Jawaab Celintii 2aad ee Abu Maxamed-amiin
W.Q. Abu Maxamed-amiin
hmoawiye@qwest.net
Published: March 22, 2001
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU:
Attn: Maxamed Cali
Walaalkayga qaaliga ahoow, waxaan adiga iyo akhayaarta kale ee bahda Somalitalk
ku salaamayaa salaanta qiimaha badan ee kor ku xusan.
Salaan kadib aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa in aad soo boosta
garayseen ama soo daabcdeen jawaabtii aan siiyay
walaalkeen Maxamed Cabdi, Xaqiiqadii war bixinta uu
Maxamed cabdi qoray mid qaadanaysa weeye wakhti in la saxo, Halkaasna waxaa ka
muuqata mala awaal iyo sheeko suuq. Jawaab ayuu ii
soo diray adinkana aad hada mardhawayd soo daabacdeen waa mid caan ah oo ku
baysgaraysan Rag iska celi, Somaliduna waxay ku mahmahaan Rag iska celi iyo Rabi
ka cabso isku meel magalaan!!! Waa xaqiiqa lakiin khaladaadkiisa ma uusan
qiranin, ee waxa uu sii adkeeyay ama ku adkaystay in warbixintiisii ay sax tahay!!!
Arinku si waliba ha ahadee somalidu waxa ay tiraahdaa Ijiid aan ku jiido waa
gacmo daalis. Sidaas darteed anigu halkaas ayaan kaga harayaa ninkaas war
bixinta khaldan ee uu mushtamaca Somaliyeed ku faafinayo!!!. Maxamed Cabdi
waxaan u diray E-mail taas oon oogu sheegay in aanan ku qancin jawaabtiisa,
hadee magaranayo hadii uu e-mailkaygii aan u diray uu edition ku sameeyay oo
uu idiin soo diray taas oo hadii uu sameeyay noqon karta Arin aad u cusul oo
Khayaamo ah!!!.
Sideenaba hadii aan somali nahay in aan qirano khalad dhacay waa wax aan la
filaynin!!! Taas oon filayo in ay noogu wacantahay Badawnimada iyo inaga oo
ah isma dhaanto iyo dhashood!!!. Ninwaliba uu rabo in waxa uu yiraahdo
laqaato, taas oo na dhaxalsiisay Cawaaqib xumada maanta nahaysata Dibad iyo
Gudahaba!!!. Ninwaliba waxa uu leeyahay aniga aniga aniga!!!
Run ahaantii Web sitekiina (Somalitalk) waa mid aan u badnahay galidiisa maalin
iyo habeen intuba. Marwalba oon Computerkayga Shaqada iyo kan kuriga furo
aanan galin waa dhif. Taas ooy oogu wacantahay kalsooni badan oon u qabo iyo
warar Sugan oo akhlaaq islaami ah oo wanaagsan ku dheehantahay oo marwaliba
ka muuqata.
Waxaanse idinkula dardaarmayaa marka hore Cabsida ILAAHAY goorwalba iyo in
iinaan cidna u xaglinin sida Policygiina ku jirtaba. Xataa Hadii u qofkaas yahay
walaalkaa hoyadaa dhashay in aad cadaalada ku dadashaan dhamaantiin. Wax yaalaha
aan salka lahayna iinan Mushtamaca Somaliyeed iinan u soo gudbinin. INSHA ALLAH.
WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI.
Abu Maxamed-amiin
Qoraalkii hore ee Abu Maxamed-amiin ka akhri halkan