SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Caasho Axmed Cabdalla Oo Sheegtay In Madaxweyne Yuusuf Uu U Xuubsiibtay Nin Qabiil....

Xildhibaanad Caasha oo Eedayn Kulul u jeedisey Gen. Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla ayaa shaaca ka qaaday In Maamulka Puntland Uu Qarka U saaran yahay Bur bur islamarkaana ay ka dambeeyaan masuuliyiinta Ugu sarsareeya Puntland iyo Dowlada KMG ah iyadoo sheegtay inay isaga tagri falaan Hantida shacabka taasina ay Meel ka dhac ku tahay Ummadda reer Puntland .

asho ahmed abdalla caasho axmed Caasho Axmed Cabdalla oo Habeenkii May 25, 2008 ahaa saxaafada La Hadlaysay ayaa Xustay In maamulka Puntland Gaar ahaan cadde Muuse iyo c/laahi Yuusuf ay Bur Buriyeen Maamulkii Puntland islamrklaana ay shacabka Reer Puntland ku Tunteen oo ay sida ay dantoodu tahay ku saxiixaan qalinkooda iyadoo Tusaale usoo qaadatay Shirkado shidaalka sahamiya oo La sheegay inay lasoo heshiiyeen islamarkaana aysan raali ka Noqon doonin dadka deegaanka shidaalka la sheegay in laga Qodayo oo Reer Garoowe, Laascaanood iyo Kuwa sanaagba (oo Iminka Kamid ah maamulka Somaliland).

Sidoo Kale Xildhibaanad Caasho ayaa Cod Dheer ku Sheegtay In umadda Soomaaliyeed Uu Madaxwayne Cabdillaahi Yuusuf uusan Xaq u lahayn in uu Cadde Muuse u Saxiixo In uu Qoto Shidaal U gaar ah Islamarkaana Carabka Ku Adkaysay In sida Muuska Iyo Canbaha Loo Wada Leeyahay Shidaalkana Uu dhexeeyo Umadda Soomaaliyeed oo Dhan Gees Ilaa ka Gees.

"Puntland ma ahan Maamul Goboleed waxay ka mid tahay sida aan ognahay Jaatarka Dowladda FKMG Marka Marna yaysan Is Oran Kama Mid nihin Dowlada FKMG ee Waxaa nahay Maamul Goboleed Isu talino Marabno in aan noqono Kuwa Ilmahooda Cuna Waayo Aniguba Waxaan kasoo Jeedaa Puntland Laakin Kuma Raali Noqon Doono aniga Iyo Inta ila fekerka ahi In Wax Kasta In Layska Saxiixdo Hadii aan dalka U talino Waa Meel Ka dhac Umada Soomaaliyeed Waa In Si Cadaalad ah Loogu Saqeeyaa Hadii kale aan Lays Ceebayn "" ayay Tiri Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla

Dhinaca kale Caasho Axmed cabdalla ayaa dowlada KMG ah gaar ahaan madaxweyne Yuusuf Ku Tilmaantay Mid U Xuubsiibtay Qabiil islamrkaana Tilmaantay inay ahayd in dowladu si Dhex dhexaad ah Ku maamusho Arimaha batroolka.

Hadalka Xildhibaanad Caasho ayaa kusoo Beegmaya Xili la sheegay In Maamulka Puntland uu Lasoo Heshiiyey Shirkado La sheegay Inay Batrool sahaminayaan Deegaano la sheegay Inay Kamid yihiin maamul Goboleedka Puntland.

Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008
 

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS