SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Garowe: Cadde Muuse oo Labo-jeer Diyaarad ku dulmaray Caasimada Puntland ee Garoowe maxay tahay sababtu?

  • Cabdirizak koronto
    Garowe Puntland

Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab

Gen.Cade

Madaxweynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey Hanti Lunsasho...
Gen. Cadde Muuse oo la hadlayey golaha baarlamaanka Puntland oo Talaadadii ka furmay Garoowe ayaa Guji




Caasimada Puntland ee Garoowe...

Madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse ayaa 2jeer oo isku xigta ku dulmaray Diyaarad Caasimada DGPL ee Garowe isaga oo aan hoos xataa u soo fiirin ahmiyada ay leedahay caasimadu.

Madaxwaynuhu markii uu ka duulay Galkacyo waxa uu isla galabtiiba ka dagay Bosaso halkaasi oo ay ujeedada ugu wayni ahayd in uu dhagax dhigo Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Boosaaso.

Dhismaha Garoonka Boosaaso oo socda Halsano iyo Bar ayaan ilaa iyo hada joogin heer gabo gaba ah waxana uu madaxwaynuhu sheegay markii uu dhagaxa dhigayay in uu socon doono mudo 8bilood oo kale ah taasi oo ka dhigaysa kudhawaad 3sano walina aan lagagaarin natiijo wax ku ool ah sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in ay ku baxayso dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka Boosaaso lacag ka badan $9.000.000 oo dollar taasi oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay gabi ahaanba bixinayso xukuumada uu madaxda kayahay Gen: Cadde Muuse.

Kalfadhigii golaha xildhibaanada DGPL ayuu madaxwaynuhu eedayn lacag lunsasho ah dusha uga tuuray wasiirkiisa maaliyada Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) hase ahaatee madaxaynuhu isaga oo difaacaya hadana ayuu sheegay in kharashkii ay qaadan jireen isaga iyo Gaagaab ay u wareejin doonaan dhismaha garoonka Boosaaso, Gaagaab ayaan eedayntaas uu madaxwaynuhu u soo jeediyay waxba ka oran waxana ay markiiba dad badani rumaysteen in ay wax ka jiraan eedaymaha mar walaba loo tirinayo wasiirka maaliyada Puntland isla markaana uu lug wayn ku leeyahay musuqmaasuqa baahsan ee ka jira gudaha Puntland kaasi oo maraya heer ay dad badan oo shacabka ka mid ahi ay farta ku hayaan waxa ka soconaya gudaha Puntland in ay ka sii daran tahay musuq maasuqa baahsan ee ka jira dalka Kenya.

Si kastaba Madaxwaynaha ayaa marlabad ku dulmaray diyaarad caasimada puntland isaga oo dib ugu laabtay magaaladii uu markii hore ka soo kicitimay ee Galkacyo oo uu kagajiray difaac kaga yimaada maxaakiimta fadhida Bandiiradley ee isla Gobalka Mudug.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay markii u tagay galkacyo in aysan jirin qabiil qabiil qabsankaraa maxaakiimtuna ay yihiin qabiil duulaan ku ah qabiil kale oo jooga dhul nabadi kajirto.

Si kastaba Madaxwayne cade muuse ayaa sidoo kale dhagax dhigay Dhabaha ay Diyaaraduhu ku cararaan ee Magaalada Galkacyo xili uu garoonka diyaaradaha magaalada galkacyo ka socday dhisme ballaaran oo mudo soo jiitamayay kaasi oo ay iska kaashanayaan wax garadka iyo ganacsatada deegaanka oo aysan dawladu sida kan Boosaasoo wax qarash ah galin.

Dhinaca kalena waxaa magaalada Garowe ka socda dhismaha garoonka diyaarada caasimada puntland oo aan kow iyo laba joogin kaasi oo socday 3ii sano ee ugu danbeeyay ayna iska kaashanayaan dhismihiisa dadka deegaanka iyada oo aan lahayn lacag ay horay ugu balanqaaday shirkada machdanta ka baaraysa Puntland ee Range Resources taasi oo la sheegay in ay bixinayso balse aan wali loo soo gacan galin gudiga gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, sidoo kalena Gen: cade muuse ayaa dhankiisa horay ugu balan qaaday in uu bixinayo kharash dhan $200,000 taasi oo aan wali lahayn.


Eeg Sawirka oo weyn
| Sawirka: ASX


Waxaa hadda (Cadde Muuse) uga harsan xilka madaxtinimada puntland waqti  aan xataa iska daa wax qabadee aan laga gaari karin heer lagu diyaariyo doorashooyin, afti dawynaha laga qaado, Tira koob dadwaynaha Puntland lagu sameeyo, iyo samaynta Dastuur Qaran oo loo wada dhan yahay.


Gen: Cadde Muuse oo la doortay Janaayo 8, 2005 ayaa waxaa hadda uga harsan xilka madaxtinimada puntland waqti aan xataa iska daa wax qabadee aan laga gaari karin heer lagu diyaariyo doorashooyin, afti dawynaha laga qaado, Tira koob dadwaynaha Puntland lagu sameeyo, iyo samaynta Dastuur Qaran oo loo wada dhan yahay.

Iyada oo ay sidaa tahay ayaa marka la eego labaddii sano ee uu xilka madaxtinimada Puntland hayay Gen: cade muuse aan laqaban wax la taaban karo marka laga reebo dhismaha garoonka aan weli la dhamaystirin ee Boosaaso.

Dadka ku dhaqan caasimada Puntland ee Garowe ayaa iswaydiinaya sababta keentay in uu madaxwaynuhu labajeer oo is xigta diyaarad ku dulmaro caasimada isaga oo aan xataa ku hakan daqiiqado taasi oo dhanka kale marka laga eego muujinaysa hadal dhawaan ka fakaday madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde Muuse oo ahaa in ay "Boosaaso tahay Caasimada Puntland" hadalkaasi oo dadbadan ka xanaajiyay qaarkalena ay u fasirteen in uu madaxwaynuhu khaldami karo maadaama Bini aadam layahay Bini aadamkuna ay khalad galirakaan.

Cabdirizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2006

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD