SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida....

C/laahi Yuusuf oo ogolaaday Heshiisyada Puntland la gashay Shirkadaha Batroolka iyo Macdanta....

  • Faalladii iyo Tarjumadii SomaliTalk.com | April 29, 2008

abdullaahi Yusuf ahmed somaliaXafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa Talaado April 29, 2008 waxa uu faafiyey warqad ku qoran afka Ingriisiga oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFKMG, col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Warqaddaas oo ku taariikhaysan April 25, 2008 dulucdeedu waa in Yuusuf uu taageero iyo ayidaad siiyey heshiisyada ay Puntland la gashay shirkadaha Batroolka iyo Macdanta.

Qoraalka C/laahi Yuusuf ayaa si toos ah uga hor imaneya qorshaha uu maalmahan wadey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aaden Madoobe) oo uu ku doonayey in Baarlamaanka Baydhabo ansixiyo sharci ay yeelato DFKMG. Sharcigaas oo ka dhigaya DFKMG in ay tahay tan keliya oo leh awoodda bixinta heshiisyada caalamiga ah ee lala gelayo shirkadaha shisheeye ee Batroolka iyo Macdanta.

Waxa kale oo warqadda col. Yuusuf ay waji gabax ku tahay Golaha Wasiiradda ee Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (col. Nuur Cadde), maadaama wasiirka uu Nuur Cadde u xil saaray arrimaha Batroolka Soomaaliya, Maxamuud Cali Saalax (Eng. Kaanje), uu si qayaxan uga hor yimid heshiisyada ay Puntland la gashay shirkadaha shisheeye ee ku saabsan shidaalka.

Arrimahaas oo jira ayaa warqadda uu ku saxiixan yahay C/laahi Yuusuf, in kasta oo aysan lahayn tirsiga/lambarka TIXRAACA madaxtooyada, haddana waxaa ku xusan in ay ka tarjumeyso aqoonsi rasmi ah oo ay DFKMG siisay sharci ahaanshada heshiisyada ay Puntland la gashay shirkadaha [Batroolka].

Tarjumadii SomaliTalk.com ee warqadda uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFKMG oo uu u diray madaxweyanaha DGPL, islamarkaana uu nuqul u diray wasiirka Tamarta iyo macdanta ee DFKMG waa tan:

C/LAHI YUSUF: 25/4/08

C/lahi Yusuf: 25/4/08
English  
Eng. KAANJE 20/3/08

Eng. Kaanje 20/3/08
 English |
Somali

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
Dawladda Federaalka Kumeel gaarka
Xafiiska Madaxweynaha

Mudane | 25 April 2008

Kaddib markii aan dhowaan wada xaajood yeelanay, waxaan halkan kuugu soo qorayaa arrin la xiriirta hawlaha sahaminta Batroolka iyo Macdanta ee laga wado Puntland.

Waxaan isku raacnay furaha asaaska u ah in la xaqiijiyo guul laga gaaro hawlaha sahaminta ee hadda ka socda Puntland in ay tahay in si guul ah loo sameeyo wada shaqayn ka dhexaysa DFKMG iyo Dawladda [Goboleedka] Puntland.

Waxaad ku mahadsan tahay dulmarkii ku saabsanaa Dastuurka Cusub ee la soo jeediyey ee Puntland iyo Qaraarka Cusub ee Horumarinta Macdanta iyo Batroolka oo ay ku jiraan qodobbo aqoonsanaya in la sameeyo Dawlad Federaal ah iyo baahida ay Puntland u qabto dib u habaynta qaanuunkeeda si uu ula shaqeeyo qaab kasta oo ay yeelato Dawlad cusub oo Federaal ah oo la dhiso.

Warqaddani waa mid ka tarjumeysa ayidaad [aqoonsi] rasmi ah oo ay DFKMG siisay sharci ahaanshada heshiisyada jira ee lala yeeshay kuwa ogolaanshada laga siiyey Puntland. Waxaan ictiraafsanahay (aqoonsanahay) in taageeradayadu ay garab siineyso xaqiijinta si guul loo gaaro isku dayga sahaminta Puntland ee hadda lagu dhex jiro iyo in ay wanaajiso dareenka shacabka iyo warbaahinta si awood loogu helo shaqo wax-soosaar tayo leh ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.

Sida aan ka wada hadallay, waxaa la samaynayaa guddi ka kooban DFKMG iyo Dawladda [Goboledka] Puntland si ay u lafaguraan oo go'aan uga gaaraan agaasimidda dakhli wadaagga lala yeelanayo DFKMG iyadoo la eegayo dhammaan dakhliga ay Dawladda [Goboleedka] Puntland ka samayso macaashka [royalties] iyo dakhliga laga helo heshiisyada faa'iido wadaagga ee hoos taga xeerka macdanta iyo batroolka ee Puntland.

Waxaan sugeynaa mustqabal xiiso leh iyo in ay aan asaasno xiriir wax-soosaar wanaagsan oo dhex mara labada dawladood [DFKMG & DGPL] oo faa'iido u ah Puntland iyo Federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxiixay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynaha DFKMG

Waxa uu u diray Maxamuud Muuse Xirsi, madaxweyanaha DGPL.

Waxana koobi warqaddaas ah loo diray Wasiirka Tamarta ee Dawladda Federaalka Kumeel gaarka

Waqtiga warqaddaas ku taariikhaysan [oo ah April 25, 2008] waa maalintii ay magaalada London ee dalka Ingriiska gaareen C/laahi Yuusuf oo ka dhoofay New York iyo Cadde Muuse oo ka dhoofay Addis Ababa.

Waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay Madaxweyanaha DFKMG intuu uu joogey New York ayaa la weydiiyey in aan isaga lagu xaman musuq masuqa, waxana uu arrintaas kaga jawaabey in uu taas u arki "ammaan".

Gen. Cadde Muuse oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed [reer Puntland] ee London, April 27, 2008, ayaa markale ku celiyey in shirkadaha uu heshiiska la galaay ay yihiin jirri.

26 XILDIBAAN

Garoowe: 22/3/08
Saxiixa Xildhibaannada

Warqadda C/laahi Yuusuf ku saxiixan yahay ma xusin in sharciga Batroolka Puntland uu muran weyn ka dhalliyey Baarlamaanka Puntland dhexdiisa, sharcigaas oo lagu ansixiyey nidaam ay 26 xildhibaan ku tilmaameen in uusan sharci ahayn, maadaama uu guddoomiyaha Baarlamaanka DGPL uu markii codayntii koowaad la isku mari waayey [21-21] uu durbadiiba cod dheeri ku ansixiyey - halka xeer hoosaadka Baarlamaaanka Puntland dhigayo in mar saddexaadka haddii la isku mari waayo uu guddoomiyuhu cod dheeri ah yeelanayo.

Sidoo kale warqadda col. Yuusuf ma sheegin in 9-kii April 2008 ay Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ansixiyeen in Soomaaliya loo sameeyo sharci batrool. Fadhigii shaarcigaas Batroolka DFKMG codka loogu qaaday waxaa ka soo qayb galay ilaa 143 xildhibaan: Waxaana codkii noqday 119 ogolaansho, 22 diidmo iyo 2 aamusnaan.

Markii baarlamaanka Baydhabo arrintaas u codeeyey waxaa Sheekh Aadan Madoobe laga soo xigtey in uu sheegay sababta keentay in la sameeyo sharciga Batroolka DFKMG in ay tahay sidii wax looga qaban lahaa heshiisyo uu ku sheegay in lala galay shirkado yar yar oo aan wax qaban karin.

Waxaa intaas dheer in qormada madaxweynaha DFKMG ay garab martay jiritaanka qoraalkii rasmiga ahaa ee lambarkiisu ahaa Min-Energy-Mining/E/2008.3/11 ee Maarso 20, 2008 uu soo saaray Eng. Kaanje oo ah wasiirka ay Dawladda Federaalka ee uu C/laahi Yuusuf hoggaamiyo u xil saartay arrimaha Batroolka.

DGPL waxay hore u sheegtay in wasiirka Tamarta iyo macdanta ee DFKMG (ee ka hor yimid heshiisyada Puntland la gashay shirkaha batroolka) in uu isagu iska hadlay oo aysan hadaladdiisa la ogeyn Madaxweyanaha iyo Ra'iisul wasaaraha  DFKMG.

Waxaa la arki doonaa jawaabta ay arrimahan soo cusboonaaday ka bixyaan guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo wasiirka Tamarta & macdanta ee DFKMG maadaama ganafka lagu dhuftay hadalladoodii iyo qorshihii xukuumadda iyo baarlamaanka DFKMG ee la xiriiray xeerka loo samaynayo Batroolka dawladda dhexe.

Dhanka kale warqadda C/laahi Yuusuf waxaa jallaafo ku ah in markii shirkadaha heshiiska la galay Puntland ay warqaddaas heleen (sida qormo ay soo saareen laga dheehanayo) ayey April 28, 2008 waxay go'aan sadeen in ay dib u dhigaann in batrool laga qodo ceelka koowaad ee Dooxada Nugaal.

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2008

BAARID | SEARCH


oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH