SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?

  • Xog rasmi ah ma ka haysaa cidda ay u diiwaan gashan tahay Consort ama cidda saamiyada ku leh?. Ma haysaa nuqulka rasmiga ah ee heshiiskii Consort la gashay Puntland iyo waxa heshiiskaas ku qornaa?. Ma haysaa wax dukumiinti ah oo la xiriira Consort? Haddii jawaabtu haa tahay, fadlan kusoo dir halkan..

Muran weyn iyo dood kulul ayaa ka taagan Suuqyada Ganacsiga Australia ee lagu kala gato saamiya, oo ku saabsan su’aalo ka taagan cidda leh ama wax ku leh Shirkadda Consort Private Ltd.

Arrintan ayaa salka ku haysa in shirkadda Consort ee heshiiskii sahaminta batroolka iyo macdanta ee ay la gashay Puntland ku wareejisey shirkadda reer Australia ee Range Resources. Waxaa intaas dheer in Consort ay weli saami ku leedahay shirkadda Range. Laakiin si rasmi ah looma oga cidda leh Consort.

Maxaa laga ogyahay Shirkadda Consort ltd:

  1. Consort Private Limited [CONSORT PVT LTD] waxaa la asaasay kaddib markii uu Puntland tegey ninka lagu magacaabo Terry oo ku yimid magac hay'ad samafal oo loo yaqaan Kids In Needs. Markaas kaddib ayaa Consort waxaa lagu soo asaasay ama laga diiwaan geliyey Jasiirada Maldives.
     
  2. Sida lagu faafiyey shabakadda HotCopper ee Suuqa Ganacsiga Australia (ASX), shirkadda Consort Private Limited waxay ka diiwaan gashan tahay Jamhuuriyadda 'Republic of Maldives', lambarka diiwaankeedu waa C221/2005, xafiiska laga diiwaan geliyeyna waa H. Star Lit Villa oo ku yaal magaalada Malé, caasimadda Jamhuuriyadda Maldives.
     
  3. Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives waxay mar hore shaaca ka qaaday in Shirkadda "Consort Pvt Ltd" ay ka diiwaan gashan tahay Jamhuuriyadda Maldives [Eeg halkan].
     
  4. Consort waxay heshiis ku saabsan dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee Puntland la gashay Dawlad Goboleedka Puntland. Nuqulka heshiiskaas ee qabyada ahaa [July 28, 2005] ee lagu soo qoray London UK, waxaa ku qornaa in heshiiskaas uu Puntland u saxiixo madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi, halka shirkadda Consort u saxiixayo xoghaynta oo magaca ku qarnaa yahay Krishna Rengaraj.
     
  5. Qoraal ay October 17, 2005 daabacday Jariidadda The Age ayaa sheegay in "Consort Private oo loo malaynayo in ay ka diiwaan gashan tahay dalka Maldives ayaa ayada oo sii mareysa qareenno ku sugan London waxay Hotel Hilton ee Dubai heshiis kula saxiixatay Dowladda [Goboleeedka] Puntland."
     
  6. Muddo ka dib Consort waxay saxiixii ku wareejisey ama heshiiskii kasii iibisey shirkadda reer Australia ee Range Resources. Taas oo iyaduna heshiis kula sii gashay shirkado kale sida Ex-CANMEX.
     
  7. October 7, 2005, agaasimihii hore Range Resources, Mr. Jim Marinis, waxa uu jariidad ka soo baxda Australia u sheegay in shirkadda Consort agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
     
  8. 29-kii November 2007, Cilmi baaris dheer oo ay samaysay "t1ps.com Limited" (oo qaabilsan adeegyada la talinta shirkadaha iyo saamileyda, xarunteeduna tahay magaalada London ee dalka UK,) ayaa shaaca ka qaaday in saamiyada ugu badan ee Shirkadda Range Resources ay wax ku leedahay Shirkadda 'Consort Private Ltd' (oo ah boqolkiiba 15%).. [Eeg halkan].
     
  9. Waxaa jira magacyo la sheegay in ay wax ku leeyihiin Consort oo lagu qoray HotCopper [http://hotcopper.com.au/], laakiin aan weli si rasmi ah loo caddayn.

Halkaas waxaa ka muuqda in shirkadda CONSORT oo aan si rasmi ah loo aqoon cidda leh ay weli saami ku leedahay shirkadda Range Resources oo heshiiska sahaminta kula jirta DGPL. In la caddeeyo cidda leh shirkaddaas Consort waxay mugdiga ka saari kartaa arrimo badan oo a dahsoon shacabka Soomaaliyeed.

Qorallada lagu faafiyey HotCopper waxaa ka mid ah in la daah furay shirkado dhawr ah oo ku hoos lammaan ama xiriir la leh shirkadda Range Resources.

Halkan waxaan kusoo ururinay xog ku saabsan shirkadaha xiriirka la leh Range. Waxaana xusid mudan in xiriiradaas Range iyo shirkadaha hoos ku qoran aan si rasmi ah loogu sheegin shacabka Puntland ama guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo dhulkooda heshiiska sahaminta lala galay shirkadda Range.

  • Qoraa ka hadlay xiriirka shirkadaha hoose iyo Range ayaa tilmaamay sida ay arrin lala yaabo u tahay in koox leh shirkad ay agaasime uga noqdeen shirkadaha kale ee xiriirka shirkaddooda la leh....

BOSS ENERGY LIMITED (BOE)

  • Agaasime: Joseph Obeid
    Website: http://www.bossenergy.com


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:BOE

Shirkadda Boss Energy Limited oo xarunteedu tahay dalka Australia waxay ka mid tahay shirkadihii uu saamaynta ku yeeshay dhaqaale burburkii Opes Prime. Shirkaddaasi waxay sahamin ka samaysaa dhanka Waqooyi ee Jasiirada Tasmania ee Australia.

Agaasimayaasha shirkadda Boss Energy waxaa ka mid ah Joseph Obeid. Mr. Cubeyd (Obeid) waxa uu ka mid ahaa xubnihii shirkadda Raange Resources ee tegey Puntland lana kulmay madaxda sare ee maamul Goboleedka Puntland. [Sawirka Cubeyd, oo asalkiisu ka soo jeedo Lubnaan, ka eeg halkan].

Qiimaha saamiyadda shirkadda Boss Energy (BOE) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.14 cent.

BIOPROSPECT LIMITED (BPO)

  • Agaasime: Peter Landau
    Website: http://www.bioprospect.com


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:BPO

BIOPROSPECT LIMITED logoShirkadda BioProspect oo xarunteedu tahay Australia waa shirkad qaabilsan dawooyinka cayayaanka iyo beeraha. Waxayna ka mid tahay shirkadaha uu saamaynta ku yeeshay dhaqaale burburkii Opes Prime.

August 2007, BioProspect waxay shaaca ka qaaday in ay jaal la noqotay shirkadda Solagran Ltd oo ah shirkad dadka wax ku leh ay u badan yihiin Ruush oo hawsheedu tahay ganacsi geyta dawooyinka laga sameeyo aaladda bayolojiga.

Agaasimayaasha shirkadda BioProspect waxaa ka mid ah Peter Landau, waxana uu agaasimayaasha shirkaddaas ku biiray 29-kii May 2007. Peter Landau waa agaasimaha guud ee shirkadda Range Resources ee heshiiska batrool sahaminta la gashay maamul Goboleedka Puntland.

Qiimaha saamiyadda shirkadda BioProspect (BPO) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.022 dhururuq.

CAPE LAMBERT IRON ORE LTD (CFE)

  • Agaasime: Peter Landau
    Website: http://www.capelam.com.au


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:CFE

Shirkadda Cape Lambert oo ah shirkad Australian ah waxay macdanta ka baartaa galbeedka Australia aagga loo yaqaan Pilbara.

Agaasimayaasha shirkadda Cape Lambert waxaa ka mid ah Peter Landau, (Oo ah Agaasimaha guud ee Range Resources oo Puntland heshiiska shidaal sahaminta la gashay.)

Qiimaha saamiyadda shirkadda Cape Lambert (CFE) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.64 cent.

INTERNATIONAL GOLDFIELDS LIMITED (IGC)

  • Agaasime: Michael Povey
    Website: http://www.internationalgoldfields.com



Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:IGC

Shirkadda International Goldfields qoraal ay 25-kii Maarso 2008 u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) ayey ku caddaysay in shirkaddaasi International Goldfields ay 2006 heshiis ay gashay ku heshay boqolkiiba 15% Mashruuca loo yaqaan Genorah Farms ee macdanta Platinum ee ku yaal gobolka Bushveld ee Koonfur Afrika, taas oo ay tiri muddo saddex sano ah baaritaankaasi uu ku bixi doono $10 million oo doolar.

Shirkadda kale ee reer Australia ee Nkwe Platinum Limited ("Nkwe") ayaa saami boqolkiiba 74% waxay ku leedahay laba beerood oo kuwaal Waqooyiga aagga Genoreh iyo in ay dooran karaan boqokiiba 59% Koonfurta aaggaas. Toddoba beerood ee aaggaas baaritaanka waxa uu ku fadhiyaa bed ah 13,000 ha oo ah dhul dhererkiisu yahay 30 km. Inta kale saamiyaddaas waxaa leshirkad reer Koonfur Afrika ah BEE, Genorah Pty Ltd.

Shirkadda International Goldfields oo dahabka baarta waxaa liiska Suuqa ganacsiga Australia lagu daray Khamiis 27-kii April 2006, waxaana Agaasimayaasha shirkadda ee hadda ka mid ah Mr. Michael Povey, (oo sidoo kale ah guddoomiyaha sare ee Range Resources).

Qiimaha saamiyadda shirkadda International Goldfields (IGC) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.47 cent.

NKWE PLATINUM LIMITED (NKP)

  • Agaasime Guud: Peter Landau
    Website: http://www.nkweplatinum.com


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:NKP

Shirkadda Nkwe Platinum Limited (NKP) waxay ka diiwan gashan tahay jasiiradda Bermuda, waxayna shirkaddaasi sheegtay in saami ku leedahay meesha macdanta laga baaro ee Bushveld ee Koonfur Afrika.

Shirkadda Nkwe waxa ay kamid tahay shirkadaha uu saamaynta ku yeeshay dhaqaale burburkii Opes Prime ee Australia.

Agaasime Guud waxaa shirkaddaa ka ah Peter Landau. [Mr Peter Landau waxa uu sidoo kale agaasime guud iyo xoghaye ka yahay shirkadda Range Resources (RRS) ee heshiiska Batrool sahaminta la gashay maamulka DGPL.]

Qiimaha saamiyadda shirkadda Nkwe Platinum (NKP) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.86 cent.

CONTINENTAL CAPITAL LIMITED (CNF)

  • Agaasime Guud: Peter Landau
    Website: http://www.continentalgoldfields.com.au


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:CNF

Shirkadda Continental Capital Ltd - oo loo yaqaan Continental  Goldfields Limited (CNF) - waxay sheegtay in sannadkii 2005 ay xooggeeda isugu geysey sidii ay macdan u qodi lahayd, gaar ahaan dalka Philippines, taas oo natiijadii noqotay mashruuca lagu magacaabo Gango Gold Mining ee jasiiradda Mindanao Island.

Agaasime guud iyo xoghaye waxaa shirkadda Continental Goldfields ka ah Peter Landau, (oo sidoo kale ah agaasimaha guud iyo xoghaye ka ah  Range Resources).

Sida ku cad qoraal uu agaasimaha Guud ee shirkadda Continental Capital Ltd, Peter Landau, uu 7-dii April 2008 u diray Suuqa Ganacsiga Australia waxaa ku cad in qiyaastii boqolkiiba 5% saamiyadda shirkaddaas uu saamayn ku yeeshay dhaqaale burburkii ku yimid shirkaddii dulaalka ahayd ee Opes Prime.

Qiimaha saamiyadda shirkadda Continental Goldfields (CNF) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.115 cent.

Mid kamid ah qorayaasha maqaallada ku qora HotCopper ayaa tilmaamay sida ay fadeexad u noqotay in warbixin ay shirkadda Continental Capital Ltd u dirtay Suuqa ASX, November 8, 2007, oo uu ku saxiixan yahay Peter Landau, in qoraalkaas oo ka kooban 16-bog ay bogga uga dambeysa ku qoran tahay in qoraalka ay diyaarisay shirkadda Range Resources... Eeg halkaas waayo qoraalka waxaa diray shirkadda Continental Capital, waxana uu ku saabsan yahay shirkadda Continental Capital, sidee markaas ku dhacday in la yiraahdo waxaa diyaarisay shirkadda Range Resources.

Sidoo kale qoraa maqaal ku qoray shabakadda ay xogta isku dhaafsadaan saamileyda Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) ee HotCopper ayaa qoray sidan:

"Warbixin ay Shirkadda Continental Goldfields (CNF) u dirtay ASX markey taariikhdu ahayd 08/11/2007 oo uu ku saxiixan yahay Peter Landau oo maareeyaha guud ee CNF ayaa waxa ku xusan in Michael Povey uu yahay Injineer Macdan qodista oo shirkadda Continental Goldfields uga shaqeeya Koonfur Afrika ee Mashruuca VanMag Project. Sidaad daraadeed shirkadda CNF waxaa madax sare ka ah Peter Landau. Waxaana Injneer macdanta qoda oo u shaqeeya ka ah  Mr. Povey. Islamarkaasna shirkadda Range Resources (RRS) waxaa maareeye guud ka ah Mr. Povey, waxaana agaasime isaga ka hooseeya u ah Mr. Landau. Markaas midba kan kale ayuu u shaqeeyaa. Yaa ah xaqiiqo ahaan kan wax xakuma." Waxaana markaas qoraagu xusay nin uu magaciisa sheegay oo uu ku xiriiriyey CONSORT in uu xukumo dhammaantooda.

NUENCO NL (NEO)

  • Website: http://www.nuenco.com


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:NEO

NUENCO NL logoShirkadda Nuenco NL (NEO) waxaa markii hore loo aqoon jirey Anzoil NL, waxayna magaca Nuenco NL la baxday 5-tii August 2004. Waana shirkad ku jirta liiska Suuqa ganacsiga Austraalia, waxayna sheegtay shirkaddaasi in ay sahamin ka samayso California aagga lagu magacaabo San Joaquin.

Qoraal uu 30-kii September 2005 faafiyey Mr. Peter Landau waxa uu ku sheegay shirkado dhawr ah oo uu markaas agaasime ahaan ugu shaqeeynayey isagoo xusay taariikhdii uu shaqada u bilaabay, shirkadahaas waxaa ka mid ah ahaa Nuenco NL  (ka bilow: 27 September 2004).

Qiimaha saamiyadda shirkadda Nuenco NL (NEO) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.041 dhururuq.

Waxa kale oo meelo badan lagu faafiyey in Peter Landau uu agaasime ka yahay shirkadaha ay ka mid yihiin: NKWE Platinum Limited, View Resources Limited, Range Resources Limited iyo Cape Lambert Iron Ore Limited.

RANGE RESOURCES LIMITED (RRS)

  • Maareeyaha Guud: Michael Povey
    Agaasime/Xoghaye: Peter Landau
    Website: http://www.rangeresources.com.au


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:RRS

Shirkadda Range Resources oo xarunteedu tahay dalka Australia, waana shirkadda heshiis ku saabsan sahaminta shidaalka la gashay DGPL. shirkadda Range waxay saami ah sahaminta dhulka Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal heshiis kula gashay shirkadda EX-CANMEX (oo hadda la baxday Africa Oil) taas oo sheegtay in ay dib u dhigtay qoditaankii Ceelka Nugaal.

Range waxa ay saamiyadda markii hore ka iibsatey shirkadda CONSORT ltd, taas oo ah shirkad ka diiwaan gashan jasiirada Maldives, oo sida kor ku xusan ah shirkad aan si sax ah loo ogeyn cidda wax ku leh.

Qiimaha saamiyadda shirkadda Range Resources (RRS) ee Suuqa ASX waxa uu May 9, 2008 ahaa AU$0.15 cent oo ah habka loo yaqaan lammaanaynta saamiyada, sidaas daraadeed uu halkii saami noqonayo AU$0.075 .

Qoraal uu 30-kii April 2008 ku saxiixan yahay Peter Landau, agaasimaha iyo xoghayaha shirkadda Range Resources, oo uu u diray Suuqa Ganacsiga Australia waxaa ku cad in Shirkadda Range lacagta Caddaanka ah ee Bangiga u taaley (Maarso 31, 2008) ay ku ahayd qiyaastii Hal Million iyo Afar boqol oo kun (AU$1,396,000). Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in marka loo baahdo ay heli karto lacag dhan Afar million (AU$4,044,000). Sidaas daraadeed isku darka lacagta bangiga u taal iyo tan ay heli karto waa 5.44 million ($5,440,000) oo ah doolarka Australia.

Gaasimayaasha shirkadda Range waxa kale oo ka mid ah Sir Sam Jonah.

Jonah Capital

  • Guddoomiye: Sir Sam Jonah
    Website: http://www.jonahcapital.com

Shirkadda Jonah Capital oo macdanta ka baarta meelo ka mid ah qaarada Afrika waxaa guddoomiye sare ka ah Sir Sam Jonah oo ah reer Gaana. Waxa kale oo Mr. Jonah uu ka mid ah agaasimayaasha shirkadda Range Resources ee Puntland heshiiska sahaminta kula jirta.

Waxa kale oo Mr. Jonah uu guddoomiye ka ahaan jirey shirkadda AngloGold Ashanti ee dahabka baarta.

Saxaafadda Soomaalida iyo Batroolka...

Saxaafadda Puntland ama saxaafadda guud ahaan Soomaalida looma ogola in ay si xor ah wax u weydiiyaan shirkadaha Puntland u yimaada sahaminta. Shirkadahaasi marka ay doonaany waxay soo kaxaystaan weriyayaal shisheeye, weriayaashaas oo marka ay dalalkoodii ku laabtaan wax ku qora afafkooda iyagoo ka hadla wixii dan ugu jirto dalalka ay weriyaashaasi ka yimaadeen. Sidaas daraadeedna ay adag tahay in shacabka Soomaaliyeed ay xaqiiqo ahaan u ogaadaan qorshaha dhabta ah ama wax qabadka shirkaadaha sheega in ay sahamin ama shidaal qodis ka samaynayaa ciidda Soomaaaliya.

Waxa kale oo xusid mudan in haddii qoraa Soomaaliyeed uu si xor ah aragtidiisa u cabiro isagoo ka hadlaya shirkadaha heshiiska sahaminta Shidaalka la gala maamulada ka jira Soomaaliya, in markiiba uu la kulmo hanjabaad degdeg ah, caga juglayniyo nin-tooxsi.

Sawirka hoose waxa uu muujinayaa mar shirkadda Range ay weriyayaal ajaanib ah ku waraysanayeen Puntland dhexdeeda. Eeg sawirka hoose weriyaasha kuma jiro weriye Soomaaliyeed.

Batroolka Soomaaliya
Michael Povey iyo Liibaan Boqor oo la hadlayey weriyayaal ay Range geysey Puntland
Sawir ay Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia,  April 30, 2008.

Gabagabo:

Marka la ogaado xaqiiqo ahaan cidda leh ama wax ku leh shirkadda CONSORT ltd waxaa mugdi ka bixi doonaa qorshaha shirkadaha doonaya in ay sahamiyaan dhulka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed haddii aad xog ka haysid, ama haysid macluumaad la xiriira shirkadda CONSORT ama dukumiinta la xiira cidda ay u diiwaan gashan tahay CONSORT ama caddaymo cidda leh shirkaddaas, fadlan kusoo dir cinwaankan.

Tixraac:

Maldives:



 

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2008

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS