K/AFRIKA: NIN MAANTA [Isniin Jan 7, 2008] LOO QABTAY DILKA IYO GUBIDA
2 NIN SOOMALI AH
WAA TALABO HORMAR LEH, POLICE-KA GOBOLKA EASTERN CAPE K/AFRIKA AYAA SHAAC KA
QAADEY INEEY HAYAAN NIN 29 JIR AH OO KU EEDEYSAN DILKA , DHACA IYO GUBIDA LABBO
NIN OO SOOMALI AH OO HABENKII AXAD LAGU GUBEY DUKAANKOODA OO KU YIILEY TUULADA
DUNCAN VILLAGE EE MAGAALADA EASTLONDON.
- Laba Soomaali ah oo markii la toogtey kaddib dab lagu Gubey Xaafadda
Duncan Village ee East London, Eastern Cape, Koonfur Afrika.....
- Gobolkani Eastern Cape, ma ahan gobol ku cusub in dad soomaali lagu
gubo, 14/11/07 ayay aheyd markii labo wiil oo soomali ah oo wada dhashay
lagu gubey dukaankoodii oo ku yiiley Mthatha, sanad iyo bilo ka hor (2006)
magalada Muselbay ayaa sidoo kale labo dhacdo oo isku mid ah oo isu dhawaa
iyana lagu gubey rag soomaali ah 4 gaarayay.
Nuur Maxamed oo dhex taagan dukaankii lagu dhex gubey
dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaafadda Duncan Village... Isha:
www.dispatch.co.za |
Afeyeen u hadlay police-ka oo lagu magacaabo Captain Stephen Marais ayaa
saxaafada u xaqiijiyey in gacanta lagu hayo nin 29 jir ah oo ku eedeysan dilka,
dhaca iyo dab qabadsiinta labo nin oo ah dhalinyaro soomaaliyeed, oo habeenkii
axada (Jan 6, 2007) abaaro 2:34 laga heley dukaankooda dhexdiisa iyagoo jirkooda ku yaalaan
xabado, si xuna u gubtey kadib dab la qabadsiiyey, kaasoo gubey hantidii
dukaanka tiiley, kadib sida la sheegey markii 4 nin oo burcad ah eey soo
weerareen, kana dhaceen wixii lacag ahaa oo dukaanka yiiley, dabadeedna dab ku
qabteen dukaankii kaasoo gubtey gabi ahaanba. ninka la qabtey ayaa la hor geeyn
doonaa maxkamad ku taala magaalada East London dacwad la xariirta heysashada
hanti lasoo dhacay, balse ma wajahayo dacwad dil, maadaamaa aan wali cadayn lagu
heynin.
Sida SomaliTalk.com uu u xaqiijiyey Suldaan M. Abdi oo ah arday wax ka barta
jaamacad K/afrika ku taala, oo goobta falku ka dhacay u tagay aaska , nimanka
dhalinyarada ah ee la gubey ayaa lakala oran jirey Saciid Khaliif Jaamac, 17 jir
(shaqsigii ugu da'da yaraa oo loo dilo dhawaanahay sidaasi foosha xun), iyo
Badal Sh. Maxamed, 26jir, labada dhibane ayuu sheegey in eey dukaanka shaqaaale
ka ahaayeen, isla markaasna eey kaligood hurdeen markii saqdii dhexe habeenkii
axada ee taariikhdu eey ku beegneyd 06/01/08 eey koox hubeysan albaalka kusoo
jabisay qufuladii tacshiirad, kadibna gudaha usoo dhaadhacay, Suldaan oo qadka
taleefoonka iigu waramayay wax yar kadib markii uukasoo baxay shir eey la
lahaayeen soomaalidii meesha joogtey saraakiisha ciidamada abniga, ayaa ii
sheegey in raga hubeysan eey wiilsha ka qaateen wixii lacag cadaan ahaa ee
tukaanka yiiley, kadibna xabadu dhowr ah la dhaceen, ka hor intii eeysan
tukaanka ka bixina ku bilbiley gaas iib ahaa oo tukaanka yiiley, dabadeedna dab
ku qabtay, goobtana ka baxsaday. dab damiska iyo gawaarida gargaarka ee
dhuudhaa-da loo yaqaano ayaa goobta falku ka dhacay soo gaarey xilli wax kasta
eey isku jumuseen, balse eey usuura gashay ineey dabka ka badbaadiyaan qeybo ka
haray jirkii bino'aadamka oo laga ogaaday tacshiirada jirkaasi haleeshay.
- Saciid Khaliif Jaamac waxa uu Koonfur Afrika ku yimid fasax, hooyadiisna
waxay markii hore ku tiri dalkaan ha iman waa khatar in lagugu dilo'e,
sidaas waxaa warbaahinta Koonfur Afrika u sheegay Jaamac oo ay marxuumka
ilmoadeer ahaayeen.
Meydkii labada nin ayaa la'ii xaqiijiyey in shalay lagu aasey qabuuro ku
yaala magaalada eastlondon, saraakiisha ciidamada amaanka oo sameeyey howlgal
balaaran oo eey ku baadigoobeen dambiilayaasha ayay u suuro gasahay gacan kusoo
dhigida eedeysanahani iminka la haayo, kadib xogo (tip off), eey bixiyeen xubno
muwaadhiniinta dalkani ka mid ah. ninkani ayaa lagu heley matoor (generator),
nooca yaryar ah oo uu aqoonsaday mulkiilihii dukaanka oo ahaa nin soomaali ah,
dadka xaafadana eey yiqiineen. police-ka ayaa wali kusii daba jira raadka raga
baxsadka ah ee falka lala xariiranayo, arrinta gubida ragan soomaalida ah ee
ilmaha yari uu ku jiro (K/Africa qofka 18 jir ayuu qangaar ku noqdaa), ayaa
cirka isku shereertay kadib markii si weyn eey u tabisay saxaafad afka dheer ee
dalkani ka howlgasha, oo tv iyo wargeyso iyo radio ba leh. police-ka dalkani oo
inta badan lagu eedeeyo wax ka qabad la'aan dadka dabiyada geysta ayay
tilaabadani tahay mid wax tar leh.
Gobolkani Eastern Cape, ma ahan gobol ku cusub in dad soomaali lagu gubo,
14/11/07, labbo bilood uun ka hor ayay aheyd markii labo wiil oo soomali ah oo
wada dhashay lagu gubey dukaankoodii oo ku yiiley Mthatha, sanad iyo bilo ka hor
magalada Muselbay ayaa sidoo kale labo dhacdo oo isku mid ah oo isu dhawaa iyana
lagu gubey rag soomaali ah 4 gaarayay. dilka sanadkasta ka dhaca gobolkani tiro
malahan. Waxaa xaalada oga sii dara soomalida oo dhex seexata tukaamada oo eey
hanti badani dhex taalo, taasoo keenta in nafi eey ku go'do marka hantidaasi eey
kooxi damacdo in eey dhacaan, dilkana u geysta si eey u baabi'iyaan cadaymo laga
helo ama wax raad ah.
SHISHEEYE NECEYB.
Ma'ahan soomalida oo kaliya dadka shisheeyaha ah ee la beegsado, maalmihii
sabtida iyo axada ee aynu soo dhaaftey, illaa 50 meeyo qof oo ukala dhashay
wadamada Muzambique iyo Zimbabwe oo ahaa ganacsato degan xaafada Seshonguve, ee
ka tirsan magaala madaxda dalka ee Pretoria (Tshwane), ayaa ey soo gaareen
dhaawacyo kala duwan, kadib markii illaa 2kun oo qof oo dadka deeganka ah eey
soo weerareen ganacsiyadii dadkaasi shisheeyaha ah, oo mid ka mid ah lagu
eedeynayay inuu diley nin dadka deegaanka ah oo tukaankiisa dhac ka geystay,
kadibna ku dhintey ispital markii eey police-ka ka badbaadiyeen ninkii
shihssyeha ahaa oo garaacaya. dhaawacyada qaarkood ayaa halis ah oo ispitaalo la
dhigey, halka dhamaan dhulka lala simay ganacsiyadoodii. Dalkani oo caadi ahaan
eey aad sare u yihiin dambiyada laga galo ayaa hadane dadka caadiga ah waxa eey
had iyo jeer fooda is daraan dadka muhaajiriinta ah oo loo arko dad shaqo badan
oo wax tabac badan, taasina eey dhaliso in dadka deeganka eey ka maseeraan..
- Jan 1, 2008 ayey ahayd markii Koonfur Afrika lagu aasay nin kale oo
Soomaaliyeed oo lagyu diley...
Akhri halkan...
C/nasir Axmed (saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com, Johansburg South
Africa.
Soomaalida Lagu Diley Qurbaha ka akhri halkan....
Dareenka
Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008
|