SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Kooxda Qaramada Midoobay ee heer Wadan ee Soomaaliya / Golaha hay’adaha aan dawliga ahyn(NGO)/ Kooxda Deeq-bixiyayaasha Soomaaliya

WAR-XASAAFADEED

16 April 2008

BULSHADA CAALAMKA OO UGU BAAQDAY MAAMULKA PUNTLAND IYO DADWEYNAHA INAY KA HADLAAN NABADGALYO LA’AANTA JIRTA

Waxay beesha caalamku si adag uga walaacsan tahay xaaladda ka sii daraysa ee dhinaca nabadgalyada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dhacdadii ugu dambaysay oo labo ka mid ah shaqaaalaha hay’adda Qaxootiga QM(UNHCR) ay ka badbaadeen weerar, kaddib markii gaarigii ay ku socdaalayeen la raraaseeyey.

Waxay beesha caalamku aqoonsan tahay xaaladda adag ay ku su gan yihiin dadweynaha Puntland iyadoo ay ka go’an tahay inay sii waddo hawlgallada lagu gargaarayo baadida deg-degta ah ee dhinaca bini’aadminimada iyo hawlgallada dib-u-soo-kabashada iyo horumarinta. Si haddaba hawlahaas loo fuliyo, ammaanka shaqaalaheedu waa muhiim; taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in la qaado tallaabooyiin dhawr ah; mid ahaan waa in hoos loo dhigaa tirada shaqaalaha caalamiga ah ee gobolka ku sugan.

Dhammaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah, QM iyo deeq-bixiyayaashuba, waxay indhaha ku hayn doonaan tallaabooyinka kale ee macquulka ah ee lagu xaqiijin karo arrimahan iyaga ah, iyadoon laga waaban doonin meel-marinta barnaamijyada loo qoondeeyey in lagu taageero dadweynaha. Haddba waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Puntland inay tallaabo cad ka qaadaan sidii sharciga loo horgayn lahaa dambiilayaasha ku dhaqaaqay weerrarada ka dhanka ah shaqaalaha samafalka, loona xaqiijin lahaa badbaadada hawlwadeennada. Waxaan soo dhoweynaynaa hindisaha toganaha ah ee uu ku tallaabsaday Madaxweynaha Maamulka Puntland shirkii dhawaan uu la yeeshay beesha caalamka, isagoo go’aan adag ka qaatay meel marinta arrintaas.

Waxaan kaloo ugu baaqaynaa hoggaamiyaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo dadweynahaba inay diidaan dhammaan noocyada kala duwan ee fal-dambiyeedka, sooma bandhigaan arrimahaas iyaga ah, islamarkaana ay si wadajir ah noogala shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo jawi ay barnaamijyaduka u sii socon karaan. Waxaan shaki ku jirin, sii socoshada dhacdooyinkaas inay dhaawici doonaan, haddiiba aysan joojin, horumarinta iyo hawlgallada gargaarka bini’aadminnimada ee gobolka, iyadoo waqtigan xaadirka ah dadweynaha Puntland ee ka faa’iidaysta ay baahi weyn u qabaan.

Sidaas awgeed, waxaa lagama maar maan ah in la xoojiyo dadaalka wadajirka ah ee u dhexeeya maamulka, beesha caalamka iyo dadweynaha deegaanka,kaas oo la xiriira sidii lagu xaqiijin lahaa jawi xasiilooni iyo degenaansho ku dheehan tahay,islamarkaana suuragalinaya taabbagelinta hawlaha gargaarka ee loo fidinayo dadweynaha tabaalayasan.

Faafaahin Dheeraad ah fadlan kala soo xiriir: Rebecca Wabwoba, madaxa warfaafinta ee Xafiiska Isku-duwaha QM; Tel: (254 20) 4255335; Fax: (254 20) 4255100; Email: rebecca.wabwoba@undp.org

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2008 | Updated: Apr 18, 2008

BAARID | SEARCH


Ciidamada Badda Faransiiska oo ku Guuldareystey in 12 Burcad Badeed Soomaali ah ku baacsadaan Xeebta Soomaaliya iyo $2,000,000 oo Laga Bixiyey Doontii la afduubtay..

Waraysi: Yaasmin C/raxman oo ah maamulaha dusgiaga dadka dhegaha la'a ee Hargaisa /mp3- Radio Australia SBS

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland...
Range Resources Xiriirka ay La Leedahay Shirkadda "Opes Prime"ee Burburka Dhaqaale ku dhacay...
Akhri..
 

Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka...
Akhri
 

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG...
Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: