MADAXWEYNAHA INTERPOL, AHNA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA OO SHAQADA LAGA
FARIISIIYEY SI KMG AH , DACWADNA LAGU SOO OOGEY.
JACKIE SELEBI, WAA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA, IYO MADAXWEYNAHA
POLICE-KA ADDUUNKA INTERPOL, JAN 12, 2008 AYAA SI KUMEELGAAR AH SHAQADII
K/AFRIKA LOOGA FARIISIIYEY, IYADOO MAALMO GUDAHOOD EEY MAXKAMADI KU
BILAABANAYSO. KIISKA Selebi WAA MID LEH XASAASIYAD SIYAASADEED.
-
Mbeki kabo kooyo ah ma kuu iibshay??
-
Selebi saaxiibkiis waa kuma, maxaana lagu heystaa???
-
Kiiska Selebi iyo siyaasada maxaa kala khuseeya???
Sida uu maanta (Jan 12, 2008) ka sheegey shir jaraa'id oo
lagu qabtey madaxtooyada K/Afrika, madaxweynaha dalkaasi Thabo Mbeki,
taliyaha police-ka Jackie Selebi ayaa si kumeel gaar ah xilkii looga
qaadey (fasax dheer=extended leave), isla markaasna booskiisa la geeyey nin si
kumeel gaar ah u haaya jagadaasi (Timothy Charles Williams).
Mbeki oo daqiiqado kooban la hadlayay darsino saxafiyiin ah oo
si hantaag ah iyo halhaleel ah afkiisa warka oga koobinayay, ayaa sheegey in
Selebi uu isagu qudhiisa sidaasi ka codsaday in fasax la siiyo, si buu yiri
dacwadeyntiisa eeysan hagardaamo ugu noqon shaqada ciidamada amaanka dalka,
islamarkaasna eeysan magac xumo ugu soo jiidin xoogaga police-ka. Mbeki oo aad
afkiisa oga dhowrayay hadal qadaf ah oo si kale eey saxaafadu u fasirato, ayaa 4
su’aal oo kaliya ogolaadey in uu ka jawaabo, 4tii wariye ee fursada u heshay in
eey su’aalaha weydiiyaan ayaanan waqti badan kaga lumin in eey afka ku
balbalaariyaan weydiimaha baddaha harqinaya (tiradooda kaliya). kuwooda ugu
xasaasi-san ee sanooyinkanba saxaafada dalkani bogaga hore eey kusoo
daabacaysay, su’aalaha la weeydiiyey ayaa waxaa ugu xiiso badnaa mid quseysay
isla Mbeki, oo aheyd “MUDANE WAXAA LA SHEEGEY IN NINKA MAFIYADA AH EE XUKUMAN EE
Selebi LAGU HEYSTO IN UU XARIIR LA LEEYAHAY UU ADIGA KUU GADAY KABO KOOYO
AH, MA JIRTAA ARRINTAASI???”. Markii su’aasha eey wariyaha afkiisa kasii
dhamaanaysay ayaa hoolkii oo dhan qosol jaanta la rogey, oo xitaa Mbeki ayaa
qosley, wuxuuna ku jawaabay "ANIGA MA GARANAYO HALKA AGLIOTI UU KABO IIGU GADAY,
IYO HALKA AAN KU KULANAY, MALAHA ADIGAA XOG KA HAAYA".
Arrintani kabaha kooyada ku saabsan ayaa waxay ku jirtey qoraalo
uu maxkamad usoo gudbiyey ninka cadaanka ah, ee lagu heley dambiga ah in uu
daroogada (maandooriyaha) ka ganacsado, ee lagu magacaabo Glen Aglioti ee iminka
Selebi lagu heysto in eey saaxiibo ahaayeen, TV-ga E-TV ayaa baahiyey muuqaalo
muujinaya Mbeki oo soo dhaweynaya madaxweynaha dalka Congo Kabila oo xirran kabo
aad ugu eg nooca kabaha [Leather Shoes oo maqaarka laga sameeyo] uu
Agliotti sheegay in saaxiibkiis Selebi uu isaga ugu iibiyey saaxiibkiisa
kale ee Mbeki.
Selebi ayaa wajahaya maxkamadayn, balse isaga oo jeebeysan ma imanayo
maxkamadda, ee waa la war galinayaa oo kaliya, waa mushaari oo waa nin shaqo
fasax ciidan ku jira illaa maxkamaddu eey dambi ku heleyso. Dacwada lagu heysto
ayaa ah in uu ku lug leeyahay kooxo burcad ah oo abaabulan oo mafia aduunka oo
dhan ka shaqaysa, musuq wax is daba marin iyo difaaca dhamaadka ama gunaanadka
sharciga oo la fulinaya. Arrinta ugu weyn ee cadayta la oran karo ee Selebi lagu
haayo ayaa waxaa ka mid ah in uu si cad saxaafada oga qirtey in uu saaxiib la
yahay ninka cadaanka ah ee ku xukuman maandooriye ka ganacsiga Glenn Agliotti,
eeyna ku socoto dacwad ku saabsan dilka nin bilyan dheer ahaa oo la oran jirey
Brett Kebble oo la khaarijiyey September 2005.
SELEBI IYO XASAASIYADA SIYAASADEED.
Dhowr jeer oo hore ayaa la isku dayay in Selebi la maxkamadeeyo oo loo jaray
waaran xarig, hase yeeshee markasta Mbeki ayaa eryayay xeer-illaaliyaha guud ee
markaasi waaranka jara, midi ugu dambeysay Selebi ayaa waxaa waaran xarig u
jaray bishii 9aad ee 2007 Vusi Pikoli oo ahaa Xeer-illaaliyaha guud, (Mbeki oo
aan ka warqabin), isla markii laga war heley Mbeki ayaa xilkii ka eryey, waana
goortaasi marka eey arrinta Selebi eey cirka isku shareertay oo noqotey arrin
xasaasiyad siyaasadeed leh eey noqotey, waayo hey’ada xeer–illaalinta ee NPA (National
Prosecuting Authority) waa hey’ad uu Mbeki sameeyey, waxaa ka hoos shaqaysa
NPA hey’ad kale oo sida sirdoonka u shaqaysa oo la yiraahdo SCORPION (dib
qalooc), labadani hey’adoodna waa kuwa hoggaanka u hayay kiiska (dacwad) Zuma.

Brett Kebble (bidix) waxa uu xiriir soke la lahaa
Jacob Zuma, oo ahaa madaxweyne kuxigeen hore, kaas oo loo malaynayo in
uu bedeli doono madaxweynaha hadda ee K/Afrika Thabo Mbeki.. Sawirka:
http://www.nytimes.com March 15, 2007 |
Sidaasi darteedna waxaa Mbeki lagu eedeyey in uu hey’adihii
garsoorka qaranka u adeegsanayo dadka eey siyaasad isku hayaan, kuna difaacayo
kuwa eey xulufada yihiin sida Selebi oo kale.. Malaha arrinta kasii muhiimsaneyd
ayaa ah markii isla hey’adahaasi eey dacwad musuq kusoo oogeen Zuma oo
hadda ah madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC, dacwaddaas oo la soo
oogey 7 maalmood uun kadib markii uu Mbeki xilkaasi doorasho kaga guuleystay;
iminka (Jan 12, 2008) oo xiligaasi laga joogo 10 bari umbaa eey NPA sheegtay in
Selebi uu maxkamad korayo (wallow aan waqti wali loo qaban).
Mar kale malaha arrinta taasi kasii xiiso badan ayaa ah in
sargaalkii ugu sareeyey ee gacanta ku haayey baaritaanka dambiyada Selebi lagu
heysto xabsiga lasoo dhigey oo 20 ciidanka police-ka oo aad u hubeysan eey ka
kaxeeysteen gurigiisa hortiisa (ciyaalkiisa iyo xaaskiisa oo daawabnaya),
sargaalkani ayaa ka mid ahaa hey’ada Scorpion oo madax oga ahaa gobolka Guateng,
waxaana ku socota hadda maxkamada dacwad la xariirta in uu shirqii ku maleegayay
rag asxaabtiisa ah oo uu sharciga isagoo ku gabanaya baaritaano ku waday.
Dhanka adduunka, ninkani (Selebi) waa madaxweynaha police-ka adduunka INTERPOL,
mar Mbeki la weeydiiyey sida eey arrintaasi u saameynayso shaqo ka fariisiga
Selebi ayuu sheegey in taasi uusan isagu shaqo ku lahayn oo INTERPOL eey u
taalo, oo iyadu eey xilkaasi u dooratay, iyada eey tahay in talaabo eey ka
qaadato, Interpol ayaa iyada lafteeda laga soo xigtey in ey tiri ku dagdagi
meeyno wax hadal ah, markii eey wax kala cadaadaan ayaan go’aan ka gaari doonaa.
C/NASIR AXMED. SAXANSOXO Email: saxansoxo1@hotmail.com,
Johansburg, South Africa.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008
JACOB ZUMA OO DACWAD MUSUQ LAGU SOO OOGEY IYO TAAGEERAYAASHIISA OO
DOWLADU KU EEDEYNAYA SHIRQOOL SIYAASADEED.
TODOBAAD UUN KADIB MARKII SI AQLABIYAD AH UGU GUULEYSTEY MADAXWEYNENIMADA
XISBIGA TALADA HAYA K/ARIKA ANC, AYAA JACOB ZUMA WAXAA LAGU SOO OOGEY DACWAC
MUSUQ IYO WAX IS DABA MARIN AH___WAQTIGA DACWADA LAGU BEEGEY, WAQTIGA MAXKAMADA
LOO BALAMIYEY OO SU'AALO KEENEY??
Dec 30, 2007: Jacob Zuma, 62 jir, waa madaxweynaha xisbiga talada haya dalka
K/Afrika, ee ANC, xilkani oo uu kaga guuleystey todobaad ka hor (Dec
19, 2007) doorasho dhacday madaxweynaha dalka ee Thabo Mbeki ayaa (Dec 29,
2007) gurigiisa Johansburg la geeyey waraaqihii lagu wargalinayay in lagu soo
oogey dacwad musuq ah, oo maxkamadeynteedu loo balamiyey bisha 8aad ee sanad
2008, sida uu sheegey garyaqaanka Zuma, Mecheal Hulley, waraqadahan ayaa waxaa
keeney xafiiska garyaqaanka ee hey'ada garsoorka ee la yiraahdo NPA (national
proscuting authority).
Dacwadani ayaa ah laaluush, musuq iyo lacago si qaldan loo xawiley, iyo guud
ahaan wax is daba marin, dacwadani ma ahan mid cusub, sanad ka hor ayaa
dacwadani maxkamad eey ka saartey diiwaankeeda ka dib sanado eey Zuma maxakamad
ku socotey balse eey saraakiisha garsoorka keeni waayeen cadeymo ku filan oo
Zuma lagu xukumi karo, hase yeeshee hey'ada sirdoonka iyo howlgalada qarsoodida
ah ee sida Sirdoonka uga hawl gasha dalkani ee la yiraahdo SCORPION (DIB
QALOOC), ayaa waxay bilo ka hor u dhacday (oo dhex galeen) dhismayaal uu lahaa
Zuma iyo garyaqaanadiisa oo eey si sharci daro ah oga soo qaateen tukumiindiyo
eey sheegeen in eey cadayn u yihiin dambiyada lagu eedeynayo Zuma, arrintaasi oo
garyaqaanada Zuma eey maxkamad la koreen , hase yeeshee maxkamada sare eey
xukuntay in NPA eey isticmaali karto cadaymaha eey heyso, taasoo aheyd bilowga
maxkamadaytan cusub ee Zuma lagu bilaabayo.
Taageerayaasha Zuma ee kala ah ururka shaqaalaha ee COSATU, iyo ANCYL iyo
xisbiyo kale oo badan ayaa ku sheegey dacwadan cusub ineey tahay wax lasoo
maleegay, oo la doonayo in lagu sharaf rido Zuma si looga hor istaago in uu
madaxweyne ka noqdo dalka sanada 2009ka, waxayna intaasi ku dareen in hey'ada
garsoorka eey tahay mid ku shaqaysa afkaaro siyaasadeed oo dad gaar ah eey
leeyihiin (taasoo laga fahmayay ineey ula jeedaan Mbeki), isla markaasna eeysan
ku taagneyn wadadii sharciga aheyd ee dastuurka.
Arrinta ugu muhiimsan ee laga diidey ayaa aheyd waqtiga dacwada lagu soo
beegey oo ah 10 maalmood ka yar markii uu guusha xisbiga heley, iyo sidoo kale
xiliga maxkamada loo balamiyey oo 8 bilood ka horeysa xiliga eey dhacayso
doorashooyinka madaxtinimo ee 2009-ka ee la filayo inuu isagu ku guuleysan lahaa
hadii dacwadani aan meesha la keenin, maadaamaa waqtiyadan lala eegtey
dacwadiisa eey hubanti tahay in uu jiro shirqool siyaasadeed oo xilka looga hor
istaagayo, waa sida eey sheegey dadka isagu taageersan.
Hey'adani garsoorka iyo tan sirdoonka iyo howlgalada qarsoodida ah ayaa in
dhawaalaba waxaa lagu eedeynayay ineey yihiin labo hey'adood oo madaxweyne Mbeki
u samaystay in uu ku dhibaateeyo dadka eey siyaasad isku hayaan sida Zuma oo
kale, arrintaasna waxay cirka isku sii shareertay markii bilo ka hor
garyaqaankii guud ee NPA uu waaran xarig u jaray Jakie Selebi oo ah taliyaha
policeka dalka dacwad la xariirtey xariir la sheegey inuu la leeyahay mafiyada
aduunka iyo gaangiistariinta galbeedka ee ka ganacsada koontarabaanka sida
daroogada oo kale, hase yeeshee shaqadii uu madaxweynuhu ka eryay xeer ilaaaliye
Vusi Pikoli , ka hor inta aanan ba lasoo xirin Selebi (oo sidoo kale ah
madaxweynaha INTERPOL, policeka aduunka), eryidaasi xeer ilaaliyaha waxaa loo
qaadey in Mbeki uu difaacayo saaxiibkiis eey isku kooxda ka yihiin xisbiga
talada haya ee ANC , iminkana waxaa dalka xeer ilaaliye ka ah nin si kumeel gaar
ah uu Mbeki u magacaabey, taas ayaa keeneysa in laga shakiyo daacadnimada NPN
iyo SCORPION.

Madaxweynaha ANCThabo Mbeki (bidix) oo u hambalyaynaya
madaxweynaha loo doortay ANC ee Jacob Zuma - Sawirka:
Reuters |
Jacob Zuma oo dad badani eey naqdinayeen ayaa muujiyey mug iyo miisaan hogaan
wanaaagsan, kadib markii si layaab leh uu kaga hadley khudbadii ugu horeysay ee
uu jeediyey kadib doorashadiisii, wuxuu ka hadlay mideyta xisbigiisa labada
garab u kala jabay ee garabkiisa ey guushu raacday, oo mar uu ka hadalayay
xariirka ka dhaxeeya isaga iyo Mbeki oo uu ka reeyey, si weyne loo faafiyey in
xariirkoodu uu burburey, ayuu yiri (MBEKI, MY BROTHER, MY COMRADE, MY FREIND,
AND OFCOURSE MY LEADER=MBEKI WAA WALAALKEEY, DHIGEYGA, SAAXIIBKEEY, IYO DABCAN
HOGAAMIYAHEEYGA). Intaasi markii eey afkiisa kasii dhamaaneysey ayaa kumanaan
ergey oo goobtii lagu doortey joogey mar kaliya qoob iyo qeylo isku dareen si
farxadeed. Zuma ayaa sidoo kale sheegey ineeysan jiri doonin isbedel xagga
dhaqaalaha oo beeniyey warar been ah laga faafiyey.
Zuma, halyey soo halgamay, 10 sano ku xirnaa jasiirada Roben island, inta badan
cimrigiisa ku qaadey halgankii loo galay ka xoreyta K/Afrika nidaaamkii midab
takoorka, kuna biirey ANC isagoo 17 jir ah, kana soo jeeda qowmiyada ugu tirada
badan dalka ee boqortooyada leh ee ZULU, ayaa maxkamadeyntiisu waxa eey hubanti
la'aaan ku keeneysaa degenaanshaha dalkani afrikaka ah ee dhaqaalihiisu la mid
yahay wadamo qaarkood ee qaarada Europe, eeysana jirin wadan afrika ku yaala ee
la dhaqaale ekeeya, markii uu ANC madaxweyne u noqdeyna dadkii hambalyada iyo
goobaadinta u direy waxaa ka mid ahaa aabaha qarankan ee NELSON MANDELA oo Zuma
ku sheegey halyeey taariikhda baal dahab ah ka galay.
c/nasir axmed sh. bashir,( saxansoxo),
Email: saxansoxo1@HOTMAIL.COM, Tell: +27767059384., johansburg south africa.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007
Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC,
Zuma...
Soomaalida dalkani Koonfur Africa ku nool ayaa si weyn u aaminsan in Zuma uu
ka saari doono dalka, ganacsiyadodana ku wareejin doono dadka dalka u dhasahy,
hase yeeshee ra'yigaasi ma ahan mid hubanti ah, mana jirto cid si rasmi ah
arrintaasi u shaacisey, dadka Zuma taageerana waxay leyihiin waa dacayad laga
faafiyey, hadaba aan dib u yara eegno hal qodob oo qeer sheeg ah. AKHRI....
Barnaamijka (June 2) Laga Baahiyey TV-ga Australia
ee ABC1...
Dilkii Brett Kebble oo ahaa Ganacsade Macdan Sahaminta iyo Xiriirka ka
dhexeeya Ganacsade reer Australia oo la doonayo in Koonfur Afrika la geeyo?...
Barnaamij loogu magac daray "Bad Company" ayaa June 2 waxaa laga baahiyey TV-ga Australia ee ABC1, gaar ahaan barnaamijkiisa "Four Corners" oo soo
galaya 8:30 pm…
Barnaamijkaas ayaa ku saabsan
baaritaan TV-gu ku sameeyey dilkii Brett Kebble oo 2005 lagu diley magaalada
Johannesburg ee Koonfur Afrika. Waxaana TV-gu hor dhac ahaan u xusay in ay soo
shaac bexeen eedaymo sheegaya in Kebble uu lacag laaluusha ah oo dhan US$1
million uu siiyey madaxii Booliska Koonfur Afrika ahaana hoggaamiyaha Interpol,
Jackie Selebi.
Waxa kale oo TV-gu xusay in uu daah furay sidii uu ku soo caan baxay
ganacsigii Brett Kebble [oo ahaa ganacsade ka lacagaystay xagga macdan
sahaminta/qodista/mining] iyo siduu ku dambeeyey iyo xiriirka ka dhexeeyay nin
Ganacsade ah oo reer Australia ah oo hadda dagaal ugu jira sidii uu uga badbaadi
lahaa la geeyo Koonfur Afrika... [Brett Kebble waxa uu dhashay February 19, 1964; waxaana la
toogtey isagoo gaari watay
September 27,
2005.]
Waa kuma ganacsadahaasi, xiriirkaasi waa mid noocee ah, maxaa keenay in la
yiraahdo hala geeyo Koonfur Afrika, macdan sahaminta uu ka maalka ka helay ninka
lagu diley K/Afrika xiriir caynkee ah ayaa ka dhexeeya ganacsadaha reer
Australia...
Akhri Transcript barnaamijka
Si aad wax uga sii ogaatey ninka la diley iyo xiriirka saraakiisha sare ee
Koonfur Afrika hoos ka akhri.
|