-
Wasiirkii Ganacsiga DGPL oo Shaqaddii Laga Joojiyey
- Shaqaale Ajnabi ah
oo lagu af-duubtay Puntland
- Shirkii Buurtinle
oo la soo gaba-gabeeyey.
- Masar: Goloha
shacabka oo ka dooday doomo lagu haysto Puntland:
- Islaan Ciise Islaan
Maxamed oo Dhaliiley Xukumadda Cadde Muuse
- Roobab lagu
Qaboobey oo xalay ka da'ay Degmada Xarfo ee Gobolka
Mudug
Wasiirkii Ganacsiga DGPL oo Shaqaddii Laga Joojiyey
Wareegto Maanta oo Khamiis ah (May 10, 2007)
wareegto la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska Madaxweyne
ku xigeenka DGPL,
Xasan
Daahir Maxamuud Afqurac, ayaa lagu sheegay in xilkii laga
joojiyey Wasiirkii Ganacsiga iyo Wershedaha Dowlad
Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid "Shaahdoon".
Waregtadaasi ma caddayn
sababta dhabta ah ee wasiirka xilka looga qaaday ama looga
joojiyey.
Wareegtadu waxay booskii ama
jagadii wasiirkaas si kumeel gaar ah ugu magacawday Wasiirka
Waxbarashada D. G. Puntland, Axmed Siciid Aw-Nuur.
Markab Ka Faakaday
Boosaaso
Dhanka kale xalay (oo
Khamiis soogeleysey May 10, 2007) waxaa dekedda Magaalada
Boosaaso ka fakaday hal Markab oo ka mid ah doonyihii iyo
markaakiibtiiay toddobaadkan ay ganaaxa ku xukuntay
Maxkamadda derejada Koowaad ee Boosaaso. Arrintaas oo
wajigabax ku noqotay maamulka DGPL. C/laahi Cali Ciise oo
arrintaas faallo ka qoray kana mid ah weriyayaasha Puntland
ayaa yiri "fakashada markabkan, ayaa la oran-karaa wuxuu
tusaale u yahay maamul-xumida ka jirta Puntland, iyadoo la
orankaro siidaynta Markabka ayaa gacan-siisay musuqmaasuqa
baahsan ee hareeyay maamulka Puntland."
Isha: Wakaaladaha | May 10,
2007
Shaqaale Ajnabi ah oo lagu
af-duubtay Puntland iyo Shirkii Buurtinle oo la soo
gaba-gabeeyey.
Buurtinle: waxaa Arbacadii (May 9, 2007) lagu soo gunaanuday
degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal shirkii Beelaha Cagaare,
shirkaan ayaa waxaa ka qeyb -galay masuuliyiin ka tirsan
Dowlad Goboleedka Puntland, Issimo, culuma-u-diin,
aqoonyahano iyo dadweyne kale oo aad u
farabadan(Grassroots).
Waxaa halkaas hadallo ka
soo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo aad u fara badan, oo
ay ka mid yihiin Issimo kuwaas oo aad u weeraray siyaasada
maamulka Puntland ee maanta dalka ka taliya iyo doorka ay ka
gaabinayaan sida arrintaan Cagaare oo kale, waxaa isna
munaasubadaas ka hadlay, Salaad Xareed Cali oo u sheegay
Issimada in ay Puntland tahay tan cuntay xaqii shaqaalaha,
isagoo intaas ku daray cidii cunta xaqa uu qof maskiin ah
shaqaystay ay markaba ka muuqato. Siday rabtaba ha, uga
muuqatee.
Salaad Xareed Cali, Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee DGPL
ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Reer Puntland gaar ahaan
Issimada in aysan gacmaha ka laaban waxa cad ee muuqda oo uu
ula jeeday maamul xumada iyo musuq-maasuqa ay ku kacayaan
Maamulka Puntland, waxaa hubaal ah in ay shacabka reer
Puntland intooda badan taageersanyihiin hadalka Salaad
Xareed Cali, ayna ku garab-taaganyihiin sidaas waxaa
Somalitalk.com u sheegay masuul ka tirsan Maamulka Puntland
oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo "waayo ninkii xaqa
sheegaya Ilaahayna waa arkaa, aadamuhuna waa ogyahay waxaan
waa laga baxayaa waana la xisaabtami doonaa aakhiro iyo
aduunkaba, tan damaana daran" ayuu yiri, ninkaan ayaa intaas
ku daray hadal yar oo murti ah oo ahaa "waabaa nin wuxuu
leyn jirey caruuraha dadka kale dhaleen wuuna u darnaa kuwa
kula nool gurigiisa, sidoo kale wuxuu aad ugu roonaa una
jeclaa caruurtiisa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa caruur uu
dhalay ninkaas asaga ah habaabeen oo waxay u tageen reer
meel degan reerkii baa caruurtii hayb-saday, markay garteena
waay soo dhaweyeen waxayna ka dhigeen caruurtooda oo kale,
ninkii asaga ahaa ayaa u yimid reerkii markaas buu ku yiri
war caruurtii walaahi Muslim bay heleen wale labadayada
waxaa dadka ku waji roon caruurta yaryarka ah anigoo jirey
70 sano waa yaab".
Dhanka kale, niman dabley ah oo la sheegay in ay ka soo
jeedaan Gobolka Bari ayaa ku afduubtay Tuulada Xiriira oo
hoos tagta degmada Iskushuban, laba Nin oo ka tirsan
shaqaalaha Hay'adda Care International oo ka howl gasha
degaamada Puntland, gaar ahaan waxay Care ku mashquulsanayd
degaamadii ay ku dhufatay Tsunami, gaar ahaan dhulka xeebaha
ah sida Gara-cad iyo Xaafuun. Hay'adda Care International
waxay ka hawl galeysay Puntland mudadii dowlad la'aantu ka
jirtay Soomaaliya oo dhan. labadaan nin ee lagu af-duubtay
degaanka Iskushuban ayaa u kala dhashay dalalka Britain iyo
Kenya.
Waxayna degaankaas u tageen kormeer la'xiriira mashaariic ay
hal kaas ka wadeen.
Isku soo wada duuboo, arrintaan ayaa ah mid aan looga baran
degaamada Puntland.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku
hayso maraakiib iyo doonyo, ganaax ay dusha uga tuurtay
maxkamadda Boosaaso, kuwaas oo lagu muran-san yahay in ay
ruqsado ka haysteen rag masuuliyiin ah oo ka tirsan maamulka
DGPL.
Maxamuud Cumar Bille
somalitalk.com Puntland
mcbille@gmail.com
Masar: Goloha shacabka oo
ka dooday doomo lagu haysto Puntland:
Goloha shacabka Masar ayaa
kalfadhigii Talaadadii May 8, 2007 si kulul uga dooday doomo
iyo kaluumaysato Masaari ah oo u xiran maamulka Puntland
kadib markii Xildhibaan Moustafa Bakri ka codsaday madaxa
golaha Fatxi Suruur iyo baarlamaankaba in arintaas laga
hadlo.
Xildhibaan Bakri ayaa
sheegay in ilaa shan (5) doon oo Masaari ah lagu
haysto Somalia, doomahaas waxaa saaran 250 Kaluumaysato
ayuu intaa ku daray, isagoo hadalkiisa kusoo Gunaanaday in
doomahaas halkaas tageen kadib markii ay ogolaasho ka haleen
Mas'uul Soomali ah.
Dhowr Xildhibaan oo sidoo
kale arintaas ka hadlay ayaa ku dooday in rakaabka doomahaas
lagu haysto madax furasho, iyagoo aanan haysan wax daryeel
ah sida cuno iyo cabitaan isla markaana la kulmaan handadaad
joogto ah...
Dhanka kale Wasiirka isku
xirka Baarlamaanka iyo dowladda Moufiid Shihaab oo arintaas
ka jawaabayey ayaa sheegay in xarigga kaluumaysata ay xiriir
kala sameeyeen maamulka Puntland kasoo sheegay in doomo
sedex (3) ah gacanta ugu jiraan iyadoo lagu haysto ku
xad-gudubka biyaha Somaliya, taas oo sida uu wasiirku u
sheegay goloha in puntland kusoo wargalisay Maasar in
biyaheeda doomahaas ku xad-gudbeen, wasiirka ayaan intaa
raaciyay in Puntland kusoo war-galisay Masar in doomahaas ku
ganaaxday lacag, una sugayaan muddo 60 maalmood ah,
hadii mudadaas ay lacagta ganaaxa iskaga bixi waayaana ay la
wareegayaan doomaha iyo qalabka saaran.
Waziirka ayaa sidoo kale
goloha u sheegay in doomahaas ku xad-gudbeen biyaha
Somaliya,si sharci darro ahna ugu kaluumaysteen, sida ay
kusoo wargelisey Puntland.
Shihaab ayaa caddeeyay inay
jiraan doomo laga leeyahay wadamada Yemen iyo Jaban oo ku
wehliya xarigga doomaha Masaarida.
Maamulka Puntland ayaan
wali wax faahfaahin ah ka bixin tirada doomaha gacantooda ku
jirta ee laga leeyahay Masar in ay yihiin shan ama saddex
iyo in doomahaas maamulka gacanta ugu jiraan ama kooxaha
doonaya madax-furasho, hadii kooxahaan dambe gacanta u
galaan isla markaana dhibaato gaystaan waxaa hubaal in
dhibaato soo wajihi-doonyo diblimaasiyadda labada dal ee
Somaliya iyo Masar.
Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,Cairo.
Email:
gurbiye@hotmail.com
Islaan Ciise Islaan Maxamed
oo Dhaliiley Xukumadda Cadde Muuse
May 9, 2007
Gabgabadii kulankii dib u heshiisiinta beelaha wada daga
degaanka Cagaare oo ay ka qeyb galeen Issimo, waxgarad,
aqoonyahano, xubno ka socda maamulka Puntland, maamulka
gobolka Nugaal iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka
Puntland ayaa dhaliil xoogan waxa looga soo jeediyay
xukuumada Cadde Muse.
Islaan Ciise Islaan Maxamed , ayaa gunaanadkii kulankaan ka
sheegey in aan loo baahnay in maamulka Puntland ay yeeshaan
qoys kaliya, balse uu ka wada dhexeeyo dhamaan dadka wada
daga Puntland.
Islaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in si weyn loo
dhaliilsan yahay xukumada Cadde Muse isla markan loo baahan
yahay in deg deg ah wax looga qabto khaladadka jira waa sida
uu hadlka u dhigaye.
Islaan Ciise ayaa aad ugu nuux nuuxsadey in cadaalad daro ka
jirto maamulka isla markaana loo baahneyn in beel gooni ah
ay maamulka yeelato.
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golagha barlamanka Puntland
Salaad Xareed oo ka hadley madasha shirka ayaa sheegey in
dowlad aysan jiri karin hadii shaqaalaheeda qaadan
mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen isaga oo ugu baaqey
xukuumada Cadde Muse in ay xaq baxdo.
Salaad Xareed ayaa yiri " addunka kama dhacdo in jeebna la
buxiyo jeebna la mariyo," isaga oo ula jeedey in mushaharka
shaqaalha ay dad gooni ah jeebka ku shubtaan.
Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ku goodiyay in aan dowlada la
sheegan karin hadii aan si deg deg ah mushaharkii shaqaalaha
loo bixin.
Salaad Xareed ayaa Isimada uga baaqey in xalada maamulka
Puntland isha ku hayaan isla markaana soo faragashadan hadii
xaalku ka sii daro madama ay yihiin laf dhabartii ummada.
Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Cuqaasha gobolka Mudug oo ka
hadley kulankaan lagu heshiisiinayay labo belood oo wada
daga deganka Cagare ayaa sheegey in aysan habooneyn in
mamaulka Puntland lagu tilmaamo maamul.
Dhinaca kale Aqonyahano iyo waxgarad kale oo kulankan ka
hadley ayaa ka codsadey in Issimada Puntland ay xill iska
saaraan wax ka qabashada xaalka maanta Puntland ka taagan.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo
goobta kulanka fadhiyay ayaa sheegey in aan loo baahneyn in
gogosha nabbada hadalo mucaardnimo looga baahneyn isla
markaana arrinkaan loo fadhiyin in laga hadlo.
Xubnaha xukuumdda Cadde Muse oo goobtaas ayaa waxa ka
muuqdey wajagabax iyo filanwaa hadalada ka soo yeeraya
Issimada iyo waxgaradka kale oo goobtaas isugu yimid.
Gogosha dib u heshiisiinta oo ay fidiyeen Issimida iyo
waxgaradka gobolka Nugal ayaa waxa isugu yimid marti sharaf
gaaryesa 400 oo qof kuwaas oo ka kala yimid gobolada Sool,
Sanaag iyo Mudug.
Madaxweynaha DGPL ayaa in mudo ah ku maqnaa magaalada Dubai
halkaas oo la sheegey in arrimo ganacsi u joogo.
Cadde Muse ayaa magaalada Bosaso ka dhoofey xilli degmada
Dhahar ay gacanta u gashey ciidamo ka socda maamulka la
magac baxey Somaliland.
Isha: Garowe Online
Roobab lagu Qaboobey oo
xalay ka da'ay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug
Wararka ka imaanaya degmada xarfo oo ka tirsan gobolka mudug
ayaa sheegaya in uu xalay (Arbacadii) degmadaasi ka da''een
roobab mahiigaan ah oo aad loogu deyrsadey sida uu ii
sheegtey mid ka mid ah cuqaasha degmada xarfo oo aan khadka
taleefoonka kula hadley saaka.
Waxa uuna yiri roob saacado da'ayay oo lagu qaboobey si aad
ahna u biyo dhigey degmada xarfo ayaa ka da'ay habeenkii
xalay inkastoo buu yiri roobkan uusan wax khasaaro oo naf
iyo maalma leh uusan geysan.
Roobabka gugu ayaa bishan iyo bishii aynu soo dhaafney waxa
ay ka da'ayeen gayiga dowlad goboleedka puntland iyo guud
ahaan soomaaliya meelaha ay roobabkaasi ka da'een waxaa ka
mid ah magaalada caasimada ah ee garowe oo uu habeen hore
qabtey roob aad u fara badan oo lagu qaboobey iyo sidoo kale
degmada burtinle ee ka tirsan gobolka nugaal.
Roobabka guga ayaa waxa ay aalaaba da'aan bilaha april iyo
may ee aan haatan ku jirto roobabkan inta la ogsoon yahayna
waxa ay ka da'een meelo aad u fara badan oo ka tirsan dowlad
goboleedka puntland iyo guud ahaanba dalka soomaaliya.
Isku soo wada duuboo roobabkan guga ayaa waxa ay ka curteen
kana da'een gobolo degmooyin iyo tuulooyin fara badan oo ka
tirsan dowlad gololeedka soomaaliyeed ee puntland.
Yuusuf Guduudow
E-mail
yusufguduudow@hotmail.com
Degmada Caluula oo Rafcaan u
qaadeysa Doonyo ay Xukuntay Maxkamada Boosaaso
-
$100,000 oo Doolar oo lagu
Ganaaxay Maraakiib iyo Doonyo tiradoodu dhantahay Sagaal
(9).
Boosaaso: Maxkamadda
darajada Koowaad ee G/Bari Boosaaso ayaa May 7, 2007 waxay
xakuntay doonyo, marakiib muddo 10 cisho ka hor ah laga soo
qabtay aagga Qandala iyo Caluula.
Lix (6) ka mid ah
doonayahaas waxaa lagu ganaaxay lacag u dhexaysa $3200 ilaa
$47,000 oo Doolar. Waxaana Saddex (3) doonyood kabtanadii
wadey lagu ganaaxey midkiiba $5,000 oo Doolar.
Isku darka lacagta lagu
xukumay doonyahaas waa
$100,000 oo Doolar.
Waxaa kale oo ganaax lagu
xukumay shaqaalihii doonyahaas oo tiradoodu 104 qof, kuwaas
oo mid kasta lagu xukumay $100 doolar.
Maxkamadda waxaa guddoomiye
ka ah
Maxamed Cabdi Awaare, waxaana xeer ilaaliye
ka ahaa
Axmed Taaran.
Saddex (3) ka mid ah doonyaha
la xukumay waxay ruqsad ka haysteen maamulka degmada
Caluula, waxaa sidaas sheegay
Maamulka degmada Caluula.
Gudoomiyaha degmada Caluula,
Xareed Ciise Cumar, waxa uu qaar ka kamid ah warbaahinta
Boosaaso u sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka
doonyahaas lagu ganaaxay.
Isha: Wakaaladaha Wararka:
Weriye Maxamed Cabdullahi
Khaliif oo Lagu Diley Gaalkacyo
Qoraal Arbacadii May 9,
2007 ka soo baxay ururka Badbaadada Weriyeyaasha ee loo
yaqaan CPJ ayaa sheegay in maalimadii Sabtidii magaalada
Gaalkacyo lagu diley weriye Mohammed Abdullahi Khalif, oo ka
tirsanaa raadiyaha codka nabada, waxana warku sheegay in uu
ku dhintay tacshiirad la isku weydaarsadey suuqa hubka
sharci darrada ee Galkacyo. Marxuumka waxay da'diisu ahayd
25 jir waxana uu idaacadaas ugu shaqaynayey si mutadawacnimo
ah sida uu sheegay agaasimaha idaacadaas...
AKhri Halkan.....
SomaliTalk.com | Garoowe
| May 10, 2007


|