Lacag dhan $3 million ilaa $7 million
oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL

Saxiixii Heshiiskii Canmex u ogolaanayey
80% baaritaanka khayraadka Puntland.
(Sawirka: CCNMatthews - Jan. 23,
2007)
Akhri halkan
|
- Shirkadda Range Resources oo
Sheegtay inay Raadineyso macdanta Yuraaniyamka ee loo adeegsado
Nukliyeerka
Tarjumadii iyo faalladii: SomaliTalk.com | January 29, 2007
Jariidadda
Sydney Morning Herald ee ka soo baxda dalka Australia
ayaa maanta (Isniin Janaayo 29, 2007) waxay shaaca ka qaaday in
Shirkadda Range Resources la siinayo lacag aan hore
loo shaacin oo ah baqshiish (بقشيش) (bonus) la xiriirta saxiixii heshiiska
shirkadda Canmex u ogolaaneyey in ay batrool iyo gaas ka baari
karto Puntland Soomaaliya.
Lacagtaas oo markii hore
qarsoodi ahayd ee baqshiishka loo siinayo Range waxay jariidaddu
ku sheegtay inay dhan tahay inta u dhexeysa $US3 million ilaa
$US7 million.
Waxaa warku intaas ku daray in:
Agaasimaha Range Resources, Peter Landau, oo toddobaadkii hore
booqday Puntland, in uu sheegay inuu lacagtaas qayb ka mid ah la
qaybsanayaan Dawlad Goboleedka Puntland.
Agaasimaha
Range waxa uu sheegay in dhawr toddobaad gudahood uu lacagtaas
ka heli doono shirkadda Canmex ee saamiyada ku leh suuqa
ganacsiga ee Toronto (TSX). Heshiiska lakala saxiixday waxa uu
dhigayaa in muddo lix sannadood ah ay shirkadda Canmex ku
maal-gelin doonto $US50 million baaritaanka batroolka iyo
gaaska meeshii ay Range heshiiska kaga haysatey Puntland,
bedel keedana Canmex waxaa la siinayaa boqolkiiba 80% saamiga
mashruucaas.
- [Halkaas waxaa mar kale lagu caddeeyey muddo lix
sanadood in shirkadda cusub ay Puntland u qoondayneyso in ay ku
kharash-garayso $50 million oo doolar oo keliya. Taas waxaad
barbar dhigtaa shirkadaha batroolka ka baaraya xeebta Lamu,
Kenya kuwaas oo muddo 45 cisho ah ku kharash-gareeyey lacag
gaareysa $100 million oo doolar. - Waxaa warkan kaaga soo bixi
doona in shirkadda cusub ay raadineyso macdanta Yuraaniyumka,
taas oo lagu sheegay Koonfurta Soomaaliya.]
Jariidadda Herald waxay tiri: Range
waxay haysataa xuquuqda macdan qodista iyo xuquuqda batroolka
lagaga baarayo badda, oo qayb ka ahayd heshiiskii 2005,
taas oo shirkaddaas siineysa xuquuqda gaarka ah ee baaritaanka
gebi ahaanba Puntland.
- [Arrinta ku saabsan
batroolka badda Puntland waa mid ku cusub
wararka waayo markii hore DGPL si rasmi ah shaaca ugama qaadin in baaritaanku
uu ku jiro badda. Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Range ee lagu
sheegay in heshiis ay kala saxiixdeen Puntland, Range iyo
Canmex, waxaa lagu xusay in heshiiskaasi yahay dhulka loo
yaqaan Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor oo lix sano la
baari doono, laakiin laguma xusin badda Puntland - Sawirka
dhanka midig waa kii ay soo bandhigtay Range -
Jan 23, 2007.
- Dhanka kale DGPL waxay sheegtay in ay hore uga
noqotay heshiiskii dhigayey in Range ay leedahay xuquuqda macdan
qorista Puntland oo dhan, laakiin sida muuqata shirkaddaasi weli
waxay ku adkaysaneysaa in ay haysato gebi ahaan xuquuqda macdan
qodista Puntland, iyo weliba badda Puntland - waxaa la is
weydiin karaa: Ma DGPL ayaa saxsan mase shirkadda
ajnebiga ah ee sheegaynsa hadalka ka duwan kii ay dawladdu
shaacisay. Jawaabta arrimahaas waxaa laga sugayaa DGPL in ay
u cadayso shacabka.]
Sydney Morning Herald oo
warkeeda sii wadata waxay tiri: Agaasimaha Range, Mr Landau,
waxa uu sheegay lacagta baqshiishka u ahayd saxiixii heshiiska
wax soosaar wadaagga sababta looga dhigay sir qarsoon waxay ahayd
in lacagta xadigeega aaan weli la dhamaystirin (ama la isla meel
dhigin.)
Horraantii toddobaadkaan,
madaxweynaha shirkadda Canmex, Rick Schmitt, waxa uu Herald
u sheegay "in uusan rabin in uu haba yaraatee sheego heshiiska
dhaqaale ahaan ee dhex maray", in kasta oo uu sheegay in lacagta (fee)
ay tahay mid u dhexeysa Range iyo shirkaddiisa Canmex, taas oo
suuqa ganacsiga qiime ahaan ka joogta $C60 million.
Canmex waxay bishii September 2006
haysatey $C3.5 million oo lacag caddaan ah iyo $C3.3 million oo ah kayd
ahaan, ayey tiri Herald oo intaas ku dartay: Mr Schmitt waxa uu sheegay in uu ku qanacsan
yahay in uu heli doono lacagta $US50 million ee loo baahan yahay in lagu
kharashgareeyo barnaamijka (lagu baarayo khayraadka Puntland muddo lix
sano ah). Waxana uu
sheegay in uu taageero ka haysto in Canmex saamiyadeeda boqolkiiba 13.6%
ay leedahay shirkadda Abalone Capital, taas oo kusii xiriirsan shirkadda
kale ee reer Sweden ee Lundin Petroleum. Shirkadda Lundin oo qiime ahaan
suuqa saami ahaan ka joogta $4.2 billon, kuna jirta liiska shirkadaha ka diiwaan-gashan suuqa ganacsiga ee Stockholm.
Xilligii midab takoorkii
Koonfur Afrika (Apartheid), dalka Soomaaliya waxa uu ka mid aha dalalkii
dhaqaale ahaan cunqabataynta u saaray xukuumadii midab takoorka,
sida uu 1962 ka mahad celiyey Mandela oo ka hadlayey shir weyne
lagu qabtay Addis Ababa, waxana uu yiri:
"Waxaan si khaas ah oo niyad wanaag ah u
xusayaa afarta dal ee xorta ah ee Afrika ee qaybta ka ah
shirweynahan, kuwaas oo ah Soomaaliya, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika, oo xoogga saaraya cunaqabataynta siyaasdeed iyo dhaqaale ee saaran
Koonfur Afrika." Nelson
Rolihlahla MANDELA, January 1962.
|
Mr.
Landau waxa uu xusay muhiimada ay leedahay khibradda shirkadda Lundin oo
baaritaan ka samaysa "Dalalka qallafsan" sida Ciraaq, Suudaan,
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo iyo Koonfur Afrika xilligii xukunkii
gumesigii midabtakoorka ahaa (Apartheid) ayaa fure u ah la dhaqanka
Canmex, waa sida warku u dhigay'e.
Laakiin, ayey tiri jariidada Herald,
shirkadda Range ma aysan xusin xiriirka u dhexeeya Canmex iyo Lundin.
Xiriirkaas marna shirkadda Range kuma xusin warsaxaafadeedyadii ay u
direysey suuqa ganacsiga ee Australia. Arrintaas agaasimaha Range, Mr Landau, waxa uu ka yiri "u malayn meyno in aarrintaasi ay tahay mid
wax khusayn ah leh," waxana uu intaas raaciyey "Annaga waxaa muhiimad noo
ah xiriirka aan la leenahay Canmex."
- [Shirkadda "Lundin
Petroleum" ee reer Sweden, laakiin xarunteedu tahay dalka Holland,
waxay 7dii November 2006 xukuumadda Ethiopia heshiis kula gashay in ay
shidaal ka baarto qaybo ka mid ah dhulka ay Ethiopia gumeysiga kaga
haysato Soomaalida, gaar ahaan labada aag ee loo yaqaan 'Blocks 2 & 6'. Waa dhulka loo yaqaan
Calub iyo Hilala oo 1,200 km koonfur-bari ka xiga magaalada Addis-ababa.
Waxaa markaas shirkaddaas digniin u jeedisey jabhadda ONLF, ugana
digtey in ay dhulkaas shidaal ka baarto.]
Agaasimaha Range
Resources waxa uu yiri qaar ka
mid ah maalgashadayaasha waxaa dhici karta in xiriirka u dhexeeya
Lundin-Canmex ay ka war heleen ka dib markii sannadkii hore qoraal lagu
qoray website-ka lacagata lagu akhristo ee Africa Intelligence.
Range waxay qorsheyneysaa in labada ama
saddexda bilood ee soo socda gudahood ay iska diiwaan geliso suuqa
maalgashiga ee London, UK (AIM = Alternative Investment Market). Halkaas oo la qorshaynayo in laga helo
lacag dhan $US20 million, taas oo Mr Landau uu sheegay in lagu bixinayo
lacagtii lagu iibsadey shirkaddii hore jaalka ula ahayd ee
Consort
Private iyo weliba in mustqabalka baaritaan lagu sameeyo macdanta iyo
batroolka badda Puntland.
- [Halkaas weeye meesha ay reer
Puntland su'aalaha iska weydiinayaan in shirkadda CONSORT LTD ay
saami ku leeyihiin madaxda sare ee DGPL, sidaas daraadeed haddii
lacagtaas la siiyo shirkadda Consort , lacagtaas ma shacabka reer
Puntland, mase dadka saamiyada ku leh oo la sheegay in ay yihiin
madaxda sare ee dawladda.]
Jariidada Herald oo warkeeda sii
wadata waxay qortay: Gobolka (Puntland) waxaa lagu
xaqiijiyey macdanaha loo yaqaan Lead iyo Zinc, laakiin Mr Landau
waxa uu yiri Range waxa kale oo ay radineysaa macdanta loo yaqaan
Yuraaniyamka (uranium), taas oo, ayey tiri Herald, ilaa hadda laga helay
Koonfurta Soomaaliya ee dagaalku halakeeyey.
- [Uranium waa macdan dunida aad
qaali ugu ah, waxaana loo istcimaalaa aalada lagu qarxiyo
qumbulatu-duriyada ama hubka Nukliyeerka.]
Jariidada Sydney Morning Herald waxay warkeeda ku soo xirtay: In kasta oo la saxiixay heshiis wax
soosaar wadaag aad u ballaaran, hadana saamiyada shirkada Range
Resources markii heshiiskaas lagu dhawaaqay waxay hoos u dheceen
0.1c (centi), taas oo ka dhigtay
saamiyadeeda suuqa ganacsiga Australia in ay maalintii Khamiistii
noqdeen 3.2c
(3.2 centi), waxana markii suuqa la xiray ay noqdeen 3.4c
waxaana mugga saamiyadeeda suuqu ahaa 26 million oo saami.
Waxaa halkaas ka soo baxay:
-
In shirkaddii uu Terry asaasay ee CONSORT LTD ee ka diiwaan
gashan Maldives, ee la sheegay in ay saami ku leeyihiin madax sare
oo ka tirsan DGPL, ee heshay saxiixa madaxweynaha DGPL ee ah in ay
shirkaddaasi xuquuq u leedahay gebi ahaan baaritaanka khayraadka
dabiiciga ah ee Dhulka Puntland. Shirkaddaasi maadaama aysan wax
miisaaniya ah lahayn waxay saxiixii uu suuq geysey Australia oo uu
Terry asal ahaan ka yimid intii uusan Puntland u iman hay'adda
carruurta xanaanaysa ee KIDS IN NEED. Waxaa markaas saamiyadii laga
iibiyey shirkadda Range Resources, taas oo qudheedu aan awood u
lahayn in ay shidaal ka barto dhul aad u ballaaran ee Puntland.
Waxayna shirkaddaasi isku dayday in ay saxiixaas kusoo wareegey sii
suuq geyso. Dhawr shirkadood ayaa daneeyey heshiiskaas. Ugu
dambayntii waxay heshay shirkadda CANMEX ee reer Sweden, balse ka
diiwaan gashan Canada, laakiin loo asaasay in ay ka hawl gasho
Mexico. Shirkadda Canmex waxaa lagula heshiiyey in 80% saamiga
baaritaanka dhulka Puntland ay yeelato, 20% uu u soo haro Range
Resources. Waxaa hadda cad in CANMEX oo bixineysa lacagta
baqshiishka ah ay kusii lifaaqan tahay shirkadda Abalone Capital
ltd, taas oo ayadana ay kusii lifaaqan tahay shirkadda Lundin.
- Waxa kale oo qoraalka Herald
laga dhadhansanayaa in shirkadda Range waxa ay danayneysaa ay yihiin
macdanta, gaar ahaan macdanta Yuraaniyamka ee Nukliyeerka loo
adeegsado.
- Waxa kale oo soo shaac baxay in
shirkaddaasi ay danayneyso badda Puntland, taas oo aan hore loo
shaacin.
Gabagabo:
Puntland ma laha barlaman madax bannaan
oo dawlada su'aalo weydiin kara, sidoo kale Puntland ma laha hay'ad
garsoor oo ka madax bannaan xukuumada iyo baarlamaanka, sidaas daraadeed
ayaan Puntland u lahayn cid la xisaabtanta Dawladda.
Qoraalkii: Herlad:
EEG HALKAN....
Tixraac:
Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 29,
2007


|