SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

Range waxay shaaca ka qaaday in lacagta bangiga u taal ay tahay US$3.57 million oo keliya.

  • Tarjumadii & Faalladii: SomaliTalk.com | Isha: ASX | Feb 1, 2007
range garowe garoowe
Sept 9, 2006: Kulankii uu wasiirka maaliyadu odayaasha Garoonka Garoowe ku guddoonsiinayey $95,000 taas oo la sheegay in ay tahay lacag ka timid Range| Sawirka: PP

range garowe
Sept 9, 2006:
Lacagtii $95,000 ee wasiirka maaliyadu miiska u saaray guddiga garoonka Garoowe: Sawirka: PP

Shirkadda Range Resources ee in dhoweyd macdanta ka baareysey Puntland warbixin ay soo saartay Arbacadii (Jan 31, 2007) waxay shaaca kaga qaaday in ay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ay sannadkii 2006 siisay lacag dhan $313,000 doolarka Maraykanka (USD), [oo u dhiganta 405,000 Australian Doolar]. Shirkaddu waxay arrintaas ku cadaysay warbixin ay u dirtay suuqa Ganacsiga Australia (ASX), warbixintaas oo ahayd miisaaniyad xirkii ee saddexda bilood: October - December, 2006.

Lacagtaasi (US$313,000) waxay aad uga badan tahay lacagtii cadadkeedu ahaa $95,000 USD ee September 9, 2006 uu Wasiirka Maaliyadda DGPL isagoo joogey xafiiskiisa Garoowe ku guddoonsiiyaya odayaasha iyo masuuliyiinta garoonka Garoowe, taas oo markaas lagu sheegay in ay ka timid Range Resources. Lama sheegin lacag kale oo gaartey garoonka Garoowe.

Waxgarad Soomaaliyeed oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin ayaa markii uu arkay qoraalka ay soo bandhigtay Range Resources waxa uu yiri: "Faraqa u dhexeeya labadaas lacagood (US$313,000 iyo US$95,000) waxa uu ku dhici karaa laba arrimood midkood: (1). In shirkaddu ay xisaab xirkeeda been ka sheegtay si ay suuqa ganacsiga u khaladdo, ayadoo adeegsaneysa nidaamka loo yaqaan 'Cook the Books' oo ah in si xeeladi ku jirto loo sameeyo xisaab xirka. (2). ama waa in shirkaddu ay lacagtaas u dhiibtey DGPL, oo markaas dawlad goboleedku aysan lacagtii oo dhan garoonka ku wareejin". Cadaynta arrimhaas waxaa laga sugayaa DGPL.

Range Resources waxa kale oo ay warbixinteeda shaaca ka qaaday in saddexdii bilood ee ugu dambeeyey Oct-Dec 2006 ay siisay Puntland lacag dhan $606,000 USD. Waxayna shirkaddu intaas raacisay in sannadkii 2006 ay dawlad Goboleedka Puntland siisay lacag dhan $1.03 million USD (taas ka baxsan lacagta garoonka ee kor ku xusan).  Waxayna shirkaddu lacagtaas ku sheegtay in ay ku bixisay helitaanka xuquuqda macdanta/shidaalka Puntland.

Waxa kale oo shirkadda Range ay warbixinteeda ku sheegtay in lacagta caddaanka ah ee bangiga shirkaddaas u taal ay tahay $3.57 million USD oo keliya - [oo u dhiganta 4,616,000 Australian Doolar].

Waxa shirkaddu intaas ku dartay in lacagta ay qiyaas ahaan saddexda bilood ee soo socda ku maalgelin doonto baaritaanka (macdanta/shidaalka) in ay aad uga yar tahay intii ay ku kharash-garayshay saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Lacagta ay shirkaddu ku maalgelineyso baaritaanka iyo qiimaynta ee saddexda bilood (Jan-Mar 2007) waa $309,000 USD, halka saddexdii bilood ee la soo dhaafay (Oct-Dec 2006) ay sheegtay in baaritaanka iyo qiimaynta ku kharash-garaysay $891,000 USD. (Waxaa xusid mudan in Range Resources ay macdanta Yuraaniyumka baarto bariga dalka Peru. Sidaas daraadeed ma cada lacagta ay maalgelinta ugu talo gashay halka ay ku bixin doonto.)

Waxayna Range Resources intaas ku dartay in lacagta ay ku bixisay xagga maamulidda (administration) ay tahay $978,000 USD (Oct-Dec 2006), taas oo sida muuqata ka badan lacagta ay ku bixisay baaritaanka macdanta/shidaalka.

Dhanka kale, Range waxa kale oo ay shaaca ka qaaday in ay saddexdii bilood ee Oct-Dec 2006 ay awoodey in ay ilo ka tirsan Dawladda (Puntland) ay ka heshay dukumiinti ku saabsan baaritaan hore loogu sameeyey Puntland ilaa laga soo gaarayey June 1990. Dukumiintigaas oo ay ku jirto xogta baaritaanka nooca 'seismic' ee baaritaan hore loo sameeyey. Lakiin shirkaddu ma cadayn sharci ahaanta xogtaas maadaama ay macluumaadkaas ururiyeen shirkado kale oo heshiis la galay Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya. Range ma sheegin xogtaasi in ay tahay tii shirkadda Conoco, Garoowe. Keliya waxa ay sheegtay in xogtaasi ay muujineyso jiritaanka batrool badan iyo dhagaxaan dabeecad ahaan u muuqda nooca kaydiya batroolka. Xogta ay sheegtay Range in ay ka heshay dawladda waxay intaas ku dartay muujinta hydrocarbon (ama calaamadaha shidaal) badan oo ku jirto dooxada Nugaal iyo Dharoor.

Baarlamaanka Puntland oo isku tahniyadeeyey kadib ansixinta heshiiskan... Akhri

Waxa kale oo warbixinta Range Resources ay shaaca ka qaaday in shirkaddaasi ay Puntland in badan oo ka mid ah ay ka wado macdan baaris, xarunta arrintaas laga hagona ay tahay magaalada Boosaaso. Arrintaas oo shaaca ka qaaday warar in dhoweyd la isla dhex marayey oo sheegayey in shirkadda Range ay dad u dirto meelo ka mid ah Puntland kaddib halkaas ay ka soo ururiyaan dhagxaan, isla markaana la keeno Boosaaso, kaddibna halkaas lagu kala shaandheeyo oo qayb dhagxaantaas ama macdantaas ah loo qaado dalka dibadiisa, dib damben aan loo ogaan nooca dhagxaanta la qaaday ay ahaayeen iyo meel ay ku dambeeyeen.

Warbixinta Range Resources waxa kale oo ay xustay baarlamaanka DGPL in uu December 23, 2006 isku raacay ansixinta heshiiska wax soosaar wadaagga ee dhexmaray DGPL, Range iyo Canmex. Heshiiskaas oo Canmex u ogolaanaya boqolkiiba 80% xuquuqda macdan/shidaal baarista Puntland, gaar ahaan dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor. Waxaana heshiiskaasi dhigayaa in muddo lix sanadood ah ay Canmex baaritaan ka samayso Puntland, waxaana lixdaas sano loo qoondeeyey in ay baaritaankaas ku baxdo US$50 million oo keliya - Waxaa la xusuustaa in Kenya hal ceel oo ku yaal aagga badda magaalada Lamu ay shirkadihii batroolka ka baarayey muddo 45 cisho ah ku kharash-gareeyeen US$100 million.

Arrimahaas awgeed, Qaar ka mid ah dadweynaha Puntland waxay is weydiinayaan: Maamulka Puntland ma waxa uu damacsan yahay inta uu soo rogo xukun degdeg ah ama Martial Law in uu markaas watiga kororsado muddo lix sannadood ah. Su'aashaas waxaa loo cuskanayaa in ay ka dhalatay laba arrimood ah: (1) In shirkadda cusub ee Canmex ay sheegtay in muddo lix sannadood ah ay baaritaan macdaneed/shidaal ka samayneyso Puntland. (2) in aan shirkaddaasi wax dammaanad ah ka haysan Dawlad Dhexe ee Soomaaliyeed maadaama aysan dalka Soomaaliya ka jirin xeer guud oo macdaneed/shidaal.

Warbxintii Range Resources ee Janaayo 31, 2007... Ka Akhri Halkan... [pdf]

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD