SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Koonfur-Africa Oo lagu dilay Ganacsadihii 7-aad ee Soomaaliya Sannadkan 2009-ka

Habeenkii Xalay ahaa ayaa kooxo hubaysan oo u dhashay dalkan Koonfur-Africa islamarhaanata burcadh ah waxay dil toogasho ah ku dileen muwaadin soomaliyeed ee ku sugnaa dunkaankiisa oo ku yiilay tuulada Delf ee magaaladda Xeebta ee Cape Town.

ALLAAH HA U NAXARIISTO Marxuum Axmed Abuukar Xaaji Xuseen oo lagu naa-neesii jiray (Axmedey Goobe) da''diisana la igu sheegay 38-Sanno jir ayaa lagu dilay magaaladda xeebta ee Cape Town xili u kuguda jiray shaqadiisa ganacsi,

Marxuumkan ayaa waxaa soo weeraray kooxo burcaadh ah kadib-na dukaanka u ku sugna si lama filan ugu soo galeen, waxayna ku bilaabeen handadaad, Isaguna wuxuu ku yidhi'' xiligaasi Please ha idilina ee qaata wixii aad rabtaan. Hasee-yeshee kooxihii burcadh ee weerarka soo qaaday ayaa warkaasi u cuntami waayay markiiba waxay ka toogteen madaxa isagoo halkaasi ku nafbaxay.

Inta kadib-na burcadh ayaa markiiba dukaanka u geysatay dhac iyo alaab gurasho Iyagoo qaatay wixii yiilay dukaanka Islamarkaana waxay ku baxsadeen gaadhi nooca toyota ah.

Arintani dilka waxaa cambaareeyay dhammaan ganacsatada soomaliyeed ee ku dhaqan dalkani K/Africa waxayna si aan kala har lahayn u canbaareeyeen falalka lagu bartilmaameedanayo mudooyinkan danbe ganacsatada soomaliyeed ee ganacsiga naf-la-caariiga ku haystaan dalkani.

Si kastaba ha ahaatee dilkan xalay loogeystay muwadinkan soomaaliyeed ayaa noqonaya kii 7-aad ee sannadkan 2009-ka loogu geysto ganacsatada soomaaliyeed ee gamaadka u soo doontey dalka Koonfur-Africa.

Hassan YeeY
koonfur-Africa-;Johannesburg
Email;- yeey18@hotmail.com

HALKAN KA AKHRI SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA.....

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 6, 2009

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS