Waxaa soodiyaariyey:
Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
March 17, 2001
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Bacda salaan ,walalayaal waxaa halkan idinku soo gudbinayaa Qaybtii ugu Danbaysay ee
Nolosha Qaxootiga Somalida Kenya
,Gaar ahaanna waxaan kaga hadlayaa Qoraalkan Xerada Qaxootiga ee IFO-Kenya.
Qoralkan waxaa uu dabasocdaa Qoraladii hore eelagu soo dabacay Shabakadda
somalitalk.com ee aan kaga hadlayay Qaxootiga somalida ah ee ku nool xeryaha Kenya ,Qoraaladaas hore waxaan kaga soo hadlay Xeryihii kuyiilay Dalka kenya sida
Utange, Banadiri,
Brava, Jaliyadda, Jomvu,iyo
Kakuuma(KKUMA),
Qaybtan waa qaybtii ugu danbaysay ee Xeryaha Qaxootiga
Somalida e kuyal dalka Kenya, Qoralkiina waa kan .
Xerada qaxootiga ee looyaqaan IFO waxa ay kutaal Dalka kenya ,waxayna kaga taal Gobolka looyaqaan Waqooyi Bari Kenya(North Eastern-Kenya) Xerada waxa ay xuduud laleedahay Magaalada Garissa ee ah Caasimadda Waqooyi Bari Kenya,Inta aanan u guda galin fahfaahinta Qaxootiga wax yar aan ka qaadano Barasho Gobolkan Waqooyi Bari ee Kenya, Gobolkan waxaa daga dad Somali ah, Gobolkan waxaa uu kamid yahay dhulka looyaqaan (FD) Waa Dhul somaliyeed oo Dowladda kenya ay mamusho, Degmooyinkiisuna waxa ay kukala baahsan yihiin dhaman Waqooyi Bariga Kenya Waxana kamid ah (Mandera,
Celwaq, Isiolo, Wajir, Liboyo)IWM.
Haddii aan dib ugu soo noqdo Xerada Qaxootiga ee IFo, Xeradan waxaa
lasiman oo wax yar ay isu jiraan Xeryo kale oo yar yar , lagana yaabo inaad iswaydiiso oo ah (Dhadhaab iyo
Xagardheer) ,haddaba Adigoon boodin bal wax yar dhuux sheekadan.
IFO waa Xerada laga Xukumo Xeryaha oo idil,uguna wayn uguna dad badan,waxaana daggan jaaliyado kale oo ay wadagan yihiin Somalida,Xeradu xaqiiqadii meesha ay kutaal waa dhul nabaddiisu ay Adag tahay, dadka kunool Xeradan IFO waxaa lagu qiyaasaa illaa (90)Kun oo qof ooisagu jira
(Somali,Itobiyan,Sudan,Oromo)Xerada waa lagu kala badan yahay ,jaaliyadda ugu badanna waa SOMALI, Xeradan waxaa jira Nidaam ay UNHCR-ta u Samaysay oo ah (ZONES) Zones-kan waa habka dadka ay degaanka u leeyihiin qaabka lagu garto oo marka UNHCR-ta Raashin ama Howl ay rabto inay goob kaqabato xerada kamid ah Adeegsato, Xerdaa waxay u samaysan tahay Qaabkan Tusaale ahan (A1,
A2, A3, B1, B2, C1, C2, C4) eeg Halkaas waxaa kujira Faraq, farqu muxuu yahay ,Arrinkan waxa uu anfacayaa dadka hay'adahaqaxootiga kadoona inay kahelan Dib udajin Qaxooti ee Dowlad shisheeye oo saddexaad(3ad)
Ressetlement Proggrame. haddaba faraqu wuxuu yahay waxan Qoran (A1,A2,A3)meesha waxa kaga muuqda
(B1,B2,iyo C1,C2,C4)meeye (A4,B3,C3)majiraan, Dabcan Aragtay.
yaan lagugu qiyaamayn marka Inter-View lagula yeelanayo, Inta kamaqan ee aan sida gaar ka ah umuujiyay majiraan xeraduna malahan qaabkaas ayayna UNHCR-ta u mamushaa Xerada,Qaybta(C4)waxaa daggan oo kali ah
Itoobiyaan ,Intaasna Xafid fadlan waxay kaa caawinaysaa marka lagu waydiiyo su'aal ah
sidee xerada jaaliyadaha u kala daggan yihiin.
Intaasi waxaan u doorbiday dadka somaliyedqarkood E-Mailo igu soowaydiistay inaan usoo sharaxo qaabka loodaggan yahay Xerdan,iyagoo shabakadda Inter-Net-ka ee somalitalk.com ka aqristay
xeryihii qoraldii hore waxaan walaalaha sharafta leh u soo gudbiyay jawaabtii su'ashooda Anigoo haddana ugu soo daabacay shabakadda
Internet-ka somalitalk.com
haddii aan usoo noqdo Nolosha dadka waalayaal Xeradu waa qaxooti,waadna garanaysaa Xero qaxooti sida ay Nolosheeda tahay,xeradan lamid ma'ahan xeryihii hore ee aan horay usoo gudbiyay sida Utange,
Banadiri, Brava, Jaliyadda,Jom-Vu, Macnaha meesha kujiraa waxa ay tahay
Xeryihii hore waxa ay kuyiileen Magaaloyin waa wayn oo dadku ay ka ganacnayeen oo nolosha meeshaas dadka qaarkood kasoo saaran jireen qaarkoodna ayba daganayeen magalooyinka ,hasayeshee IFO lamid ma'ahan oo waxaa magaalo ahaan usoo xiga Garissa oo u jirtaa Ilaa (40KM) haddii aysanba ka badnayn, ganacsiga xerada ma Buurna(mafiicna) horumarna malahan, magalada Garisa ayay dadku maalintii iska aadan qofba waxa uu rabo haddii uukasoo helo ayuu kasoo noqdaa ,magaladas Garissa waxa kali ah ee dadka qaxootiga ahi ay kahelaan waa Xiriirka Dibadda (Telecommucation) oo ayba umarayaan Bosto,
lacagbaa lala baxayaa,wax kale oo laga fa'ido maleh, Xerada nabaddeeda ma fiicna,habaynkii waxaa kataliya SHUFTO, waxaad maqlaysaa rasaas ,Cid bixikarta majirto oo Reerkaas ay shuftada heshay uma gurman kartid, markuu waagu baryo ayaad waxad arkaysa dadkii oo madaxa iskula jira oo iswaydiinaya sida ay wax u dhaceen, haddii meel kuu jirta (Saddex)tilaabo waa Alabkakugu xiga oo inta shufto kusoo gasho ad qaylo bilowdo Cidkuu imanaysa majirto dariskaaga waxay is oranayaan (Haddii aad sharqan yar bixiso Adigaa kuxiga)Qofkastaa Afkuu marada kabuxsan.
waxaa taas dheer oo layaab ah markii aad Boliska utagto waa waardiya yaasha Xerada
oo aad tirahdo shuftaa xalay iisoo gashay waxaa lagu leeyahay Ma'arkaysa nin dhibban baad tahay waxaad ku jawabaysaa (Haa), Adigaaba lagugudhagayaa oo lagu leeyahay sidee U'arkaysay ,iyo Xirir baad laleedahay Shuftada. Waxaa taas dheer Nimanka wax dhaca habaynkii Xerada ayay kula daggan yihiin, laga yaabee Bolisku inuu yaqaan isagaa Boliska ah ayaa lafahiisa kaga cararaya, waa kud kaguuro Qanjo Uguur.
Dadka xerada daggan dhibaato kale ayay
qaban oo ah , dadku markay daggan yihiin oo ay rabaan inay wax Cunno ah samaystan waxay ubaah naanayaan Dhuxul ama
Xaabo, halkaas dhuxul maleh waxaa laga helaa xaabo(Qoryo Lasoo Gurto)oo wax lagu karsado,xaabooyinkii meel xooga jirta ayaa loodoonta ,waxaa laga yaabaa Reerki inuusan wiil ujoogin hasayeshee Hal(1)gabar ay leeyihiin,Gabadhii ayaa aadaysa meeshii waxaa jidka u galaya Shufto ,way kufsanayaan Inkaar qabayaasha.
hadhoow ayaa gabadhii oo rafaadsan imanaysaa waxba la'isma waydiinayo meeshu waa lagu yaqaan Amuurtaas, dhibtii markii ay badatay ,rag lagu layay oo ay ku nafwaayeen iyagoo gurigooda tugada ka ceshanaya ayaa waxaa dhacday inay dadkii isu diwaan gashaan inay ku noqdaan wadanka Somaliya gaar ahaa Gobolada Maamul Goboledka Somaliya ee Punt Land dadkii waxay noqdeen kuwa dib ugu noqday Somaliya ,qaarkoodna waxay usoo guureen garissa si tuugaysi ah.
xagga wax qabadka UNHCR-ta walalayaal waxaa jira qaab ay UNHCR-ta dadka wax uugu qabato oo ah Qofka
kiis (Case) kiisa inu yahay mid ku sifaysan Nidamka caalamaiga ah ee qof qaxooti ah wax loogu qabto haddii Dib u dajin wadan 3aad loo rabo,iyadoo ay tasi jirto ayaa haddan Shaqaalaga UNHCR-ta haddii ay yihiin Somali,Caddan ,iyo Madowba intaba waxa ay wax ka radinayaan inay qofkii arrinkisa ka gadaan qofkale oo siistaan illaa lacag gaaraysa ($3500-4000)oo lacagta Adag ah,waxaan indhasaaray gabar madaxa Buro kagataal oo kiis keedii ay qaadatay Dowladda Swizerland , gabdhii Case-keedii marka ay xafiiska tagto waxa loo sheegyaa sheeko dheer oo ay ku
raaxaysanayso (U Bogayso) case-keedii waxaa laga gaday dadkale wayna ku baxeen oo gaareen Swizerland, Markii ay kasoo waregatay laba(2)sano ayaa waxaa caddaatay in
Case-keedii lagatay , waxaa kale oo jira gabdho doonaya inay sheegtan dhib gaartay ,kuwa somalida ah ee
kashaqeeya Xeryahaas ayaa waxay oranayaan laba arimood
gabdhaha iyagoo kala doorin siinaya,labada arrimoodna waa sidan.
A) maxaad kaqabtaa haddiiaan isguursanno .
B)Case-kaada waan soo saarayaa lakin dadbadan baan ka dhigayaa ee Adiga dadkaas sheego
inaad wada dhalaten ,dabadeedna wixii kasoo baxa Anigaa iska leh, Adigana wadankii aad rabtay haddii aad hesho nabadeey.
Waxaa labadaas arrimood dabasocda in inta Case-kaadu qabyo yahay aad qarash badan hurtaa oo qofkii arrinkaada ku shaqada lahaa haddii uu somali yahay Qayilaaddiisa aad Baraxdaa(Ogolaada),haddii uu yahay Madowna aad
Qamrigiisa dhiibtaa ,haddii uu yahay Caddaana aad Wax kawayn intaas ogolaataa ,maxay tahay waxaa wayn waa Su'aale ,waxa wayni oo lagaa doonayo waa Lacag wayn inaad bixiso, Lacagta walaalkaa ama walashaa ay kuugu soodirto Biil ahaan ayaa lagaa radinayaa .
Xerada gudaheeda maqaayado raashin ayaa kuyaal,Iskuulo ay UNHCR-ta ka dhistay ayaa kuyaal, xagga Diinta
masaajidyo ayaa kuyaal si'aad ah looga fa'iidaystay, dadka daggan xeradan waa u Bisladeen Qaxootinimo, Dhinaca Dib u dajinta dadku intaas waa rajo doon ,Qooysas kale oo aan sidaas u badnayna waa ka baxeenoo dibadaha ayay u dhoofeen qaabkii qofta alle oga sahlo ayay dadku u kala baxeen,
Xeryaha kale ee Dhadhaab iyo xagadheer
waakasii liitaan IFo oo marka loo'ego IFo waxay noqonaysaa Magaalo, labadan xero oo kale waxa daggan dad aad danyar u'ah, hasayeeshee IFO hadda waxan noqotay magaalo iska luudaysa,waxa hadda ka furan xawaaladihii ,xagga taleefonada waxaa jira ganacsade yaal geeyay Taleefoon iyo Radio Hadal (Telegramm) marka daqiiqaddii talefonka ahayd ee aad kula hadashay dadkaaga waxad bixinaysaa lacag garaysa (150-200Ksh) meshas waxaad ka
dareemaysaa in wali dadku dhibban yihiin ,waxaase laga roonaday Kufsigii Badnaa ee jiray , xagga dhaqalaga dadku waxaa loosoomarshaa bilalka Shirkadaha xawaaladaha ee hadda jira gaar ahaan waxaa hadda xerdaas kajira guud ahaan Saddex shirakadoo oo xawaaladod oo kala ah (Amal Express And Ent, Dahabshiil, Barakat)
shirkadaha kale majiran Xeryahas.
walalayal guud ahan xaaladda xeryahaas waa sidaas ,intana waxaan kusoo gaba gabaynayaa Qaybtii ugu danbaysay ee Nolosha dadka Qaxootiga ah ee Somlida ee Xeryaha Kenya.
waxaan walaalaha sharafta badan u shegayaa haddii ay ubaahdaan Qoraaladii hore ee aan kaga hadlayay xeryaha qaxootiga ee kenya inaad kal xariirtaan madaxa shabakadda somalitalk.com Mr Maxamed Cali oo
ah webmaster@somalitalk.com
ama qaybtan oo katirsan isla shabakadda somalitalk.com oo ay ku jiraan dhamman qoraladii qaxootiga ee lagu dabacay somalitalk.com waana sidan uqor marka aad galayso shabakadda
www.somalitalk.com/qaxooti waxaa kuusoo baxaya qoraalkii oo aad ka arkayso qaybtaas.
walalaha sharafta badan ee isoowaydistay qoralkan fadlan waxaad kahelaysaa qoralkan somalitalk.com iyo qoraalo kale
oo idin raali galiya xaqiiqadana ehel u'ah.
Intaas waxaa ku'eg Qoraalkii Xerada Qaxootiga ee IFO.
Qoralkan waxaan u hibeeyay shabakadda InterNet-ka ee somalitalk.com
waxana aan u doorbiday dadka somaliyeed ee daneeya arrimaha qaxootiga
somalida.
mahadsanidin
waa walaalkiin maxamed cabdi
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com
JAWAAB CELIN KUSOCOTA QORAAGA WARBIXINTII XERADA QAXOOTIGA IFO
Qore: Abu Maxamed-Amiin, March 17, 2001