SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo is Casiley

Gen. Cadde Muuse oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland

Idaacada 3CR ee Australia oo Waraysi la Yeelatay Wasiirka Macdanta & Tamarta DGPL

  • "Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, sababtoo ah ninka loo magacaabay Cadullaahi Siciid nina shaqadiisa uma ogola, waxyaalaha aan isu casiley ayey ka mid tahay... anigu waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin." C/Casiis Siciid gacamay...

SomaliTalk.com | Boosaaso | May 27, 2008


Taliyihii Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Puntland, Sareeye-guuto Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Gacamay),ayaa shir saxaafadeed uu kuqabtay magaalada Garoowe waxa uu ku sheegay in uu is casiley. Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli uu magaalada Boosaaso wareegto ka soo saaray madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse uu xilka kaga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska, waxana uu ku eedeeyey in "uu gudan waayey waajidaadkii Qaran ee loo idmaday". Isla wareegtadaas waxaa lagu magacaabay taliye cusub ee Booliska oo ah S/Guuto Gaani Maxamed Xaaji Cabdi.

Wasiirka Warfaafinta DGPL, C/raxmaan Maxamed Saalax (Bankax) oo u waramay idaacad maxalli ah ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka lagu casiley wareegto uu soo saaray Gen. Cadde Muuse iyo in taliyaha cusub uu isla (May 27, 2008) xilkii la wareegey. Bankax markii la weydiiyey in Taliyuhii hore uu shir jaraa'id qabtay oo is casiley, waxa uu C/Raxmaan bankax ku jawaabey: "Anaga meel uu isku casiley nama soo gaarin. Laga yaabee markii uu ogaadey in uu yiraahdo waa is casiley".

cabdicasiis siciid gacamayLaakiin Cabdicasiis Siciid Gacamay oo ayaa shirka Jaraa'id ee Garoowe isagoo ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaan rabaa in aan ummada oo dhan u sheego maanta oo Taariikhdu tahay 27-kii bishii 5aad (May 27, 2008), aniga oo ah sareeye-Guuto Cabdicasiis Saciid Gacamay in aan tanaasul ka dhiibey shaqadii aan u hayey booliska iyo ummadda reer Puntland oo ahayd Taliyaha Ciidanka Booliska, waxaana rajaynayaa madaxda dawladu in ay istiqaaladaas iga aqbasho haddii Allah idmo."

Sababta is casilaadda waxa uu ku sheegay inay la xiriirto mushahar la'aan ciidamada Booliska muddo 9-bilood ah. Arrintaas isaga oo ka hadlayey S/Guuto C/Casiis waxa uu yiri: "Sababta kalliftay (is casilaada) haddaan idiin raaciyo waxay tahay dhibaato soo food saartay xagga ciidanka booliska oo ah ciidanka Boolisku muddo sagaal bilood dhan in aanay wax mushaharo ah qaadan, waxaa igu adkaatay ciidan aan 9-bilood mushahar qaadan sababtii aan taliye ugu noqon lahaa oo aan u hoggaamin lahaa, anigoo muddo ciidanka ku hayey dhibtaas oo had iyo jeer u caqli celinayey oo maslaxayey oo lahaa insha Allahu waa imaaneysaa ee iska suga ayey arrintii waxba isa soo tari weydey, oo mushaharooyinkii la heli waayey."

Waxana uu intaas ku daray in arrinta mushahar la'aanta keentay aysan ahayn dhaqaale la'aan, balse ay ku timi mas'uuliyad darro, isagoo arrintaas faaffaahinayeyna S/Guuto C/Casiis Saciid Gacamay waxa uu yiri: "Waxaan rabaa saxaafadda inaan ka sheego sababta keentay mushaharo la'aanta in aanan garawsanayn anigu, waayo dhaqaalaha ciidanka Booliska ayaa soo saara dakhliga soo gala iyo inta uu dhan yahayna waa ogahay oo subax kasta war-subaxeedka la ii keenu ayuu ka mid yahay maalin kasta dakhliga soo gasha, waxaan aaminsanahay mushaharkaas la'aantiisa in ay ku timid masuuliyad darro awgeed ee aysan ku iman dhaqaale la waayey."

Wasiirka Warfaafinta DGPL, C/raxmaan Bankax, ayaa la weydiiyey Xukuumadu ma waxay bixin weydyey ciidama mushahar kooda, waayo Taliyhu Boolisku sababta uu isku casiley waxa uu ku sheegay in ciidanka Booliska oo aan mushahar lasiin. Waxa uu markaas Bankax qiray in mushahar la'aanta baahsan, waxan uu yiri: "Ciidanka keliya ma aha ee Musharaku waxa uu ka maqan yahay Dawladda oo dhan, wasaarado badan, dawladuna waxay u fadhidaa sidii arrintaas loo xallin lahaa, haddii dhaqaale loo hayo baaritaan ayaa socda, baaritaankaasi marka uu dhammaadona gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa. Laakiin arrin booliska u gaar ahma aha lacag la'aantu, waa arrin guud, wax kastana ha anoqotee waa arrin la saxaayo"

Taliyaha is casiley (ama sida Gen. Cadde iyo Bankax sheegeen xilka laga qaaday) waxa intaas raaciyey: "Nin askari ah oo aadan mushaharkiisii u heli karin sabab aan anigu ku xakumi karaa ma jirto. Nidaam ayaa jira sharciga Booliska ka yaal oo ah 'Qofku marka uu waxa uu xaq u leeyahay helo ayaa waxa xaq loogu leeyahay laga gutaa'. Haddii askari aan doonayo in aan amar siiyo oo shaqo u diro haddii uu subaxdii yiraahdo anigu reerkayga ayaan dhagax u soo jabsanayaa anigu ma oran karo maxaad u soo jabsaneysaa waayo sagaal bilood ayaan mushahar la siin. Sababta is casilaadayda keentay waa intaa."

Hadalkii S/Guuto C/casiis Saciid Gacamay


Si aad wax badan uga ogaatid waxa uu ku salaysan yahay khilaafka Taliyahii Hore ee Booliska iyo Wasiirka Amiga DGPL... Akhri Qormadii Jan 26, 2008

"Dhibka Waddanka ka jiraa waa wasaaradda Aminiga" Taliyhii Hore ee Booliska PL

S/Guuto C/casiis Saciid Gacamay waraysi uu May 27, 2008 siiyey Idaacada British Broadcasting Corporation waxa uu ku sheegay in dhibaatada ka jirta dalka ay tahay Wasaarada Amig DGPL oo ee wasiirka ka yahay S/Guuto Cabdullaahi Saciid.

Isagoo arrintaas ka hadlayey Taliyha iscasiley waxa uu yiri: "Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, sababtoo ah ninka loo magacaabay Cadullaahi Siciid nina shaqadiisa uma ogola, waxyaalaha aan isu casiley ayey ka mid tahay, haddii C/laahi Siciid uu wax wanaagsan samaynayo haddee maanta isagaa wasiir ah, laakiin anigu waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin."

Axmed Kismaayo ayaa markaas weydiiyey "C/laahi Saciid iyo adigu maxaad isku qabateen intii aad wada shaqayneyseen". Waxa uu markaas S/Guuto C/casiis Gacamay ku jawaabey: "Waxaan isku qabanay dhawaan in magaalada Boosaaso xabbado laga ridey waa ogeyd, shacbi meel iska maraya in la xabadeeyey waa ogeyd, dad madaxweynuhu cafiyey ayuu qabsaday oo yiri lama cafin karo, waddanka sidaas laguma dhawo ee sidaas ha hay markaan irina waa isku af garan weyney."

Waraysigii Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting Corporation uu la yeeshay S/Guuto C/casiis Gacamay:

Carmo Police Academy....

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska DGPL ee uu magacaabay Gen. Cadde Muuse waxa ahaa Madaxii Akadeemiyada Carmo [Police Academy] oo ah xarun lagu tababaro ciidanka Booliska oo 100km Koonfur ka xigta Boosaaso, halkaas oo dufcadii ugu horeysey ee ciidan ah tababar loogu xiray December 2005.

Xarunta tababarka Booliska ee Carmo waxay taageero ka heshaa Hay'adda Qaramada Midoobey ee UNDP, sida ku cad shabakada hay'adda UNDP.

Xilligii ay socotey sidii ciidan khaas ah loogu samayn lahaa shidkadaha sahaminta ee heshiiska la galay Puntland, waxaa xaruntaas Booliska [Carmo] booqday xubno ka tirsan shirkadahaas oo ay ka mid ahaayeen labada nin ee asalkoodu ka soo jeedo Lubnaan ee Leo Khouri iyo Joseph Obeid.


(bidix) Leo Khouri , (midig) Joseph Obeid | Sawirka: janola_crest

Gen. Cadde Muuse oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland

Waxana uu Taliye Cusub u Magacaabay S/Guuto Gaani Maxamed Xaaji Cabdi.


SomaliTalk.com | Boosaaso | May 27, 2008


Gacamay

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa wareegto uu Boosaaso ka saaray May 27, 2008 waxa uu xilkii kaga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Sareeye-guuto Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Gacamay). Sababta xilka uu uga qaadayna waxa uu ku sheegay in ay tahay "ka dib markii uu gudan waayey waajidaadkii Qaran ee loo idmaday". Waxaana uu isla wareegtadaas ku magacaabay taliye cusub ee Booliska oo ah S/Guuto Gaani Maxamed Xaaji Cabdi.

Xeerka madaxweyne ee Gen. Cadde Muuse uu xilka kaga qaaday taliyaha Booliska Puntland, kuna magacaabay taliye cusub, waxa uu qornaa sidan:

________*

Xeer Madaxweyne Lr:64,May 27, 2008, ku saabsan magaabid Taliyaha Ciidanka Booliska pl iyo xil ka qaadid Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska PL

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaarada Amniga iyo DDR.

Markuu tixgeliyey: Sugida Amniga iyo baahida Madax waayo aragnimo sare u leh hawlaha Nabadgelyada.

Wuxuu Xeeriyey:

1-Waxaa S/Guuto Gaani Maxamed Xaaji Cabdi loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2- waxaa xilkii Taliyaha Ciidanka Booliska laga qaaday S/guuto C/casiis Siciid Gacamay, ka dib markii uu gudan waayey waajidaadkii Qaran ee loo idmaday

3-Xeerkan ayaa waxaa ku saxeexnaa

Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland

* Sidaas waxaa faafiyey xafiiska Gen. Cadde Muuse.
________

Idaacada 3CR ee Australia oo Waraysi la Yeelatay Xasan Aloore

Idaacadda jaaliyadaha ee Australia ee 3CR ayaa waraysi Jimce May 23, 2008 waxay la yeelatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) oo joogey Boosaaso. Waxaana dadweyne soo wacay ay wax ka weydiiyeen arrimo la xiriira ammaanka Puntland, sababta ay marka hore u bilaabi waayeen ceelka Dooxada Nugaal oo xog hore laga hayo oo ay ugu leexdeen sahaminta dooxada Dharoor iyo inay ka fekereen raadka ay degaanka ku reebi karaan shirkadaha sahamintu.

Waraysigaas oo uu Qaaday CabdiCasiis Saciid Xirsi [Abdi Aziz Hersi]:


http://www.3cr.org.au/
| Booqo Shabakada Jaaliyadaha Australia

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2008


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Qarax kale oo ka dhacay Bosaso Habeenkii Talaadada
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland

Isha/Sawirada:  janola_crest, 3cr.org.au , google images, yahoo news
 

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS