Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Guddomiyaha
Baarlamaanka DFKMG
Eedayn salka ku haysa Sharciga Batroolka
Soomaaliya....
Xaashi |
Wareegto uu April 17, 2008 soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
DGPL, Axmed Cali Xaashi, ayuu ku muujiyey sida uu uga soo horjeedo waxa
uu ugu yeeray "talo bixintii ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada ee DFKMG", Sh. Aaden Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe), "kuna
saabsanayd sharciga Batroolka".
Sh. Aadan Madoobe |
Guddoomiyaha Baarlamaanka DGPL in kasta oo uusan caddayn qodobada qaanuunka
Dastuuriga ah ee lagu xadgudbey, haddana waxa uu sheegay in 'talo bixinta'
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ay tahay "mid aan waafaqsanayn qaanuunka
Dawladaha Federaaliga ah ee Caalamka, sida Itoobiya (iyo dalal kale)".
Wareegtada
Axmed Cali Xaashi oo cinwaankeedu ahaa "Warcelin la xiriirta Talo-bixinta
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM ee Soomaaliya" (oo u jawaabeysey Sh. Aaden
Madoobe) ayaa waxaa ka mid ahaa erayo uu Axmed Xaashi kula hadlayey "qofwalba oo Soomaaliya dan u haya iyo
shirkadaha la galay heshiiska" ayaa waxa uu u sheegay in aysan "dhegaysan dacaayadaha aan salka iyo raadka toona lahayn oo
ay faafiyaan dadka ka soo horjeedaa nabada iyo nolosha dadweynaha reer Puntland
iyo tan Federaalka ee Soomaaliya."
Taas waa eedayn aad u weyn maadaama qoraalku ku socdey Guddoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG.
Durbadiiba eedayntaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland u jeedisey
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG waxaa lagu faafiyey shabakadaha ay xogta isku
dhaafsadaan saamileyda Suuqa ganacsiga Australia, iyadoo si gaar ah farta loogu
fiiqayo sida loo canaantay DFKMG iyo taageerada Puntland ee shirkadaha heshiiska
la galay, sida ku cad qormada Xaashi "shirkadaha la galay heshiiska in Puntland
u furan tahay oo ay ku soo dhowaadaan gacmo Furan".
9-kii April 2008 ayey ahayd markii Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo
ansixiyeen in Soomaaliya loo sameeyo sharci batrool. Fadhigii shaarcigaas
Batroolka DFKMG codka loogu qaaday waxaa ka soo qayb galay ilaa 143
xildhibaan: Waxaana codkii noqday 119 ogolaansho, 22 diidmo
iyo 2 aamusnaan.
Markii baarlamaanka Baydhabo arrintaas u codeeyey waxaa Sheekh Aadan Madoobe
laga soo xigtey in uu sheegay sababta keentay in la sameeyo sharciga Batroolka
DFKMG in ay tahay sidii wax looga qaban lahaa heshiisyo uu ku sheegay in lala
galay shirkado yar yar oo aan wax qaban karin.
Sawir hore: Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo
Sharcigaas cusub ee batroolka ee loo sameeynayo DFKMG, ayey u muuqataa in
Puntland ka jawaabeysey. Welina Sh. Aadan Madoobe jawaab kama bixin
qoraalka Xaashi.
Wareegtadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo dhamaystiran oo uu
faafiyey Xafiiska madaxweynaha DGPL waa kan:
DAWLAD G. PUNTLAND EE SOMAALIYA
Golaha Wakiillada
Xafiiska Guddoomiyaha
Tixraac: XGGWDGPL124/2008 Taariikh: 17/04/2008
Ujeedo:- Warcelin la xiriirta Talo-bixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM
ee Soomaaliya
"Talo
bixin Sharci ma aha"
Waxaa wax aad looga xumaado ah talo bixintii ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada ee DFKMS kuna saabsanayd sharciga Batroolka, taas oo ah
mid aan waafaqsanayn qaanuunka Dawladaha Federaaliga ah ee Caalamka (sida,
USA, German, Ethiopia, UAE, & Australia) iyo sharciyadii ka jiray ama la
galay intii ay jirtay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaa waxaan
ku wargelinaynaa ummadda Soomaaliyeed, Beesha Caalamka, Hay'adaha Caalamiga iyo
dalalka deriska ahba in Dawladda Puntland ay xor u tahay fulinta iyo rabitaanka
baahida Shacabkeeda iyadoo tixgelinaysa midnimada iyo danaha guud ee ummadda
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo daah-ka rogga ilaha dhaqaale ee
Puntland taas oo wax-tar u ah cid kasta oo inaga mid ah.
Haddaba, Puntland marna u dulqaadan mayso in lagu dirqiyo dano gaar ah oo
ujeeddadoodu tahay marin habaabinta dhismaha guud ee dalku maanta ku jiro iyo
ra'yiga caalamka waxaana ka go'an fulinta wada noolaanshaha guud ee geeska
Afrika.
Sidaa darteed Waxaan ugu baaqaybaa, qofwalba oo maanta Soomaaliya dan u haya iyo
shirkadaha la galay heshiiska in Puntland u furan tahay oo ay ku soo dhowaadaan
gacmo Furan oo ayan dhegaysan dacaayadaha aan salka iyo raadka toona lahayn oo
ay faafiyaan dadka ka soo horjeedaa nabada iyo nolosha dadweynaha reer Puntland
iyo tan Federaalka ee Soomaaliya.
Wabillaahi Towfiiq
Axmed Cali Xaashi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DGPL.
- Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DGPL waxa uu ku qornaa
Af-Soomaali iyo Af-Ingriisi. Labada nuqul waxay ku kala duwan yihiin dalalka
uu tusaalaha u soo qaatay markii uu ka halyayey talo bixintii guddoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG ee sharciga batroolka. Talo bixintaas oo Axmed Cali
Xaashi ku sheegay in aysan "waafaqsanayn qaanuunka Dawladaha Federaaliga ah
ee Caalamka". Tusaalaha ku qoran Af-Soomaaliga waa dalalka: (USA, German,
Ethiopia, UAE, & Australia), halka tusaalaha ku qoran
Af-Ingiriisiga uu yahay dalalka (USA, Australia, UAE) - Nuqulka
Ingriisiga waxaa laga reebay Itoobiya, iyo dabcan dal lagu lamaaniyey oo ah
Jarmalka.
Nuqulka Af-Soomaaliga:
English Version:
Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008