- Garowe:
Roob lixaad leh oo si wayn uga da'ay Garowe iyo Nawaaxigeeda.
- Roob
lagu Qaboobey oo Xalay ilaa Haatan Ka Da'aya Magaalada
Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
- Garowe:
Duqa Degmada Garowe oo furay dugsiga hose/dhexe eeMagaalada
Garowe.
Garowe:
Roob lixaad leh oo si wayn uga da'ay Garowe iyo Nawaaxigeeda.
Waxaa tan iyo xalay si wayn
uga curtay roobab lixaad leh Magaalada caasimada u ah
Puntland ee Garowe roobab lixaad leh kuwaasoo si wayn uga
da'ay magaalada iyo hareeraheeda.
Roobabkaan tan iyo xalay
sida wayn uga da'ayay magaalada ayaan ilaa iyo hada gaysan
wax khasaraaro ah waxaana si wayn ugu diirsaday roobabkan
dadwaynaha magaalada oo iyagu ku qabowsaday roobabkan sida
isdaba jooga uga da'aya magaalada ilaa xalay ilaa maanta
kuwaasoo ah roobab waawayn cirkuna uu yahay mid ay ka
muuqato daruuro waawayn oo biyaysan.
Jawiga magaalada ayaa ah
tan iyo maanta Daruuro cugcugan ama biyaysan waxaana la oran
karaaa waxaa ka jira magaalada roob lixaad leh kaasoo la
fili karo caawana in uu si wayn uga curto magaalada maadaama
cirku wali yahay mid biyaysan islamarkaana uu roobku jiro
dhan walba oo magaalada ah.
Roobkan ka curtay magaalada
Garowe ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa miyiga
ilaa iyo hadana ma jirto wax dhib ah oo laga soo sheegayo
meelaha uu sida wayn uga da'ayo roobkani waxaana la oran
karaa waa roob si wayn loogu diirsaday xili la filayo in uu
jiilaal bilowdo ayaa roobkani iskeenay in kastoo uu dhulku
awalba ahaa mid barwaaqaysan oo roobsan ayaa hada robkani si
wayn mar kale uga curtay degaano badan oo ku hareeraysan
gobalka Nugaal ilaa deegaanka Qardho.
Toga wayn ee Magaalada
Garowe ayay soo buuxdhaafiyeen biyo siwayn uga yimid dhanka
miyiga kuwaasoo mar walba oo uu roob qabto ku soo biyo shuba
Toga kaasi oo ay biyihiisu u sii gudbaan dhanka bariga sida
la xaqiijiyana ay galaan Bada Eyl oo ay ku darmadaan biyaha
togo biyaha Badda xeebta Degmada Eyl e isla Gobalka Nugaal.
Si kastaba Roobkan aya sid
wayn loogu qabowsaday iyada oo la shegayo in ay cimilada
Garowe ay tahay mid ka sii hoosaysa halkii ay ahaanjirtay
waxaana caawa Garowe ka jira qabow siyaado ah.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Roob
lagu Qaboobey oo Xalay ilaa Haatan Ka Da'aya Magaalada
Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Roobkan oo ahaa mid aad
loogu diirsaday ayaa habeenkii xalay ilaa haadan ka
da'ay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari iyadoo
saaka lasoo toosey iyadoo wadooyinka waa weyn ee
magaalada ay biyo aad u fara badan ceegaagan.
Waxaa xirmey Maanta
Goobihii Ganacsiga iyo waliba goobihiiwaxbarashada sida
dugsiyada quraanka, iyo iskuuladii ayaa waxaa maanta
macalimiintu u sheegeen ardaydii in roobka awgiisa ay
fasax yihiin aradaydu.
Roobkii xalay ka da'ay magaalada Bosaso oo ilaa iyo
haadan da'aya ayaa lama filaan ku noqday dadweynaha
iyadoo ay dad badan ay la yaabeen roobkan ku da'ay
bososo iyadoo aysan in badan uusan roob ku di'in
magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari
Isku soo wada duuboo roobkan oo ilaa iyo haantan da'aya
ayaa dadweynuhu fikrado kala duwan ka bixinayaan,
waxaase xusid mudan in mudooyin sanado laga joogo uusan
magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari uusan wax
roob ahi ka di'in
Weriye Yusuf Gaduudow.
E-mail
yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo,Somalia
Garowe:
Duqa Degmada Garowe oo furay dugsiga hose/dhexe eeMagaalada
Garowe.
Duqa Degmada Garowe ahna
gudoomiyaha golaha deegaanka ayaa xariga ka jaray Dugsi
cusub oo ah Hoose/Dhexe kaasi oo laga furay xaafad cusub oo
ku soo biidhay xaafadaha magaalada Garowe oo sii siqaya.
Dugsigan cusub oo kuyaala
xaafad koonaha ah ayaa waxaa ka faaiidaysan doona ardayada
xaafadaaas cusub oo ay si caadi ah uga barandoonaan
aqoontii laga helijiray dugsiyada Hoose/dhexe oo ay isla
socondoonaana kuwa hore ee horay looga baran jiray aqoonta
Hoose/dhexe islamarkaana ay isku manaahij yihiin oo aysan
kala duwanayn manaahijda dugsiyadaasi.
Sikastaba waxaa ku soo
badanaya magaalada Garowe Dugsiyada cusub oo xariga laga
jarayo iyada oo ay dhismaha dugsiyadaasi ay iska
kaashanayaan dadka deegaanka, aqoonyahanada, jaaliyadaha
dibeda, iyo qaar ka mid ah Hayadaha caalamiga ah.
Dugsigan cusub ayaa waxaa
loo dhamaystiray agabkii dugsinimo waxaana uu leeyahay
dhamaanba agab xafiiseedkii, buugaag ardayda wax looga dhigi
doono, iyo musqulo ay ardayda iyo macalimiinta ay
isticmaalidonaan, iyo biyo joogta ah, sidoo kalena waxaa qol
walba yaala kuraas iyo miisaska loogu talagalay in ay
ardaydu ku fariistaan, Dugsiga ayaa leh daarad wayn oo ay
ardaydu ku nasankaraan marka la siiyo biririf.
A/rizak koronto
Garowe puntland


|