SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Xafiiska Gen. Cadde Muuse oo u Hanjabey Garoweonline iyo SomaliTalk...

SIDOO KALE SHIRKADDA 'RANGE RESOURCES' AYAA U HANJABTEY SHABAKADO SOOMAALIYEED...

  • Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha DGPL ayaa loogu hanjabey shabakadaha wax ka qora arrimaha batroolka iyo shirkadaha heshiiska la galay maamulka Cadde Muuse..
  • Range Resources oo qirtay in  muddo 17 bilood ah ay xukuummadda DGPL siisay lacag dhan $200,000 bil kasta...

Tarumadii, faalladii iyo faafintii SomaliTalk.com | April 10, 2008


Qoraal (April 10, 2008) uu faafiyey Xafiiska madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), oo ku qornaa luqadda English-ka oo qura, laguna daabacay shabakadda Xafiiska Gen. Cadde Muuse, ayaa u hanjabey Garoweonline iyo SomaliTalk.

Shabakadda Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa qormadeeda waxay ku tiri "Dawladda Puntland (malaha halkaas waxay ula jeedaan 'Dawlad Goboleedka Puntland') waxay cambaarayneysaa dhawr website oo ku mashquulsan curyaaminta xornimada dadka Puntland si ay uga faa'iidaystaan khayraadkooda dabiiciga."

Shabakadda Janeraalka oo aan farta ku taaban waxa ay ka cabanayaan ama aan xusin waxa tahay beenta la sheegay ayaa tiri: "Garoweonline, iyo SomaliTalk gaar ahaan, waxay sheekooyin been abuur ah ka sameeyeen kuwa jaalka nagula ah horumarinta Puntland. Waxay faafinayaan been iyo hadallo isla dhex marid ah oo ku saabsan maalgashadayaasha hawlaha sahaminta ee Puntland dhexdeeda."

Xafiiska Gen. Cadde Muuse oo hadda u muuqda in uu ku mashquulsan yahay "xaalad abuur" si uu shacabka reer Puntland uga jeediyo muranka ka taagan sharciga Batroolka oo markii cod loo qaaday noqday [21-diidey & 21-ogolaada) ayna 26 xildhibaan ku tilmaameen in uusan sax ayan, islamarkaana ay dalbadeen in lagu soo celiyo Baarlamaanka. Kalfadhiga xiga ee Baarlamaanka DGPL waa June 2008.

Xafiiska Janaraalka oo qoraalkiisa sii watey waxa uu yiri: Waxaan u sheegeynaa dhammaan kuwa ay khusayso (ogow Af-Igiriisi oo keliya ayuu ku qoraa qoraalkani) in dhammaan wada-xaajooyada iyo heshiisyada ku saabsan macadanta iyo Batrool sahaminta ee Puntland ay saaran yihiin miiska korkiisa, ayna yihiin kuwo ay sharciyaysay 'Dawladda Puntland' (oo ay malaha ula jeedaan 'Dawlad Goboleedka Puntland') iyo Baarlamaanka Puntland. Dhammaan lacagaha aan ka helay qandaraasyada sahaminta waxaa loo dhiibey 'Dawladda Puntland', waxaana lagu bixiyey horumarinta iyo ammaanka Puntland." - Laakiin qoraalka Xafiiska janaraalku ma xusin go'aankii toddobaadkan ka soo baxay Baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah (DFKMG) ee Baydhabo oo ahaa in Sharci Guud oo Batrool loo samaynayo Soomaaliya - Markaasna shirkadaha heshiiska la galay Puntland ay tahay in ay ogolaansho ka helaan dawladda dhexe, una hoggaan-samaan sharciga Soomaalida ka dhexeeya.

Sidoo kale, xafiiska janaraalku ma caddayn inta ay leegtahay caddadka lacagta ee ay ka heleen shirkadahaasi sahaminta baatroolka iyo meelaha ay xaqiiqo ahaan ku bixisay. Laakiin waxa uu Xafiiska Gen. Cadde Muuse sheegay hanjabaad ahayd in ay sharciga la tiigsanayaan qof kasta oo jooga Puntland oo faafinaya been ku saabsan hawlgallada 'Dawladda Puntland' iyo saraakiisheeda, waa sida ay hadalka u dhigeen'e. Waxaana kula talineynaa jaalkayaga in ay baaritaan ku sameeyaan shakhsiyaadka ka dambeeya ololaha bahdilka, kana qaadaan arrin sharci ah, ayuu yri xafiiska Janaraalku.

Marka la dhuuxo erayada Xafiiska Gen. Cadde Muuse waxay u muuqdaan isku day in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggan degaanka loo bixiyey Puntland in la geliyo cabsi, si markaas shacabka loo geliyo QALWO - oo qofka laga hor istaago xorriyaddiisa uu ku cabiri lahaa fikirkiisa xorta ah, oo sidaas daraadeed aan wax laga tilmaami karin haddii la arko musuqmaasuq, eex, guul-guul, nin-tooxsi iyo handadaad.

Dhanka kale, qoraalka hanjabaadda iyo nin-tooxsiga ku salaysan ee Xafiiska Gen. Cadde Muuse ma xusin arrimaha ay ka mid yihiin:

  1. Goorma ayaa si buuxda shacabka loogu soo bandhigaya lacagaha ay bixiyeen shirkadaha sahamintu, cadadkooda iyo meesha lagu bixiyey, si faahfaahsan..
  2. Cidda wax ku leh Shirkadda CONSORT ltd - taas oo 15% saami ku leh RANGE RESOURCES... Haddii ay caddaato in shirkaddaas ay wax ku leeyihiin madaxda sare ee DGPL, sida uu hore u sheegay nin mas'uul ka ahaan jirey shirkadaha heshiiska la galay Puntland, miyeysan markaas arrintu ahayd in madaxda DGPL aysan daacad ka noqon karin arrimaha la xiriira heshiiska miiska saaran, waayo haddii saamiyada RANGE hoos u dhacaan waxaa hoos u dhaxcaya saamiyadii CONSORT taas oo aysan madaxda wax ku leh u cuntami karin- habkaas Luqadda Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa Conflict of Interest - oo ah Meel aad Lugaha Kula jirtid in lala xisaabtamo ama lala tartamo daacad kama noqon kartid.
  3. Geyre, Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga DGPL waxa uu jariidadda African Energy u sheegay in "Dekedda Boosaaso ay sannadkii ka soo xerooto lacag dhan $35 million ilaa $40 million oo doolar". Isla jariidaddaas waxaa Gaagaab, Wasiirka Maaliyadda DGPL, u sheegay in "Miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland uu yahay $21.6 million oo doolar." - Marka haddii miisaaniyadda ka soo xeroota dekedda ay ka badatay lacagtii miisaaniyadda, markaas lacagta dheeraadka ah [oo adduunka shacabku dawladahooda la xisaabtamaan looga yaqaan surplus] xaggee ka baxday - Haddii xisaabtu aysan sidaas ahayn, xafiiska Janaraalku faahfaahin haka bixiyo - Ogowna waxaa laga hadlay waa dekedda oo qura.

Qormadii Xafiiska Jaranaraal Cadde Muuse Halkan ka eeg...

Range Resources oo u Hanjabtay Website-yo Soomaaliyeed...

Qoraal ay Shirkadda Range Resources u dirtay suuqa ganacsiga Australia (ASX) Arbacadii 9-kii April 2008 ayey kuweerartay website-yo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Garoweonline iyo Somaliland Times. Qoraalka ay RANGE ka cabaneysey ayaa ahaa Qoraal uu March 22, 2008 faafiyey Warsidaha Toddobaadlaha ah ee Somaliland Times (SL Times), oo ku saabsanaa in Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Qaasim Sheikh Yuusuf Ibraahim, Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka.

Waxaa xusid mudan in qoraalka Range u dirtay ASX in ay ku xaqiijisay in muddo 17 bilood ah ay xukuummadda DGPL siisay lacag dhan $200,000 bil kasta iyo weliba $2.5 million - Waxa kale oo RANGE qormadeeda ku caddaysay in ay qoraal ka heshay maamulka Puntland ku caddaynayo in ay heleen dhammaan lacagihii ku qoraa heshiiska - Laakiin Range warqaddaas ka timid maamulka Puntland weli uma soo dirin Suuqa Ganacsiag Australia - waa la arki doonaa marka ama haddii ay warqaddaas faafiyaan. [Lacagahaas markii hore loo weydiiyey xukuumadda Cadde waxay kaga jawaabeen ka dhegeyso halkan].

Jawaabtii Qormada Range ay ka bixisay shabakadda Garoweonline waatan:


  • R. Resource oo u hanjabtey GO & saxaafad kale

    Shirkada heshiiska khilaafyada dhaliyey la gashay xukuumada Cadde Muse ayaa maanta [April 9,2008] qoraal ay ku shaacisay suuqa lagu kala gato saamiyada ee wadanka Australia waxaa ay hanjabaad ugu dirtey Warsidaha GO isla markaana uga digtey dadka ku leh saamiyada in ay akkhristaan warsidahan iyo kuwa kale oo lagu xusey warsaxfadeedkaan.

    Qoraalkan ayaa Range Resource isaga fogeysay maqaal ku soo baxay warsidaha Somaliland Times iyo Jariidada Haatuf kaas oo ka hadlayey lacago shirkadaan laalush ahaan u siiyeen xubno ka tirsan labada xukumadod [PL,Somaliland]

    Qoraalkan oo warsidaha GO ka soo xigtey labadan jariidadod ayaa sarakisha shirkadan waxa ay  go'ansadeen in warsaxafaded hanjabaad la socoto ku soo shaaciyaan bogga suuqa saamiyada Australia.

    Warsidaha GO oo warsaxafdeed ka soo saarey qoraalkaan ayaa ku tilmaamey nasiib daro in saraakiisha shirkadaan, qaar ka tirsan madaxa Puntland, kooxo dulaaley ah, ay caadeysteen in digniino iyo hanjaabaadyo u diraan qaar ka tirsan saxaafada xorta ah iyaga oo ka hortagaya in shacabka Somalida loo iftiimiyo heshiisyadaan..

    Warsaxafadeedkaan ayaa GO ku tilmaantey in ay tahay wax laga naxo in madaxda shirkadaan ku dhiiri galiso saamileydeeda in ay xogaha Puntland kala socdan boogoda gaar ah iyo Bogga dowlada goboledka Puntland taas oo meel ka dhac ku ah dhamaan dhinacyada hantida gashadey Range Resource iyo shacabka Somalida oo ah milkiilayasha  dhulka kahyraadka laga soo saarayo.
     


  • Qormada Range ka akhri halkan: 9-kii April 2008

Gen. Cadde Muuse waxa uu Addis Ababa u dhoofay Maarso 30, 2008, markaas war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu sheegay in uu Itoobiya ku maqnaan doono 7 cisho. Xafiiska Cadde Muuse oo muddada safarkaas caddaynayey waxa uu yiri: "Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa muddo todobaad ah ku maqnaan doona,halkaasi oo uu kulamo kula soo qaadan doono Madaxda itoobiya." - Xafiiska Jaranaalku weli warbixin kama soo saarin sababta keentay in safarkii intii ay sheegeen aad uga dheeraaday...

Tarujadii iyo Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2008

BAARID | SEARCH


Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka... Akhri

Gen. Cadde  iyo Afqurac khilaaf soo kala dhexgalay oo ku saabsan Batroolka iyo Macdanta Puntland ...

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: