Dad Sheegay In Marxuum Abu Qaasim uu Maansaar Laadlaadinayey,
halka Boolisku ku andacoodeen in uu Kor u ruxruxayey Maansaarta
March 13. 2002 | SomaliTalk Team
Warar ay maanta (March 13) shaacisay mid kamida jariidadaha magaalada
Minneapolis ayaa sheegay in dhawr kooxood oo Soomaali ah ay sheegeen in dad
goobjoog ahaa ay u sheegeen in Abu Qaasim uu maansaar haystey iaydoo dad ay
dhinaciisa tubnaayeen, laakiin sarkal boolis ah ayaa arintaas sheegay si
kaduwan.
Dhanka kale waxaa warku sheegay in boolisku ay markii hore adeegsadeen
xabbada Korontada ah, laakiin waxa wargeyskaasi ku waramay in lagayaabo in
dharkii uu gashanaa uu ka difaacey korontada, waxaana lasheegay in uu Abu
Qaasim yahay qofkii ugu horeeyey oo loo adeegsadey xabada korontada ama
Taser ah oo kadibna ladiley. waa sida wargeysku u dhigaye.
Waxaa warku intaas ku daray in hal xabbo oo korontada ah lagu dhiftay Abu
Qaasim taas oo sababtay in uu dhulka ku dhaco, laakiin wuu istaagey sida
lasheegay oo socod bilaabay, tii xigtayna waxba waa ka tari weydey, markaas
weeye marka lasheegay in ladiley.
Warkii Wargeyska StarTribune
March 13, 2002
Dhibanayaasha Socodka Kujira
March 13 | SomaliTalk Team
Qoraal ay maanta (mach 13) shaacisay shabakadda
ThisIsLondon ayaa shaaca ka qaaday in jaaliyadda Soomaalidu ay tahay
jaaliyada uu dhibka ugu badan Soowajaho marka la barbardhigo dhammaan
jaaliyadaha kudhaqan dalka Ingiriiska. Shabakaddu waxaa ay toos u soo
xiganeysay cilmbi baarin ay dhowan shaaca ka qaaday
NSPCC (National Society for the Prevention of Cruelty to Children), oo
mujineysa arintaas.
Waxa ay jariidadaasi xustay dilkii shalay loo geystey Kayser Osman
(15-jir), iyo dilkii
Abdul Kadir Maye (15 jir ahaa) oo December 8, 2001 lagudiley London, UK.
Waxa kale oo wargeysku tibaaxay in shalay xabsi weligiis ah lagu xakumay
wiilka dhawr iyo tobanjirka ah ee tooreeyeey Abdul Hamza oo 12jir ahaa oo
deganaa Holloway kadib markii isaga iyo qoyskiisu ka soo carareen dagaalkii
Somaaliya.
QUOTE: " Somalis have become the most victimised community in Britain,
according to research by the NSPCC."
ThisIsLondon
BOOLIISKA LONDON, UK OO AAD ISUGU DEYEY DEYEY IN
AY BADBAADIYAAN KAYSER CUSMAAN
Sida ay maanta (March 13) ku warantay Jariidada
guardian, mid kamida dadka deggan halka lagudiley marxuum Kayser oo lagu
magcaabo Michael Comer, 33jir, ayaa tilmaamay sida ay boolisku isugu dayeen
in ay badbaadiyaan wiilkaas, waxana uu ninkaasi yiri: "Waxay ahayd lixdii
makhribnimo oo aan guriga kusoo laabtay, markaas ayaan maqlay sawaxanka
gawaarida booliska,markaas ayaan bannaanka u soo baxay, booliska ayaa isku
deyayey in ay dhiiga ku celiyaan, oo xataa mid ayaa dharkiisii sidaas ugu
bixiyey, wuxuuna mid ka bambaynayey laabta (si uu hawada u qaato), waxay
rabeen in uu noolaado. Kadib ayaa kalkaaliyayaasha caafimaadku yimaadeen,
markaas ayaa booliskii oo dhami ku ifiyeen tooshashkooda dhankii wiilka si
nal ahaan ah, malaha kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa daweynayey markaas".
Jariidadu waxa ay intaas ku dartay in aan weli lahayn cida iyo sababta
dilkaas.
Warkii Jariidada oo dhan -Guji
15-Jir Soomaali ah oo Lagu Diley London, UK
SomaliTalk Team | March 13
UK - Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa
tibaaxay in wiil soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Kayser Osman Taladadii
lagu diley magaalada London.
Waxaa wararku sheegeen in wiilkaas lagu diley mindi, welina macadda cidda
dilkaas geysatey, cidna weli arintaas looma xirin.
Boolisska Ingiriiska oo raadinaya cidii dishey Kayser Osman
PHOT BBC UK |
Waxaa warku intaas ku daray in wiilkaasi lagu diley meel gurigooda u jirta
300 yaardi, wuxuuna ku dhintay dariiqa lagu magcaabo Taylors Lane, Willesden,
oo ah galbeedka London, qiyaastii markay saacada London ahayd 1800 GMT (lixii
makhribnimo ) ee Talaado. Waxaana lasheegay in wiilkaas lasoo weeraray,
dhacdadaan oo BBCda qaybta UK ay ku warbixisay in ay ka qayb qaateen sagaal
dhallinyaro ah.
Waxaa wararku intaas ku darayaan in tan ay ku xiriirsantahay dagaal xagga
kubada cagta ah, welise ma cadda cida iyo sababta dilkaas.
Marxuumku waxa uu dalka Ingiriiska yimid sannadkii 1989 isagoo kasoo
cararay dagaalkii ahliga ahaa ee Soomaaliya.
Dhanka kale sida ay kuwarantay shabakadda
icnetwor booliska ayaa raadinaya ama ku daba jira cidii dilkaas geysatey.
Street row led to fatal stabbing
Police hunt killer of 15-year-old Somali boy
March 13, 2002
Soomaalida Minnesota oo Cambaareeyey Booliska Minneapolis
SomaliTalk Team | Minneapolis, MN, USA | March 12
Wararka ka imanaya Minneapolis maanta ayaa tibaaxay in hogaamiyayaasha
Soomaalida kudhaqan Minnesota ay cambaareeyeen dilkii boolisku ay dileen Abu
Qaasim Jeylaani, waxaana ay weydiisteen in dad madax bannaan ay baaraan
sidii falkaasi u dhacay, waxa kale oo ay weydiisteen in taliyaha booliska
Minneapolis jagada laga xayuubiyo.
Warkan halkan - StarTribune
Qareenada Soomaalida Minnesota oo Kubaaqay in
Taliyaha Pooliska Minneapolis jagada Lagaxayuubiyo
SomaliTalk Team | Minneapolis, MN, USA | March 11 | Update:
March 12
Wararka ka imanaya Minnesota ayaa tibaaxay in saakay (Isniin march 11) ay
shir jaraa'id qabteen qareeno Soomaaliyeed, kuwaas oo duqa magaalada
Minneapolis ka codsaday in uu jagada ka qaado taliyaha booliska (Police
Chief) ee minneapolis oo lagu magaabo Robert Olson.
"My husband died today and I can't
think clearly," Ikar said through a translator as tears ran down her
face.
Pioneer Press
R.T.
Rybak
Mayor of Minneapolis
Eeg sawirka oo weyn
Warxaafadeedkii Soomaalidu ku qabteen Minneapolis oo ay ku
weydiisteen in Taliyaha booliska Lacasilo |
Duqa magaalada Minneapolis, R.T. Rybak, oo saakay goobjoog ka ahaa goobtii
warsaxaafadeedka lagu qabtay oo u dhow halkii lagudiley marxuum Abuu Qaasim
Jeylaani [Abu Kassim Jeilani] ma uu ballan qaadin waxkaqabashada codsigaas (shaqada
ka qaadida taliha Booliska).
Dhanka kale wararku waxa ay intaas ku dareen in kulan gaara ay
galabnimadii shalay (March 11) isugu yimaadeen 40 Soomaali iyo duqa
magaalada Minneapolis. Warka kulankaas oo faahfaahsan ka akhri
Halkan - Pioneer Press
"Boolisku waxa ay adeegsadeen xoog aan loo baahnayn, waxay ka-toogan
kareen lugta, ma ahayn in ay dilaan " sidaas waxaa yiri Cumar Jamaal oo ah
madax sare oo katirsan xarunta qareenada Soomaalida oo ka hadlayey shirka
jaraa'id. Waxaana uu intaas ku daray in afar qof oo Soomaali ah oo goobka
dilku ka dhacay joogey ay booliska u sheegeen in ay caawini lahaayeen (marxuumka
iyo booliska dhexdooda), laakiin ay taas boolisku diideen, waa sida warku u
dhigaye.
Sida uu sheegay Telefishainka WCCO, galabnimadii axada ayaa taliyaha
Boolisku sheegay in kadib markii uu Abu Qaasim istaagiwaayey isagoo weliba
sitey maansaar markaas la toogtey,
Warkii WCCO - akhri.
Marxuumku, Abu Kassim Jeilani, waxa uu ifka kaga tegey xaas iyo laba wiil,
xaaska waxaa lagu magcaabaa Faadumo iikar [Faduma Ikar] oo 24-jir ah, labada
wiil waxaa lagumagcaabaa Jibriil [Jabril] oo 1-bil-jira iyo oo Cadnaan [Adnan]
3-sano-jir.
Marxuumku waxa uu Maraykanka yimid sannadkii 1997, waxaana uu markii hore
degey gobolka North Dakota intii aanu usoo guurin gobolka Minnesota.
Sida ay ku warantay jariid kamida kuwa ugu afka dheer magaalada
Minneapolis oo lagu magcaabo
Pioneer Press, Jaaliyadda Soomaalida Minnesota aad ayey uga caroodeen
falkaan Boolisku ay ku dleen marxumka, taas oo ay ka horeysey baaritaankii
Booliska ee dhimashadii Marxuum
Cali Warsame Cali oo 66jirka ahaa ee Soomaaliyeed, marxuumkaas oo 22kii
Octobar, 2001 kudhintay Minneaplois dhaawac lagaarsiiyey awgeed, laakiin ay
ilaa hadda Soomaalidu aad u saluugsanyihiin qaabkii uu Booliku arintaas u
baaray. Hoos ka akhri wararkii shalay e marxuumka.
Booliiska Minneapolis waa inuu dadka ula dhaqmaa si ixtiraam leh [Wardhere
August 12, 2001
English Version
WAXYEELADA QABYAALADDA IYO WACYI GELINTA UMMADDA - RA'YI
Police-ka
Minneapolis oo Toogtay Nin Soomaali ah
SomaliTalk Team | Minneapolis, Minnesota, USA | March 11
Sida ay ku warameen dad goob joog ahaa, waxaa galabnimadii Axada halka ay
iska gooyaan Chicago iyo Franklin uu Police-ka Minneapolis ku toogtay wiil
Soomaali ah, “wiilkan oo madaxa looga jiray in muda ahina dawo u socotay
ayaa uu Polis-ku arkay isaga oo Baangad sita kadibna waa ay toogteen” sidan
waxaa ku waramay Amin A E.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ninkaa dhaliinyarada ahi uu isla
markiiba u dhintay rasaastii Polis-ka, iyadoo xataa dhimashadiisii ka dib uu
diiday Polis-ku in laga qaado goobtaas oo uu shan saacadood oo kale uu
yaalay [
].
Lama oga ilaa iyo imika waxa iman doona ee tan ka dambeeya, laakiin waqti
aan sidaa usii fogayn waxaa halkaa joogay oo baarayay arintaa qolyo dhar cad
ah oo arintaa baarayay.
Marxuumku waxa uu deganaa
Xaafada Ceder ee ay Soomaalida Magaaladan Minneapolis deegaankeedu u
badan yahay. Marxuumku waxa uu dunida kaga tagay Xaaskiisa iyo caruur uu
dhalay, oo kuligood ku nool isla xaafada Ceder.
Saxaafadda minnesota oo warkaan aad uga hadlay xalay, waxyaabihii ay ka
qoreen waxaa kamid ahaa kuwa soo socda:
Sida ay qortay mid kamida jariidahada kasoobaxa Minneapolis oo
lagumagcaabo Startribune, waxaa poolisku ay ninka Soomaalida ah kufureen ama
ooda kaga qaadeen rasaas farabadan oo halmar ay dhawr askiri iskumar
kufureen.
Waxaa jariidadu intaas ku dartay in mid kamida dad halka ninkaas
lagudiley kusugayey Bus uu sheegay in ninkaasi uusitey mindi uu hoos u
laadlaadinayey laakiin uusan cidna wax kuyeelayn markaas. Dhawr Soomaalida
Minnesota oo wargeyskaasi waraystay oo garanayey marxuumka waxa ay sheegeen
in uu ahaa nin aad u wanaagsan. Waxaana wargeysku ku waramay in Soomaalidu
aad uga xumaadeen dilkaas. Warkii jariidadaas oo dhan
Ka akhri halkan
War uu faafiyey Teleshanka
kmsp.tv ee minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in nin Soomaali ah oo
layiraahdo Calawi Jeylaani [Alawi Jeilani] uu sheegay in ninka la diley uu
ahaa walaalkiis oo 27jir ah.
Waxaa TV-gu intaas ku daray in Soomaali kacabanayey ficilka Poolisku ay
axadii goobtii dilku ka dhacay isugu soo baxeen, waxaana warku intaas ku
daray in subaxda Isniinta ay Soomaalidu qorsheynayaan in ay qabtaan war
saxaafadeed. Waxaa kale o wararku sheegeen in duqa magaalada Minneapolis,
Mayor R.T. Rybak, uu sheegay in uu lakulmi doono madaxda Soomaalida
Minnesota.
Warkii TV Halkan ka akhri
Dhanka kale telefishanka lagu magcabo
kare11 (minnesota) ayaa sheegay in Poolisku ay baaritaan ku samaynayaan
booliskii arintan dilka ah geystey iyo sida arintu u dhacday.
TV-ga kale ee lagu magcaabo
kstp ayaa sheegay in shan pooliska kamida si kumeelgaar ah shaqada looga
farisiyey inta baaritaanka arintani socoto.
SomaliTalk Team
MPLS, March 11, 2002
Wararka kale ee Soomaalida - English