SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dilal kala duwan oo xalay Loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka koofur Africa

Aug 28, 2008: Xalay abaarihii fiidkii ayaa kooxo hubeesan oo burcad ah waxay dilal kala nooc ah u kala gaysteen laba muwaadin oo soomaali oo ku kala sugnaa laba gobol oo kala fog halka laba kalene ay dhaawacyo ay ka soo gaareen ugu danbeyntiina isbitaalka loola cararay.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahim halka midka dhaawacmay lagu magacaabo Muqtaar Maxamed Guudle ka dib markii ay koooxo ku hubeesan bistoolada ay dil iyo dhac ugu gaysteen dukaankooda oo ku yaala tuulada Jckin Faarm oo ilaamaa 25KM u jirta magaalada East London ee wadanka koofur Africa.

Sidoo kale dhacdo caynkaan oo kalaa ayaa waxa ay ka dhacday tuulo kale oo lagu magacaabo Blaskop ee dhanka waqooyi kaga began magaalada Restenberg ee wadanka koofur Afrika ayaa waxay kooxo bur cad ah waxay dil toogasho ku dileen ganacsade soomaliyeed oo taagnaa ilinka hore ee albaabka halka mid kale uu dhaawac fudud ka soo gaaray goobtaasi.

Guuleed Maxamed Diini ayaa lagu magacaabi jiray marxuumka oo laba xabadood ay kaga dhufteen madaxa halka wiilka kale ee dhaawacane lagu soo gaabiyay cawil oo isagane dhaawac fudud ka soo gaaray sida uu ii xaqiijinayo gacal ayman gacal oo ku sugnaa goobtaasi wuxuuna intaasi ku daray marxuumka manta galinkii danbe lagu soo aasi doono qabuuraha muslimiinta ee magaalada Restenberg

Falalkaan kala goonida ah ayaa waxaa wal wal ka muujiyay dhamaan ganacsatada ku sugan dalkani koofur Africa iyadoo fajac iyo murugo ku abuurtay waxayna sheegeen in ay aad ugu xun yihiin soomaalidana aysan jirin cid u dooda xaquuqdooda ay uun iska nool yihiin oo kaliya

falkaan dilka ah ayaa waxa wal wal ka muujiyay muwaadiniinta kale ee ku sugan tuuladaasi oo ka fara jacay isbuuc gudihiis in lagu dilo laba nin oo somali ah isla hal tuulo sidoo kale marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha muslimiinta ee magaaladani cape town

Mudo 45 cisho gudahooda ayaa waxaa wadankaan lagu dilay dhalinyaro soomaaliyeed oo gaaraya ilaa sideed dhalinyara ah kuwaas oo dhamaan lagu weeraray goobahooda ganacsi iyaga oo aan wax danbi ah galabsan,waxa ayna tani u muuqanaysaa in weerar joogta ah lagu hayo soomaalida xilli ay dowlada koofur Africa ay horay u sheegtay In ay wax badan ka qaban doonto falalka amaan xumo ee lagula kacaayo ganacsada soomaliyeed

Sida uu ii sheegey C/raxmaan Caano Mac oo ah gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Rusternburg, dukaanka ninkani lagu diley sanadkii hore isla bishan oo kale ayaa sidoo kale lagu diley labo nin oo Soomaaliyeed, wuxuu intaasi ku daray in sanad kasta xiliyadan oo kale dilka uusoo kordho maadaamaa uu ayuu yiri, dad gobolo kale ka yimid ay usoo dalxiis tagaan gobolkani, wuxuu sidoo kale ii sheegey in illaa sanadkii hore bishii sideedaad ay tirada dhimashada Soomaalida marayaso 12 qof.

Caano mac ayaa ilaa hadlayay isagoo markaasi saran gaarigii meydka lagu waday, una sii socday aaska marxuumka, mar aan wax ka weeydiiyey waxa ay dowladau ka qabatay dilalka muwaadhiniinta Soomaalida ah ayuu sheegey in markii hore ay dhib ku qabeen saldhigyada Police-ka ee deeganada kala duwan oo aanan xil iska saari jirin soo qabashadada dambiilayaasha inta tuulo dil kazoo geystaan, tan kale u talaabaya oo aanan waxbo laga qaban, amaba loo qabto dambi kale oo guri jabsi ah iyadoo aanan wax tixtaac ah lagu samaynaynin dilkii uu geystey ee hore, laakiin markani la sameeyey gudi isku dhaf ah oo saldhigyuada ka tirsan kuwaas oo ku yimid codsi ay iyagu dowlada u gudbiyeen, gudiga ayuu sheegey in markani ay howsha galeen dacwadana iyaga ku wareegtey.

C/naasir Saxansoxo, Somalitalk.com, Johannesburg.

Soomaalida Lagu Laayey Qurmaha....

Faafin: SomaliTalk.com |  Aug 28, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS