Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika
AASKA NIN SOOMAALI AH OO SHALY (Dec 31, 2007) LAGU DILEY K/AFRIKA OO EEY
DAD BADANI KASOO QEYB GALEEN.
DAD KU DHOW BOQL QOF OO SOOMAALI AH AYAA KASOO QEYB GALAY AASKA NIN DHALINYARO
SOOMAALIYEED AH OO SHALYTO KOOXO HUBEYSAN EEY KU DILEEN TUULO KU TAALA K/AFRIKA,
MARXUUMKA OO AL ORAN JIREY CUMAR CABDI NUUR, 27 JIR AYAA DALKA JOOGEY BIL IYO
BAR KALIYA, SHALYNA U GEERIYOODEY TACSHIIRAD WADNAHA KA HALEESHAY.
Jan 1, 2008: Shalay galinkii dhexe ayaa dhowr nin oo aan heebtooda la
garanaynin oo hubeysay u dhaceen dukaan tuulo ku yaala oo rag soomaali ah
leeyihiin, xilli 3 nin oo soomaali ah oo qaar ka shaqeeya iyo kuwa leh isugu
jirey eey ku sugnaayeen gudaha tukaanka dhibtu ka dhacday, ragii hubeysnaa ayaa
si aan loo miidaan dayin u furey xabadi, kuwaasoo midii ugu horeysey eey
haleeshay Cumar Cabdi Nuur, 27 jir, tukaankana shaqaale ka ahaa, isla markaasna
dalka yimid 13/11/07. isla maalintaasna shaqo u tagay isla tukaanka uu shaly ku
geeriyoodey.

Sida uu xaqiijiyey mid ka mid ehelada ninka dhintey oo joogey aaskiisa oo lagu
magacaabo Aadan c/alaahi, kooxda ninka soomaaliga ah dishay ayanan wax hanti ah
ka qaadan tukaanka, oo inta eey dhibka geysteen isaga cararay goobtii shilku ka
dhacay, Aadan ayaa intaasi raaciyey in kooxdani tuugada ah ee dhawaanahanba
qalqal galineysay dadka soomaalida ah ee tuuladaasi 30km u jirta Johansburg
ganacsiyada ku leh, wuxuu sheegey in tukaamo dhowr ah oo aaga ku yaala eey u
dhaceen bilihii dhawaa, oo eey dad jir dil ku sameeyeen kadibna lacago iyo hanti
kale kala baxsadeen tukaamada. mid ka mid ah dhalinyardaii jir dilka lagu
sameeyey oo eey ka muuqatay dhaawacyadaii soo gaarey oo ahaa daqar fashadi
saarantahay ayaa kasoo qeyb galay aaska, wiilkaasi oo da'diisa aan ku qayaasay
16jir ayaa la'ii shegey in dhiig badani uu ka baxay oo isbitaal loo jiifiyey.
balse dhacdadani aya la sheegey ineey aheyd tii ugu horeysay dhawaanahan oo eey
dadku dhintaan tuulaadasi.

Qabriga ninkani maanta lagu aasey galinkii hore, ayaa waxaa ku hareera yaala
illaa dhowr nin kale qabriyadooda oo wada soomaali ah, oo dhamaantood siyaabo
kale duwan u geeriyoodey dhawaanta, waxaase xusid mudan in qabriyaadasi uu ka
mid yahay qabriga ninkii lahaa dukaanka wiilka shalay lagu diley oo laakiin bas
ale u geeriyoodey 13/11/07, laguna magacaabo jeele cabdi.

Sida la sheegayo tan iyo intii la galay 6dii bilood ee ugu dambeysay sanadkii
shalayto naga tagay, dalkani K/Africa tirada dadka soomaalida ee lagu diley ayaa
gaareysa inka badan tobon iyo dhow qof, waxaane iska caado ah in sanad kasta
dhamaadkiisa eey sare u kacdo tirada dhimashada soomaalida, maadaamaa la yiri
tuugada dalkani ee hubeysan ayaa geysta falal fool xun si eey u helaan lacago
eey ku tumasho tagaan, ama ku dalxiis tagaan sanadka bishiisa 12aad oo ah goorta
malaayiinka dalkani ku nool eey u fasax tagaan ciidooda masiixiyada ee
chrismas-ka loo yaqaano.

Aaskii maanta ka dib ayaa waxaa dadka qabriga dushiisa kula hadlaya Sh. Maxamed
Amiin Jowhar oo ah imaamka masaajidka soomaalida ee johansburg, ka dib wacdin
iyo waano diineed ayuu sheekhu hoosta ka xariiqey ineey muhiim tahay in dadka ah
mulkiilayaasha tukaamada tuulooyinka ku yaala eey si bino'aadanimo ah ula
dhaqmaan dadka u shaqeeya ee laga yaabo ineey dalka ku cusub yihiin, oo uu yiri
iyagoo oo aan kala aqoonin dadkii iyo deegaankii laga ganacsanayay ayaa looga
tagayaa kaligood tukaamada oo markkaasi si sahlan oo aan loo baahneyn eey u
noqonayaan dhibanayaal, inta badane dil waajaha, wuxuu intaasi ku daray in dadka
shaqaalaha ah loo fasaxo ineey cibaadeystaan, dukaamadan la xirro salaada
jimcaha oo dadka dukaanka jooga oo dhan eey soo wada tukadaan.

Ma jirto cid loo qaabtay dilkani dhacay, manaba dhacdo inta badan in ciidamada
amaanka dalkani eey wax talaabo ah ka qaadaan dadka geysta falalka ceybkaan oo
kale ah, sanadkastana waa eey sii kordheysaa tirada soomaalida lagu dilo, iyadoo
dhanka kale eey xuduudaha dalka kusoo fatahayaan kumanaan soomaali ah oo
soomaaliya xaalada ka jirta baxsad ka , dadkaasi ayaa ah kuwa u qatarta badan in
la dilo , waayo naf la caarinimo darteed ayay u galaan meelo amaankoodu uu halis
yahay. walow in badan laga wacyi galiyo goobaha la'isugu yimaado.
Soomaalida Lagu Diley Qurbaha ka akhri halkan....
c/nasir axmed. saxansoxo.
saxansoxo1@hotmail.com
Dareenka
Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008


|