray laba xeer oo kala ah (1)- Xeer Madaxweyne Lr. 35/08, March 02, 08, Kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo uu u magacaabay Daahir C/qaadir Axmed (Daahir Aflow), oo ahaa isu-duwihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Gobolka Mudug. (2)- Xeer Madaxweyne Lr. 34/08 ee March 01, 2008, kuna saabsan xil magacaabid Agaasimayaal Guud iyo Ruqsayn Xisaabiye Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Agaasimayaasha waxa uu u kala magacaabay.. [Eeg halkan].


March 2, 2008: Ciidamada DFKMG ayaa bililiqaystay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho (Mar 2, 2008). Ra'iisul wasaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde ayaa Qiray in Askarta DFKMG ay Bililiqaysteen Suuqa Bakaaraha. Sidaas waxa uu ku qiray waraysi uu siiyeye Idaacada British Broadcasting Corporation... Dhegeyso..


Golaha Wasiirrada DGPL oo Ansixiyey Sharciga Macdanta iyo Batroolka...

March 3, 2008: Shir ay madaxtooyada magaalada Boosaaso ku yeesheen golaha xukuumadda DGPL oo uu goob joog ka ahaa Gen. Cadde Muuse ayaa golaha wasiirrada Puntland waxay ku ansixiyeen "sharciga Macdanta iyo Shidaalka Dowlad Goboleedka Puntland". Waxayna isku raaceen in sharcigaas "Macdanta iyo Shidaalka" loo gudbiyo Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland si ay u ansixiyaan, waxaana la sheegay in maalmo gudohood loo gudbin doono. Sharcigaas waxa ku qoran dadweynaha looma soo bandhigin.

Shirkii golaha wasiirada DGPL ay sharcigaas baarista macdanta ku ansixiyeen, oo lagu macneeyey shir aan caadi ahayn, kaddib waxaa warsaxaafadeed soo saaray Wasiirka dhowaan loo magacaabay Macdanta iyo shidaalka Puntland, Xasan Cusmaan Maxamuud "Alloore", warsaxaafadeedkiisa waxa uu u qornaa sidan:

"Ka dib markaan ka baaraan degnay dastuurka DGPL oo waafaqsan dowlad Federaal ah oo Soomaaliyeed, waxaa maanta (Maarso 3, 2008) ay xukuumadda DGPL ansixisay sharciga horumarinta khayraadka, Macdanta iyo shidaalka PL state (DGPL), isla markaas waxaan aqoonsanahay wadaaga mas’uuliyada ilaalinta iyo jihaynta ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee ku jira geyiga Puntland. Maadaama aan nahay State leh golihiisa shacabka, golihiisa xukuumad iyo garsoor, waxaa lagama maarmaan ah in aan yeelano sharci meelaynaya mas’uuliyada iyo xuquuqda ku lammaan ka faa’iidaysiga khayraadka."

Weli ma jiro war sugan oo ka soo baxay golaha xukuummada col. Nuur Cadde iyo wasaarradda Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG ee ku aadan sharciga cusub ee ay ansixiyeen golaha xukuumadda ee DGPL.


March 3, 2008 (Isniin): Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeeyey magaalada Dhoobley oo 220km koonfur ka xigta magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya. Sida ay sheegtay hay'adda wararka ee Reuters laba gantaal ayaa ku dhacay guri ku yaal magaalada Dhoobley oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya [Tixraac halkan].


March 5, 2008: Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah musharraxa madaxweynannimada Dowlad Goboleedka Puntland oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS ayaa yiri waa "In si caddaalad ah loo wadaago Khayraadka dalka, oo gobollada dalka la hor mariyo." [Tixraac halkan]


March 6, 2008: Taliyaha Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka Puntland, Sareeye Guuto Cabdicasiis Saciid Maxamuud (Gacamay) ayaa amar ku bixiyey in cidii ay Boliisku u arkaan in Dambiile yahay ay toogtaan. Arrintan ayaa lagu macneeyey ammaan xumada ku siyaadey magaalada Boosaaso ee Gobolka bari in wax looga qabanayo.


March 6, 2008: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde ayaa wax laga weydiiyey waxa ay (DFKMG) kala socdeen weerarkii (March 3, 2008) ee diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay ku qaadeen magaalada Dhoobley, waxa uu ku jawaabey "Arrintaas iyada ah wixii laga dhehi lahaa waa laga yiri, waana laga yimid waqtigeedii".. Weriyaha idaacadda Codka Maraykanka, Cabdisalaan, ayaa markaas weydiiyey su'aal ahayd, "laakiin dadka faraha badan ee mudaharaadka ka dhigay magaalada Dhoobley ee weerarkaas ka soo horjeedey iyo kuwa leh bakaaraha ayaa dhibaato naga soo gaartey, haddaad dawladdii tihiin maxaad idinku ku oraneysaan." Col. Nuur Cadde waxa uu ku jawaabey "Waxaan filayaa Maraykanka iyagu in ay ka hadleen wixii halkaas ka dhacay, annagana haddee wixii... haddii... dad dembiilayaal ah baadigoob-koodii difaacooda kolley horaa looga hadlay...." [Dhegeyso].


Nabaddoon Cabdi Faarax oo Lagu Xiray Boosaaso, markii dambena la sii daayey....


Cabdi Faarax Cilmi

March 7, 2008: Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa subaxnimadii Jimcadii (Maarso 7, 2008) waxay xabsiga u taxaabeen nabaddoon Cabdi Faarax Cilmi oo ah nabaddoon caan ka ah Gobolka Bari. Waxaana wararku tibaaxeen in nabaddoonka laga kaxaystay gurigiisa. [Waxaa nabaddoonka xabsiga laga soo daayey Maarso 8, 2008].

Nabaddoon Cabdi Faarax Cilmi waxa uu sheegay, markii la soo daayey kaddib, in loo caga-juglaynayey muddo saddex sano ah intii uu xilka qabtay Gen. Cadde Muuse, waxa uu sidaas u sheegay Radio Dhahar.. Dhegeyso ama halkan (mp3).

Odayaal dhaqameed ayaa isku deyey sidii nabaddoonka xabsiga looga soo deyn lahaa, waxayna la sheegay in ay la kulmeen Wasiirka Amniga ee DGPL, Cabdullaahi Saciid Samatar, oo sheegay in nabaddoonka lagu soo xiray amarka madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse. Waxana wasiirka laga soo xigtey in sababta loo xiray nabaddoonka ay la xiriirto eedayno ah in uu ka qayb qaatay abaabulkii dhacdadii Majayahan iyo in hadda looga shakiyey in uu wado abaabul la mid ah kii Majayahan oo looga soo hor jeedo macdan iyo shidaal soo saaridda, waa sida laga soo xigtey wasiirka'e.

Waxaa wararku tibaaxeen in markaas odayaal-dhaqameedkii ay u tageen Gen. Cadde Muuse, iyagoo kala hadlay arrinta nabaddoonka la xiray, sidaasna xabsigii looga sii daayey nabaddoon Cabdi Faarax.


Maxamuud Xasan

Nabadoonada Gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadalay Xadhigii loo gaystay nabadoon Cabdi Faarax Cilmi oo ay xidheen Booliska Maamulka Puntland, Nabadoonada ayaa xadhigaasi ku til maamay mid sharciga Gees marsan. Nabadanada ka hadlay arrintaas waxaa ka mid ah Maxamuud Xasan Maxamed oo arrintaas ka hadlay March 10, 2008, waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland ku gafeen xadhiga ay Nabadoonkaasi Xidheen, waxa uu sheegay Nabadoonkaasi in si Sharci daro ah Gurigiisa looga kaxeeyay isaga oo aan waxba la Su'aalin la geeyay Jeelka [Tixraac Halkan]- in kasta oo markii dambe la soo daayey.

Dhacdadii Majayahan waxay dhacday horraantii bishii April 2006, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey dadka degaanka Majayahan iyo ciidamo ilaalinayey shirkad sheegtay in ay macdan halkaas ka baarayaan. Dadka degaanku waxay xilligaas diidanaayeen in halkaas ay tagaan shirkado shisheeye iyada oo aan arrintaas lagala tashan shacabka degaanka.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku saabsan xariga nabaddoonka.


"Reer Galbeedku Waxay Maslaxayaan Kuwii Dhibaatada ka Geystey Soomaaliya" Qaramada Midoobey

abdullaahi Yusuf Ahmed somalia
C/lahi Yuusuf Axmed
Ahmedou Ould Abdallah
Ahmedou Ould-Abdallah

March 7, 2008: Maadaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed oo waraysi siiyey Mark Doyle oo ka tirsan TV-ga iyo Raadiyaha British Broadcasting Corporation, ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay joogaan argaggaxiso lagu soo tababaray Afganistaan. Weriha oo weydiiyey "ma buunbuuneyso miyaa argaggaxisada si aad taageero uga heshid Maraykanka." Waxa uu C/laahi Yuusuf ku jawaabey "Arrintaasi run ma aha ee Argaggaxiso ayaa joogta Soomaaliya". Waxa kale oo uu weriyuhu la kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa muujiyey in ay beesha caalamku khalad weyn ka galeyso Soomaaliya iyagoo oo abaal marin siineya dadkii dambiyada ka galey shacabka Soomaaliyeed. Isaga oo arrimahaas ka hadlaayey Ahmedou waxa uu yiri  "Waxa ka socda Soomaaliya waxaan ugu yeeri karaa maslaxaad (madax salaaxid), beesha caalamku waxay maslaxayaan dadka dhibka ka geystey Soomaaliya" eedayntaas oo ah mid aad u kulul ayuu yiri weriyuhu oo ah "Reer Galbeedku waxay maslaxayaan kuwii dhibaatada geystey, kuwaas oo ka mas'uul ah in ay geystaan arrin ka baxsan bini'aadaminimada tan ugu daran adduunka.." [Dhegeyso (English) ama (Somali)] ama [Video].

Mar 7, 2008: Guddoomiya degmada Dhoobley ee G/Jubbada Hoose, Cali Xuseen Nuur (Cali-Dheere) ayaa sheegay in magaalada (Dhoobley) ay khasaaro weyn ka soo gaareen duqayntii ay u geysteen diyaaradaha Maraykanku, oo lagu laayey dad masaakiin ah oo aan waxba geysan. Mar ay idaacadda British Broadcasting  Corporation guddoomiyaha weydiisey in ay cid ka tirsan DFKMG la soo xiriirtay, waxa uu sheegay in cid ka tirsan DFKMG aysan la soo xiriirin, waxana uu intaas ku daray maadaama ay ahayd dawladdii xukuntey dalka oo laga rabey in ay la soo xiriirto oo weydiiso sida wax u soo gaareen, laakiin cidi kala ma soo xiriirin, waxana uu tilmaamay malaha in arrintu iyaga (DFKMG) la qumman tahay. [Dhegeyso].

March 8, 2008: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 39/08 ee March 08, 2008, kuna saabsan xil magacaabid Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud, Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland.. [Akhri halkan...].

March 12, 2008: Askar Boolis ah oo ka tirsanaanjirey ilaalada Kantoroolka magaalada Boosaaso ayaa habeenimadii March 12, 08 waxay rasaas ku fureen askar Boolis ah oo xilligaas ilaalo ka ahayd Kantoroorka Boosaaso, waxaana halkaas ka dhacay is rasaasayn xoog leh. Waxaa rasaastaas la is weydaarsaneyey ku dhintay labo askari oo ka tirsan Booliska ilaalada ka ahaa kantoroolka. Wasiirka Aminaga DGPL, C/laahi Siciid Samatar, ayaa warbaahinta maxalliga ah waxa uu u sheegay in dilka ay geysteen askar boolis ah oo tababar loogu diray Kuliyadda Ciidamada Booliiska ee magaalada Carmo, waxana uu sheegay in askartii dilka geystey la qabtay. Lama sheegin sababta keentay in askarta boolisku ay rasaasta ugu fureen askarta kale ee ilaalada ahaa.

March 12, 2008: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa soo gaarey magaalada Garoowe, kaddib markii uu ka soo kicitimay magaalada Boosaaso oo uu muddo ku sugnaa. Intii uusan soo gaarin Garoowe, waxa uu muddo saacado ku soo hakaday magaalada Qardho.

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: March 12, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: