Qaybta 1aad: Halista Batroolka Ceyriin oo ay dhici karto in
ay Dagaal Ahli ah ka dhaliso Soomaaliya
- FG: Qormadan waa qoraalkii Aaden Yabarow ee
Agoosto 2007 oo AfSoomaali Loo Rogey [The Dangerous Smell
Of Crude Oil That May Ignite A New Civil War In Somalia]
Faalladii: Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com
Hordhac
Paul Roberts
waxa uu ku xusay buuggiisa lagu magaabo "Dhammaadkii Batroolka"
[the
end of oil], in baaritaan dhuleed (Survey) oo uu sameeyey
Maraykanka ay ku andacootey in batroolka adduunka ku kaydsan ee
la daah furay in uu dhan yahay 1.7 trillion oo foosto, iyo 900
billion oo foosto oo aan weli la daah furin iyo qiyaastii 1.5
trillion oo foosto oo aan weli la helin. Laakiin baaritaankaas
dhuleed ee Maraykanka ee 2000kii waxay ku andacootey in uu
adduunka ku jiro batrool iyo gaas la daah furay oo dhan 3021
billion foosto oo batrool ah iyo 15401 trillion cubic ft oo gaas
ah.
Maadaama uu xaddigaas aadka u badan ee batroolka iyo gaaska
ah uu diyaar ku yahay adduunka, baahida loo qabo badeecadahaas
istaraatiijiga ah aad ayey uga badan tahay sidii hore. Sidoo
kale qiimaha halkii foosto ee saliidda ceyriin (Batroolka) laga
fili maayo in ay ka hoos marto $50 doolar tobanka sano ee
soosocda iyada oo qaar arrimaha ka faallooda ay saadaaliyeen in
$105 ay gaareyso qimaha halkii foosto mustaqbalka dhow. Taas
ayaa mid soo jiidasho leh ka dhigtay maalgashiga batroolka, gaar
ahaan qaybta baaritaanka iyo sahaminta.
Marka laga soo tago guul-guulka waftiga Soomaaliyeed ee aan
khibaradda lahayn ee uu hoggaaminayey Mr. Geeddi ee kulankii
Malindi ee June 2006 ee wakiillada shirkaddaha Kuwaiti Energy
iyo Medeco, taas waxaa ka duwan in maal gashiga sahaminta
batroolku iyo soo saaridiisu ay yihiin kuwo aad uga macaash
badan sidii hore maadaama aaladaha kale ee loo adeegsan karo
batroolka bedelkiisu in aysan si dhaqso booska batroolka u
buuxin karin marka laga hadlayo laamaha tamarta. Maraykanku waxa
uu tixgelin siinayaa sidii uu 200 billion oo foosto oo batrool
ah uga soo saari lahaa dhagxaanta batroolka ee loo yaqaan "Oil
Shale" ee Colorado iyo Utah, taas oo qof kasta oo wax uga
bilaaban yihiin fahamka batroolka uu is barbar dhigi karo
qiimaha ku baxaya iyo in ay dirqi tahay (dhif iyo naadir) in si
fudud lagu helayo farsamo ku haboon. Qiimaha ku baxaya (soo
saaridda) halkii foosto ee ah batroolka ceyriin ee caadiga ah
waa $1, taas oo loo barbar dhigi karo qiimaha $10 ilaa $15 oo ay
ku baxayso halkii foosto oo batrool ah oo laga soo saaro dhagaxa
loo yaqaan "Oil Shale". Sidoo kale dalka Venezuela waxa uu wada
xaajood kula jiraa qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee
batroolka si ay u sahamiyaan, batroolna uga soo saaraan shidaal
baaxaddiisu le'eg tahay batroolka la daah-furay ee dulka
Sucuudiga ku jira oo dhan oo ku jira dhul ciideedkeeda batroolku
ku keydsan yahay. Arrintaasi waxay muujineysaa in dalabaadka
batroolku uu yahay mid is bedebedelaya iyo in ka soo saariista
batroolka ee dalalka safka hore ee kaydka batroolka sida
Soomaaliya in ay yihiin riqiis, isla markaasna ay ka sahlan
yihiin dhagaxa batroolku ku kaydsan yahay "Oil Shale" ee
Maraykanka iyo ciidda uu ku kaysan yahay batroolku ee Canada iyo
Venezuela. Shirkaddo badan oo waaweyn ama kuwo yaryarba waxay
xiisaynayaan Soomaaliya.
Qiimaha Foostada Batroolak Ceyriin: 1994-2007
| Isha: Wikipedia
Sahamintii Batroolka Soomaaliya ka hor iyo kaddib 1991
Qorayaal ay kamid yihiin jariidadaha waaweyn oo ay ku jirto
Sharq Alawsat waxay sannadihii 1990-naadkii qoreen batroolka ku
kaydsan Soomaaliya in lagu qiyaasay in kor u dhaaftay 10bn oo
foosto iy 200 billion cubic ft oo gaas ah oo la daah-furay. Laga
soo bilaabo bartamahii 1950-naadkii shirkadaha waaweyn ee
batroolku waxay baaritaan iyo sahamin batrool ka samaynayeen
dhulka iyo badda Soomaaliya iyagoo ku raja weynaa in ay soo
saari doonaan batrool badan oo ganacsi geli kara.
Sahaminta ugu badan waxaa laga sameeyey Soomaaliyada xorta ah
iyo dhulka la haysto ee Ogaden sanadihii 1950-naadkii oo ay
sameeyeen shirkado reer galbeed ah sida Sinclair Oil Corporation
iyo Standard oil, taas oo qiyaasaha hadda jira ay ku salaysan
yihiin farsama hore oo la adeegsadey xilliyadaas hore ama
qiyaaso la sameeyey 1970-naadkii iyo 1980-naadkii. Sannadihii
siddeetamaadkii shirkado faro ku tiris ah oo ah kuwo waaweyn ee
batroolka ayaa muujiyey xiisaha ay u qabaan Soomaaliya, kuwaas
oo helay qandaraasyo (heshiisyo batrool) oo ay ka heleen
dawladdii ugu dambeysey ee Soomaaliya. Shirkadahaas reer
galbeedka waxaa ka mid ahaa ConnocoPhilips, Amoco, Shell,
Chevron iyo Agip, waxayna hawlahoodii joojiyeen 1988 iyo 1990
iyaga oo cuskaday in ay dheceen arrimo aan wax laga qaban karin
ee loo yaqaan [force majeure]. Shirkadda Range Resources oo laga
leeyahay dalka Australia, taas oo heshiis sahamin batrool la
gashay Puntland waxay dhowaanta ku qiyaastay in qiyaastii 5bn
ilaa 10bn oo foosto oo batrool ah ay ku jiraan Puntland, oo ay
ku jirto Gobolka Mudug.
Heshiisyadii (Qandaraasyadii) lala galay Shirkadaha Batroolka
ee reer Galbeedku ma ahayn kuwo si fudud lagu bixiyey, inkasta
oo aanan hayn sidii arrintu u dhacday hadana ilo xog ogaal ah
waxay ii sheegeen in Dawladdii Soomaaliya ay ku adkaysatay in
shirkadaha Batroolku ay tababaraan Injineero iyo joolojiistayaal
Soomaaliyeed kuwaas oo sahaminta, qoditaanka iyo maamulidda
kala wareega shirkadaha batroolka kaddib muddo 20-sano ah. Wuxuu
intaas ku daray in shirkadaha badan-koodu ay xiisaynayeen aagga
dhaca dhanka Woqooyi iyo Woqooyi-bari ee Soomaaliya, marka laga
reebo Amoco oo xiisayneysey dhul-badeedka ku dhow aagga
Shabeellada Hoose iyo Jubbada Hoose. Inkasta oo wada xaajoodku
ahaa mid aad u adag waxaa dhanka Soomaaliya hawshaas fulinayey
oo keliya wasiirka Macdanta Dabiiciga ah iyo Biyaha, kaas oo la
tashanayey qaybaha ay khuseyso sida madaxweynaha iyo ra'iisul
wasaaraha iyo golaha wasiirada.
Kaddib 1990-kii heshiisyada Batroolku waxay noqdeen kuwo
cakiran oo cabsi leh maadaama qaar ka mid ah qabqalayaasha
dagaalka ay la soo xiriirayeen shirkado batrool oo reer Galbeed
ah kuwaas oo rabey in wada xaajood ka galaan heshiisyaddii
iyagoo ku bedelayey taageero lacageed iyo mid u ololayn
siyaasadeed. Ilo lagu kalsoon yahay waxay magacaabeen Cali Mahdi
iyo Gen. Caydiid, iyagoo dadkaa xog ogaalka ahi sheegay in
labadaas nin ay aqbaleen heshiisyo mabda' ahaan ah oo ku
talinayey in saamiga dakhliga ka soo baxa Batroolka in dhanka
Soomaalida la siiyo boqlkiiba 25%, halka shirkadaha Batroolka la
siinayo 50%, inta soo harta oo ah 25% loo deynayey in lagu
daboolo kharashka muddada heshiiskaas oo ahayd 50 sano. Laakiin
dagaalkii dhacay 1991-kii ee uu dhexeeyey labadaas nin (Cali
Mahdi & Gen. Caydiid) waxa uu is hor taagey in la saxiixo wax
heshiis ah maadaama xaaladdii ammaan ay sii xumaatay.
Ilaa xilligaa waxaa dalka halakeeyey xaalad halis ah oo
batrool ka soo urayo, iyadoo qaar ka mid ah qabqablayaasha
dagaalku ay sii kordhiyeen kulug-yeelashadooda. Markii uu socdey
shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Kenya intii u
dhexaysay 2003 iyo 2004 shirkado batrool oo cusub oo aan la
aqoon ayaa ku lug yeeshay tartankii doorashada ee maadxweynaha
hadda ee Kumeel gaarka ah Cabdullaahi Yuusuf. Xubin fure u ahaa
ololihii madaxweynaha, ahaanna jirey Xildhibaan hore, waxa uu ii
sheegay in Shirkad Shiine ah, oo uu is barideeda uu ka dambeeyey
wasiirka hadda ee Tamarta iyo Batroolka Cabdullaahi Yuusuf
Xaraare, in ay ololihii doorashada ku bixisay $350.000 taasna
bedelkeedu ahaa in shirkadda la siiyo heshiis iyo in wasiirka
Batroolka loo magacaabo Yuusuf Xaraare (oo markii dambe ku
geeriyoodey Australia October 24, 2005). Labadaas shardiba waa
uu fuliyey madaxweynuhu markii la doortay, waana sababtaas tan
Xaraare-yare uu u bedeley aabihiis markii uu geeriyoodey. Sidoo
kale Mr. Munye oo ahaan jirey Xildhibaan, ahaana horjoogaha
Shirkadda Shifco Fishing waxa uu $470.000 ku bixiyey ololahii
doorashada madaxweynaha si bedelkeeda loogu ogolaado in uu
haysto maraakiibta iyo in la weydiiyo madaxweynaha Yemen in uu
naafto (shidaal) lacagta qaar laga dhimay uu siiyo Mr Munye iyo
wiilka weyn ee madaxweynaha. Labadaas dalab waa la fuliyey
markale, taas oo shidaal tiro buuran lagu iibiyo Suuqyada Bariga
Afrika oo ay iibiyaan wiilka weyn ee madaxweynaha iyo Mr. Munye,
shidaalkaas oo ay bixiso dawladda Yemen. Madaxweynuhu waa
fuliyey ballan qaadkiisii laakiin nasiib darro waxa uu xushay
Wasiir Batrool oo aan fulin karin shaqadiisii, kaas oo aan u
babac dhigi karin ficillo gurracan ee ay maleegayeen Ra'iisul
wasaaraha (waa mr. Geeddi) iyo saaxiibkiisa u dhow ee uu u
magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka. Lama
yaabin markii aan akhriyey waraysiga Ms Sara Akbar ee Shirkadda
Kuwait Energy, taas oo sheegtay hadal aad uga duwan (oo ganafka
ku dhufatay) waraysi uu Mr. Xaraare ku bixiyey Australia.
Somaliland waxay laba heshiis oo kala duwan oo sahamin
batrool ah la saxiixatay Zara Energy iyo Rova Energy. Labadaas
shirkadood waa kuwo aan la aqoon, waxaana leh Kuwait Energy (oo
leh Zara Energy) iyo Ophir Energy ee Koonfur Africa [ee uu
leeyahay ninka lagu naanayso Tokyo Sexwale] (oo leh Rova
Energy). Puntland waxay heshiis u saxiixday Range Resources ee
Australia. Waxaa kale oo jira heshiis ay dawladdii KMG ahayd
(Carta) u saxiixday shirkadda Total sannadkii 2001.
Markii uu fahmey lacagta batroolku muhiimada ay siyaasadda
Soomaaliya ku leedahay, ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) waxa uu
dareemay in uu isku waajib yeelo in uu samaysto dariiq isaga u
khaas ah. Waxa uu magacaabay in badan oo ah la taliyayaal
Tamarta, waxana uu u diray in ay soo ugaarsadaan shirkadaha
batroolka. Kaddib laba sano oo si qoto dheer ay raadin ugu
jireen waxay la soo shir tageen Kuwaiti Energy iyo Medeco Energy
ee Indonesia. Labada shirkadoodba ma aha kuwo laga yaqaan
golayaasha Batroolka, layaab aniga iguma ahayn maadaama Mr.
Geeddi uu raadinayey lacag degdeg ah [ka dhifso oo ka dhaqaaq]
ee uusan raadineyn faa'iido ama macaash uu helo dalkiisa iyo
dadkiisu. Mr. Geeddi la taliyayaashiisa tamartu waa kuwo bartay
cilmiga xoolaha (veternario), sida saaxiibkiisa Faransiiska ah
ee kala taliya siyaasadda, ama waa kuwa aan meel fog wax ka
eegayn oo ah ganacsato cusub kuwaas oo aan wax khibar hore ama
aqoon u lahayn arrimaah batroolka. Mr. Geeddi waxa uu doonayey
in u lacag badan ka helo heshiiska, taas oo ah in uu saami ka
helo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (oo ah Hay'ad lagu taliyey
in la soo dhiso) iyo sida aan rumaysanahay in uu helayo
boqolkiiba 11% maadaama boqolkiiba 30% ee dakhliga loo
qoondeeyey DFKMG iyo 10% dawlad Goboleedyada iyo 49% loogu talo
galay Kuwait Energy iyo Medeco. Sidoo kale Mr. Geeddi waxa uu
magacaabay Xuseen Cali Axmed oo ay isku beel yihiin, ahaana
jirey Duqii magaalada Muqdisho xilligii DKMG (ee Carta), waxana
uu u magacaabay in uu Agaasime ka noqdo Hay'adda la soo jeediyey
in la dhiso ee ah Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS). Hussein
Ali Ahmed inkasta oo uu jaga sare kasoo qabtay dalwaddii magac
ahaanta u jirtey, wax aqoon ah ama khibarad hore ah uma leh
arrimaha Batroolka (ama Batrool sahaminta). Ujeedada guud ee ka
dambeysey in la asaaso HBS waa in Geeddi uu doonayey in uu si
toos ah u xukumo arrimaha Batroolka, oo gebi ahaan dhinac maro
wasaaradda iyo golaha wasiirada, maadaama haddii kale ay ahaan
lahayd in golahaasi ay heshiiska aqbalaan. Taasina waa waxa uu
qorshaynayey in ay noqdaan wasaaradihii dhalinayey dakhliga ee
uu maanka ku hayey ilaa 2005, sida uu aniga ii xaqiijiyey wasiir
hore oo ay saaxiibo dhow yihiin Geeddi. Sida ku cad qorshahaas,
dhammaan shirkada dawladdu waxay si toos ah u hoos imanayaan
Ra'iisul wasaaraha, waxaana madax ka ahaan xigtadiisa ama
jaalayaashiisa qabaa'ilka kale.
Shirkadda Kuwait Energy kama hawl gasho meel batrool laga
qodayo, awood dhaqaalena uma leh in ay qabato hawlo sahamin
batrool iyo soo saaridiisa toona. Shirkadda Medeco waa mid
khasaartay taas oo ay raadinayaan gobolka Java kaddib markii ay
halkaas ka geysteen khasaare xagga deegaanka ah oo dhan $1
billion oo ah qaan laga rabo shikadaas sida ay shegeen ilo
wargal ah, iyo weliba in lacag lagu qiyaasay $177.000.000 oo ah
qaan ay ku leeyihiin dadka maalgashiga ku samaystay.
Kuwait Energy iyo Medeco waxay qoreen sharci cusub oo mugdi
kujiro kaas oo ay ku donayaan in ay lahaadaan 49% saamiga
hay'adda la soo jeediyey in la dhiso ee Hay'dda Batroolka
Soomaaliya. Waxaa sharcigaas qabyada ah ku xusan in HBS ay
lahaan doonto 30% faa'iido wadaagga iyo in dowalad goboleedyadu
yeelan doonaan 10%. Yaa qaadanaya inta soo hartay ee ah 60% ee
loo reebay suuqa madow. Laakiin haddii aan ka dhigno in saamiga
dawladda oo ah 30% ay Kuwait Energy iyo Medeco ka helayaan 49%,
taas macneheedu waxaa weeye in ay yeelanayaan bolkiiba 14.7%
faa'iidada laga sameeyo foosto kasta oo la soo saaro, la
dhoofiyo ama si maxali ah loo iibiyo iyaga oo aan taano maal
gashi ah ku bixin mashruuca. Arrinta argaggaxa leh waxay tahay
in kuwaan tabcaanka ah ay ka caqli badiyeen oo khiyaameeyeen
Geeddi iyagoo ku qanciyey in ay awood u leeyihiin sharciyan in
ay hoggaamiyaan hay'adda la soo jeediyey in la dhiso ee HBS sida
uu dhigayo qodoba 8aad, farqaddiisa 8.5 ee sharciga qabyada ah
ee Batroolka. Arrinta khiyaanadu ku jirto waxay tahay in ay
jiraan in la soo jeediyey in la dhiso saddex hay'adood ama
qaybood oo qaabilsan batroolka, kuwaas oo kala ah: Wasaaradda,
HBS iyo Shirkadda Bartoolka Soomaaliyeed (SHBS). Hawlaha loo
xilsaaray Wasaaradda iyo HBS waa kuwo midba uu midka kale
haraynayo ama dhex gelayo (oo aan lakala saari karin) maadaama
labada hay'adood ay yihiin xeeriyayaal, kuwaas oo ka mas'uul ah
shaqo isku mid ah. Sida uu dhigayo sharciga qabyada ah ee
batroolka waxay u muuqataa in wasaaradu ay u taagan tahay
booskii calaamad ahaan golaha wasiirada ee sida saxda ah loo
hawlgeliyo dowlad caadi ah. Sida xaqiiqada ah looma baahna HBS
maadaama Wasaaradda iyo SHBS ay qaban karaan shaqada, arrinta
haddii sidaas laga dhigo waxay meesha ka saareysaa Kuwait Energy
iyo Medeco iyo 49% ay iyagu qoondaysteen.
Fursad la Lumiyey
Waxaa jira dersino muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo tababaran
kuwaas oo ku nool dalka gudihiisa ama qurbaha laakiin la iska
indha-saabay khibradooda, iyada oo la shaqalaysiiyey kuwo aan
arxan/jixinjix lahayn oo wax-magarato ah oo maxalliyiin iyo
ajaanib ah oo loogu yeero lataliyayaal. Qaar ka mid ah khubarada
Soomaaliyeed waxay hayaan akhbaar laga soo bilaabo 1950-maadkii
iyo aqoon ay u leeyihiin heshiiskasta oo la saxiixay iyo aag
kasta oo dhulka ah oo la baaray (Survey) iyo ciddii baaritaanka
samaysay. Nasiib darro dawladani waxay ka soo hor jeedda cilmiga
iyo khibaradda, iyada oo aan jeclayn in ay adeegsado xirfadda
Soomaalida u soo shaqeeyey dalkooda xilliyadii dawladihii hore.
Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxay dhayalsanayaan awoodda
dadka dalka. Nidaam kaas la mid ah waxaa ku dhaqmay DKMG (ee
Carta), waana sababtii ay u khasaartay, sidaas oo kale ayaa
DFKMG (ee lagu soo dhisay Kenya) ay ugu socotaa waddo bohol la
mid ah.
Raadreebka...
Waxaa jira afar saamile oo kala duwan kuwaas oo leh
qorshayaal iyo ujeedooyin kala duwan oo ku lug leh maslaxadda
Batroolka Soomaaliya, kuwaas oo ah:
- Madaxweynaha iyo Wasaaradda tamarta iyo Batroolka iyo
jaalayaashooda
- Ra'iisul wasaaraha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda
tamarta iyo kooxdooda
- Puntland iyo Somaliland iyo jaalayaashooda
- Shirkadaha reer Galbeedka ee haysta xuquuqda sahaminta
ka hor 1990 iyo dalwadahooda
Madaxweynaha iyo wasiirkiisu waxay wataan shirkadaha
Shiinaha, shirkadahaas oo ah kuwo sayladaha caalamka laga yaqaan
ama raad ku leh, waxayna u saxiixeen heshiis. Heshiiskaas waxa
uu shirkadahaas siinayaa xuquuqda shidaal sahaminta ee aag ka
duwan aagaggii heshiisyadii hore loogula galay shirkadaha reer
galbeedka. Waxaa kale oo si qeexan loo sheegay in saamiga
wax-soo-saar wadaagga ay boqolkiiba 51% leedahay dawladda
Soomaaliya iyo in Shiinihu leeyahay 49%. Shiinuhu waxa uu sumcad
wanaagsan kuleeyahay in uu batrool ka soo saaro Afrika laakiin
waxaa kale oo lagu yaqaan xariif-nimadooda ay siday rabaan u
iibsadaan oo xaqiiqsadaan in ay helaan xuquuqda sahaminta
batroolka. Geeddi waxa uu ka welwelsanaa, maadama aan arrimahaas
lagala tashan, in uusan cadkiisa ka heli doonin baqshiishka ka
imaneyey Shiinaha, waxana uu dareemay in aan jid uga furayn
halkaas.
Ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) waxa uu raadinayey xiriir muddo
dheer jira iyo lacag joogto ah oo ka soo bexeysa baqshiishka iyo
saamiyada uu ku leeyahay shirkadaha yaryar ee aan la aqoon.
Sababtaas weeye arrinta ka dambaysey soo shaac bixinta Kuwait
Energy iyo Medeco. Waana sababtaas tii uu ugu xilsaaryay
saaxiibadiisa cusub in ay soo sameeyaan sharciga batroolka ee
qabyada ah, sharcigaas oo si qeyru caadi ah ugu janjeera
shisheeyaha batroolka ku soo haliilaya iyo isaga. Sharciga
cusub, haddii baarlamaanku ansaxiyo, waxa uu halis ku yahay
kooxda madaxweynaha, dawlad goboleedyada iyo shirkadaha
batroolka ee reer galbeedka. Sharciga qabyada ah ee batroolku
waxa uu waxba kama jiraan ka dhigayaa dhammaan heshiisyadii la
saxiixay wixii ka dambeeyey 30.12.1990, waxana uu ugu yeerayaa
dhammaan kuwii haystey heshiisyada hore in ay dib u eegid ku
sameeyaan heshiisyadoodii si loo waafajiyo sharciga cusub muddo
hal sano gudeheed ah. Haddii ay taas ku guul daraystaan
(shirkadaha hore) heshiisyadoodii waxa ay noqon doonaan kuwo la
baabi'iyey sida uu dhigayo sharciga batroolka ee qabyada ah.
Arrintaasi waxay qiil-qiil gelineysaa kuwa kale ee arrimaahaasi
khuseeyaan, waxana ay kala kulmi doonaan ka hor imaad adag.
Sharcigani waxa uu saamaynayaa dalka oo dhan kaas oo ka duwan
heshiiska keliya ee madaxweynaha oo khuseeya hal aag. Haddii la
ansixiyo sharcigaasi waxa uu xayiraad saari doonaa dhammaan kuwa
haysta heshiisyaad jiray ee xuquuqda batrool sahaminta, waxana
uu u gogol dhigayaa in shirkadaha shisheeye ee been abuurka ah
iyo kooxda ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) ay lunashadaan kuna tagri
falaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Puntland waxay isku deyeysaa in ay gurubsato qaniimo
farabadan inta ay awooddo ka hor inta aan arrimuhu xasilin inta
kale ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay Puntland dooneysaa in ay
xejisato khayraadka dabiiciga ah, ayna u xukunto sida ay iyadu
doorato, ayna shuruud ku xirto dawladda federaalka marka ay
arrintu noqoto qaybsiga dakhliga ka soo baxa batroolka iyo
macdanta kale. Waraysi ay idaacadda Horn Afrik la yeelatay Cadde
Muuse ayuu mar labaad ku celiyey mowqifkiisa isagoo yiri in
Puntland ay mas'uul ka tahay khayraadkeeda dabiiciga ah ayna xaq
u leedahay in ay qandaraas la saxiixdo shirkadii ay doonto. Waxa
uu sheegay in ay qaddarinayaan heshiisyadii ay hore u saxiixeen.
Laakiin dhibaatada dhabta ah waxay tahay in Range Resources
aysan dhankeeda awoodin in ay fuliso qandaraaska maadaama ay aad
ku liidato xaagga dhaqaalaha iyo iyada oo aan lahayn khibar
batrool soo saarid. Dad u dhuun daloola Puntland waxay sheegeen
qaraabo u dhow Cadde Muuse in uu shaqeeyo shirkadda, waana
halkaas meesha uu ka yimid xiriirka u dhexeeya Range Resources
iyo Puntland.
Tokyo Sexwale |
Somaliland waxay rabitaankeeda cadaysay sannadkii 1991,
Koonfur Afrika ayaana si aad ah isugu deyeysa in ay ku caawinto
in gobolkaasi helo madax bannaani. Mr Mbeki (madaxweynaha
Koonfur Afrika) iyo jaalkiisa lacagta badan bilyannada haysta
Tokyo Sexwale [oo magaciisa rasmiga ah yahay Mosima Gabriel
Sexwale] ayaa horseed ka ah halganka aan lagu guulaysan. Si uu u
dhex jibaaxo meheradda kala qaybinta waxay Somaliland shirkadda
batroolka ee Mr Sexwale u ansixisay xuquuqda batrool
baarista/sahaminta.
Shirkadaha reer Galbeedka waxay haystaan xuquuqda heshiisyo
sahamin/baaris ee aagag kala duwan ee dalka ah, waxayna
heshiisyadaas la saxiixdeen dawlad sharci ah. Shirkadahaasi
waxay ku dhawaaqeen in ay dhacday arrin aysan wax ka qaban karin
ee loo yaqaan [force majeure] dhanka Woqooyi sannadkii 1988 iyo
inta kale ee Soomaaliya sanadkii 1990. Qodob ka mid ah xeerka
arrinta aan wax laga qaban karin waxa uu xaq u siinayaa in ay
soo laabtaan markasta oo xaaladda ammaanku ay u ogolaado in ay
bilaabi karaan hawlahoodii. Heshiiska lala galay dawlad sharci
ah ma baabi'n karto dawlad ku meel gaar ah haddii aan shirkadaha
batroolku qudhoodu la iman arrin cad oo jebinaya heshiiska.
Dawlada Maraykanku sidoo kale waxay si buuxda u taageersan tahay
shirkadaha batroolka, dad badan oo u dhuun daloola arrimaha
batroolku waxay aaminsan yihiin in sababta ugu muhiimsan ee
Maraykanku u faragelinayo arrimaha Soomaaliya in ay tahay
Batroolka. Maraykanku waxa kale uu yahay kan sida muhiimka ah u
taageersan DFKMG xagga siyaasadda iyo xagga dhaqaalaha, mana aha
waxyaabaha ka socda arrimaha batroolka (Soomaaliya) kuwo dan u
ah Maraykanka. Waxaanna dhammaanteen ognahay in aan DFKMG muddo
dheer sii jireyn haddii ay khatar geliyaan danaha Maraykanka,
waxaana dhici karta in Maraykanku abuuro koox cusub oo uu
taageero si ay uga soo hor jeestaan DFKMG haddii uu dareemo
halis ka imanayesa ficillada Geeddi ama Cabdullaahi Yuusuf.
Qodobka kor ku xusan waxa uu muujinayaa in danaha gaarka ah
ay Soomaaliya ka abuuri karaan xaalad khatar degdegta ah oo
siyaasadeed. Ujeedooyinka afartaas kooxood la isuma keeni karo
maadaama koox kasta ay leedahay taageerayaasheeda, kuwaas oo
qaar ka mid ah aysan arrinta ku baraarugsanayn, ee jooga dalka.
Ra'iisul wasaaruhu waxa uu taageero ka haystey ina adeerkiis
Maxamed Dheere, waxana uu hantida dawladda ka urursaday dhawr
milyan oo doolar, taas oo isaga keliya uu xakumo. Geeddi waxa uu
u malaynayey inta ay dawladani tahay mid magac-u-yaal ahaan u
jirta, sida ay hadda tahay oo kale, in uu awoodo iibsiga codadka
baarlamaanka si ay u ansixiyaan sharciga batroolka. Waxa kale oo
uu isku halaynayey taageerada Itoobiyaanka dalka ku jira kuwaas
oo xiisaynaya in ay sii kordhiyaan fara kuhayntooda Qaranka
Soomaaliya. Geeddi haddii uusan helin waxa uu doonayo waxa uu
diyaar u ahaa in uu ka hor istaago kuwa kale in ay gaaraan
ujeedooyinkooda, taasina waxay ahayd wadadii uu ku noqon lahaa
qabqable dagaal haddii laga qaado awoodda. Waxana uu meesha soo
gelin karaa beeshiisa kuwaas oo aan jacayl ka dhexayn iyaga iyo
Cabdullaahi Yuusuf.
Madaxweynuhu waxa uu ku dadaalayey in uu is hor taago
ujeedooyinka gurracan ee Geeddi iyo shisheeyaha gacansaarku ka
dhexeeyo. Sida kaliya oo uu samayn karey waxay ahayd in uu
casilo Geeddi ama in uu iibsado codka baarlamaanka. Labada
xaaladood waxay ahaayeen kuwo isku xiran maadaama ay shaqo ka
casilaadda Geeddi ahayd in ay baarlamaanku ansixiyaan sida uu
dhigayo Axdiga DFKMG. Haddii madaxweynuhu uu lumin lahaa
dagaalkaas waxaa suurtagal ahaan lahayd in uu adeegsado xoog
dagaal sidii hore uga dhacday Puntland. Haddii taasi dhici
lahayd madaxweynuhu wuxuu isku halaynayey Puntland iyo
Maraykanka oo luminayey u dul qaadashadoodii Geeddi. taas oo
dhalin lahayd dagaal ahli ah, kaas oo ah cirweynida ay abuureen
Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf. Haddii xaaladdaasi dhacdo
Soomaaliya waxay ku laabaneysaa bilowgii, oo ay dhici karto in
uu ku xigo sannado badan oo dagaal ahli ah.
Talooyin
Si looga hor tago masiibo dagaal oo ka dhex dhacda DFKMG iyo
raadka ay ku reebi karto Soomaaliya, waxaan rumaysnahay in la
qaado tallaabooyinka soo socda:-
- Dhammaan waxyaabaha la xiriira sharciga batroolka iyo
xuquuqda sahminta waa in la hakiyo
- Dhammaan khubarada Soomaaliyeed ee xirfadda u leh
arrimaha batroolka waa in looga yeero qurbaha, waana in
cilmigooda iyo khibradooda lala tashado
- Dawladdii hore sharcigeedii maalgelinta shisheeye iyo
sharcigii batroolka iyo heshiisyadii lala galay Shirkadaha
Reer Galbbeedka waa in dib loo eego oo lala tashado
- Sharciyada Batroolka ee dalalka Afrikaanka ah sida
Nigeria, Sudan, Angola iyo Gabon waa in la derso oo lala
tashado
- Waa in la sameeyo Cilmi baaris ku haboon oo la xiriirta
xaaladda hadda jira ee arrimaha batroolka adduunka
- Waa in aan shisheeye la siin, balse muwaadiniin
Soomaaliyeed oo qura la siiyo xakumidda/hoggaaminta arrimaha
batroolka oo ay ku jirto sharci dejinta iyo wada xaajoodka
ku saabsan baaritana iyo sahaminta
- Qof karti leh, wax qabad leh, xirfad u leh, kuna haboon
waa in loo magacaabo wasiirka Tamarta iyo batroolka
- Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu waa in ay ka
caaganaadaan in ay si toos ah ugu lugu yeeshaan heshiisyada,
waana in ay sugaan soo jeedinta iyo talooyinka khubarada
aqoonta u leh arrimaha batroolka iyo Wasaaradda Tamarta iyo
Batroolka.
Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2008
Tixraac: