SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Waraaqaha Laga Sameeyo Lacagaha Faalsada oo ka degey Dekedda Magaalada Boosaaso 

  • Gen. Cadde Muuse oo ogolaaday in Lacagihii Faalsada ahaa dib loo daabaci karo.....

Duhurnimadii (Khamiis 10/04/2008) waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan dekedda weyn laga saarey waraaqo fara badan oo laga sameeyo lacagaha faalsada loona wadey wershada ku taal magaalada Boosaaso ee samaysa lacagta faalsada.

Waraaqahan lacagta faalsada markii laga bixinyey dekedda magaalada Boosaaso waxaa waardiye ka hayey ciidmada booliska iyo ciidamo ay leeyihiin ganacsatada iska leh wershada lacagta faalsada ee Boosaaso.

Waraaqahan cusub ayaa ku soo beegmey iyadoo indhoweeydba uu khilaaf u dhexeeyey ganacsatada iyo maamulka Cadde Muuse.

Lacagtii Soomaalida


Sawirada ka eeg halkan...

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegey in la xiro dhamaan wershadaha daabaca lacagaha faalsada, taas oo keentey in shakhsiyaadkii lacgaha daabici jirey iyo qayb ka mid ah maamulkaba ay ku gacan sayreen isla markaan uu dhacey iska horimaad sababay dhaawac iyo amni xumo soo foodsaartey magaalada Boosaaso.

Khilaafkaas ayaa joogasdey ka dib markii odayaal ay dhex galeen shakhsiyaadkaas iyo maamulka iyagoo isku afgartey in lacag magdhow ah la siiyo ganacsatada si ay u joojiyaan daabicida lacagha faalsada ee kor u qaadey maciishadda iyo sicirka.


Axmed Kismaayo oo ka tirsan British Broadcasting Corporation oo April 12, 2008 ka warbixinayey sicirbararka iyo lacagaha faalsada ah ee Puntland:
Ka dhegeyso haalkan
ama halkan (mp3)


Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Cadde Muuse ayaa asbuucan dhexdiisa isagoo joogay magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ku amrey madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Afqurac uu u saxiixo ganacsatada in ay hawshoodii daabicidda lacagaha faalsada ay dib u bilaaban karaan.

Waxaa nasiib darro ah in lacagtaasi markii ay ka baxaysey dekadda magalada Boosaaso ay galbinayeen ciidamada booliska magaalda Boosaaso.

Lacagahan faalsada ah ee lagu daabcayo gudaha magaalada Boosaaso oo ay daabcado East Africa Priniting Press kuna taal xaafada new Bossaso ayaa sicir barar saa'id ah ka abuurey deegaanka Puntland. 

Weriye Madaxbanaan
Boosaaso, Puntland

Xusuusin Akhristayaasha: Puntland ma aha meel si xor ah warka looga soo tebin karo, taas ayaa keenta in aan la sheegin magacyada weriyaasha ku sugan Puntland...


Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sawiraan jirey 100-kii shilin ee Lacagtii 1962
Lacagtii kaas ka horeysey (100-ka shillin ee Gumeysigii) waxaa ku sawirnaan jirey Shabeel.

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2008

BAARID | SEARCH


Lacagta Been abuurka ah ee Soomaaliya,dhibka ay ku hayso Soomaaliya,Makiinadihii lagu samayn jiray lacagta been abuurka ah  oo Puntland la geeyay!!

Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka... Akhri

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: